Inkastoo
shaqada fasax laga ahaa maanta, haddana si kale ayaan iskaga mashquulsanaa. Wakhti
ku beegnaa ilaa labadii duhurnimo ayaan fursad u helay in aan Internet-ka
isticmaalo. Markii aan ilaa nusasaac kaga jawaabay fariimahii aan ugu tagey
sanduuqayga fariimaha, sida caadadayda ah waxaan u jeestay dhinaca mareegaha
wararka iyo qoraallada kaleba tebiya. Waxaan ugu horaynba furay mareegta
hubaalmedia.com, isla markiiba waxay indhahaygu qabteen “Madaxweyne Siilaanyo oo Laga Hor Akhriyey Liiska Dembiyadii ugu Badnaa
ee Dalka ka Dhacay Muddadii uu Xilka Hayey iyo Warbixin ka Deyrinaysa Amniga
Dalka” Warbixin aan doonayey ayey ahayd; waxaan ogaa in sannad kasta
maalintani oo kale booliisku ay sheegaan tirakoobka fal-dembiyeedka ka dhacay
Somaliland sannadkaas oo dhan. Dhawr siyaaboodba waan u sugayey warbixintai; waa
marka kowaade, waxaan ogaa inay sannadkani jireen fal-dembiyeedyo dalkeena aad
ugu soo kordhay. Waxaan ogaa in fal-dembiyeedyada ay kamid yihiin kufsiga,
dhaca, dilalka, dagaalka kooxeysan iyo qaar kaleba ay sannadkani aad u
kordheen. Sidaas darteedna waxaan xiisaynayey bal sida ay warbixin sannaddeedka
Bileysku ay arrintani uga hadasho. Runtii, warbixintuna way tilmaantay qaar
kamid ah fal-dembiyeedyadaasi kordhay.
Askar Bileyska Soomaaliland ah |
Ujeeddada
qoraalkaygani waxay daaran tahay in aan wax ka idhaahdo qaabkii uu Bileysku uga
warbixiyey fal-dembiyeedkii sannadkani ka dhacay dalka oo runtii annigu, Sharciyaqaan
ahaan, aan aad u saluugay, warbixinta oo sharciga khilaafsan darteed. Waxaan aad
uga fajacay in Bileysku uu warbixinta sidani u dhigey iyo in kale. Waxaan hubiyey
dhawr mareegood oo kale, bal si aan u hubiyo in ay jirto warbixin tan ka duwan
oo ay saxaafadu ka hadashay. Dhawrka mareegoodba isku warbixin ayey qoreen. Waa
yaab! “Waar toloow Bileyskii sidey ka noqotay?”
ayaan iskula shawray. Inankii jaraa’idka noo keeni jiray ayaaba ii keenay jaraa’iidkii,
waxaaba ku qoran isla warbixintii aan saluugsanaa. Dhawr su’aalood ayaa
maskaxdayda ku soo noqnoqday ma Bileyskii ay ahayd inuu sharciga fahamsanaado
ayey warbixintani kasoo baxday? Sidee loo waayey qof qudha oo yidhaahda
warbixintani sharciga ayey ka hor imanaysaa? Ma warbixinta noocan ah ayuu
Madaxweynahu dhageystay oo ku qancay? Qoladani saxaafadu ma qaar aan waxba
fahamsanayn baa, miyaanu qaladkani u muuqanin….iyo qaar kale oo la nooc ah.
Nasiib-darro, waan waayey cid qaladaadkii ku jiray warbixinta tilmaanta.
Maxaad
is leedahay warbixinta way ka khaldan yihiin? Haddaanad maskax sharciga u
noqonaysa ku eegin, marnaba ma garan kartid. Kulamana yaabayo oo waxaabu
qaladkani ka dhacay una muuqan waayey kuwii ku shaqaynayey sharciga. Waxba warbixinta
oo dhan isku qaadi maayo waayo ma wada dhaliilayo oo qaybo aan ku diirsaday
sida loo dhigay ba way ku jiraan.
Warbixintu
Sharciga ayey baal marsanayd!
Haa,
warbixin sannaddeedka bileyska ee fal-dembiyeedyadii dalka ka dhacay sannadkani
2013-ku waxay baal marsan tahay sharciga. Aan soo qaato warbixinta qaybaha
inaga khuseeya.
1. “Dalka
sannadkani 2013-ka waxaa ka dhacay kow iyo labaatan kun, laba boqol toddobaatan
iyo siddeed dembi (21,278)” oo noo gashay Buugga Dacwaddaha (OB)
Waxaan
hubaa qofkii Sharciyaqaan ah ee ay maskaxdiisu soo jeedo iyo qof kasta oo ah
muwaadin ilbaxa ah oo sharciga in uun ku dhaqmaa inuu markaaba garan karo
khaladka ku jiraa labadaasi layn ee warbixinta kamidka ah. Ugu horeynba,
khaladka meeshani ku jiraa waa Buugga Dacwaddaha ama buugga afka qalaad loogu
yeedho “Occurrence Book” oo loo
yaqaan OB-gu waa buug lagu qoro
cabashooyinka ama dhacdooyinka Bileyska soo gaadha ee loo baahan yahay in
sharciga la waafajiyo. Waxa markaa meesha ku jirta dhacdo kasta oo buuggani
lagu qoraa ma noqoto dembi, ee dacwaddaha ay maxkamadduhu xukun ka soo saaraan
ee ay Xeer-illaalintu ay caddeysay inuu dembi dhacay, qofka loo haystaana uu
yahay kii galay dembigaasi uun baa la odhan karaa dembi baa dhacay. Markaa Bileysku
ma wuxuu inoo sheegayey in dhammaan cabashooyinkii ama dhacdooyinkii sannadkani
lagu qoray buugga OB-gu ay dembi
ahaayeen oo ay maxkamadduhu xukun ka soo saareen? Maya, taasi uma jeedaan oo
warbixinta xaggeeda dambe ayey ku sheegeen kiisaskii laga heshiiyey iyo kuwo ay
ku sheegeen inay beenoobeen. Haddaa maxay uga jeedeen arrintani? Waa su’aal
jawaabteeda Bileyska laga rabo. Waxay sax ku ahaan lahayd “Sannadkani waxaa
Bileyska soo gaadhay kow iyo labaatan kun, laba boqol toddobaatan iyo siddeed
cabasho ama dhacdo (21,278)”
2. “Waxaanu
Maxkamadda u gudbinay 6699 dembi”
Horta
Maxkamadda dembiyo looma gudbiyee, waxaa loo gudbiyaa dhacdooyin. Iyadaa markay
ka garnaqdo ama dembi u aqoonsata ama meesha ka saarta. Haddii Maxkamadda uu
Bileysku u soo gudbiyey 6,699-kani
dhacdo ee ay dembiga ku sheegeen, maxay ka yeeleen 14,579 dhacdo ee kale ee OB-ga
ku qornaa? Maxay ka yeeleen?
3. “Waxaa
la xukumay 2,258 dembi”
Maxkamaddii
loo soo gudbiyey 6699-ka kiis waxay
xukuntay 2258-ka kiis. Qofkii doonaya
inoo ogaado tirada guud ee fal-dembiyeedkii dalka ka dhacay sannadkani 2013-ka,
waxaan leeyahay waa 2,258 dembi
waayo waa tirada kiisaska ay Maxkamadduhu dembi u aqoonsadeen (sida uu Bileysku
sheegay, waxa laga yaabaa Maxkamadduhu inay tiro ka duwan sheegaan). Dhacdo kasta
oo OB-ga lagu qoraa maaha dembi. Dhacdooyinka
Bileyska looga soo cawday ayaa 21, 278 ah,
inta dembi noqotay ee ay Maxkamadduhu xukumeena waa 2,258.
4. “Waxaa
laga heshiiyey 9,304”
Maan
fahmin waxa looga jeedo “Waa laga
heshiiyey” Su’aashu se waxay tahay kiiska laga heshiiyey ma dembi baa loo
diiwaan galinayaa? Kuwo nocee ah ayey ahaayeen kiisaska laga heshiiyey? Ilayn qaar
aanu sharcigu ogolayn in heshiis laga galo ayaa jiree! Halkee lagu heshiiyey ma
saldhigyada mise markuu kiisku soo gaadhay Maxkamadda? Iyadna wax ay tahay
maanaan garan.
5. “Waxaana
beenoobay 3,832”
Tanaa ba ugu daran, xitaa haddii
cabashadu ay beenoowdo ma dembi baa lagu diwaangalinayaa. Waa arrin yaab leh. Waar
annagaa wax aragnay! Maxaase “beenoobay”
looga jeeddaaba? Ma waxaa looga jeedda dembi baa lagu waayey mise….? Iyadna wax
allaale wax laga waday! Mooyi! Haddii intani ay tahay kiisaska dembiga lagu
waayey, Maxkamaddahana loo soo gudbiyey 6,699
kiis, 609 kiis ayaa soo hadhayee
kuwaasina maxaa lagu sheegay? Mooyi! Waxba laguma sheegin.
6. “Waxaa
baadhis ku jira 1,443”
Midiba
midka ay ka dambeyso ayey ka cajab badan tahay, maxaa isku keenay baadhis baa
socota iyo tirada guud ee dembiyada dhacay ayey ku jirayaan. Yaa dembi ka
dhigay kiis baadhistiisu socota? Ma taasaanay cid diidday jirin; Madaxweyne,
Wasiir, Garsooreyaal, Aqoonyahan iyo Saxaafad ba! oo aynu weliba saxaafada ku
soo qoraynaa. Ciil badanaa caynka aan nahay!!!
Guntii
iyo gebogebadii, warbixintaasi Soomaaliland oo dhan ayey ceeb ku tahay. Waxay sawir
cad ka bixinaysaa qaabka dawladnimadeenu u shaqayso iyo heerka garaadkeenu soo
marayo. Runtii, anniga aad bay ii damaqday warbixintani. Cid kasta oo dawlad-wanaageena
jecelina way ka damqanaysaa. Waxa I damqay in Bileyska oo ah gaadh hayaha
sharcigu uu qaabkani u warbixiyo. Waxaa I damaqday in madaxdeenu aanay
arrinkani dhaadanayn ba. Waxaa I damaqday in saxaafadeenu aanay lahayn indho
qaladkani cad arka. Waxaa I damaqday in aynu wada aqoonyahan nahay, dhaqankii,
ilbaxnimadii iyo fahamkii dawladnimo se inaga maqan yahay. Waxaan ku soo
gaabsaday “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna” yaanay noqonine sidii Dr. Bulxan
aynu nidhaahno “Ceel uma qodna, cid baa se u maqan” taasi oo run noqonaysa
marka qof waliba uu masuuliyadda garabkiisa saaran garto. ILAAHAY XAQA HA INA
WAAFAJIYO.
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good
Lawyer)
Borame,
Somaliland
No comments:
Post a Comment