Pages

Monday, June 16, 2014

Qaabkani Garsooreyaasha Shaqada Looga Saaraa Sharciga Miyuu Waafaqsan yahay Mise waa Qaab ka Baxsan Nidaamka Sharciga ah?

1.   Hordhac

Ugu horeyn waxaan ka afeefanayaa in ujeeddada qoraalkayga loo fasirto in aan cid gaar ah ku eeddaynayo ama ku difaacayo. Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkani loo fahmo dhaleecayn ku wajahan go’aannada ay soo saarto Guddida Caddaaladu iyo qaabka ay ugu dhaqanto awoodaheega dastuuriga ah.

Ujeeddada qoraalkaygu waxay khusaysaa qaabka shaqada looga saaro Garsooreyaasha dalka oo anniga iila muuqda mid aan sharciga waafaqsanayn. Waxaan qoraalkani ku faahfaahin doonaa muhiimada ay leedahay madax-bannaanida garsoorahu, iyo qaabka uu sharcigu dhigay ee lagu ruqsayn karo garsooraha. Aragtidayda oo qudha meeshani kuma xusayo ee waxaan aragtidayda daliil uga dhigayaa shuruucda dalka u taal siiba kuwa u gaarka ah garsoorka sida Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha anshaxa iyo anshax-marinta Garsoorka oo si faahfaahsan u qodobbaynaya hab-raaca shaqada lagaga saari karo Garsooreyaasha.

Muhiimada qoraalkaygani waa in aan caddeeyo qiimaha ay nidaamka caddaaladdeed u leeyihiin in Garsoorahu uu ka madax-bannaanaado cabsida shaqo ka saarista oo keeni karta inuu u nuglaado cid walba oo shaqadiisa saameyn ku leh. Taasi oo meesha ka saari karta dhexdhexaadnimadii Garsoorka iyo sareyntii sharciga, iyo in Garsooraha loola xisaabtamo si sharciga waafaqsan iyadoo loo anshax-marinayo si sharciga waafaqsan.

2.  Madax-bannaanida Garsooraha

Madax-bannaanida Garsoorka waxaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala 1) Madax-bannaanida waaxda Garsoorka oo ah in waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si ka madax-bannaan waaxyaha kale ee qaranka; fulinta iyo sharci-dejintaba. 2) Madax-bannaanida qof ahaaneed ee Garsooraha oo ah sidani aan ku xusay qoraal aan qoray sannadkii 2010-kii[i];

Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed
“Si caddaalada loo gaadho, Madax-bannaanida Garsoorka waxaa ugu muhiimsan in Garsoorahu uu noqdo qof madax-bannaan oo aanu noqon qof cid kale kursiga u fadhiya. Si uu Garsoorahu u madax-bannaanado waa in aanu markiisa hore ba aanu ahaan qof nugul oo magacaabistiisa ay cid gaar ahi ugu mano-sheegaynayso hadduu yahay reerkiisa iyo cid kale toona. Garsooraha waa in lagu magacaabaa kartidiisa iyo heerka ay aqoontiisa sharci gaadhsiisan tahay, markaasuu noqon karaa qof isku kalsoon oo caddaalad xukumi kara. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah in Garsoorahu uu ka badbaado in lagu cabiidsado xilka oo aanu noqon qof u baqa xilkiisa. Garsoorahu ma madax-bannaana inta uu og yahay in xiliga la doono xilka laga qaadi karo weliba sabab la’aan. Labadaasi arrimood ee aan kor ku sheegay waa arrimaha sababta u ah caddaalad-darrada baahsan ee dalkeena ka jirta. Qof la hayste ahi caddaalad ma xukumi karo.”

Si loo ilaasho madax-bannaanida Garsooraha, waxaa jira qaabab ama asbaabo loo dejiyey magacaabista iyo shaqo ka saarista Garsooraha. Shuruudaha loo magacaabi karo Garsoore iyo qaabka loo anshax-marinayo Garsoorahu waxay ku faahfaahsan yihiin Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003. Waxaa jira xeer-nidaamiye lagu maamulayo anshaxa iyo anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay Guddida Caddaaladdu ansaxiyeen 04/08/2012-ka.

3.  Qaabka Sharciga ah ee Garsooraha Shaqada Looga Saari karo.

Waxaan soo sharaxnay macnaha madax-bannaanida Garsooraha, imikana waxaan faahfaahinayaa qaabka loo anshax-marinayo Garsooraha haddii uu ku gefo anshaxa iyo waajibaadka garsoorenimo.

Xeerka Nidaamka Garsoorka[ii], qodobkiisa 40aad wuxuu dhigayaa in Garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud looga dacwoon karo Guddida Caddaaladda:

1.     Haddii uu ku xadgudbo waajibaadkiisa shaqo
2.    Marka uu ku kaco fal sharaftiisa iyo xirfaddiisa hoos u dhigayo
3.    Marka uu shaqada ka maqnaado muddo 30 casho ah sabab la’aan ama sabab aan garawshiyo lahayn.

Saddexdani asbaabood waa arrimaha guud ahaan lagaga caban karo Garsoore ama Xeer-ilaaliye. Waxaana si fiican arrimahani u sii faahfaahinaya Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, waxaanu u kala saarayaa falalka anshax-marinta fudud leh iyo falalka anshax-marinta culus leh, tusaale ahaan shaqada oo uu Garsoorahu ka maqnaado iyo/ama ka cago-jiido wuxuu ka dhigayaa asbaabaha anshax-marinta fudud halka haddii Garsoorahu uu laaluush qaato ama uu si cad caddaalad-darro ugu kaco uu u aqoonsanayo asbaabo anshax-marineed oo culus.

Guddida Caddaaladdu, Garsooraha ay doonto shaqada kama saari karto haddii aan lagu helin asbaabahaasi ku xusan Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorka. Weliba cabashada oo qudha shaqada kagama saari karto ilaa sida ku xusan Qodobka 43aad, faqraddiisa 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ay Guddida Caddaaladu gudato waajibaadkeega ah inay Garsooraha fursad u siiso inuu iska difaaco dacwadda anshaxa.

Garsooraha shaqada lagama saari karo, haddii aanay jirin cabasho laga soo gudbiyey oo uu iska difaacay. Sida uu dhigayo Qodobka 22aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorku:

“1. Guddida Caddaaladdu, kahor inta aanay go’aan ka gaadhin arrinta [cabashada], waa inuu ku wargeliyo Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha arrinta ay cabashadu khusayso oo ay ku amarto inuu ka soo jawaabo cabashadaasi. Wargelintaasi waa inay noqoto qoraal si cad u qeexaya faahfaahinta dacwada loo haysto iyo amar cad oo Garsooraha faraya inuu goob iyo goor cayiman uu yimaado si uu isku difaaco.
2. Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha dacwaddu khusayso way u bannaan tahay inuu ka soo qayb-galo dhageysiga dacwadda si uu isku difaaco ama uu cid kaleba soo wakiisho.
3. Haddii uu Garsoorahu ama Xeer-ilaaliyahu ka baaqsado inuu ku yimaado muddo shan iyo toban (15) casho gudahood ah si uu isku difaaco, Guddida Caddaaladdu waa in, kadib markay xaqiijiso yeedhista ku xusan qodob-hosaadka 1aad ee qodobkani in la gaadhsiiyey Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha, ay bilowdo oo go’aan ka gaadho dacwadda isaga oo maqan.”

Talaabooyinka Ka Horeeya Shaqo Ka Saarista

Guddida Caddaaladdu markay dhageysato dacwadda lagu oogayo Garsooraha iyo difaaca Garsooraha, waxay ka dooddaysaa dacwadda, waxaanay go’aaminaysaa labadani arrimood ee hoos ku xusan midkood[iii]:

“b. Inay buriyaan dacwadda, haddii ay xaqiiqsadaan in aanay jirin caddeymo muujinaya inuu dhacay fal xad-gudub ku ah anshaxa iyo masuuliyaddaha xirfadlenimo ee uu dhigayo xeer-nidaamiyahu; ama
T. inay cidda ay khusayso ka qaadaan talaabo anshax-marineed oo ku haboon ee waafaqsan Qodobbada qaybta shannaad ee Xeer-nidaamiyahani, haddii ay caddaato inuu galey fal xadgudub ku ah anshaxa iyo masuuliyaddaha xirfadlenimo ee uu dhigayo xeer-nidaamiyahani."

Sida uu dhigayo qodobkani 23aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorku, Guddida Caddaaladdu markay go’aan ka gaadhayso dacwad anshax-marineed, waa inay tixgelin siiso xaaladda iyo sida uu u dhacay falku; iyo heerka aqooneed iyo waayo-aragnimada shaqo, muddada uu shaqeynayey iyo sumcadda Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha dacwaddu khusayso. Talaabooyinka anshax-marineed ee ay Guddidu ka qaadi karto Garsooraha ay ku caddaato dacwadda loo haystaa waxay noqon karaan kuwani:

b. Digniin af iyo qoraal ah;
t. Ganaax aan ka badneyn hal bil mushaharkeed;
j. Ganaax gaadhaya laba ilaa saddex bilood mushaharkood
X. Hal derajo oo hoos loo celiyo; ama
Kh. Shaqo ka saaris

Maxaa Garsooraha Shaqada Lagaga Saari Karaa?

Garsooraha waxaa shaqada laga saari karaa marka lagu helo arrimahani soo socda[iv]:

1.     Marka Garsooraha isagoo laba jeer oo hore lagu helay fal anshax-marin culus leh, uu mar saddexaad ku kaco fal anshax-marin culus leh.
2.    Marka uu Garsooraha mar qudha ku wada kaco laba ama saddex fal oo anshax-marin culus leh. Waxaa laga soo qaadayaa isagoo saddex jeer ku kacay fal anshax-marin culus leh, waxaana laga saarayaa shaqada, iyo
3.    Markasta oo Garsoorahu ku kaco arrimahani soo socda[v]:

a.    Marka isagoo ku gudo jira dhageysi dacwadda uu gacan u qaado ama isku dayo inuu gacan u qaado Garsoore, shaqaalaha maxkamadda ama dhinacyadda dacwadda[vi].
b.    Haddii Garsoorahu kahor inta aanu ku dhawaaqin go’aanka dacwadda, uu cid u sheego go’aanka dacwadda[vii].
c.    Haddii uu Garsoorahu si toos ah ama dadban u qaato ama iskugu dayo inuu qaato laaluush[viii].
d.    Haddii uu Garsoorahu isagoo haya xilka Garsoorenimo, uu xubin ka noqdo xisbi ama urur siyaasaddeed[ix], iyo
e.    Haddii uu Garsoorahu karti xumo iyo aqoon-darro darteed uu kari waayo in uu dabaqo xeerka ay tahay inuu dabaqo, taasina ay dhaliso in Garsoorahu soo saari waayo go’aan caddaalad ku dhisan ama inuu Garsoorahu caqabad ku noqdo in maxkamaddu ay gaadho go’aan caddaalad ah[x].

Waxaa waajib ah in qaraarka ay Guddidu ka soo saarayso dacwadda anshax-marinta ah ee Garsooraha ay ku caddaato asbaabta ay u cuskadeen go’aankooda[xi].

4.  Gunnaanad

Sida kor ku faahfaahsan, Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorku waxay xuquuq madax-bannaani ah siinayaan xubnaha Garsoorka, waxaana loogu talogalay in Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu ay u madax-bannaanaadaan gudashada hawshooda oo aanay baqdini ka gelin dhinaca shaqadooda ama aanay u baqan xilka ay hayaan in sabab la’aan looga qaado. Waxaan aad u bogaadinayaa in markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ay Guddidani Caddaaladdu soo saartey Xeer-nidaamiyaha Anshax-marinta Garsoorka kaasi oo kaabaya Xeerka Nidaamka Garsoorka, haseyeeshee, waxaan aad uga xumahay in aan weli lagu dhaqmin xeerkani oo iyadoo ay xeerarkani jiraan ay dhacdo in Garsooreyaal aan ogeyn waxa shaqada lagaga saaray ay idaacadda uun ka dhageystaan in shaqada laga saaray. Taasi waxay kalsoonida ka qaadaysaa Garsooreyaasha weli shaqaynaya, waxaanay dhalinaysaa inay shakhsiyaad gaar ah raali-gelinayaan si ay xilkooda u badbaadiyaan iyadoo ay taasi ku dhalinayso marin-habow nidaamka caddaaladdeed ee Garsoorka.

Waxaan Guddida Caddaaladda u soo jeedinayaa in shaqo ka saarista Garsooreyaasha loo raaco xeerarka dalka. Haddii Garsooreyaashu ay arkaan in aan laga caddaalad sameynayn cabashooyinka laga soo gudbin karo waa maxay waxa laga filan karo Garsooraha og in marka la doono shaqada laga saari karo iyo in shaqadiisuba ay ku xidhan tahay raali-gelinta Guddida Caddaaladda. Sida Madax-bannaanida Garsooraha loogu baahan yahay, ayaa sidoo kalena loogu baahan in lala xisaabtamo. Waa in Garsooreyaasha loola xisaabtamaa si sharciga waafaqsan. Garsooraha og in sharciga loo raacayaa wuu ka kalsooni badan yahay, kani og in xiliga la doono la eryi karo. Garsoore ka werwersan raali ahaanshaha Guddida Caddaaladdu uma madax-bannaana ku dhaqanka sharciga. Waxaan sidoo kale Guddida Caddaaladda u soo jeedinayaa inay u caddaalad sameeyaan Garsooreyaasha oo aanay ku soo kala dhoweysan qaraabanimo, ehelnimo, nasab ahaan iyo qaab kasta oo keenaya in Garsooreyaashu ay u kala dhowaadaan.

Qalinka: Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland.



[i] Cabdishakuur Cali Muxumed, Garsoor Madax-bannaan baa Caddaalad laga Sugaa, Sannadkii 2010-ka, ka akhri halkanihttp://goodlawyer4.blogspot.com/2012/08/garsoor-madax-bannaan-baa-caddaalad.html.
[ii] Labada Nuqul ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, Nuqulka ka kooban lixdanka Qodobka, Xeer Lr. 24/2003.
[iii] Qodobka 23aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Jamhuuriyadda Somaliland.
[iv] Qodobka 30aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[v] Faqradda 4aad ee Qodobka 30aad Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[vi] Qodobka 11.T (3) ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[vii] Qodobka 11.T (6) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[viii] Qodobka 11.T (8) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[ix] Qodobka 11.T (10) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[x] Qodobka 11.T (11) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[xi] Qodobka 44aad, faqraddiisa 1aad, Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003.

No comments:

Post a Comment