Maalin
dhawayd oo ku beegnayd 14kii bisha Sebtembar, 2013ka, annigoo la jooga nin aanu
saaxiib nahay gurigooda oo Hargeysa ku yaala ayaan si kedis ah buuggaag guriga
taaley uga dhex helay wargeyska HALABUUR – Wargeys-Xilliyeedka Sugaanta iyo
Dhaqanka Soomaalida oo tixraaciisu ahaa Xirmo 2, Tr. 1 & 2, 2007. Waa
wargeys-xilliyeed sannadkii laba jeer ka soo bixi jirey Djibouti, kuna soo bixi
jirey luuqadaha Soomaaliga, Ingiriisida iyo Faransiiskaba. Waxaana laga heli
jiray waddamo badan oo ku yaala Afrika, Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Bariga
Dhexe. Tirsigani wuxuu ahaa tirsi-lammaane gaar ah oo ku soo beegmay xuska
sannadguuradii 30aad ee dhalashadii Jamhuuriyadda Jabuuti, sidaa awgeed
iftiiminayey kaalintii fanka iyo suugaantu ay ka qaateen xoraynta iyo qaran-dhiska
Jabuuti[i].
Ujeeddadaydu
maaha in aan idinla wadaago qoraaladii aan wargeyska kula kulmay oo
dhameystiran, balse waxaan qalinka u qaatey in aan ka faalloodo qayb kamid ah
qoraal aan wargeyska ka akhriyey oo cinwaankiisu ahaa Halgankii Gobonimo-doonka Jabuuti iyo Kaalintii Halabuurka oo
uu qoray Qoraaga weyn ee Aw-Jaamac Cumar
Ciise oo uu kaalinayey Burhaan Axmed
Daahir [sida qoraalka lagu sheegay], waxaanu qoraalkani ku qoran yahay
boggaga 50naad – 55naad ee tirsigani wargeyska. Qoraalkani saddex qaybood ayuu
ka kooban yahay. Qaybta ugu horeysa oo ka hadleysa heerarkii kala duwanaa ee
halgankii gobonimo-doon ee Jabuuti iyo kaalintii halabuurka, iyadoo heer
kastaba maanso la halabuuray xiligaasi tusaale loo soo qaadanayo. Qaybta labaad
oo ah la-dareen wadaagii Soomaaliya, wuxuu qoraagu ku sawiray sida ay dawladii iyo
shacabkii Soomaaliyeed u garab istaagteen halgankii gobonimo-doon ee Jabuuti.
Qaybta Saddexaad oo ah qaybta ugu dambeysana wuxuu qoraagu ku sheegay in reer
Jabuuti ay yihiin gob oo ay guddeen abaalkii ay dawladdii iyo shacabkii Soomaaliyeed
hore ugu galeen, isagoo tilmaamay dhawr talaabo oo uu sheegay inay abaalkaasi u
guddeen. Qoraalkaygani waxaan ku iftiiminayaa dood aan ka qabo qaabka uu
qoraagu uga hadlay la-dareen wadaaggii Soomaaliya ee gobonimo-doonka Jabuuti
iyo talaabooyinka uu ku sheegay inay dawlada Jabuuti u gudday abaalkii ay dawladda
iyo ummada Soomaaliyeed ku lahaayeen.
Bilowga
qoraalka wuxuu Qoraagu ku sheegay in 1950naadkii dhaqdhaqaaqa gobonimo-doonku uu
ka bilaabmay Xeebtii Soomaaliyeed ee uu Faransiisku guumeysan jiray (Jabuutida
maanta). Dhaqdhaqaaqani uu Qoraagu inoo sheegayaa waa kii uu hoggaaminayey Alle
ha u naxariistee halyeeygii Maxamuud Xarbi. Waa runtii oo dhaqdhaqaaqa uu
halyeeygani hoggaaminayey wakhtigan ayuu ku beegnaa. Su’aasha aan isweydiiyey
ayaa ah miyaanu jirin dhaqdhaqaaq ka horeeyey kani 1950naadkii oo ay reer
Jabuuti kaga hor yimaadeen guumaystaha? Su’aashaydani waxaan jawaabteedii ka
helay qoraal uu qoray Qoraaga weyn ee Cabdala
Xaaji Cusmaan oo cinwaankiisu yahay Halgankii
Xornimada Jabuuti[ii]
waxaanu qoraalkaasi ku sheegay:
“Haddaba
inkastoo heshiis dhex maray odayadii Ciisaha iyo Faransiiska haddana waxa jiray
dad diiddanaa oo aad uga soo horjeeday in gaaladu cagaha soo dhigaan dhulka.Raggii
diiddanaa gaalka oo ahaa dhallinyaro dagaalyahaanno ah, waxa hoggaamiye u ahaa
geesigii Faarax-xaad.Muddo badan ayey Faarax-xaad iyo colkiisu Faransiiska ku
horjoogeen xeebta oo aanu meelba u dhaafin. Waxaan odhan karnaa halganka
gumaysi-diidku markaa buu bilaabmay.”
Faransiisku
wuxuu Jabuuti ka soo degay 1832kii, waxaanu si rasmi ah ula wareegay sannadkii
1885kii isagoo heshiis la galey odayaashii reer Jabuuti ee xeebta degganaa. Odayaashaas
waxaa hoggaaminayey Xaaji Diidde oo
markii dambe noqday Duqii ugu horeeyey ee Magaalada Jabuuti.
Aw-Jaamac Cumar
Ciise isagoo ka
hadlaya sida ay dawladii iyo shacabkii Soomaaliyeed dareen-wadaagga ula
ahaayeen shacabkii reer Jabuuti xiligii halganka gobonimo-doonka iyo xornimada,
wuxuu kusoo koobay in:
1) 1960kii
kolkii Soomaaliya xornimadeeda qaadatay dastuurkii qaranka ee berigaa la
dejiyey waxaa lagu daray qodob qeexaya in Soomaalida guumeysiga ku hoos jirta
laga taageero xaga siyaasadda iyo fagaarayaasha caalamiga ahba si loogu
ogolaado in ay ayaahooda ka tashadaan.
2) 1969kii
markii ciidamada qalabka sidaa la wareegeen xukunka dalka, axdigii ay degsadeen
qaybtiisa siyaasadda dibedda; qodobka saddexaad wuxuu qoraayey: in lagu dedaalo
sidii dadka iyo dhulalka soomaalidu deggan tahay loo xorayn lahaa gaar ahaan
Jabuuti oo halgan firfircoon ku jirtey.
3)
Maalintey Jamhuuriyadda Jabuuti
gobonimo-deeda hanatay dalkii Soomaaliya dad iyo dawladba waxay u ahayd maalin
weyn oo taariikhda gashay. 27kii Juun oo ah maalintii ay Jabuuti xorowday, waxa
ay dawladdii Soomaaliyeed u aqoonsatey maalin qaran.
Ugu
horeynba, waxaan ka biyo-diidday in xidhiidhkii ka dhaxeeyey shacabka reerka
Jabuuti iyo soomaalida kale lagu soo koobo dareen-wadaag. Dadka Soomaalida ah
waxaa ka dhaxeeyey xidhiidh gobonimo-doon oo mid ah, waxay ahaayeen
halgan-wadaag. Xidhiidhka gobonimo-doon ee ka dhaxeeyeyna kuma koobnayn
dareen-wadaagga oo qudha ee waxay iska tageeri jireen halganka gobonimo-doon. Halganku
muu ahayn mid meel qudha ku kooban ee wuxuu ahaa mid Soomaali weyn ah. Waxa loo
dagaalamayey ee ay dadkuna doonayeen wuxuu ahaa Soomaali xor ah oo mideysan. SYL
oo Soomaliya xornimadeeda u dagaalamaysay waxay u halgamayeen midnimada
Soomaaliyeed, sidaas oo kale ayey reer Somaliland ay ugu halgamayeen midnimada
Soomaaliyeed oo ay u horseed ugu noqdeen. Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed
halgankii gobonimo-doonka ee reer Jabuuti dareen-wadaag qudha kagama eekayn ee
way ka qayb qaateen.
Xidhiidhka
gobonimo-doon ee Jabuuti iyo Soomaalida kale maaha mid ku bilaabmay dastuurkii
1960kii ee dawladdii Soomaaliya ee wuu ka horeeyey. Bal u fiirso beydadkani
kamidka ah tix uu Cali Sugule tiriyey
1959kii:
“Haddaanan Xamar way hadhsan
tahee,
Hargeysaay ku saarin heegada.
Haddaanan hawd u hawshoonoo.
Hilbahayga iga maqan la soo
hadhin.
Haddaanan Jabuuti way hakatee,
Hilinka kuwa kale hayaan marin.
Haddaanay NFD hingalo dhigan,
Huurkiyo laga qaadin heeryada”
Dastuurkii
dawladdii Soomaaliya ee 1960kii kuma jiro qodob qudha oo sida uu Aw-Jaamac Cumar Ciise sheegayo odhanaya
“in Soomaalida guumeysiga ku hoos jirta
laga taageero xaga siyaasadda iyo fagaarayaasha caalamiga ahba si loogu
ogolaado in ay ayaahooda ka tashadaan.” Malaha odaygu wuxuu si khaldan u fahmay
qodobka 6(4) ee dastuurkaasi oo odhanaysa “Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay kobcinaysaa
Midowga Gobollada Soomaaliyeed, waxayna dhiirigelinaysaa isku xirnaanata
dadyowga Adduunka, gaar ahaana dadyowga Afrika, iyo kuwa Islaamka.” Odhaahdanina waa mid ka macno fog ta uu isagu
sheegay.
Waxaase run ah in dawladdii Soomaaliyeed ee
1960naadkii ay in badan taageertay halganka gobonimo-doonka ee Jabuuti, dadkuna
runtii aad bay uga qayb galeen halgankaasi. Tusaale ahaan, markii uu
guumeystahii Faransiisku ka yaabay sida ay dadkii reer Jabuuti u kacsan yihiin
ee ay caqabad kasta uga talaabsanayaan ayuu is yidhi afti ku muquuni oo dadka kala
qaybi, waxaanu go’aan ku gaadhay in 19kii Maaris 1967kii afti la qaado. Haddaba
waa kani Qoraaga Cabdala Xaaji Cusmaan
oo ka sheekaynaya sidii ay Dawladdii iyo dadkii Soomaaliyeed uga qayb qaateen
ololahii aftidaasi:
“Maalintaa la codaynayey waxa la
isku guubaabinayey (Qofka maanta codayn waaya, waa qof rasaas cadawga dili
lahayd la baaqday) waxa kale oo maalintaa la isku guubaabinayey heeso iyo
gabayo waddani ahaa oo ka soo burqanayey Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa,
heesaha maalintaa dhegaha dadweynaha ka dhex guuxayey waxa ka mid ahayd,
(Jabuutaay iska jir) oo uu lahaa Cabdi Muxumad Aamiin (Alle Ha u Naxariisto):
…. Jannada inaad doorataan
Iyo inaad Jahannamo galaysaan
Julaay iyo Juun dhexdoodaa
Jawaab la idinka sugayaa
Iska jir cadawga kula jecel
Inaad jabto oodan joogsan
Hooy Jabuutaay”
Arrinta kale ee
uu Aw-Jaamac Cumar Ciise dareen-wadaagga
ku sheegay oo ah in “1969kii markii
ciidamada qalabka sidaa la wareegeen xukunka dalka, axdigii ay degsadeen
qaybtiisa siyaasadda dibedda; qodobka saddexaad wuxuu qoraayey: in lagu dedaalo
sidii dadka iyo dhulalka soomaalidu deggan tahay loo xorayn lahaa gaar ahaan
Jabuuti oo halgan firfircoon ku jirtey.” Iyadna waaba arrin yaabkeeda leh,
axdigani (Charter) kacaanka waxaa loogu yeedhaa Sharci Lr. 01, 21ka Oktoober,
1969ka (Law No. 1 of 21 October 1969). Waxaan hayaa faafintii rasmiga ahayd ee
dawladdii Soomaaliya ee sannadkani (1969kii) soo baxday. Bal qodobkani uu
Qoraageenu sheegayo aan idinla wadaago sida uu faafintani ugu qoran yahay.
Wareegtadaasi iyadoo af Talyaani ku qoran ayey faafintaasi ku soo baxday[iii].
Waxaanu qodobkani saddexaad ee qaybta arrimaha dibedda oo ah ka uu Aw-Jaamac daliishanayaa u qoran yahay
sidani:
“Lottare
per l’unita della Nazione Somala;”
Marka
af Soomaali loo turjumana wuxuu noqonayaa “U
dagaalanka midnimada Qaranka Soomaaliyeed” Haddaba, qodobkani ma waxaa ka
muuqata in loo dedaalo xoreynta dhulalka Soomaalidu degan tahay siiba Jabuuti? Waa
maya. Taasi mid uu odaygu kacaanka la jeclaaday iska dheh. Marka laga soo gudbo
qodobkaasi, haddii ba uu Aw-Jaamac libin
la doonayo dawladii kacaanka waxaa wanaagsanayd isagoo tilmaama in dawladii
Soomaaliyeed ay xarun u ahayd Jabhadii Xoreynta Xeebta Soomaaliyeed. Waxa ay tareen
dawladdii iyo shacabkii Soomaaliyeed halgankii xornimada ee Jabuuti maaha wax
aynu maqaal qudha kaga geyoon karayno, waxaanu u baahan yahay in si gaar ah
loogu hagar-baxo oo wakhti iyo tamarba loo huro.
Aw-Jaamac markii uu saddexdaasi qodob ee
aynu kor kaga faaloonay ku sheegay la-dareen-wadaaggii Soomaaliya ee halganka
goboni-doonka Jabuuti ayuu u soo daadegay Jabuuti iyo siday u gudday abaalkii
ay shacabka iyo dawladdii Soomaaliyeed ku lahaayeen. Wuxuu yidhi “Lama wada xusi karo arrimaha wax-ku-oolka ah
ee Jabuuti dadka Soomaaliyeed u tartay” Waa runtii Jabuuti wax badan ayey
dadka Soomaaliyeed tartay. Waxaanse dood ka leeyahay, arrimahani uu isagu xusay
ee uu weliba ku sheegay lama ilaawaanka:
1) 1986kii,
Madaxweynahii Jamhuuriyadda Jabuuti, Xaaji Xasan Guuleed (Naxariistii janno
Allaha siiyee) wuxuu dhex-dhexaadin ka galay colaaddii baaxadda weynayd ee ka
dhex aloosnayd Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo labadii Madaxweyne Jabuuti isugu
keenay (Shirka IGAD). Si ay uga wada hadlaan dhibaatada iyo colaadda labada dal
ka dhex taagan. Taasna guul, heshiis, is af-garad iyo nabad baa laga gaadhey.
2) 1991kii,
markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay
ahayd dawladdii ugu horeysay oo u gurmata. 15kii-21kii Julaay 1991kii, Xaaji
Xasan Guleed wuxuu si rasmi ah uga furay shirweynahii dib-uheshiisiinta
shacbiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galeen odayaal nabaddoonka Soomaaliyeed
kamid ah iyo lix jabhadood.
3) 1999kii,
Ismaaciil Cumar Geelle, markii Madaxweynaha Jabuuti loo doortay talaabadii ugu
horeysay oo uu qaaday waxay ahayd siduu arrimaha murugsan ee Soomaaliya wax uga
qaban lahaa. Wuxuu qaban qaabiyey shir dib-uheshiisiineed oo loogu magac daray
buurta Carta. Wuxuu isku keenay ergooyin Soomaaliyeed oo ilaa afar kun ah.
wuxuu ahaa shirka keliya ee Soomaali badhax li’i ka qayb gasho oo aan shisheeye
ku lug lahayn.
Tanaaba
ah yaab yaabkiis, ugu horeyn ba odayga waxaa iskaga khaldamay shirkii IGAD lagu
aasaasay oo Jabuuti ka qabsoomay 1986kii iyo shirkii dambe ee ay ku kulmeen
Mingiste iyo Siyaad Barre ee Abriil 1988kii ka qabsoomay isla Jabuuti. Midda kale
ee khaladka ah ayaa ah in Aw-Jaamac uu
ku dooddayo in Jabuuti ay dhex-dhexaadisay labada Madaxweyne; Mingiste iyo
Siyaad Barre. Xasha! Marna doorka Xaaji Xasan Guuleed ee kulankaasi laguma
sheegin dhex-dhexaadin. Kamanuu qayb qaadanin kulanka labada Madaxweyne. Arrintani
waxaa ka si cad uga waramay Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo kulankaasi
isagu ku wehelinayey Madaxweyne Siyaad Barre, isagoo markaasi ahaa Xoghayaha
Arrimaha Dibedda ee Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee dawladdii Soomaaliya. Qaybe
oo 6dii bisha Abriil, 2010ka lagu wareystay Barnaamijkii Tariikhda Soomaaliya ee idaacadda
BBC-du wuxuu yidhi[iv]:
“Markii
shirkii IGAD dhammaaday, waxa isku soo hadhay oo ku heshiiyay inay kulmaan Maxamed
Siyaad Barre iyo Mingiste Xayle Maryam oo ay ka wada hadlaan arrimaha Soomaliya
iyo Itoobiya u dhaxee[yey]”
Hadalkaas Qaybe waxaynu ka fahmaynaa
in labada Madaxweyne; Mingiste iyo Siyaad Barre ay iskood ugu heshiiyeen inay
kulmaan. Haddaba maxaa kulankaasi ka soo baxay? Ma sida uu Qoraagu sheegay baa oo
waa la heshiiyey ama waa lays af-gartay? Maya! Taasina may dhacin, aynu mar
labaad ku noqono Mudane Qaybe iyo waxa uu natiijadii kulankaasi ka yidhi:
“Natiijadii
kulankaasi waxay noqotay waa lays mari waayay, habeenkii oo dhan markii la wada
hadlayay oo waa lays mari waayay. Waxa lagu heshiiyey markii danbe 4:30 ahayd,
waar bal guddidii Wasiirrada haddana ku celino oo bal iyagii aynu nidhaahno sii
wada bal inaad xal ka gaadhaan”
Runtii,
shacabka reer Jabuuti in xaal laga siiyo ayey mudan yihiin in kulankaasi
guul-dareystay lagu sheego arrimaha ugu mudan ee ay ku guddeen abaalkii ay shacabka
Soomaaliyeed ku lahaayeen. Waxa kale oo ay xaal ku mudanayaan in abaal ay
ummadda Soomaaliyeed u guddeen laga dhigo ka odayeynta kulankani ay labadani nin
ee daalimiinta ahi ugu heshiinayeen sidii ay iskaga caawin lahaayeen tirtirrida
urraradii xaq-udirirka ahaa ee maamulkooga dhiig miiratada ah lagaga soo hor
jeeday. Shacabka reer Jabuuti kulankaasi inuu Jabuuti ka qabsoomo way
diiddanayeen, waxayna taageero naf iyo maalba leh la garab taagnaayeen walaalladoodii
halgankii keli-taliska lagu riday ku jiray. Isla kulankani uu Aw-Jaamac sida khaldan uga waramay ayaa
markii dambe ka qabsoomay Muqdisho oo heshiis lagu gaadhay. Haddaba sida aan ka
soo xiganayo buugga Dhaxal-reeb-Horaad
oo uu qoray Qoraaga weyn ee Muj.
Boobe Yuusuf Ducaale[v]:
“Markii
heshiiskaas la saxeexay ayaa [Abwaan] Cabdilqaadir Xirsi Yamyam, naxariistii
Janno Ilaahey ha ka waraabiyo e’, oo nidaamkii Siyaad Barre af-hayeen u ahaa
tix uu ku magacaabay “Ina Gaado-ku-nool” oo [uu] SNM ula jeeday, heshiiskaana
ku maamuusay, halkudheggeeduna ahaa:
“Gudgudaa
I maray xalay,
Daruur
baa I guud timid,
Wixii
haro galsho lahaa,
Xareedkaa
ka galac tidhi,”
Ibraahim
Sheekh Saleebaan oo “Ibraahim Gadhle) loo yaqaan[ey], [naxariistii Janno
Ilaahey ha ka waraabiyo e’] ayaa isna ku qaxweeyey oo ugu jawaabay tixdii “Gar-naqsi”
ee halkudheggeedu ahaa:
“Guluf
baa ku mirey xalay,
Madfac
baa ku guud yimid,
Wixii
haro galsho lahaa,
Dhiig
baa ka galac yidhi,”
Muj.
Ibraahim Gadhle ayaa tusaale u ah abaalka gudka reer Jabuuti iyo siday uga qayb
qaateen halgankii dib-uxoraynta qaran ee ay SNM horseedka u ahayd. Taasi ayey
shacabka Soomaaliyeed abaal gud u aqoonsan yihiin. Jabuutina maaha shakhsi sida
Madaxweynaha oo kale ee waa shacbiga.
Arrinta
labaad ee uu Aw-Jaamac ku sheegay
abaal gudka reer Jabuuti ee shacbiga Soomaaliyeed waa in “1991kii, markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay, Jamhuuriyadda
Jabuuti waxay ahayd dawladdii ugu horeysay oo u gurmata. 15kii-21kii Julaay
1991kii, Xaaji Xasan Guleed wuxuu si rasmi ah uga furay shirweynahii
dib-uheshiisiinta shacbiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galeen odayaal nabaddoonka
Soomaaliyeed kamid ah iyo lix jabhadood.” Mid waan ka garaabayaa, taasi oo ah in Jabuuti
ay ahayd dawladdii ugu horeysay ee Soomaali u soo gurmata xiligii dawladdu
burburtay waan ka garaabayaa. Shacabkii Soomaaliyeed, waxaa xiligaasi gurmad
ugu filnayd sidii ay reer Jabuuti u marti-galinayeen dadkii maatada ahaa ee
Soomaaliya ka soo qaxay. Tani shirweynaha, iyadna meesha jabhado ayaa lagu
heshiisiinayey ee shacbigii Soomaaliyeed lagama soo qayb galin. Odayaal nabaddoono
ah oo shirka ka soo qayb galayna may jirin.
Haddiiba aan Aw-Jaamac tiisa u raacana, dawladdii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee
burburtay laba dal oo midoobay ayey ka koobnayd; Soomaaliya iyo Soomaaliland. Dadkii
reer waqooyigu waxay la soo noqdeen madax-banaannidoodii 1991kii oo
shirweynahani kamay soo qayb-galin. Markaa iyagana taasi ma abaal gudbay u
ahayd? Maxaase abaal gud u noqonayey? Wax-soosaarkii shirkaasi wuxuu noqday in
dawladdii ku-meelgaadhka ahayd ee Jabuuti lagu soo dhisay iyo Jabhadii Gen.
Caydiid ay iska hor yimaadaan oo halkaasina dhiiggii shacabka Soomaaliyeed uu
ku daato. Ma taasaa laga dhigay abaal gud ay sameeyeen reer Jabuuti? Maya! Ma geyaan
in waxaasi lagu sheego shacabka Jabuuti. Ciddii kale ee dusha laga saarayo! Mooji!
Arrinta
saddexaad ee uu Aw-Jaamac abaal
gudka ku sheegay ayaa ah in “1999kii,
Ismaaciil Cumar Geelle, markii Madaxweynaha Jabuuti loo doortay talaabadii ugu
horeysay oo uu qaaday waxay ahayd siduu arrimaha murugsan ee Soomaaliya wax uga
qaban lahaa. Wuxuu qaban qaabiyey shir dib-uheshiisiineed oo loogu magac daray
buurta Carta. Wuxuu isku keenay ergooyin Soomaaliyeed oo ilaa afar kun ah.
wuxuu ahaa shirka keliya ee Soomaali badhax li’i ka qayb gasho oo aan shisheeye
ku lug lahayn.” Arrinta ah in Madaxweyne Geelle talaabadii ugu horeysay ee uu
qaaday ay ahayd qabanqaabada shirkii Carta, waa hadal layska cabiray oo aan
daliil iyo cadeyn toona loo raadin. Horta ugu horeynba, Madaxweyne Geelle muu
lahayn fikirka ah in la qabto shirka Carta. Sida aan ka akhriyey Xasuus-Qorka Gees[vi]
oo ah qoraalo ku soo bixi jiray
Joornalada iyo mareegaha Internetka badankooga oo uu qoray Maxamed Siciid Gees oo ah Masuul xilal badan oo Wasiirnimo ka soo
qabtey Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland, wuxuu qoraal uu cinwaan uga dhigay Booqashadii Waftigii Rayaale ee
Jamhuuriyadda Djibouti ku sheegay in markii weftigii uu Madaxweyne
Rayaale hoggaaminayey ee 20kii Juun 2002dii Jabuuti tegay ay la fadhiisteen
Madaxweyne Geelle, la gar-naqsaday. Haddaba markii la gar-naqsanayey hadaladii
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa kamid ahaa:
“Haddaanu
dawladda Jabuuti nahay waxaanu go’aansaney in aannu siyaasadda Soomaaliya
faraha kala baxno, [Markii Shirkii hore lagu guul-dareystay kadib] dadweynaha
Soomaaliyeedse Djibouti u furnaato kii degaya, kii ka ganacsanaya, kii ka dhoofaya
oo aan lagu cidhiidhiyin iyo Passport-ka aan dawlad lahayna laga ogolaado oo
aanu ictiraafsanahay, muddo ayaanu arrintaasi wadnay sidaasay ahayd, haddana
waanu ka joogi weynay talefoonnadoodii iyo waraaqahoodii wufooddoodii oo nagu
dhego hadlaysa iyagoo leh ‘Waar yaad nagu haleynaysaan ma Amxaarada iyo
Kukuuyada ayaa na heshiisiinaysa, idinkaa cid walba noogu xiga ee wax nala
qabta’ Arrintaas ayaa mar saddexaad nagu keliftay in aanu galno
dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed oo aanu qabano Shirkii Carta.”
Si
cad ayuu Madaxweynahu inoogu sheegay in tawaawac iyo tuugis ka timid Soomaaliya
darteed ay ku keliftay qabanqaabinta shirkii Carta, waxaase abaal gud noqon
karta inuu Madaxweyne Geelle u damqaday walaaladii oo uu shirkaasi
qabanqaabiyey hawl badana galiyey. Taasise maaha abaal loo guddayey shacbigii
dawladii Soomaaliyeed ee waa abaal loo gudday shacabka dawladda Soomaaliya. Tani
abaal gud uma aha shacabka reer Soomaaliland oo markii hore kamid ahaa
dawladdii Soomaaliyeed, imika se ka madax-bannaan Soomaaliya.
Ugu
dambeyn, waxaa marag ma doon ah in shacabka reer Jabuuti ay guddeen abaalkii ay
u galeen shacbi-weynahii Soomaaliyeed ee dawladdii Soomaaliyeed marka la
tixgaliyo laba arrimood; siday uga qayb qaateen halganka lagaga hor-yimid
keli-taliskii daalinka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo gurmadka iyo soo
dhoweyntii ay u fidiyeen dadkii maatada ahaa ee Soomaaliyeed ee u qaxay
Jabuuti. Waxaana muhiim ah in aan abaal gud lagu sheegin arrin siyaasi ah oo uu
nin siyaasi ahi ku kacay isagoon dantiisa mooyee cid kale u danaynayn,
arrinkaasi oo mararka qaarkood lagaba yaabo inuu waxyeelo u lahaa
shacab-weynahii Soomaaliyeed. Imikana dawladda Jabuuti xidhiidh wanaagsan ayey
la leedahay Soomaliya iyo Soomaaliland ba. Hadday Soomaaliya nabad-galiyada
kala shaqeynayso, Soomaalilandna aqoonsanayso iyo haddii kaleba waxaanu
leenahay reer Jabuutiyoow abaal waad gashaaan, waanad guddaan.
DHAMMAAD.
Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Somaliland.
http://goodlawyer4.blogspot.com/, awmuxumed@yahoo.com
[i]
HALABUUR:
Wargeys-Xilliyeedka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, Xirmo 2, Tr. 1 &
2, 2007.
[ii]
Cabdala Xaaji Cusmaan, Halgankii Xornimada Jabuuti ka akhri halkani http://somalitalk.com/2009/jul/07dh909.html
[iii] Qarankii Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed, Faafinta Rasmiga ah 1969kii,Axdigii Kacaanka (Law No. 01
of 21st October, 1969)
[iv] BBC SOMALI, Barnaamijkii
Taariikhda Soomaaliya, wareysigii Qaybe, 6dii Abriil, 2010ka.
[v] Boobe Yuusuf Ducaale, Dhaxal-Reeb-Horaad,
2009
[vi] Maxamed Siciid Gees, Xasuus-Qorkii
Gees, Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment