1. Hordhac
Waxaa
maalmahani dalka ka socda muran siyaasaddeed oo ka dhaxeeya labada Xisbi Qaran
ee mucaaridka ah oo wada socda iyo Xukumadda iyo Xisbi Xaakimka ay ka farcantay
oo isku dhinac ah. Wuxuu murankani ka farcamay Shirweynaha Qaran ee ay
Xisbiyada Mucaaridku sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen bishii hore dhammaadkeedii.
Markii ugu horeysay waxaa Shirweynahani Qaran ku dhawaaqay siyaasiyiinta la baxday
Madasha Wada-tashiga Soomaaliland, haseyeeshee, markii ay Xukumaddu ka
dhago-adaygtay ayay arrinkani ku wareejiyeen labada Xisbi Mucaarid, kuwaasi oo
si wadajir ah u magacaabay guddi qabanqaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomida shirweynahani.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo Shirweynahani Qaran ka hadlay
aad buu uga soo horjeestay go’aankani ay Mucaaridku ku baaqeen, sidoo kale
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isna sharci-darro ku tilmaamay in
la qabto Shirweyne Qaran oo aanu Madaxweynahu guddoominayn. Inkastoo Mucaaaradku
ay si kulul uga jawaabeen hadalkaasi Guddoomiyaha Golaha Guurtida, haddana
waxaa muuqata inay uga garaabeen hadalkaasi sababtoo ah kelmaddii “Shirweynaha
Qaran” waxay ku bedeleen “Dood Qaran”. Runtii, waa xaalad siyaasaddeed oo
khatarteeda leh waayo labadii Xisbi Mucaarid oo uu midkood hoggaaminayo
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa isku dhinac ah waxaana ka soo
horjeeda Xukumadda iyo Xisbi Xaakimkeeda oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha
Guurtida Soomaaliland.
Waxaan
qoraalkani ku iftiimin doonaa arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay in dadweynahu
uu fahmo si aanay murankani siyaasaddeed ugu dhago barjoobin ama aanay si indho
la’aan ah u kala taageerin labadani dhinac. Waxaan ugu horeynba iftiimin doonaa
macnaha kelmadda “Dood Qaran” iyo sharcigu waxa uu ka qabo qabsoomida Doodda Qaran
dabadeedna waxaan sharaxi doonaa ujeeddooyinka ay Mucaaridku sheegeen inay u
qabanayaan Dooddani Qaran; ma yihiin qaar lagama maarmaan ka dhigaya in la
qabto Dood Qaran mise maaha?
2. Waa
maxay Doodda Qaran? Muxuu se Sharcigu ka yidhi “Doodda Qaran?
“Dood
Qaran” waxaa loo yaqaanaa marka arrimo ama dhacdooyin qaranka khuseeya ay dooddi
ka dhalato taasi oo ka dhaxaysa goleyaasha dawladda ama xukumadda gudaheeda ama
bulshada rayidka ah iyo hay’addaha dawladda. Doodda Qaran iyo Shirweynaha Qaran
way kala duwan yihiin – Shirwayne Qaran waxaa ku baaqi kara Goleyaasha Qaranka,
Xisbiyada Mucaaradka ama Hay’addaha Dawladda waxaase ogolaada Madaxweynaha.
Doodda Qaran se waxay u dhalataa iskeed, go’aan ka gaadhisteena waxaa iska leh
Golaha Qaran ee uu sharcigu awood u siinayo go’aan ka gaadhista arrinta ay dooddu
ka dhalatay. Shirweynaha Qaran waa inuu leeyahay qorshe hawleed (Agenda),
Doodda Qaranna waa inay ku saabsan tahay mawduuc gaar ah ama arrimo xidhiidh
leh.
Haddaba,
Xisbiyadeena Mucaaradku ma waxay ku dooddayaan inay qaban karaan Shirweyne Qaran
mise Dood Qaran ayaanu qabanaynaa ayey leeyihiin? Labadaba afkooga waynu ka
haynaa. Waxaana muuqata in aanay fahamsanayn kala duwanaanshaha labadani
kelmadood. Mucaaridku way qabsan karaan Shirweyne iyaga u gaar ah oo lagu
falanqaynayo arrimaha khuseeya Qaranka, waanay dhaliili karaan qaabka ay
xukumaddu u shaqeyso laakiin Shirweynahaasi lama odhan karo waa Shirweyne Qaran
oo xukumaddu way ku qasban tahay inay fuliso wixii ka soo baxa. Sidaas darteed,
haddii Mucaaridku ay rabaan in Shirweyne Qaran laga yeesho arrimaha ay
danaynayaan waa inay marka hore u soo jeediyaan Goleyaasha Qaranka oo uu ugu
horeeyo Madaxweynaha Qaranku, isagaa haddii uu la qaato kadib magacaabi doonaa guddi
qaban-qaabo, sidaasina waxaa ku qabsoomi doona Shirweyne Qaran. Haddiise Madaxweynahu
uu diiddo soo jeedintooda ama se aanay aanay u soo jeedinba ee ay iskaga
dhawaaqaan siday imika yeeleen, Xukumaddu kuma qasbanaan doonto fulinta wixii
ka soo baxa shirkaasi waayo shirkaasi waxba kama duwanaanayo shirarka gaar ah
ee ay Xisbiyada Mucaaradku qabsadaan.
Qodobka
37aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu sheegayaa in ‘shacbigu uu awoodda iyo karaamada Qarannimo
u igmaday Dawladda’ oo ka kooban saddexda gole ee Qaranku leeyahay;
Fulinta, Xeer-Dejinta iyo Garsoorka. Waxaana Qaranka hoggaamiya Madaxweynaha oo
ah sida ku xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka ‘Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada
muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay
daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo
hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda.’ Su’aashu waxay
tahay Shirweyne saddexdii gole ee Qaranka midkoodna aanu qabanqaabinayn,
Madaxweynahii Qarankuna aanu ogolayn Shirweyne Qaran ma la odhan karaa?
Jawaabtu waa maya. Labada Xisbi Qaran ee Mucaaridku ma sheegan karaan
qabanqaabada Shirweyne Qaran haddaanay saddexda gole ee Qaranku la socon,
Madaxweynuhuna aanu guddida qabanqaabada magacaabin. Qodobka 92aad ee Dastuurka
ayaa Madaxweynaha u gaar yeelay awoodda go’aan ka gaadhista xaaladaha gaarka ah
ee halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka;
khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale isagoo ka soo
saaraya xeerar deg-deg ah oo arrimahaasi lagu joojinayo.
Haddayse arrintu tahay Dood Qaran ayaanu
qabanaynaa, iyadu waabay ka dhawdahay Shirweynaha Qaran. Dooddu way bannaan
tahay; horeba way u dhici jirtay arrimo Dood Qaran aynu ka yeelanay oo imika
inooguma horeyso – waxaa laga yaabaa inaynaan inagu se u garanayn Dood Qaran. Mucaaridku
waxay dood ka keeni karaan arrimaha ugubka ah ee aan la garanayn sharci iyo
xeer lagu maamulo toona laakiin dood kama keeni karaan arrin uu gole ama hay’ad
Dawladdeed ay ku shaqo leedahay oo la garanayo xeerka lagu maamuli karo, markaa
waxaa u bannaan oo qudha inay dhaliilaan waxqabadka golahaasi ama hay’addaasi. Ma
jiro xeer u diiddaya mucaaradka inay qabsadaan dooddo lagu falanqaynayo arrimo
Qaranka khuseeya oo ay Dood Qaran ka taagan tahay.
Adduunyada kama dhacdo inuu mucaaradku ku
dhawaaqo Shirweyne Qaran, waxaase had iyo jeer ka dhacda in mucaaradku uu
dhaliyo Dood Qaran. Aan tusaale u soo qaato dhacdadii ugu dambeysay ee adduunka
ka dhacday ee teena la mid ah, Madaxweyne Goodluck
Jonathan; Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya wuxuu bishii hore dhammaadkeedii,
iyadoo loo dabaal-degayo xuska madax-bannaanida dalkaasi ku dhawaaqay Shirka Wada-Xaajoodka
Qaran ee dalkaasi wuxuu yidhi “Xukumaddeenu
waxay ogolaansho ka bixisay baaqyadii sannado socday ee dadka aragtida wacan ee
reer Nayjeeriya, kaasi oo khuseeyey baahida loo qabo Shirweyne Wada-xaajood oo
lagaga dooddo mustaqbalka dalkeena aynu jecel nahay.” Toddoba casho kadib
maalintii uu hadalkani jeediyey wuxuu magacaabay guddi ka kooban 13 qof si ay
uga shaqeeyaan qabanqaabada shirkaasi, waxaanu u qabtay muddo lix usbuuc ah.
Mucaaradka dalkaasi Nayjeeriya waxay shirkani ku baaqayeen muddo sannado ah
haddaanay tobanneeyo sanno ahaynba, waxaanay muddadaasi wadeen dooddo gaar ah, waana
dadkani uu Madaxweynahu ku sheegayo dadka
aragtida wacan ee reer Nayjeeriya. Haseyeeshee, bishii hore dhammaadkeeda
ayey Madaxweynaha ka soo go’day arrintani. Mucaaradkeenana sidaasi ayaa looga
baahnaa inay Madaxweynaha u soo jeediyaan Shirweynaha Qaran, kuma saxsana inay
keligood baahiyaan oo ku dhawaaqaan Shirweyne Qaran.
3. Ujeeddooyinka
Doodda Qaran ee ay Mucaaradku ku Baaqeen
War-saxaafaddeed
uu ku saxeexan yahay Maxamed Cusmaan Fadal, Guddoomiyaha Guddida Qabanqabaada Doodda
Qaran oo 16ka Noofamber, 2013ka soo baxay ayaa lagu sheegay ujeeddooyinka
Dooddani Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarad sida wadajirka ah u qabanayaan,
waxaana ujeeddooyinka lagu soo koobay afar ujeeddo oo waaweyn oo u badan kuwo
siyaasaddeed. Kolba mid ayeynu dul istaagi doonaa.
1.
Xoojinta
iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, iyada oo lagu gorfyan doono carqaladaha
hortaagan ama ku iman kara, in ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.
Ujeeddadani
waa mid muhiim ah isla markaana u baahan in sideeda loo fuliyo, xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka
dimuqraaddiyaddu kuma koobna doorashooyinka oo qudha (sida uu
war-saxaafaddeedku u dhigay) waxaa loo baahan yahay in loogu horeysiiyo sidii
dimuqraaddiyadda loogaga dhaqmi lahaa xisbiyada dhexdooda ee aanay xisbiyadu u
noqdeen kuwo ay dad gaar ahi iska leeyihiin ama ku gorgortamaan sida kuwa
maanta jira oo kale. Taasina kuma cada ujeeddadani. Markaa haddaan arrintan la
siinin muhiimada kowaad, waxba lagama qaban karo xoojinta iyo kobcinta
geeddi-socodka dimuqraaddiyadda.
Arrimaha
hoos yimaada ujeeddadani kowaad ee ay kamid yihiin (a) in la iftiimiyo
dhalliilihii iyo gol-daloolooyinkii ka soo baxay ama ka muuqday doorshooyinkii
Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay Nov.2012kii (b) In doorshooyinku
Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhacaan wakhtigooda ku began badhtamaha
2015ka, mar kalena aan dib-u-dhac ugu iman (c) in doorashada ka hor la
dhammeeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayna noqoto mid maangal ah raandhiis
leh, isla markaana la iftiimiyo lagana hortago waxyaalaha keeni kara inay mar
kale fashilanto sidii tii hore (d) in la dhamaystiro qabayada dhinaca
sharciyada doorashooyinka iyo wixii la xidhiidha, sida xeeraka doorashada baaralamanka
iwm maaha arrimo kelifi kara in laga yeesho Dood Qaran waayo waxaynu leenahay
goleyaashii iyo hay’addahii ku shaqada lahaa iyo xeerarkii lagu maamulayey. Waxaa
ku filan kulamo dhex mara Axsaabta Qaranka, Komishanka Qaranka iyo Goleyaasha
Xeer-dejinta sidii hore u dhaci jirtay, maaha se in laga dhigo wax cusub oo aan
la maareyn karin ilaa laga yeesho Dood Qaran oo loo dhan yahay.
2.
Qiimaynta
wax-qabadka, hab-dhaqanka, iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee
dalka.
Ujeeddadani
waa ta sababtay in Dooddani Qaran lagu dhawaaqo, haseyeeshee, waxaanan fahmin
in ay ujeeddaan in markii hore mucaaradku aanu waxba ka ogayn wax-qabadka,
hab-dhaqanka iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka, sidaas
darteed Dood Qaran ayaa laga yeelanayaa iyo in ujeeddadoodu tahay waa la og
yahaye imika ayaanu qiimaynaynaa ilaa heerka ay gaadhsiisan yihiin. Runtii,
ujeeddadani ma cada, Mucaaradku waa inuu talaabo talaabo ula socdaa wax-qabadka
xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalkaba, hadiise imika la qiimaynayo ba maxaa
kelifay Dooddani Qaran? Maxayse markii hore ku hawlanayeen Xisbiyada Mucaaradku?
Mucaaridku haddaanu mar kasta ku hawlanayn qiimaynta wax-qabadka xukuumadda iyo
xaaladda guud ee dalka oo ay Dood Qaran ama Shirweyne Qaran la sugayaan
iyagaaba dhib qaba runtii. Waxay ahayd inay yidhaahdaan sidii looga tashan
lahaa maamul-xumada xukuumadda iyo nabad-galiyada sii xumaanaysa (Ilayn hore
waxay u sheegeen in arrimahani laga tashanayee) iwm.
3.
Qiimaynta
duruufaha caalamiga ah ee ku gedaaman aqoonsiga jamhuuriya Somaliland, iyo
dib-u-eegista iyo milicsiga geeddi-socodka wada-hadallada Somaliland iyo
Somalia.
Allaylahe
ujeeddada ugu muhiimsan ee Dood Qaran ama Shirweyne Qaran loo baahan yahay in
loo qabtaa waa in la qiimeeyo duruufaha ku gedaaman aqoonsiga Jamhuuriyadda
Soomaaliland. Duruufuhu kuma koobna kuwa caalamiga ah oo qudha ee kuwa ugu xun
uguna saameynta badan ee hor taagan aqoonsigeenu waa caqabadaha maxaliga ah ee
aynu inagu abbuurno, waxaana ugu horeysa dawlad-wanaaggeena liita iyo
musuq-maasuqa. Waxaa caqabadaha maxaliga ah kamid ah muran-siyaasaddeedka
foosha xun ee aan waxbana la xeerinayn ee dhex mara Axsaabta Qaranka – waxaad arkaysaa
siyaasi mucaarad ama muxaafid ah oo wax ka sheegaya qarannimadeena. Runtii, aad
baan ugu bogaadinayaa inay mucaaradku arrintani qiimaheeda gartaan,
Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayey ahayd inay qabanqaabiyaan sidii arrintani Shirweyne
Qaran looga yeelan lahaa. Imika se mucaaradka oo qudhi waxba soo kordhin
maayaan waayo mar haddii shirkoodu aanu ahayn Shirweyne Qaran oo ay Xukuumadda
iyo Goleyaasha Qaranku u dhan yihiin, wixii ka soo baxa shirkoogu wuxuu noqon
doonaa oo qudha wakhtigiina la suga.
4.
In
wada-tashi mug iyo qoto lehba laga yeesho arrimaha qabyada ka ah dhismaha
dawladnimada Somaliland, ee muddada dheer soo jiitamayey, kuwaas oo ay ka mid
noqon karaan, (a) sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa distoorka; (b) qaabkii
loo dooran lahaa Golaha Guurtida iyo kaalintiisa; (c) sidii horuumarka iyo
taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka
kooban yahay. (d) Sidii talada siyaasiga ah looga qayb-gelin lahaa
dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, sida haweenka, dhaliyarada iyo dadka
laga tirade badan yahay.
Ujeeddadani
Afraad, dhawr arrimood oo ay tahay in mid kastaba gaarkeeda looga yeesho Dood
Qaran ayaa ku kulmay. Waxaan hubaa inaan hal kulan dooddeed lagaga wada dooddi
karin mawduucyaddani balaadhan, waxaana muhiim ah in la fahmo in aanu qabyo
ahayn dhismaha dawladnimo ee Soomaaliland, dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda
Soomaaliland waa mid dhameystiran waxaanu ku xusan yahay Dastuurka, wuxuuse u
baahan yahay in la qurxiyo markaa waa in la kala fahmaa in aan loo baahnayn in
la qabyo-tiro dhismaha Qaranka ee loo baahan yahay in la qurxiyo oo qudha. Arrinta
kale ee u baahan in la faahfaahiyo ayaa ah sidii horuumarka iyo taladaba ugu
sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay
maxaa looga jeedaa horumarka iyo talada ha loo sinaado? Horumarka gobol iyo
degmo wuxuu ku xidhan yahay khayraadka iyo dabeecadda deeggaankiisa iyo dadka
ku dhaqani sida ay u tabcaan markaa majiro dal horumarka goboladiisa iyo
degmooyinkiisu ay siman yihiin. Waxaa se la odhan karaa horumarinta uu Qaranku
ku sameynayo ha loo sinaado, taasi ayaa sax ah. Arrimaha ujeeddadani ku xusan
dhammaantood waxay u baahan yihiin in mid walba gaarkiisa looga yeesho Shirweyne
Qaran oo ay qabanqaabiyaan Goleyaasha Qaran ama Hay’addaha Dawladda ee ku
shaqada lihi.
Guntii
iyo gebogebadii, Xisbiyada Mucaaradka ah waxaa u bannaan inay Dood Qaran ka
dhaliyaan arrimaha loo baahan yahay in tallo Qaran laga yeesho, hase ogaadeen
in wax-ka-qabashadeeda iyo fulinteedu ba ay u taalo saddexda Gole Qaran ee
dalku leeyahay. Waxaana wannaagsanayd iyagoo marka hore Madaxweynaha u soo
jeediya in arrimahani ay taabteen Shirweyne Qaran laga yeesho, halka ay iyagu
iskood iskaga dhawaaqeen iyagoon awood fulineed iyo mid maamul toona aan
lahayn. Imika se Doodda ama Shirweynahoogu kama dhaco shir gaar ah oo ay
mucaaradku yeesheen.
Qalinkii:
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
No comments:
Post a Comment