Waxaan la socday dooddani ku
saabsan taranta iyo dhaqaalaha. Dhawr iyo toban qoraal ayey dooddu maraysaa,
waxaanad moodaa in aragtiyaha laysku diiddan yahay lagu sii kala fogaanayo oo
aan laysku soo dhowaanayn. Waxa laysku hayaa ubadka dhalanaya oo la yareeyaa
waxay xal u noqonaysa tayo xumada bulshadeena iyo duruufahani qalafsani ee ka
muuqda iyo xalku maaha in taranta la yareeyo.
Doodda waxaa balaysimay qoraal
uu qoray qoraaga la yidhaa Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq) oo qoray
maqaal uu cinwaan uga dhigay “Ubad badan uma baahnin”. Axmed Deeq wuxuu
qoraalkiisa ku balaysimay dood ah in ay jirto tayo beel nololeed oo ay kamid
yihiin iska guurso, iska dhal-dhal, iska nooloow iyo iska dhimo kuwaasi oo uu
sabab uga dhigay dakhli yaraan, aqoon la’aan iyo hal-abuur la’aan jirta. Sidaas
darteed buu xalka dhibaatadani uga dhigay ‘inay
tarantu ku xidhnaato tacabka’. Annigu qof ahaan, Axmed Deeq mid waan ku
taageersanahay, arrinta ah in ay jirto tayo xumo bulsheed waan ku
taageersanahay. Waxaan sidoo kale aaminsanahay in arrintani sababteedu ay tahay
aqoon-darro iyo hal-abuur la’aan.
Midna Axmed-Deeq waan ku
diiddanahay, inuu xalku yahay dhalmada oo la yareeyo ama lagu dheeli-tiro
dhaqaalaheena iyadna waan ku diiddanahay sababtoo ah tayo beelkeena bulsheed
sababtiisu maaha dhalmada badan ama sida uu isagu u sheegay in layska dhalo.
Xalkuna waa in la xaliyo sababta ee maaha in la daweeyo natiijada. Tusaale
ahaan, sida uu isaguba sheegay haddii in layska dhal-dhalo ama layska guursado
ay sababtoodu tahay aqoon la’aan iyo hal-abuur la’aan. Ma in dhalmada badan
lala dagaalamaa, iyadoon waxba laga qabanayn sababtii keenaysay? Mise waa in sababta
dhibta keentay wax laga qabto? Si kor loogu qaado tayadeena bulsheed waxaa loo baahan
yahay in la dhiso garaadka dadka iyo aqoonta bulshadeena. Waxa kaloo loo baahan
yahay in la cariyo hal-abuurnimada dadka si xal loogu helo dhibaatooyinka
nololeed ee bulshadeena naafaynaya. Iyadoon la dhisin garaadka iyo aqoonta
bulshadeena, haddii aynu taranteeniina hoos u dhigno ma wax baynu xalinay mise
dhibaato kale oo ah dad yaraan oo noqonaysa mustaqbal la’aan ayeynu abbuurnay?
Fikirka kale ee Axmed-Deeq uu ku
dooddayaa waa “Ha guursanina, haddaad
guursataana ha dhallina, haddaad dhashaana hal ha ka badsanina” Annigu
fikirkani uma arko inuu xal u yahay bulshadeena. Waxaanse u arkaa inuu
dabar-gooynta bulshadeena horseed u noqonayo. Anniga iyo dhallinyarrada kale ee
uu Axmed ku canaanaayo inay ku hamiyayaan inay ubad badan dhalaan, waxaa noo
muuqda dal u baahan in tarantiisa kor loo qaado marka la eego dad yaraantiisa
iyo khayraadka dihin ee ku duugan. Waxa kale oo aanaan indhaha ka qarsanayn
inay dhibaatooyin jiraan ay ugu horeeyaan nidaam dawladeed oo dawlad-wanaagiisu
liito iyo caddaalad-daro baahsan oo jirta (Weak Governance and injustice) kuwaasi
oo sabab u ah baylahda ka muuqata bulshadeena ee ay kamid tahay; ubadkeena oo
aan xuquuqahii aasaasiga helin, bulshadeena oo aan qorshe nololeed ku socon IWM.
Dhibaatooyinkaasi xalkoodu wuxuu iskugu jiraa in kor loo qaado garaadka iyo
aqoonta bulshadeena, in la xoojiyo nidaamkeena dawladeed iyo caddaalada, iyo in
lala dagaalamo qabyaaladda, maamul-xumada iyo musuqmaasuqa oo ah caqabadaha hor
taagan horumarka bulshadeena.
Midna gar baan u arkaa marka la
yidhaahdo ‘adigoo dakhligaaga ku
xisaabtamaya, kolba intii aad quudin karto dhal” in lagu jawaabo “Adaa deeqda bixiyee, Alloow ubadka noo badi”
iyadna gar baan u arkaa. Aragtida
isku xidhaysa dakhliga iyo taranta sideeda baanan ba looma kitaab deyin. Qofka
muslimka ahi waa qof masuul ah. Quraanka kariimka ah iyo sunnaha nebigeena
Muxamad ahna waxaa la innoogu sheegay in ninku uu masuul ka yahay xaaskiisa,
ubadkiisa iyo cid kasta oo uu masuul ka yahay. Waxaana la ina faray innaynu
camal la nimaadno, kadibna arsaaqda eebbe aynu ku kalsoonaano oo innagoo camal
la nimid aynu ilaahay SWT wax weydiisanayno si uu inoogu arsaaqo risiq xalaal
ah.
Haddaba, ilaahay SWT isaga ayaa
qadara arsaaqda qof walbee, goorma ayaa la xisaabiyey dakhliga ku soo galaya?
Kaba kaalay taasi, haddii maanta aan ku xisaabtamo dakhligayga deedna aan laba
carruur ah isku koobo, ilaahay ma waxaan kula balamay in aanu dakhligaygu
intaasi ka hoosaynin? Jawaabtu waa maya, dakhliga qofka muslimka ah lama
xisaabin karo oo waa wax xaga sare laga soo qadaro – qof maanta qadeeyey ayaa
berrina qadi kara. Sidaas darteed, fikirka saxda ah waxa weeyi marka hore waxa
la inagu waajibiyey keena kharashka guurka oo qudha awoodi karaa inuu guursado.
Inta ubad ah ee aad dhalaysana ilaahay wuxuu ku yidhi ‘Adiga iyo iyagaba, anniga idin arsaaqaya” iyo ‘ubadkiina ha dilina, idinkoo faqri ka cabsanaya”. Sidaas darteed,
qof kasta oo awoodi karaa ha guursado, hana dhalo intii ubad ah ee uu ilaahay
ka siiyo sawjadiisa isagoo gudanaya waajibaadka uu ilaahay ku waajibiyey oo ah
inuu subaxii u soo baxo camal uu ilaahay ku arsaaqo. Haddaad tidhaahdo ilaahay
baa I arsaaqi oo aanad camal la imanin waxaad gabtay waajibaad ku saarnaa.
Haddaad tidhaahdo caqligayga iyo tamartayda ayaa isku kaafinayaa oo baryo eebbe ubad laguma biiliyana, waad
geftay ee ilaahay u toobad keen.
Qof faqiir ah ayuu ilaahay ubad
badan siiyaa, qof maal badan haystana ubad la’aan ayuu badi karaa. Haddaad qof
muslim ah tahay oo aad xaas leedahay, intaad dhali karto dhal adigoo camal la
imanaya ilaahayna risiq xaalal ka weydiisanaya. Maadaamaa wadankeenuna uu ubad
badan u baahan yahay waxaynu ku celcelinaynaa inagoo tacab ku darayna kelmada
uu Walaalkeen Mustafe Axmed Xasan ka dhawaajiyey ee ah “Adaa deeqda bixiyee, Alloow ubadka noo badi”
Ilaahayoow Xaqa na
Waafaji!!!
Qalinkii:
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame,
Somaliland
No comments:
Post a Comment