Run
waxaa ah dhaqanka dawladnimo ee Soomaalilaand in uu kori la yahay oo bartii la
ga soo unkay weli ku cuyuban yahay. Caadi ahaan wax ay ahayd dhaqankaasi maalin
walba in uu sii kobco oo hore u socdo, laakiin dib baaba loo socdaa. Taa
sababteeda u gu weyni waa hawsha oo wayday dadkii sidaa u garan lahaa ee
xilkeeda gudan lahaa. Waxaa la waayay hoggaamiye siyaasadeed oo dhaqanka
dawladnimada cusbooneeya. Wax wal oo cusboonayn iyo dardargelin waayaana
halkooda ayay ku daxalaystaan oo ku dulloobaan.
Iyada
oo ay sidaa ahayd, maalmahan laba xumaato oo is wata ayaa culayskooda la la
ciirciirayaa. Midda hore waa maamulxumada dawladda dilootay, gaar ahaan eexda
iyo musuqa, taas oo aad mooddo in la qaayibay oo aan danba la ga lahayn. Ta
labaadna waa fadeexadda Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka dhex oogan.
Dorraad
(10/06/2014) markii ay wiilasha cadcadi Axmed-Siilaanyo hor fadhiyeen wax uu
wacad ku maray in uu dalkiisa u shaqayn doono oo caddaalad xumada iyo
musuqmaasuqa wax ka qaban doono. Hadda ogow afartii sannadood ee uu talada
hayay taa haba yaraatee wax xil ah is ka ma uu saarin, cabashada joogtada ah ee
dadkiisana dan ka ma gelin. Waa astaanta kowaad ee hoggaamiyaha Afrika ee cid
kale biddoodka u ah. Hoggaamiyaha Afrika weligiiba dadkiisa wuu quudhsadaa
shisheeyahana dhulka ayuu isu dhigaa.
Axmed-Siilaanyo
madaxnimada Soomaalilaand wax uu la wareegay iyada oo la dhex jiifo dhiriq
musuqmaasuq, maamul xumo iyo caddaalad darro. Dad badan baa u arkayay in uu
yahay nin dawlad yaqaan ah oo dalka wax ku soo kordhin doona, gaar ahaan maamul
wanaagga. Ha ahaatee dhiriqdii buu iska sii dhex fadhiistay oo raalli ku
noqday. Waxaa caddaatay kursiga ku fadhiiso mooyee awalba in aanu hammi kale
lahayn. Kursigii fuul, dhawr nin oo boob u yaacaya dalkii ku fasax, dadkii u ka
la eexay oo la is wada tuhun, dabadeed dawladnimadii oo dhami dib bay u
guurtay. Run ahaantii afartii sannadood ee Kulmiye talada hayay wacyiga
siyaasadeed ee bulshadu dib buu u noqday. Umaddii waa ay qaybsantay oo geed
walba shir qabiil baa ka socda. Gole walba baane reernimo iyo budhleynimo ayaa
ka taagan. Midnimadii nafsiyadeed ee dadku waa ay sii ka la daadanaysaa.
Dhaqankii geeljiraha oo qudha ayaa Hargeysa ka shaqaynaya.
Guud
ahaanba siyaasiga Soomaalilaand damaciisa wuu reereeyaa oo bulshada ku ka la
qaybiyaa. Niman madax qaran ku magacaaban baa meel walba shuqul qabyaaladadeed
ku haya. ”Innaga oo reer hebel ah iyo iyaga oo reer hebel ah” bay umaddii talo
u ga dhigeen. Maamuuska qarannimo ee ay huwan yihiin hoodh ku ma qoystaan.
Tusaale xun bay u noqdeen dhallinyarada kacaysa oo u baahnayd hormuud
wanaagsan. Wax ay dhaqan iyo xeer ka dhigeen siyaasadda iyo qabyaaladdu in ay
is ku mid yihiin. Qofka yidhaahda ”waar sidani waa ceeb!” wax ay ku afjugaan
”adeer meeshu waa Afrika wax aan waxaas ahaynina ka ma shaqeeyaan!”. Weedhaa
habaaran baa umaddii hanka iyo karaamada la ga ga dilay. Waa gartood oo iyaga
ayaan siyaasad kale garanayn oo intaas uun yaqaan. Markaa Soomaalilaand gurmad
la gu badbaadiyo ayay dadkeeda u ga baahan tahay.
Iyada
oo ay sidaa is ka ahayd, waxaa timid dhacdo arrinta u ga sii dartay. Muranka
iyo loollanka awoodeed ee ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye iyo sida taa loo la
dhaqmay wax ay wax badan innaga tustay foolxumada jirta. Arrintani xisbi
dhexdiisa is haya uun ma aha ee boqol ceebood oo kale ayay huwan tahay. Wax ay
muujinaysaa dibudhacsanaanta dhaqanka siyaasadeed ee dalka. Si taa la mid ah
wax ay digniin ka tahay umadduba in ay haadaan dul taagan tahay oo ku hooban
karto.
Xisbigii
dhammaa ee Udub la odhan jiray ee mar dalka u gu awoodda badnaa waxaa la tegay
damaca xun ee hebel iyo hebel. Kuwan maanta qaylinayaana haba yaraatee waxba ka
ga ma duwana. Marka horeba nimanka xisbiyada ku xoonsan waxa isu keenaa ma aha
aragti siyaasadeed oo ay wada rumaysan yihiin, mana haystaan fikir ay ku midaysan
yihiin oo doonayaan in ay dalka iyo dalka ku horumariyaan. Waxa qudha ee
mideeyaa waa in ay awoodda dalka ugaadhsadaan, hadhowna umadda saboolka ah
bililiqaystaan. Mar haddii ay taas oo qudha isu gu yimaaddeen is la iyada ayay
ku ka la tagaan. Ogow oo dhurwaayadu ugaadha waa ay wada dishaan hadhowna
hilibkeeda is ku dilaan.
Waxaa
caddaaday arrimo wada fadeexad ah oo xisbigan la xidhiidha: 1) Kulmiye
qabyaalad buu ku dhisan yahay ee mabda iyo ajande siyaasadeed ma leh. 2)
Kulmiye iyo xukuumaddiisa reero gaar ah baa u haysta in ay iyagu gooni u lee
yihiin. 3) Mar haddii ay sidaa tahay xukuumadda Kulmiye ma aha Dawladnimadii
Soomaalilaand oo dhan umadda dalka wada lihina u ma sinna. 4) Fikirka sidaas u
gurracani qaybsanaan iyo loollan aan dimiqraaddi ahayn oo nabdoonayn buu
bulshada ka dhex abuuri karaa.
Dhanka
kale, muranka Xisbiga Kulmiye ka dhex taagan wax ay ahayd in iyaga loo daayo,
ha ku burbureen ama ha ka badbaadeene. Ma ahayn in Guurti iyo cid kale toona
soo farageliso. Ma jirto sharci ahaan cid kale oo shuqul ku leh xisbiga
dhexdiisa waxa ka socda. Sidaa darteed wax kasta oo ilaa imika dhinac kale
arrinta ka geystay waa xeer jajab aan waafaqsanayn dastuurka iyo dhaqanka
siyaasadeed. Xisbiga xeerarkiisa is ku maamuli kari waayaa ma dhisnaan karo ee
waa in uu hadhaa oo runtu reebtaa. Xisbi sharci darro iyo fawdo caynkaas ah ku
dhisan ma aha in awoodda hay’adaha qaranka la gu bakhti afuufo, xaqna u ma leh
in uu talada dalka qabto.
Waxaa
kale oo fadeexad ah suldaannada labada reer ka ka la socda ee goonida u ga
arrinsanaya khilaafka Xisbiga Kulmiye. Ma aha dhaliil iyagan iyo maanta uun ku
eg ee waa wax maalin walba Soomaalilaand ka dhaca oo la caadaystay, waana
dhaqan adhaxda ka jebinaya dawladnimada la doonayo. Horta suldaanka maxaa ka
galay xisbi siyaasadeed, yaa se xilkaa u doortay? Haddii ay odayada dhaqanku
siyaasadda bulshada matalayaan, maxaa la gu falayaa wakiillada la doortay?
Haddii xeerka qabiilka la gu dhaqmayo, maxaa la gu falayaa dastuurka? Haddii ay
jirto cid gooni ah oo madaxweynaha reer ahaan in ay iyadu lee dahay moodaysaa,
ama madaxweynuhu sidaa ismoodayo, qofkii aan qoladaa ahayn miyuu madaxweyne
sharci ah u noqon karaa? Asalkaba qof xil qaran loo dhiibay haddii uu noqdo qof
qabiil sharci ma yahay?
Reer
Soomaalilaand si ay dawladnimo dhab ah u gaadhaan waa in ay kun wayddiinood oo
ay kuwaasi ka mid yihiin naftooda u ga jawaabaan. Habka qabiilku haddii uu ahaa
meel nabadda iyo midnimada la ga soo unkay, waa been iyo ismoodsiis in taa
dawladnimo casri ah la gu wadi karo. Habka qabiilku waa qunbulad la gu fadhiyo
oo goorta ay doonto qarxi doonta, sidaa darteed waa in sida u gu dhaqso badan
loo ga guuraa. Siyaasi ku sheegga maanta bulshada hor tubani haddii ay taa
awood iyo aqoon u waayeen, waa in iyaga qudhooda la daadiyaa oo siyaasadda dalka
dhiig cusub la gu shubaa; dhiig cusub oo kuwan wacyi iyo xilkasnimo dhaama.
Haddii kale umaddan aayaheeda xeryagaalladii baa la ga dooni.
Ibraahinhawd@hotmail.com
No comments:
Post a Comment