Pages

Tuesday, June 3, 2014

Saddex Xadhigle Kilaas: Geesi Dayacan oo u Baahan in la Caawiyo

Maxamuud Cabdi Ducaale (Kilaas), waa saddex xadhigle ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhaawacyo culusi ay soo gaadheen isagoo gudanaya waajibaadka difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuu ka dhaawacmay bawdyada lugta bidix iyo feedha bidix oo ah wadnaha dushiisa. Saddex Xadhigle Kilaas wuxuu dhaawacani soo gaadhay isagoo si geesinimo ah iskaga caabinaya koox jabhad ah oo ka heshay kaantaroolka Degmada Oog ee dhinaca Laascaanood, waxaanu si geesinimo ah u difaacay naftiisa iyo gaadhi uu Ciidanka Qaranku leeyahay oo uu wade ka ahaa. Isagoo ka sheekaynaya sida ay dhibaatadani u soo gaadhay, wuxuu ku sheegay wareysi uu ka qaaday Suxufiga Cabdishakuur Maxamuud (Heer-sare), waxaanu yidhi:

Saddex Xadhigle Maxamed Cabdi Ducaale (Kilaas) 
“Waxaan wadey gaadhi uu qori saaran yahay, 2dii habbeenimo ah, 30kii bishii Sagaalaad 2010kii. Halkaa waxaa igu weheliyey afar askari oo joogay kaantaroolka, gaadhigu wuxuu ahaa bilaa ride, 27kii bishaasi ayaa ridihii gaadhiga loo fasaxay Hargeysa – anniga iyo gaadhiga cidi noomay dhaxeyn. 2dii habbeenimo ayaa waxaa na qabsaday niman (jabhad) warbixintooda la soo tebinayey oo lana lahaa “Waxay joogaan agtiina, waxay ku jiraan halkaas”. Taliska ciidankuna wuxuu ii jiray 2.5 KM. ninka ciidankaasi (jabhada) watey wuxuu ahaa ninkii kowaad ee sheegta laascaanood qarax ka dhaca ee dilay Taliyahii Qaybta ee alle ha u naxariistee af-dhiilo, labadii Taliye Guuto ee kalena ku dilay Widh-widh. Nimankaasi markii ay na weerareen, halkaasi dagaalkii ayaa nagu dhex maray. Arrintaasi markay timid, afartii askari (ee kaantaroolka joogay) nin waliba naftiisuu u baqoo waxay noqotay in nin waliba cagahiisa ciirsado. Anniga iyo gaadhigii bay noqotey, nin baabuurka iigu soo galey, madaxa ayaan u galiyey isteerinka. Anniga oo halkaasi ku haya ayuu iigu yimid ninkii labaad, meeshana waxaa ka socota rasaas – ilaa ninkani labaad meesha iigu yimidna waxaan u qabay in waxani ay sameynayaan ciidankayagii, kuwa la qab-qabanayaana ay cadowgii yihiin, kuwa wax qab-qabanaya ee wax xidhxidhayaana ay iyagii (ciidankii) yihiin. Maaha, iyaga dabkii ugu horeeyey buu nin walba cagahiisa ciirsaday. Ninkani labaad markuu iigu yimid (baaburka) ayaan ogaaday in la I haysto, ninkii aan haystay ayaan gacmaha ka qaaday, dib ayaan isku tuuray, qorigaygii ayaan soo qaatey. Halkaa waxaa ka bilowday qaraxii – Ciidanka Qaranku waxay yidhaahdaan ‘Rasaas baa ku dhacday’ waa been, qarax ayuu igu dhejiyey, nin Al-shabaab (argagaxiso) ah buu ahaa. Annigoo googo’an (inta hoose), dagaalkayagu wuxuu ka socday saacad ilaa 3dii. Keligay baa la dagaalamayey anoo googo’an – wadnahana ay saaran tahay, adinkana inta hoose iska haysato.”

Saddex xadhigle Kilaas waxaa soo gaadhay dhaawac culus oo bawdyada bidix ah – taasi oo ah burbur lafta, cadka iyo muruqaba ku yimid iyo dhaawac ka soo gaadhay naaska hoostiisa feedha bidix oo ah wadnaha dushiisa, iyadoo ay bahali ku jirto halkaasi, isla markaana uu sheegay inay cadaadis ku hayso lafta feedha oo caddaadinaysa wadnaha.

Saddex xadhigle Kilaas wuxuu sheegay in wakhtiyada qaarkood markuu xasuusto wixii soo maray iyo waxa uu la kulmay uu koomo galo, oo uu mar dambe soo miraabo.

Maxaa loo qabtay?

Waxaa la dhigay dhakhtarka ina Aw Aadan (Dhakhtar lafaha kaba), halkaasi ayuu ilaa maanta ku sugan yahay. Waxaana halkani keenay Janankii Ciidanka Qaranka Nuux Taani. Sida uu sheegay dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo Manhal ba waxay yidhaahdeen lugta hala gooyo, haseyeeshee dhakhtarkani Ina Aw Aadan ayaa yidhi ‘halkani dhiga, annigaa daweynayee’. Sida uu iigu sheegay khadka taleefanka oo aan annigu kala xidhiidhay, wuxuu u baahan yahay in dibeda loo diro si dhaawacyadani wax looga qabto. Waxaanu sheegay in loo geeyey Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ay jawaabtiisu noqotay ‘iiga bax xafiiska’ iyo Madaxweynaha oo aanu ilaa iyo imika waxba ka helin. Isagoo ka hadlaya saameynta ay arrintani ku yeelatay wuxuu yidhi:

“Markii la igu yidhi aanu kuu geyno Jananka, waxaan idhi “Iga daaya maskaxda oo qudha ayaan ka fayoobahee, yaan taana wax igaga dhicine”. Taasi oo uu uga jeeday waynu ku soo hungoobi doonaaye – waana sidani ku dhacday markii loo geeyay.

Saddex Xadhigle Kilaas wuxuu imika ku sugan yahay dhakhtarka Ina Aw Aadan. Markii aan daawaday wareysiga uu ka qaaday Suxufiga Cabdishakuur Maxamuud (Heer-sare), waxaan aad ugu murugooday xaaladda uu ku sugan yahay askarigani difaaca naf hurista leh u sameeyey naftiisa iyo baabuurkaasi Ciidanka Qaranka halka askartii kale ay nafahooga ula baxsadeen. Waa halyey aan bulshadiisa ka helin hiilkii iyo abaal-gudkii uu ka mudnaa. Waxaanu shacabweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka codsaday inay dibeda u diraan si uu u dhameystirto caafimaadkiisa inta ka dhiman.

“Ii gashee abaal,
Inaan gudo wanaag,
Way gudboon tahee.”
-       Gaadh-haya Dalkoow, Nuur Daalacay.


Qalinka: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland

No comments:

Post a Comment