Pages

Sunday, November 17, 2013

Doodda Qaran: Sharciyaddeeda iyo Ujeeddooyinkeeda!



1.   Hordhac

Waxaa maalmahani dalka ka socda muran siyaasaddeed oo ka dhaxeeya labada Xisbi Qaran ee mucaaridka ah oo wada socda iyo Xukumadda iyo Xisbi Xaakimka ay ka farcantay oo isku dhinac ah. Wuxuu murankani ka farcamay Shirweynaha Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridku sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen bishii hore dhammaadkeedii. Markii ugu horeysay waxaa Shirweynahani Qaran ku dhawaaqay siyaasiyiinta la baxday Madasha Wada-tashiga Soomaaliland, haseyeeshee, markii ay Xukumaddu ka dhago-adaygtay ayay arrinkani ku wareejiyeen labada Xisbi Mucaarid, kuwaasi oo si wadajir ah u magacaabay guddi qabanqaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomida shirweynahani. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo Shirweynahani Qaran ka hadlay aad buu uga soo horjeestay go’aankani ay Mucaaridku ku baaqeen, sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isna sharci-darro ku tilmaamay in la qabto Shirweyne Qaran oo aanu Madaxweynahu guddoominayn. Inkastoo Mucaaaradku ay si kulul uga jawaabeen hadalkaasi Guddoomiyaha Golaha Guurtida, haddana waxaa muuqata inay uga garaabeen hadalkaasi sababtoo ah kelmaddii “Shirweynaha Qaran” waxay ku bedeleen “Dood Qaran”. Runtii, waa xaalad siyaasaddeed oo khatarteeda leh waayo labadii Xisbi Mucaarid oo uu midkood hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa isku dhinac ah waxaana ka soo horjeeda Xukumadda iyo Xisbi Xaakimkeeda oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland. 

Waxaan qoraalkani ku iftiimin doonaa arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay in dadweynahu uu fahmo si aanay murankani siyaasaddeed ugu dhago barjoobin ama aanay si indho la’aan ah u kala taageerin labadani dhinac. Waxaan ugu horeynba iftiimin doonaa macnaha kelmadda “Dood Qaran” iyo sharcigu waxa uu ka qabo qabsoomida Doodda Qaran dabadeedna waxaan sharaxi doonaa ujeeddooyinka ay Mucaaridku sheegeen inay u qabanayaan Dooddani Qaran; ma yihiin qaar lagama maarmaan ka dhigaya in la qabto Dood Qaran mise maaha?

2.   Waa maxay Doodda Qaran? Muxuu se Sharcigu ka yidhi “Doodda Qaran?

“Dood Qaran” waxaa loo yaqaanaa marka arrimo ama dhacdooyin qaranka khuseeya ay dooddi ka dhalato taasi oo ka dhaxaysa goleyaasha dawladda ama xukumadda gudaheeda ama bulshada rayidka ah iyo hay’addaha dawladda. Doodda Qaran iyo Shirweynaha Qaran way kala duwan yihiin – Shirwayne Qaran waxaa ku baaqi kara Goleyaasha Qaranka, Xisbiyada Mucaaradka ama Hay’addaha Dawladda waxaase ogolaada Madaxweynaha. Doodda Qaran se waxay u dhalataa iskeed, go’aan ka gaadhisteena waxaa iska leh Golaha Qaran ee uu sharcigu awood u siinayo go’aan ka gaadhista arrinta ay dooddu ka dhalatay. Shirweynaha Qaran waa inuu leeyahay qorshe hawleed (Agenda), Doodda Qaranna waa inay ku saabsan tahay mawduuc gaar ah ama arrimo xidhiidh leh.

Haddaba, Xisbiyadeena Mucaaradku ma waxay ku dooddayaan inay qaban karaan Shirweyne Qaran mise Dood Qaran ayaanu qabanaynaa ayey leeyihiin? Labadaba afkooga waynu ka haynaa. Waxaana muuqata in aanay fahamsanayn kala duwanaanshaha labadani kelmadood. Mucaaridku way qabsan karaan Shirweyne iyaga u gaar ah oo lagu falanqaynayo arrimaha khuseeya Qaranka, waanay dhaliili karaan qaabka ay xukumaddu u shaqeyso laakiin Shirweynahaasi lama odhan karo waa Shirweyne Qaran oo xukumaddu way ku qasban tahay inay fuliso wixii ka soo baxa. Sidaas darteed, haddii Mucaaridku ay rabaan in Shirweyne Qaran laga yeesho arrimaha ay danaynayaan waa inay marka hore u soo jeediyaan Goleyaasha Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Qaranku, isagaa haddii uu la qaato kadib magacaabi doonaa guddi qaban-qaabo, sidaasina waxaa ku qabsoomi doona Shirweyne Qaran. Haddiise Madaxweynahu uu diiddo soo jeedintooda ama se aanay aanay u soo jeedinba ee ay iskaga dhawaaqaan siday imika yeeleen, Xukumaddu kuma qasbanaan doonto fulinta wixii ka soo baxa shirkaasi waayo shirkaasi waxba kama duwanaanayo shirarka gaar ah ee ay Xisbiyada Mucaaradku qabsadaan.

Qodobka 37aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu sheegayaa in ‘shacbigu uu awoodda iyo karaamada Qarannimo u igmaday Dawladda’ oo ka kooban saddexda gole ee Qaranku leeyahay; Fulinta, Xeer-Dejinta iyo Garsoorka. Waxaana Qaranka hoggaamiya Madaxweynaha oo ah sida ku xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka ‘Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda.’ Su’aashu waxay tahay Shirweyne saddexdii gole ee Qaranka midkoodna aanu qabanqaabinayn, Madaxweynahii Qarankuna aanu ogolayn Shirweyne Qaran ma la odhan karaa? Jawaabtu waa maya. Labada Xisbi Qaran ee Mucaaridku ma sheegan karaan qabanqaabada Shirweyne Qaran haddaanay saddexda gole ee Qaranku la socon, Madaxweynuhuna aanu guddida qabanqaabada magacaabin. Qodobka 92aad ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha u gaar yeelay awoodda go’aan ka gaadhista xaaladaha gaarka ah ee halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale isagoo ka soo saaraya xeerar deg-deg ah oo arrimahaasi lagu joojinayo.

Haddayse arrintu tahay Dood Qaran ayaanu qabanaynaa, iyadu waabay ka dhawdahay Shirweynaha Qaran. Dooddu way bannaan tahay; horeba way u dhici jirtay arrimo Dood Qaran aynu ka yeelanay oo imika inooguma horeyso – waxaa laga yaabaa inaynaan inagu se u garanayn Dood Qaran. Mucaaridku waxay dood ka keeni karaan arrimaha ugubka ah ee aan la garanayn sharci iyo xeer lagu maamulo toona laakiin dood kama keeni karaan arrin uu gole ama hay’ad Dawladdeed ay ku shaqo leedahay oo la garanayo xeerka lagu maamuli karo, markaa waxaa u bannaan oo qudha inay dhaliilaan waxqabadka golahaasi ama hay’addaasi. Ma jiro xeer u diiddaya mucaaradka inay qabsadaan dooddo lagu falanqaynayo arrimo Qaranka khuseeya oo ay Dood Qaran ka taagan tahay. 

Adduunyada kama dhacdo inuu mucaaradku ku dhawaaqo Shirweyne Qaran, waxaase had iyo jeer ka dhacda in mucaaradku uu dhaliyo Dood Qaran. Aan tusaale u soo qaato dhacdadii ugu dambeysay ee adduunka ka dhacday ee teena la mid ah, Madaxweyne Goodluck Jonathan; Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya wuxuu bishii hore dhammaadkeedii, iyadoo loo dabaal-degayo xuska madax-bannaanida dalkaasi ku dhawaaqay Shirka Wada-Xaajoodka Qaran ee dalkaasi wuxuu yidhi “Xukumaddeenu waxay ogolaansho ka bixisay baaqyadii sannado socday ee dadka aragtida wacan ee reer Nayjeeriya, kaasi oo khuseeyey baahida loo qabo Shirweyne Wada-xaajood oo lagaga dooddo mustaqbalka dalkeena aynu jecel nahay.” Toddoba casho kadib maalintii uu hadalkani jeediyey wuxuu magacaabay guddi ka kooban 13 qof si ay uga shaqeeyaan qabanqaabada shirkaasi, waxaanu u qabtay muddo lix usbuuc ah. Mucaaradka dalkaasi Nayjeeriya waxay shirkani ku baaqayeen muddo sannado ah haddaanay tobanneeyo sanno ahaynba, waxaanay muddadaasi wadeen dooddo gaar ah, waana dadkani uu Madaxweynahu ku sheegayo dadka aragtida wacan ee reer Nayjeeriya. Haseyeeshee, bishii hore dhammaadkeeda ayey Madaxweynaha ka soo go’day arrintani. Mucaaradkeenana sidaasi ayaa looga baahnaa inay Madaxweynaha u soo jeediyaan Shirweynaha Qaran, kuma saxsana inay keligood baahiyaan oo ku dhawaaqaan Shirweyne Qaran. 

3.   Ujeeddooyinka Doodda Qaran ee ay Mucaaradku ku Baaqeen

War-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay Maxamed Cusmaan Fadal, Guddoomiyaha Guddida Qabanqabaada Doodda Qaran oo 16ka Noofamber, 2013ka soo baxay ayaa lagu sheegay ujeeddooyinka Dooddani Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarad sida wadajirka ah u qabanayaan, waxaana ujeeddooyinka lagu soo koobay afar ujeeddo oo waaweyn oo u badan kuwo siyaasaddeed. Kolba mid ayeynu dul istaagi doonaa.

1.     Xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, iyada oo lagu gorfyan doono carqaladaha hortaagan ama ku iman kara, in ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.

Ujeeddadani waa mid muhiim ah isla markaana u baahan in sideeda loo fuliyo, xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyaddu kuma koobna doorashooyinka oo qudha (sida uu war-saxaafaddeedku u dhigay) waxaa loo baahan yahay in loogu horeysiiyo sidii dimuqraaddiyadda loogaga dhaqmi lahaa xisbiyada dhexdooda ee aanay xisbiyadu u noqdeen kuwo ay dad gaar ahi iska leeyihiin ama ku gorgortamaan sida kuwa maanta jira oo kale. Taasina kuma cada ujeeddadani. Markaa haddaan arrintan la siinin muhiimada kowaad, waxba lagama qaban karo xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda.

Arrimaha hoos yimaada ujeeddadani kowaad ee ay kamid yihiin (a) in la iftiimiyo dhalliilihii iyo gol-daloolooyinkii ka soo baxay ama ka muuqday doorshooyinkii Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay Nov.2012kii (b) In doorshooyinku Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhacaan wakhtigooda ku began badhtamaha 2015ka, mar kalena aan dib-u-dhac ugu iman (c) in doorashada ka hor la dhammeeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayna noqoto mid maangal ah raandhiis leh, isla markaana la iftiimiyo lagana hortago waxyaalaha keeni kara inay mar kale fashilanto sidii tii hore (d) in la dhamaystiro qabayada dhinaca sharciyada doorashooyinka iyo wixii la xidhiidha, sida xeeraka doorashada baaralamanka iwm maaha arrimo kelifi kara in laga yeesho Dood Qaran waayo waxaynu leenahay goleyaashii iyo hay’addahii ku shaqada lahaa iyo xeerarkii lagu maamulayey. Waxaa ku filan kulamo dhex mara Axsaabta Qaranka, Komishanka Qaranka iyo Goleyaasha Xeer-dejinta sidii hore u dhaci jirtay, maaha se in laga dhigo wax cusub oo aan la maareyn karin ilaa laga yeesho Dood Qaran oo loo dhan yahay.

2.    Qiimaynta wax-qabadka, hab-dhaqanka, iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka.

Ujeeddadani waa ta sababtay in Dooddani Qaran lagu dhawaaqo, haseyeeshee, waxaanan fahmin in ay ujeeddaan in markii hore mucaaradku aanu waxba ka ogayn wax-qabadka, hab-dhaqanka iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka, sidaas darteed Dood Qaran ayaa laga yeelanayaa iyo in ujeeddadoodu tahay waa la og yahaye imika ayaanu qiimaynaynaa ilaa heerka ay gaadhsiisan yihiin. Runtii, ujeeddadani ma cada, Mucaaradku waa inuu talaabo talaabo ula socdaa wax-qabadka xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalkaba, hadiise imika la qiimaynayo ba maxaa kelifay Dooddani Qaran? Maxayse markii hore ku hawlanayeen Xisbiyada Mucaaradku? Mucaaridku haddaanu mar kasta ku hawlanayn qiimaynta wax-qabadka xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalka oo ay Dood Qaran ama Shirweyne Qaran la sugayaan iyagaaba dhib qaba runtii. Waxay ahayd inay yidhaahdaan sidii looga tashan lahaa maamul-xumada xukuumadda iyo nabad-galiyada sii xumaanaysa (Ilayn hore waxay u sheegeen in arrimahani laga tashanayee) iwm.

3.    Qiimaynta duruufaha caalamiga ah ee ku gedaaman aqoonsiga jamhuuriya Somaliland, iyo dib-u-eegista iyo milicsiga geeddi-socodka wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.

Allaylahe ujeeddada ugu muhiimsan ee Dood Qaran ama Shirweyne Qaran loo baahan yahay in loo qabtaa waa in la qiimeeyo duruufaha ku gedaaman aqoonsiga Jamhuuriyadda Soomaaliland. Duruufuhu kuma koobna kuwa caalamiga ah oo qudha ee kuwa ugu xun uguna saameynta badan ee hor taagan aqoonsigeenu waa caqabadaha maxaliga ah ee aynu inagu abbuurno, waxaana ugu horeysa dawlad-wanaaggeena liita iyo musuq-maasuqa. Waxaa caqabadaha maxaliga ah kamid ah muran-siyaasaddeedka foosha xun ee aan waxbana la xeerinayn ee dhex mara Axsaabta Qaranka – waxaad arkaysaa siyaasi mucaarad ama muxaafid ah oo wax ka sheegaya qarannimadeena. Runtii, aad baan ugu bogaadinayaa inay mucaaradku arrintani qiimaheeda gartaan, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayey ahayd inay qabanqaabiyaan sidii arrintani Shirweyne Qaran looga yeelan lahaa. Imika se mucaaradka oo qudhi waxba soo kordhin maayaan waayo mar haddii shirkoodu aanu ahayn Shirweyne Qaran oo ay Xukuumadda iyo Goleyaasha Qaranku u dhan yihiin, wixii ka soo baxa shirkoogu wuxuu noqon doonaa oo qudha wakhtigiina la suga.

4.    In wada-tashi mug iyo qoto lehba laga yeesho arrimaha qabyada ka ah  dhismaha dawladnimada Somaliland, ee muddada dheer soo jiitamayey, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan, (a) sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa distoorka; (b) qaabkii loo dooran lahaa Golaha Guurtida iyo kaalintiisa; (c) sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay.  (d)  Sidii talada siyaasiga ah looga qayb-gelin lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, sida haweenka, dhaliyarada iyo dadka laga tirade badan yahay.

Ujeeddadani Afraad, dhawr arrimood oo ay tahay in mid kastaba gaarkeeda looga yeesho Dood Qaran ayaa ku kulmay. Waxaan hubaa inaan hal kulan dooddeed lagaga wada dooddi karin mawduucyaddani balaadhan, waxaana muhiim ah in la fahmo in aanu qabyo ahayn dhismaha dawladnimo ee Soomaaliland, dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland waa mid dhameystiran waxaanu ku xusan yahay Dastuurka, wuxuuse u baahan yahay in la qurxiyo markaa waa in la kala fahmaa in aan loo baahnayn in la qabyo-tiro dhismaha Qaranka ee loo baahan yahay in la qurxiyo oo qudha. Arrinta kale ee u baahan in la faahfaahiyo ayaa ah sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay maxaa looga jeedaa horumarka iyo talada ha loo sinaado? Horumarka gobol iyo degmo wuxuu ku xidhan yahay khayraadka iyo dabeecadda deeggaankiisa iyo dadka ku dhaqani sida ay u tabcaan markaa majiro dal horumarka goboladiisa iyo degmooyinkiisu ay siman yihiin. Waxaa se la odhan karaa horumarinta uu Qaranku ku sameynayo ha loo sinaado, taasi ayaa sax ah. Arrimaha ujeeddadani ku xusan dhammaantood waxay u baahan yihiin in mid walba gaarkiisa looga yeesho Shirweyne Qaran oo ay qabanqaabiyaan Goleyaasha Qaran ama Hay’addaha Dawladda ee ku shaqada lihi.

Guntii iyo gebogebadii, Xisbiyada Mucaaradka ah waxaa u bannaan inay Dood Qaran ka dhaliyaan arrimaha loo baahan yahay in tallo Qaran laga yeesho, hase ogaadeen in wax-ka-qabashadeeda iyo fulinteedu ba ay u taalo saddexda Gole Qaran ee dalku leeyahay. Waxaana wannaagsanayd iyagoo marka hore Madaxweynaha u soo jeediya in arrimahani ay taabteen Shirweyne Qaran laga yeesho, halka ay iyagu iskood iskaga dhawaaqeen iyagoon awood fulineed iyo mid maamul toona aan lahayn. Imika se Doodda ama Shirweynahoogu kama dhaco shir gaar ah oo ay mucaaradku yeesheen.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Tuesday, November 5, 2013

Warbixin Sannaddeedkii Bileyska Soomaaliland: Dembiyo mise dhacdooyin!!!


Inkastoo shaqada fasax laga ahaa maanta, haddana si kale ayaan iskaga mashquulsanaa. Wakhti ku beegnaa ilaa labadii duhurnimo ayaan fursad u helay in aan Internet-ka isticmaalo. Markii aan ilaa nusasaac kaga jawaabay fariimahii aan ugu tagey sanduuqayga fariimaha, sida caadadayda ah waxaan u jeestay dhinaca mareegaha wararka iyo qoraallada kaleba tebiya. Waxaan ugu horaynba furay mareegta hubaalmedia.com, isla markiiba waxay indhahaygu qabteen “Madaxweyne Siilaanyo oo Laga Hor Akhriyey Liiska Dembiyadii ugu Badnaa ee Dalka ka Dhacay Muddadii uu Xilka Hayey iyo Warbixin ka Deyrinaysa Amniga Dalka” Warbixin aan doonayey ayey ahayd; waxaan ogaa in sannad kasta maalintani oo kale booliisku ay sheegaan tirakoobka fal-dembiyeedka ka dhacay Somaliland sannadkaas oo dhan. Dhawr siyaaboodba waan u sugayey warbixintai; waa marka kowaade, waxaan ogaa inay sannadkani jireen fal-dembiyeedyo dalkeena aad ugu soo kordhay. Waxaan ogaa in fal-dembiyeedyada ay kamid yihiin kufsiga, dhaca, dilalka, dagaalka kooxeysan iyo qaar kaleba ay sannadkani aad u kordheen. Sidaas darteedna waxaan xiisaynayey bal sida ay warbixin sannaddeedka Bileysku ay arrintani uga hadasho. Runtii, warbixintuna way tilmaantay qaar kamid ah fal-dembiyeedyadaasi kordhay.

Askar Bileyska Soomaaliland ah
Ujeeddada qoraalkaygani waxay daaran tahay in aan wax ka idhaahdo qaabkii uu Bileysku uga warbixiyey fal-dembiyeedkii sannadkani ka dhacay dalka oo runtii annigu, Sharciyaqaan ahaan, aan aad u saluugay, warbixinta oo sharciga khilaafsan darteed. Waxaan aad uga fajacay in Bileysku uu warbixinta sidani u dhigey iyo in kale. Waxaan hubiyey dhawr mareegood oo kale, bal si aan u hubiyo in ay jirto warbixin tan ka duwan oo ay saxaafadu ka hadashay. Dhawrka mareegoodba isku warbixin ayey qoreen. Waa yaab! “Waar toloow Bileyskii sidey ka noqotay?” ayaan iskula shawray. Inankii jaraa’idka noo keeni jiray ayaaba ii keenay jaraa’iidkii, waxaaba ku qoran isla warbixintii aan saluugsanaa. Dhawr su’aalood ayaa maskaxdayda ku soo noqnoqday ma Bileyskii ay ahayd inuu sharciga fahamsanaado ayey warbixintani kasoo baxday? Sidee loo waayey qof qudha oo yidhaahda warbixintani sharciga ayey ka hor imanaysaa? Ma warbixinta noocan ah ayuu Madaxweynahu dhageystay oo ku qancay? Qoladani saxaafadu ma qaar aan waxba fahamsanayn baa, miyaanu qaladkani u muuqanin….iyo qaar kale oo la nooc ah. Nasiib-darro, waan waayey cid qaladaadkii ku jiray warbixinta tilmaanta.

Maxaad is leedahay warbixinta way ka khaldan yihiin? Haddaanad maskax sharciga u noqonaysa ku eegin, marnaba ma garan kartid. Kulamana yaabayo oo waxaabu qaladkani ka dhacay una muuqan waayey kuwii ku shaqaynayey sharciga. Waxba warbixinta oo dhan isku qaadi maayo waayo ma wada dhaliilayo oo qaybo aan ku diirsaday sida loo dhigay ba way ku jiraan.

Warbixintu Sharciga ayey baal marsanayd!

Haa, warbixin sannaddeedka bileyska ee fal-dembiyeedyadii dalka ka dhacay sannadkani 2013-ku waxay baal marsan tahay sharciga. Aan soo qaato warbixinta qaybaha inaga khuseeya.

1.   Dalka sannadkani 2013-ka waxaa ka dhacay kow iyo labaatan kun, laba boqol toddobaatan iyo siddeed dembi (21,278)” oo noo gashay Buugga Dacwaddaha (OB)

Waxaan hubaa qofkii Sharciyaqaan ah ee ay maskaxdiisu soo jeedo iyo qof kasta oo ah muwaadin ilbaxa ah oo sharciga in uun ku dhaqmaa inuu markaaba garan karo khaladka ku jiraa labadaasi layn ee warbixinta kamidka ah. Ugu horeynba, khaladka meeshani ku jiraa waa Buugga Dacwaddaha ama buugga afka qalaad loogu yeedho “Occurrence Book” oo loo yaqaan OB-gu waa buug lagu qoro cabashooyinka ama dhacdooyinka Bileyska soo gaadha ee loo baahan yahay in sharciga la waafajiyo. Waxa markaa meesha ku jirta dhacdo kasta oo buuggani lagu qoraa ma noqoto dembi, ee dacwaddaha ay maxkamadduhu xukun ka soo saaraan ee ay Xeer-illaalintu ay caddeysay inuu dembi dhacay, qofka loo haystaana uu yahay kii galay dembigaasi uun baa la odhan karaa dembi baa dhacay. Markaa Bileysku ma wuxuu inoo sheegayey in dhammaan cabashooyinkii ama dhacdooyinkii sannadkani lagu qoray buugga OB-gu ay dembi ahaayeen oo ay maxkamadduhu xukun ka soo saareen? Maya, taasi uma jeedaan oo warbixinta xaggeeda dambe ayey ku sheegeen kiisaskii laga heshiiyey iyo kuwo ay ku sheegeen inay beenoobeen. Haddaa maxay uga jeedeen arrintani? Waa su’aal jawaabteeda Bileyska laga rabo. Waxay sax ku ahaan lahayd “Sannadkani waxaa Bileyska soo gaadhay kow iyo labaatan kun, laba boqol toddobaatan iyo siddeed cabasho ama dhacdo (21,278)”

2.   “Waxaanu Maxkamadda u gudbinay 6699 dembi”

Horta Maxkamadda dembiyo looma gudbiyee, waxaa loo gudbiyaa dhacdooyin. Iyadaa markay ka garnaqdo ama dembi u aqoonsata ama meesha ka saarta. Haddii Maxkamadda uu Bileysku u soo gudbiyey 6,699-kani dhacdo ee ay dembiga ku sheegeen, maxay ka yeeleen 14,579 dhacdo ee kale ee OB-ga ku qornaa? Maxay ka yeeleen?
3.   “Waxaa la xukumay 2,258 dembi”

Maxkamaddii loo soo gudbiyey 6699-ka kiis waxay xukuntay 2258-ka kiis. Qofkii doonaya inoo ogaado tirada guud ee fal-dembiyeedkii dalka ka dhacay sannadkani 2013-ka, waxaan leeyahay waa 2,258 dembi waayo waa tirada kiisaska ay Maxkamadduhu dembi u aqoonsadeen (sida uu Bileysku sheegay, waxa laga yaabaa Maxkamadduhu inay tiro ka duwan sheegaan). Dhacdo kasta oo OB-ga lagu qoraa maaha dembi. Dhacdooyinka Bileyska looga soo cawday ayaa 21, 278 ah, inta dembi noqotay ee ay Maxkamadduhu xukumeena waa 2,258.

4.   “Waxaa laga heshiiyey 9,304”

Maan fahmin waxa looga jeedo “Waa laga heshiiyey” Su’aashu se waxay tahay kiiska laga heshiiyey ma dembi baa loo diiwaan galinayaa? Kuwo nocee ah ayey ahaayeen kiisaska laga heshiiyey? Ilayn qaar aanu sharcigu ogolayn in heshiis laga galo ayaa jiree! Halkee lagu heshiiyey ma saldhigyada mise markuu kiisku soo gaadhay Maxkamadda? Iyadna wax ay tahay maanaan garan.

5.   “Waxaana beenoobay 3,832”

Tanaa ba ugu daran, xitaa haddii cabashadu ay beenoowdo ma dembi baa lagu diwaangalinayaa. Waa arrin yaab leh. Waar annagaa wax aragnay! Maxaase “beenoobay” looga jeeddaaba? Ma waxaa looga jeedda dembi baa lagu waayey mise….? Iyadna wax allaale wax laga waday! Mooyi! Haddii intani ay tahay kiisaska dembiga lagu waayey, Maxkamaddahana loo soo gudbiyey 6,699 kiis, 609 kiis ayaa soo hadhayee kuwaasina maxaa lagu sheegay? Mooyi! Waxba laguma sheegin.

6.   “Waxaa baadhis ku jira 1,443”

Midiba midka ay ka dambeyso ayey ka cajab badan tahay, maxaa isku keenay baadhis baa socota iyo tirada guud ee dembiyada dhacay ayey ku jirayaan. Yaa dembi ka dhigay kiis baadhistiisu socota? Ma taasaanay cid diidday jirin; Madaxweyne, Wasiir, Garsooreyaal, Aqoonyahan iyo Saxaafad ba! oo aynu weliba saxaafada ku soo qoraynaa. Ciil badanaa caynka aan nahay!!!

Guntii iyo gebogebadii, warbixintaasi Soomaaliland oo dhan ayey ceeb ku tahay. Waxay sawir cad ka bixinaysaa qaabka dawladnimadeenu u shaqayso iyo heerka garaadkeenu soo marayo. Runtii, anniga aad bay ii damaqday warbixintani. Cid kasta oo dawlad-wanaageena jecelina way ka damqanaysaa. Waxa I damqay in Bileyska oo ah gaadh hayaha sharcigu uu qaabkani u warbixiyo. Waxaa I damaqday in madaxdeenu aanay arrinkani dhaadanayn ba. Waxaa I damaqday in saxaafadeenu aanay lahayn indho qaladkani cad arka. Waxaa I damaqday in aynu wada aqoonyahan nahay, dhaqankii, ilbaxnimadii iyo fahamkii dawladnimo se inaga maqan yahay. Waxaan ku soo gaabsaday “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna” yaanay noqonine sidii Dr. Bulxan aynu nidhaahno “Ceel uma qodna, cid baa se u maqan” taasi oo run noqonaysa marka qof waliba uu masuuliyadda garabkiisa saaran garto. ILAAHAY XAQA HA INA WAAFAJIYO.

Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Somaliland

Sunday, November 3, 2013

HEESTA JEES: Hees si Wanaagsan u soo Bandhigtay Dareenka Dhabta ah ee ay Kala Qabaan Soomaliland iyo Soomaaliya!!!!


Fanaanniinta Fadxiya Fiska iyo Nimco Yaasiin

Saddex arrimood baa ku xiiso galinaya markaad heestani dhegaysato. Waa marka kowaade, mawduuca heesta oo ah garnaqsi dhex maraya Somaliland iyo Somaaliya – Waa mawduuc sidiisaba u xiiso badan.  Arrinta labaad ee xiisaha leh ayaa ah labada Fanaannadood ee heesta sida talantaaliga ah ugu wada luuqeynaya oo ah laba Fanaannadood oo ah safiiro fanka ugu jira labada dawladdood; markaad qiimeyso sida ay mid kastaba ugu weyn tahay aaminsanaanta dhinaca ay aragtidiisa haysato (Somaliland iyo Soomaaliya). Fanaaniintaas oo kala ah Nimco Yaasiin Carraale (Nimco Sharaf) iyo Fadxiya Fiska. Nimco Yaasiin Carraale waa Fanaannad caan ku ah u ololleynta Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliland. Sidaan aaminsanahayna, malaha maba jiro Fanaan ama Fanaannad kaga heeso badan tageerista Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliland. Fadxiya Fiska, iyadna waa Fanaannad reer Muqdisho ah, inkastoo ay qaado hees qiimo badan oo Somaaliland lagu amaanayo, haddana, sida badan waxay aad u taageersan tahay mabda’a Soomaali weyn. Arrinta ugu xiiso badan ee aad heestani ku jeclaanaysaa waa sida quruxda badan ee Abwaanka halabuuray heestani uu u abbaaray dareenka dhabta ah iyo meesha uu ku qotomo garnaqsiga dhabta ee Soomaaliland iyo Soomaaliya – wuxuu ka baydhay qaabkii hore ee ahaa dhinac qudha oo isla quman, isla saxsan oo tiisa hayste ah. Abwaankani oo magaciisa la yidhaahdo Baashe Cilmi Sacmaal, wuxuu runtii muujiyey dhexdhexaadnimo, waxaanu si caddaalad ah u soo bandhigay dareenka runta ah ee labada dhinac (Soomaaliland iyo Soomaaliya).

Calamada Shanta Soomaaliyeed
Heestani waxay ugu horeynba tilmaamaysa walaaltinimadii ka dhaxaysay Soomaalida iyo sidday u jeclaayeen inay wada-jiraan oo ay iskugu duubnaadaan. Iyadoo labada dhinac uu mid kastaaba gaar ahaantiisa u garnaqsanayo ayey haddana heesta dhex-taal u yihiin ereyo ay labada fanaan ba ku bilaabayaan beydadkooda oo tilmaan u ah walaaltinimadii ka dhaxaysay Soomaalida iyo sida uu guumeystaha oo ah nacabka ummadda Soomaaliyeed ugu qaybshay shan qaybood oo shan maamul oo kala duwan kala hoos taga. Iyadoo arrintani tilmaamaysa waxay heestu leedahay:-


Shan baa jira wada dhashoo,
Dix iyo karin wada deggoo,
Jidiinka la quuto iyo,
Maryaha kala jeexan jiray.
Waxaa kala jiiday nacab,
Jihaba qar buu ku daray.”


Iyagoo shanta Soomaaliyeed shan maamul kala hoos taga ayaa haddana waxaa quluubtooda buux dhaafisay in la helo midow Soomaali weyn oo ay Soomaalidu dal qudha ku wada abtirsadaan. Inkastoo la odhan karo reer Waqooyiga ayaa ugu xamaasad kululaa. Qolo waliba dhinaceeda ayey halgan gobonimo-doon u gashay. Waxaa timid in Soomaaliland ayey noqoto meeshii ugu horeysay ee dhul Soomaaliyeed gobanimadeeda u heesta. Waxay qaateen go’aan gobonimo si ay uga dhabeeyaan riyadoodii Soomaali weyn waxaanay calankoodii iyo madax-bannaanidoodiiba ula tageen walaalladoodii Soomaaliya si ay ula midoobaan. Waxay dhiseen dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Soomaaliland iyo Soomaaliya midawgoogii lama mahadin oo sidii loogu han weynaa umuu taabo qaadin. Soomaalidii degannayd Gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya waxay go’aansadeen inay la noolaadaan dadkaasi qalaad ee ay dhulka wadaagaan. Soomaalidii Itoobiya degganaydna waxay ogolaadeen inay iyaguna dhul weynaha Itoobiya ka tirsanaadaan. Jabuuti oo xornimadeedii qaadatay ayaa iyadna dal gaarkiisa u jira noqotay oo walaalahooda Canfareed iyo Carbeed dal la wadaagtay. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxday riyadii Soomaali weyn. Soomaaliland ayaa iyadna ka soo goosatey midoowgii ay eedday ee lagu hungoobay. Soomaaliya ayaa iyadu se xalkeeda taagan yahay midowgii oo sii jira oo aan meesha ka bixin. Soomaaliland oo garnaqsanaysa ayaa waxay leedahay:-
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland

Haddaynaan wada jirayn,
Jabuutiyo Gaarisiyo,
Jigjiga loo wada dhamayn.
Annigu jiis baan noqdaye,
Haddaan danahayga jiray,
Jidh diidku xaguu ka yimid?”



Heestu waxay si wanaagsan u tilmaantay dareenka Soomaaliya oo ah in aan la quusanin oo marka hore midowgii dawladdii Soomaaliyeed la soo celiyo dabadeedna midowgii Soomaali weyn la raadiyo. Sidaas darteed, Soomaaliya oo garnaqsanaysaa waxay leedahay:-
Calanka Dawladda Soomaaliya

Adaa ila jiri jiree,
Jabuutiyo Gaarrisiyo,
Jigjiga aan doonanee.
Jeer hore waataad midnimo,
Jid dheer iila soo martee,
Ha jiidane joog walaal.



 
Soomaaliland waxay garnaqsigani Soomaaliya u aragtaa I jiid aan ku jiidee gacmo daalis ah sababtoo ah haddii Soomaali midoowda la rabo waxay ahayd inay Jabuuti iyo Soomaalida Kiinaya iyo Itoobiya deggani ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee arrinkani ka shaqeeya. Mar kasta oo ay Soomaaliland maqasho Soomaaliya oo u gacan haadinaysa waxay leedahay:-

Ma jiid aan is jiidanaa!
Jeenyaha ina daali baa!
Haddaan jiro ma u jabbaa?”

Soomaaliya waxay iyadu aragtaa in kala maqnaanshaha Soomaalidu uu yahay qorshe uu nacabku lahaa oo uu ku guuleystay, haddii Soomaaliland iyo Soomaaliya kala tagaana ay cadowga uun ka farxinayso laakiin aanay midkoodna wax uga kordhayn. Sidaas darteed, waxay leedahay:-

Jidh baan nahay wada dhashee,
Yaynaan cadowgeen u jabin,
Mid aan inala kala jeclayn!”

Guntii iyo gebogebadii, waxaan hambalyeynayaa Abwaanka ay maskaxdiisa ka burqatay heestani Baashi Cilmi Sacmaal. Waxaan ugu hambalyeynayaa Soomaalinimada uu muujiyey, waxaan ugu hambalyeynayaa runta uu tilmaamay, waxaan ugu hambalyeynayaa halabuurka caadifada ka madhan. Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu Soomaali qalbigooda isku soo dhaweeyo oo ay danteeda ka wada shaqayso meel kasta oo ay kala joogaan.

Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Somaliland