Pages

Sunday, November 3, 2013

HEESTA JEES: Hees si Wanaagsan u soo Bandhigtay Dareenka Dhabta ah ee ay Kala Qabaan Soomaliland iyo Soomaaliya!!!!


Fanaanniinta Fadxiya Fiska iyo Nimco Yaasiin

Saddex arrimood baa ku xiiso galinaya markaad heestani dhegaysato. Waa marka kowaade, mawduuca heesta oo ah garnaqsi dhex maraya Somaliland iyo Somaaliya – Waa mawduuc sidiisaba u xiiso badan.  Arrinta labaad ee xiisaha leh ayaa ah labada Fanaannadood ee heesta sida talantaaliga ah ugu wada luuqeynaya oo ah laba Fanaannadood oo ah safiiro fanka ugu jira labada dawladdood; markaad qiimeyso sida ay mid kastaba ugu weyn tahay aaminsanaanta dhinaca ay aragtidiisa haysato (Somaliland iyo Soomaaliya). Fanaaniintaas oo kala ah Nimco Yaasiin Carraale (Nimco Sharaf) iyo Fadxiya Fiska. Nimco Yaasiin Carraale waa Fanaannad caan ku ah u ololleynta Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliland. Sidaan aaminsanahayna, malaha maba jiro Fanaan ama Fanaannad kaga heeso badan tageerista Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliland. Fadxiya Fiska, iyadna waa Fanaannad reer Muqdisho ah, inkastoo ay qaado hees qiimo badan oo Somaaliland lagu amaanayo, haddana, sida badan waxay aad u taageersan tahay mabda’a Soomaali weyn. Arrinta ugu xiiso badan ee aad heestani ku jeclaanaysaa waa sida quruxda badan ee Abwaanka halabuuray heestani uu u abbaaray dareenka dhabta ah iyo meesha uu ku qotomo garnaqsiga dhabta ee Soomaaliland iyo Soomaaliya – wuxuu ka baydhay qaabkii hore ee ahaa dhinac qudha oo isla quman, isla saxsan oo tiisa hayste ah. Abwaankani oo magaciisa la yidhaahdo Baashe Cilmi Sacmaal, wuxuu runtii muujiyey dhexdhexaadnimo, waxaanu si caddaalad ah u soo bandhigay dareenka runta ah ee labada dhinac (Soomaaliland iyo Soomaaliya).

Calamada Shanta Soomaaliyeed
Heestani waxay ugu horeynba tilmaamaysa walaaltinimadii ka dhaxaysay Soomaalida iyo sidday u jeclaayeen inay wada-jiraan oo ay iskugu duubnaadaan. Iyadoo labada dhinac uu mid kastaaba gaar ahaantiisa u garnaqsanayo ayey haddana heesta dhex-taal u yihiin ereyo ay labada fanaan ba ku bilaabayaan beydadkooda oo tilmaan u ah walaaltinimadii ka dhaxaysay Soomaalida iyo sida uu guumeystaha oo ah nacabka ummadda Soomaaliyeed ugu qaybshay shan qaybood oo shan maamul oo kala duwan kala hoos taga. Iyadoo arrintani tilmaamaysa waxay heestu leedahay:-


Shan baa jira wada dhashoo,
Dix iyo karin wada deggoo,
Jidiinka la quuto iyo,
Maryaha kala jeexan jiray.
Waxaa kala jiiday nacab,
Jihaba qar buu ku daray.”


Iyagoo shanta Soomaaliyeed shan maamul kala hoos taga ayaa haddana waxaa quluubtooda buux dhaafisay in la helo midow Soomaali weyn oo ay Soomaalidu dal qudha ku wada abtirsadaan. Inkastoo la odhan karo reer Waqooyiga ayaa ugu xamaasad kululaa. Qolo waliba dhinaceeda ayey halgan gobonimo-doon u gashay. Waxaa timid in Soomaaliland ayey noqoto meeshii ugu horeysay ee dhul Soomaaliyeed gobanimadeeda u heesta. Waxay qaateen go’aan gobonimo si ay uga dhabeeyaan riyadoodii Soomaali weyn waxaanay calankoodii iyo madax-bannaanidoodiiba ula tageen walaalladoodii Soomaaliya si ay ula midoobaan. Waxay dhiseen dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Soomaaliland iyo Soomaaliya midawgoogii lama mahadin oo sidii loogu han weynaa umuu taabo qaadin. Soomaalidii degannayd Gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya waxay go’aansadeen inay la noolaadaan dadkaasi qalaad ee ay dhulka wadaagaan. Soomaalidii Itoobiya degganaydna waxay ogolaadeen inay iyaguna dhul weynaha Itoobiya ka tirsanaadaan. Jabuuti oo xornimadeedii qaadatay ayaa iyadna dal gaarkiisa u jira noqotay oo walaalahooda Canfareed iyo Carbeed dal la wadaagtay. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxday riyadii Soomaali weyn. Soomaaliland ayaa iyadna ka soo goosatey midoowgii ay eedday ee lagu hungoobay. Soomaaliya ayaa iyadu se xalkeeda taagan yahay midowgii oo sii jira oo aan meesha ka bixin. Soomaaliland oo garnaqsanaysa ayaa waxay leedahay:-
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland

Haddaynaan wada jirayn,
Jabuutiyo Gaarisiyo,
Jigjiga loo wada dhamayn.
Annigu jiis baan noqdaye,
Haddaan danahayga jiray,
Jidh diidku xaguu ka yimid?”



Heestu waxay si wanaagsan u tilmaantay dareenka Soomaaliya oo ah in aan la quusanin oo marka hore midowgii dawladdii Soomaaliyeed la soo celiyo dabadeedna midowgii Soomaali weyn la raadiyo. Sidaas darteed, Soomaaliya oo garnaqsanaysaa waxay leedahay:-
Calanka Dawladda Soomaaliya

Adaa ila jiri jiree,
Jabuutiyo Gaarrisiyo,
Jigjiga aan doonanee.
Jeer hore waataad midnimo,
Jid dheer iila soo martee,
Ha jiidane joog walaal.



 
Soomaaliland waxay garnaqsigani Soomaaliya u aragtaa I jiid aan ku jiidee gacmo daalis ah sababtoo ah haddii Soomaali midoowda la rabo waxay ahayd inay Jabuuti iyo Soomaalida Kiinaya iyo Itoobiya deggani ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee arrinkani ka shaqeeya. Mar kasta oo ay Soomaaliland maqasho Soomaaliya oo u gacan haadinaysa waxay leedahay:-

Ma jiid aan is jiidanaa!
Jeenyaha ina daali baa!
Haddaan jiro ma u jabbaa?”

Soomaaliya waxay iyadu aragtaa in kala maqnaanshaha Soomaalidu uu yahay qorshe uu nacabku lahaa oo uu ku guuleystay, haddii Soomaaliland iyo Soomaaliya kala tagaana ay cadowga uun ka farxinayso laakiin aanay midkoodna wax uga kordhayn. Sidaas darteed, waxay leedahay:-

Jidh baan nahay wada dhashee,
Yaynaan cadowgeen u jabin,
Mid aan inala kala jeclayn!”

Guntii iyo gebogebadii, waxaan hambalyeynayaa Abwaanka ay maskaxdiisa ka burqatay heestani Baashi Cilmi Sacmaal. Waxaan ugu hambalyeynayaa Soomaalinimada uu muujiyey, waxaan ugu hambalyeynayaa runta uu tilmaamay, waxaan ugu hambalyeynayaa halabuurka caadifada ka madhan. Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu Soomaali qalbigooda isku soo dhaweeyo oo ay danteeda ka wada shaqayso meel kasta oo ay kala joogaan.

Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Somaliland

No comments:

Post a Comment