Pages

Saturday, September 21, 2013

Faysal Cumar Mushteeg: Haldoorkii Fanka Soomaaliyeed ee uu Halabuurkiisu Mahadhooyinka Reebay



Bishii September 21keedii, sannadkii hore ee 2012ka waxaa magaalada Hargeysa lagu aasaasay Fanaankii weynaa, halabuurkii, Musigiistihii, Laxamiistahii iyo Macalimkii weynaa ee Faysal Cumar Mushteeg Ilaahay naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo e’, Faysal wuxuu ahaa shakhsiyad taariikh weyn ku leh fanka iyo tacliinta Soomaaliyeed ba.
 
Faysal Cumar Mushteeg wuxuu kamid ahaa jiilkii ugu sameynta badnaa bulshada Soomaaliyeed dhinaca fanka iyo tacliinta; waxay fanka gaadhsiiyeen heerkii ugu sareeyey ee uu gaadho ama horumarkii ugu sareeyey ee uu ku talaabsado, waxayna ahaayeen mutacaliimiin soo saaray aqoonyahanka maanta intooda ugu mudan. Jiilkaasi way badan yihiin oo ma wada xusi karo waxaa kamid ahaa Faysal Cumar Mushteeg, Ilma Mooge, Dararamle, Maxamed Warsame Qasaali, Cabdala Sagsaag, Maxamed Good Shimbir, Maxamed Nuur Giriig iyo qaar kaloo badan.

FAYSAL CUMAR MUSHTEEG
Faysal Cumar Mushteeg wuxuu ku dhashay xafaaddii Laba Nuux ee Magaalada Hargeysa sannadkii 1945kii, hooyadiina waxay ahayd Aamina Maxamed Bulxan. Awoowgii hooyo “Maxamed Bulxan” wuxuu ahaa gabyaa caan ah oo reer Berbera iyo reer Hargeysaba ahaa xiliyadii dhammaadkii Qarnigii 19aad.  Gabayadiisana waxaa kamid ahaa gabayga caanka ah ee “Dal dhameeye” la yidhaahdo. Faysal wuxuu waxbarashadiisii hoose ku dhameystay dugsigii hoose ee Sheekh Bashiir oo Hargeysa ku yaala kadibna wuxuu galay dugsigii boordhinka ahaan jiray ee Camuud halkaas oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii dhexe iyo tababarkii macalinimada. Wuxuu ka soo shaqeeyey oo uu Macalin ka noqday magaalooyin kala duwan.  

Fankiisu wuxuu af dilaacsaday xiligii uu waxbarashada ku jiray, waxaanu ahaa fanaan heesihiisa aad loo jecel yahay oo ilaa iyo maanta la jecel yahay oo dadkii hore u yaqaanay ay aad u dhageystaan. Waxaa heesahiisa lagu jeclaa codkiisu oo aad u macaan badan iyo heesahiisa oo badankoogu ay ka turjamayeen dareen dhab ah oo isaga ama qof kale ku dhacay ama waayaha nololeed ee ay xiligaasi bulshadu ku jirtay ama uu isaguba ku sugnaa. Wuxuu ahaa halabuur curiyey heeso iyo odhaah murtiyeed badan oo halhays iyo hal-qabsiba ka noqday guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto. Waxaa kale oo fankiisa lagu jeclaa dabeecadiisa oo ahayd mid furfuran oo aanay isla weyni ku jirin. Sida ay ii sheegeen qaar kamid ah ardaydii uu wax soo baray wuxuu ahaa qof asluub badan oo dadka si ixtiraam leh ula dhaqma. Waxay sidoo kale ii sheegeen inuu ahaa qof dhawrsoon oo aan dhadhan raac ahayn, fankana aanu ka xoogsan jirin laakiin uu madadaalo ka dhigan jiray. 

Waxyaabaha uu Faysal kaga duwanaa fanaaniinta kale waxaa kamid ah isagoo ku heesi jiray dhawr af oo kala duwan. Waxaanu si fiican ugu heesi jiray heesaha Soodaanta ah, gaar ahaan heesaha fanaankii weynaa ee reer Suudaan Maxamed Wardi iyo heeso kale oo af Carabi ahaa oo uu isagu sameystay. Markuu ku heesayo afka Carabiga waxaad moodaysay nin Suudaani ah oo heesaya. Sidaan maqlay, runtana u dhaw, waxaa dhacday in Faysal oo Muqdisho jooga uu xaflad ku soo casuumay Yusuf Ismaaciil Samater (Gandi) oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya si uu hibadiisa u tuso dadkii xafladda ka soo qayb galayey oo uu kamid ahaa Safiirkii Suudaan u fadhiyey dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Dadkii xafladda ka soo qayb galay waxay aad ula dhaceen luuqdii iyo cabqaranimadiisii fanneed ee Faysal. Safiirkii Suudaan waxaa yaab ku noqotay in wiil yar oo Soomaali ahi uu luuqdani macaan ku qaadayo heeso Suudaani ah. Sidaas darteed buu ugu deeqay fursad uu Suudaan ku tago oo uu wax ugu soo barto.

Faysal mar uu Sucuudiga tagey oo dabadeedna lagu xidhay meesha la yidhaahdo Jubail oo uu muddo ku xidhnaa, askartii iyo maxaabiistii ba waxay ka yaabeen luuqda uu ku qaadayey heesaha Carabiga ah sidaas darteed bay u odhan jireen waxaad tahay Fanaan Carbeed. Xili ku beegan Siddeetamaadka biloowgiisii ayuu isagoo ka hadlaya waayahii ay ku sugnaayeen Soomaalida Sucuudiga joogtay oo xiligaasi xaalad xun ku sugnayd, wuxuu ku heesay heestani halhayska noqotay:

“Damaam iyo Khobor ma doonaayo,
Dariiqa Togbaa i daashadey,
Dadyahow dalkan waan la garan waayee,
Aan duulee diyaarad ii donaa.”

Waxay dadku aad u jeclaayeen oo badanka lagu hal-qabsadaa heestiisa kale ee ka hadlaysa Lacagta iyo siday dadka u kala darajeyso ama u kala saraysiiso. Isagoo tilmaamaya saameynta ay lacagtu ku leedahay qiimeynta qofka wuxuu yidhi:

“Lacageey, ragga kala labbeeyaay,
Haween lahashadoodaay,
Liitaha gargaaraay,
Laqan hoos u celiyaay,
Taan annigu ku loofaray,
Een hore u lumiyaay!”

Faysal wuxuu kamid ahaa halabuurkii tirada yaraa ee tirin jiray Belwada. Mar loo badelay meel la yidhaa buuraan. Wuxuu ku balweeyey:

“Bas ma galo,
Baabuurna kama baxo,
Bariiskeedu waa bilaa milix,
Buraantu ma beetalmey baa?”

Markii dambe ee uu meeshii la qabsaday, ayuu belwadii hore mid ka duwan ku balweynayaa oo uu odhanayaa:

"Buuraha jaan baa isku baahinayee, illeen Buraan Herer bey is bidhaanshaan.”

Faysal wuxuu macalin muddo ka ahaa dugsigii Dayaxa, odhaahyo badan ayuu Dayaxa ka yidhi waxaana kamid ah:

"Dalkaan tegey, dayixi waaba u galbeed" iyo
“Qardhoo qumman baan ka qaylinayee ma haddaan tegey qaabaqawseen”

Ardaydii uu wax halkaasi ugu dhigay waxaa kamid ah Weriyahii hore ee BBC-da laanteeda afka Soomaaliga Siciid Cali Muuse. Mar uu Telifishanka Qaranka Soomaaliland uu wareysi la yeeshay, wuxuu yidhi: “Waxaa macalimiintayadii kamid ahaa Faysal Cumar Mushteeg oo maadada Xisaabta noo dhigi jiray. Runtii, wuxuu ahaa macalin aad xiisadiisa loo jecel yahay mararka qaarnaa noo heesa. Waxaan xasuustaa markuu leyliga (Exercise) galaaska gudahiisa lagaga shaqaynayo uu noo diro inta uu galaaska dibediisa istaago ayuu isagoo kelidii ah hees ama foodhi yar oo macaan ku dhufan jiray. Taasi ayaanu annaguna jeclaysan jirnay markaasaa annagoo mar hore ka shaqaynay exercise-kii aanu odhan jirnay macalin maanu dhameyn weli si aanu u sii dhageysano isaga” 

Haddaba, si ay u dhacdayba, Faysal markii uu Dayaxa ka yimid waxaa laga qoray odhaahdani caanka ah:

Haddaan Dayaxaay, dib kuu tago, oon ku doonto, ha la igu kaa dilo!”

Heesaha uu Faysal curiyey kuna luuqeeyaa aad uma badna, haseyeeshee falan-qeyn dheer ayey u baahanayaan. Sidaas darteed, kuwa loogu jecel yahay ayeynu soo qaadanaynaa waxaana kamid ah labada heesood ee la kala yidhaahdo “Guhaad” iyo “Ha derderin carrada” oo aan iyagoo kooban halkani idiinku soo gudbinayo.

Heesta “Guhaad” waa hees calaacal ah oo midhaheeda badankooga uu leeyahay Cabdiraxmaan Xasan, midhaheedana waxaa kamid ah:

“Gayaankiisa oo badan,
Nin dartaa u gees maray,
Haddaad garasho leedahay,
Hoodooy lama colaadshee!
Ha I gabine, ha I goynin,
Anba kuma guhaadsheenee.

Heesta “Ha derderin carrada” waxay soo baxday xili dhallinyaradu ay aad dalka uga dhoofaysay, waana hees hogo-tusaalayn ah midhaheeda waa leh abwaan Xasan Qawdhan, waxaana kamid ah:

“Haw deyrin naftaydaay,
Ha I dhigin daleel nacab,
Dufaan jacayliyo,
Wahsi haygu deyrin,
Duulkaan la ababiyo,
Da’day hayga reebin,
Oo doqon ka dheeridee,
Nabsi hayga doonin.

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog,
Nala joog, iska joog,
Dalka lama necbaadee,
Debeddaha lama jeclaadee.

Doofaarka ficil la’aa,
Dabka loogu ridayaa,
Daa’imoow carruurtuna,
Ayey ka dirir garatey.
Anniguna ku doortoo,
Kumana dayn karaayee,
Nacas duunyo haystiyo,
Doqon hayga raacine,

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog,
Nala joog, iska joog,
Dalka lama necbaadee,
Debeddaha lama jeclaadee.

Anniguba daraada
Debeddaha wareegoo,
Dadka waa ila yaaboo,
Doqon ii maleeye,
Qalbigii ku doortuu,
Nabarkii damqanayaa,
Adna dumar ha noqonine,
Waa inaad dedaashaa.

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog,
Nala joog, iska joog,
Dalka lama necbaadee,
Debeddaha lama jeclaadee.”

Faysal taariikhdiisa iyo suugaantiisa maqaal qudha laguma falan-qeyn karo. Sidaas darteed, annigoon qallinka u qaadanin inaan qoraal dheer idiin soo gudbiyo oo taariikhda Faysal intaan ka garanayaaba ay iska kooban tahay, waxaan idiin soo gudbiyey uun intii karaankayga ahayd. Waxaanay iga tahay ha lamid noqon kuwa haya taariikhda dadkii haldoorka ahaa ee uu Faysal kamidka yahay ee aan haddana dadka u soo gudbinayn ee la dhimanaya. Waxaan idinla wadaagay intii aan baadhistayda ku helay, qofkii ay intaniba ka maqnaydoow, wax ka baro, kii inka badan hayoow dadka u soo gudbi oo hala dhiman. Waxaanan ka afeefanayaa wixii aan taariikh ama dhacdo si khaldan u sheegay in ay tahay anniga iyo aqoon-darraday laakiin aanan u qasdiyin.

Annigu, waxaan kamid ahay dhallaanka xilliyadani dambe uun maqlay taariikhda Faysal Cumar Mushteeg, waxaana maqalkiisa iigu horeysay 1998kii xiligaasi oo aan dugsiga hoose dhiganayey. Waxaanan ku maqlay halhayska heesahiisa ay kamid yihiin ‘Maydal qoor dheer” iyo ‘Lacageey, dadka kala labbeeyaay!” beryahii dambe ayaan sheekooyinkiisa aad u maqli jirey. Muuqiisa waxaa iigu horeysay sannadkii 2005tii oo aan ka arkay Muuq-baahiyaha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Halkaas ayuu ka bilaabmay xiisaha aan u qaadey suugaantiisu. Beryahii dambe waxaan ku arki jiray xaafadda Goljano ee magaalada Hargeysa, nasiib-darro iimay suurto-gelin in aan la sheekaysto, aad baan se u jeclaa in aan mar uun la kulmo. Faysal Cumar Mushteeg wuxuu ka mid yahay haldoorkii ummadda Soomaaliyeed intoodii badnayd ee adduunka ka tagey iyagoon inaga helin daryeelkii iyo mudnaantii ay xaqa inoogu lahaayeen. In muddo ah ayuu xanuun u jiifay oo uu dhakhtarka Hargeysa yaalay, halkani oo uu aakhirkii ku geeriyooday. Geeri naxdin leh ayey ahayd, aas qaran oo balaadhana waa loo sameeyey. Waa dhaqankeena xabaal amaanku. Dad iyo dawladba, qofku inta uu nool yahay ma garab istaagno laakiin aas qaran sida loo sameeyo waynu naqaanaa, qof xabaal ku jira amaantiisana way tirin og nahay.

ILAAHAY HA U NAXARIISTO FAYSAL CUMAR MUSHTEEG OO NAXARIISTIISA JANNO HAKA WARAABIYO…AAMIIN…AAMIIN….AAMIIN.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Somaliland.













No comments:

Post a Comment