Pages

Tuesday, November 19, 2019

Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ)


Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ)

Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.
Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017). Haseyeeshee, Golaha Guurtidu mar labaad ayuu dib u soo magacaabay oo soo celiyey iyagoo ku andacoonaya in uu shaqadaas wakhti hore ka tegay iscasilaadna soo gudbiyey, waxaanu Golaha Wakiiladdu ku ansaxiyey 50 cod1dii March 2001.
Arrintaasi waxay jidaysay in xubin kasta oo uu Golaha Wakiilladu ansaxin waayo mar labaad dib loo soo magacaabo oo golahu uu mar labaad u coddeeyo sidii dhacday 2007-dii. Ma jiro qodob sharci oo sidaas banneeyey. Waxaana sharci ah in Golaha Wakiilladu uu hal mar uun cod u qaado xubin kasta oo haddii ay hesho cod tiradiisu gaadhayso ama ka badan tahay kala-badh iyo hal dheeri tirada xubnaha Golaha Wakiillada ay ansaxayso, haddii se ay hesho cod tiradiisu ay ka yar tahay kala-badh tirada xubnaha Golaha aanay ansaxayn, cidii soo magacoowday xubin aan ansaxmina ay xubin cusub soo magacoowdo.
MURANKII 2AAD ee ka dhasha magacaabida xubnaha KDQ wuxuu ahaa markii sannadkii 2004-tii uu geeriyooday Maxamed Sheekh Cabdillaahi oo xubin ka ahaa KDQ, iyadoo ay muddo-xileedkii xubnaha KDQ hadhsan tahay ku dhowaad saddex sanno. Markii la magacaabay xubnahii ugu horeeyey KDQ may jirin Xisbiyo Qaran oo waxaa muddadii loo qabtay diiwaangelinta ururrada oo ku eekayd 21kii Sebtember 2001-dii is diiwaan diiwaangeliyey todoba urur-siyaasaddeed; urur siyaasaddeedkii xukumada ee UDUB iyo lix urur oo kala ahaa UCID, BIRSOL, HORMUUD, ILEYS, SAHAN iyo UMAD.

Lixdaas Urur Siyaasaddeed ayaa intii aan la diiwaangelin KULMIYE si wadajir ah u magacaabay laba xubnood oo ay midi tahay xubintan geeriyootay sida ku cad Qod. 11(2)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se waa Qod. 12(2)(b) ee Wax-ka-badelka 6aad ee 2017); 18-kii March 2001 ayaa sababo aan caddeyn dartood loo kordhiyey wakhtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadda  oo laga dhigay ilaa 17-kii May 2001, waxana muddadaas intii lagu jiray diiwaangelinta lagala noqday urraradii ILEYS iyo UMAD, waxaana la diiwaangeliyey ASAD iyo KULMIYE. Urruradii siyaasaddeed ee xubinta geeriyootay magacaabay waxa wakhtigaas jiray oo xisbi noqday UCID oo keliya. Sidaas darteed, UCID iyo KULMIYE oo ahaa labada xisbi mucaarad ee wakhtigaas diiwangashanaa ayaa si wadajir ah ugu magacaabay Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ. Waxaanay qoraalkii magacaabida u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale 2-dii Oktoober 2004-tii.
Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada iyo in sidoo kale ay magacaabidani dheeli ku keenayso saamigii beelaha ee KDQ maadaamaa xubintan la magacaabay aanay isku beel ahayn xubintii geeriyootay. Ugu dambeyn, markii laysku khilaafay arrintaas ee uu KULMIYE ku adkaystay magacaabida Maxamed Xaashi Cilmi ayuu Xisbiga UCID oo keli ah uu magacaabay Axmed Cabdillaahi Hoori oo Madaxweynaha u gudbiyey si uu buuxiyo jagadii xubinta geeriyootay ee KDQ.
Inkastoo ay su’aal sharci ka dhalanaysay magacaabidan, maadaamaa aanu xeerku si cad uga hadal (ilaa hadda oo xeerka lix jeer wax ka badel lagu sameeyey) waxa la yeelayo haddii labada xisbi mucaarid ku heshiin waayaan magacaabida xubinta buuxinaysa jagada KDQ ee ay bannayso xubin ay si wadajir ah u magacaabeen ururro siyaasaddeed oo diiwaangashan, KULMIYE wax diidmo ah kama keenin xubintaas uu Xisbiga UCID keligii magacaabay. Waxaanay sababtu ahayd in heshiis hoose oo siyaasaddeed oo uu xisbiga UCID ka shaqayeeyey ay iskugu soo dhowaadeen Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku kadib markii Madaxweyne Rayaale uu ogolaaday in 2 xubnood lagu daro tirada xubnaha KDQ oo magacaabistooda la kala siiyo Madaxweynaha oo xubin magacaabaya, xubinta kalena ay xisbiyada mucaaradka si wadajir ah u magacaabaan. Sidaas darteed, KULMIYE muu horistaagin xubintaas ay UCID magacoowday, una gudbisay Madaxweyne Rayaale oo isna Golaha Wakiillada u gudbiyey, iyaguna cod aqlabiyad ah oo bilaa dood ah ku ansaxiyey.
MURANKII 3AAD wuxuu ka abuurmay heshiiskaas hoose ee siyaasaddeed oo waxaa dhacday in sidii Madaxweynaha iyo mucaaradku isku afgarteen tirada xubnaha KDQ laga dhigay 9 xubnood. Qodobkii 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiillada (Xeer Lr. 20-2/2005 oo wakhtigaas golaha horyaalay ayaa wax ka badel ku sameeyey magacaabida iyo tirada KDQ ee ku cadayd Xeerka Lr. 20/2001, 2 xubnood ayaanu qodobku ku kordhiyey tirada xubnaha KDQ. Labadaas xubnood oo midna uu magacaabayo Madaxweynahu, xubinta kale na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo xulayaan oo Madaxweynaha ugu soo gudbinayaan. Sidaas ayey labada gole ee baarlamaanku xeerkaas ku ansaxiyeen oo xataa Maddaxweyne Rayaale uu ku dhaqangeliyey xeerkaas. Haseyeeshee, Madaxweynahu 12kii Abriil 2005 ayuu Golaha Wakiilada dib uga codsaday in qodobkaas la laallo. Taasi oo abuurtay khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxa Madaxweynaha, mucaaradka iyo Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada.
12 casho kadib, 40 xubnood oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa 24kii Abriil 2005 mooshin ahaan arrintan Golaha u keenay, dood kadibna iyadoo 20 xubnood ay ishortaageen in golahu uu mooshinkaas cod u qaado oo buuq ay ka abuureen, kana baxeen fadhigii Golaha, ayaa loo codeeyey oo uu Golahu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah in qodobkan 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la laallo, magacaabida iyo tirada xubnaha KDQ lagu daayey sidii ay ahayd (ee ku cad Xeer Lr. 20/2001).
MURANKII 4AAD wuxuu dhashay iyadoo ay saddex casho oo keliya ka hadhsanayd dhammaadka muddo-xileedkii xubnahii KDQ ee ugu horeeyey oo ku eekayd 21-kii Jeenaweri 2007-dii. Madaxweyne Rayaale wuxuu qoraal uu tixraaciisu ahaa JSL/M/GG/081/2-2757/01/2017 oo soo baxay 18-kii Jeenaweri 2007 labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtida ku faray in ay muddo todoba casho gudahood ah ku soo gudbiyaan 8 xubnood oo 4 uu soo gudbiyo shirguddoonka Golaha Guurtidu, 4-na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo gudbiyaan, kadibna uu isagu mid kasta 2 xubnood ka magacaabi doono, una gudbin doono Golaha Wakiillada si uu u ansaxiyo.
Labadii xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Golaha Guurtidu ba aad bay uga horyimaadeen qoraalkaas Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku dooddeen in magacaabida 8-da xubnood ah ee uu Madaxweynahu ka dalbay ay khilaafsan tahay Qod. 11(2)(a)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12(2)(a)(b) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017) iyagoo ku sababeeyey in qodobku uu Madaxweynaha awood u siinayo keliya in uu magacaabo oo Golaha Wakiillada u gudbiyo 4ta xubnood ee ay u soo gudbiyaan xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu, tan uu Madaxweynahu ka dalbayna ay noqonayso in Madaxweynahu uu kelidii awood u leeyahay in uu magacaabo dhammaan xubnaha KDQ.
Madaxweyne Rayaale na wuxuu ku doodday in Koomishankii hore ee ugu horeeyey uu Madaxweyne Cigaal magacaabay 4 xubnood oo kamid ah (2 Guurtidu soo xushay iyo 2 ay ururradii siyaasaddu soo xuleen) 8 xubnood oo ay u soo gudbiyeen urraradii siyaasadda ee diiwaangashanaa iyo Golaha Guurtidu, oo uu u gudbiyey Golaha Wakiillada. Sidoo kale wuxuu ku doodday in qodobka ay mucaaradka iyo guurtidu ku dooddayaan uu Madaxweynaha oo keli ah siiyey awoodda magacaabida xubnaha KDQ, xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidana uu siiyey awood soo jeedineed oo keli ah, balse aanu siin awood magacaabiseed iyo in qodobku uu dhigayo in mucaaradku ay si wadajir ah u soo jeedinayaan 2-da xubnood ee xeerku siiyey, balse aan xisbina si gaar ah awood loogu siin in uu kelidii xubin soo xulo.
Haseyeeshee, maadaamaa ay iska caddayd in doodda labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu ay sax ahayd marka laga eego dhinaca tirada ay soo gudbinayaan sababtoo ah qodobku si cad ayuu u odhanayaa “2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo iyo 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururrada/xisbiyada mucaaradka ah ee diiwaangashan”, balse ay su’aali ka taagnayd in xeerka aanay meelna kaga caddayn in xisbiyada/ururrada mucaaradka uu midba xubin magacaabi karo oo xeerku uu si wadajir ah u siiyey xulida iyo soo jeedinta 2 xubnood oo KDQ kamid noqonaya, Madaxweyne Rayaale kuma dhegin dooddaas, waxaanu ogolaaday in Golaha Guurtidu uu gudbiyo 2 xubnood, labada xisbi mucaaradna ay 2 xubnood gudbiyaan oo midba uu hal xubin gudbiyo.
MURANKII 5AAD ayaa isna wuxuu ka dhashay markii xisbiga UCID uu xubintiisii gudbiyey, Golaha Guurtiduna ay 2 xubnood gudbiyeen, Madaxweyne Rayaalena uu ku daray 3dii xubnood ee uu magacaabay sidaasna ugu gudbiyey Golaha Wakiillada iyadoo aanu KULMIYE weli soo gudbin xubintii laga sugayey. KULMIYE wuxuu ku doodday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu gudbiyo xubno uu u magacaabay KDQ iyadoo aanay dhammaystirnayn tiradii xubnaha KDQ. Haseyeeshee, majiro qodob sharci oo khasab ka dhigaya in tirada xubnaha KDQ ee la magacaabayaa ay dhammeystirnaato, ama ay ku xusan tahay in aanu Madaxweynahu magacaabi karin xubno tiradoodu ka yar tahay 7 xubnood haddii uu dhinac soo gudbin waayo xubnaha uu xeerku awood u siiyey in uu soo xulo.
Waxa dhacday halkii laga sugayey in Golaha Wakiilladu uu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, in Golahu uu 23kii Febraayo 2007 go’aamiyey in uu xubnahii KDQ ee ay muddo-xileedkoodu dhammaatay u kordhiyey 2 sanno. Taasi ayaa cirka ku shareertay murankii sharci iyo siyaasaddeed, waxaanu ahaa go’aan sharciga khilaafsan oo aan loo marin habraaca magacaabida ee ku cad xeerka sababtoo ah cusbooneysiintu waxay ku iman kartaa in la maro habraaca magacaabida ee uu Golaha Wakiilladu ku lahaa awoodda ansaxinta oo keliya, balse tani waxay ka dhigan tahay in awooddii magacaabida iyo ansaxinta ba uu Golahu isku darsaday (Ibraahim Hashi). Sidoo kale cusbooneysiin ba muu ahayn go’aanka golahu ee wuxuu ahaa muddo-kordhin. Muddo-xileedna haddii ay jirto cid uu sharcigu awood u siiyey in ay kordhiso, waxaa la kordhiyaa inta aanay dhammaan balse hadday dhammaato wax la kordhiyaa ba kama noola. Mana jiro qodob Golaha Wakiillada awood u siinaya in uu KDQ muddo-kordhin u sameyn karo.
Madaxweyne Rayaale wuxuu go’aankii Golaha Wakiillada u gudbiyey Maxkamadda Sarre oo iyadna 6dii May 2007 ka soo saartay go’aan, waxaanay go’aamisay in go’aanka Golaha Wakiilladu uu khilaafsanaa Qod. 11aad iyo 12aad ee Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12aad iyo 13aad, wax ka badelka 2017), waxaanay amartay in golahu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweynahu u soo gudbiyey iyo in xisbiga KULMIYE soo gudbiyo xubinta 7aad ee KDQ si loo mariyo habraaca magacaabida loona ansaxiyo. Waana la fuliyey amarkeedii oo ugu dambeyn Golahu wuxuu cod u qaaday dhammaan todobadii xubnood ee KDQ 2dii June 2007.
MURANKII LIXAAD wuxuu ka dhashay fadhigaas uu Golaha Wakiilladu ugu coddeeyey xubnaha cusub ee KDQ 2dii Juun 2007 oo uu golaha ansaxiyey shan xubnood balse labadii xubnood ee uu Golaha Guurtida soo xulay oo kala ahaa Muuse Axmed Maxamed (Muuse Madoobe) iyo Maxamed Axmed Cabdi Xaamud (Nayn) ay golaha ka kala heleen 35 cod iyo 36 cod oo ay sidaas ku ansaxmi waayeen.
Golaha Guurtidu mar labaad ayey dib usoo gudbiyeen 8dii Juun 2007, taasi ayaana xamaasad sii gelisay khilaafkii ka dhaxeeyey dhinacyada iska soo horjeeday oo kala ahaa Xukumada iyo Golaha Guurtida oo dhinac ahaa iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Mucaaradka oo dhinac ahaa. Waxa muddo laba bilood ah laysku hayey Golaha Guurtida iyo Xukumada oo ku dooddayey waa la soo celin karaa xubnaha uu golahu u coddeeyey ee aan ansaxmin iyagoo daliishanaya in 1dii Maarso 2002-dii uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey xubin mar labaad dib loo soo magacaabay isla markaana mar labaad loo coddeeyey iyadoo coddayntii hore ee Golaha lagu diidday, iyo dhinaca kale ee shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo mucaaradka oo ku dooddayey lama soo celin karo mar haddii loo coddeeyey oo ay wayday codkii loo baahnaa (42+ xubnaha Golaha). Ugu dambeyn, dhexdhexaadin ay Abwaano, Culimo iyo odayaal ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen kadib, 27kii Ogos 2007 ayuu Golaha Wakiilladu mar labaad u coddeeyey labadii xubnood oo uu Muuse Madoobe helay 39 cod, Maxamed Cabdi Xaamud (Nayn) uu helay 38 cod, sidaas ayey mar labaad ku ansaxmi waayeen.
Asbaabta ay labadan xubnood Golaha uga heli waayeen codkii ay ku ansaxmi lahaayeen labada jeer ee loo coddeeyey wuxuu Golaha Wakiilladu ku sheegay in ay buuxin waayeen mid kamid ah shuruuddaha xubnaha KDQ oo ah in sidii ku cad Qod. 12(3) Xeer Lr. 20/2001 in xubinta KDQ loo magacaabayaa “aanay da’ ahaan ka waynaan 60 sanno” (Wax ka badelkii 2aad ee Xeerka lagu sameeyey 2010 ayaa laga dhigay 70 sanno, Qod. 13(3)), labadan xubnood da’dooduna ay kor u dhaaftay 60 sanno. Haseyeeshee, waxa inta badan la sheegaa in sababta diidmadoodu aanay ahayn mid la  xidhiidhay sharci iyo da’da labadan xubnood balse ay ahayd mid siyaasaddeed oo ahayd in labadan xubnood loo tirinayey in uu si gaar ah u watay Guddoomiye Saleebaan oo uu Golaha Guurtida laftiisu ku kala qaysanaa magacaabidooda iyo codeyntan labaad oo uu khilaafaad kale oo siyaasaddeed iyo marxaladdii lagu jiray wakhtigaas oo ahayd mid ficiltanka siyaasaddeed  uu wax badan saameyn ku yeeshay.
Murankani wuxuu ku dhammaaday in Golaha Guurtidu uu soo magacaabay laba xubnood oo cusub oo ay labadii xubnood ee hore ay isku beelo ka soo jeedaan. Waxaanu Golaha Wakiilladu u coddeeyey 3dii Sebtembar 2007 labadii xubnood ee cusbaa oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur oo helay 63 cod iyo Xasan Maxamed Cumar oo helay 62 cod. Sidaas ayaanay ku ansaxeen labadoodu ba.
MURANKA TODOBAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu bilaabmay markii komishankii hore ee muddo-xileedkoodu bilaabantay 2dii Juun 2007 uu ragaadiyey khilaaf gudahooda ah iyo khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay doorashadii Madaxtooyada oo dib u dhacday oo oo gaadhay heer khatar ah oo ugu dambeyn ay beesha caalamku dhexdhexaadisay lagana gaaday heshiis 1dii Oktoobar 2009. Waxa qodobada lagu heshiiyey kamid ahaa in wax laga badelo xubnaha KDQ gaar ahaan hoggaanka. Sidaas darteed, maalmo kadibna waxaa iscasilay xubnahii KDQ intoodii badnayd. Madaxweyne Rayaale wuxuu ku dhawaaqay in xubnahii KDQ ay iskood u kala dirmeen, waxaanu xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtida ka dalbay in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xuleen KDQ. Murankan todobaad waa mid ka dhashay xubnahaas cusub ee la magacaabay Oktoobar 2009.
Xisbiga UCID wuxuu dib u soo xulay xubintii uu hore u soo xulay ee KDQ ee iscasilay kamid ahayd. Xubintaas oo ahayd Garyaqaan Khadar M. Guuleed (oo hadda ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya) oo isagu hore iskaga casilay xubinnimada KDQ. Haseyeeshee, Madaxweyne Rayaale wuu ku celiyey isagoo cuskanaya heshiiskii ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay ku jirtay in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Sidaas darteed, xisbiga UCID si dhakhso ah ayuu u soo badelay una soo xulay Cabdifataax Ibraahim Xasan.
Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey mid kamid ah labadii xubnood ee ay u soo gudbiyeen oo ah Xasan Siciid Yuusuf (oo markii dambe noqday ilaa imikana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE), waxaanu Shirguddoonka Golaha Guurtida ka codsaday in xubintani aanay siyaasadda ka madax-bannaanayn oo aanu buuxin shuruuddaha uu xeerka dhigayo, sidaas darteedna ay ku soo badelaan xubin cusub oo shuruuddaha buuxinaysa. Guddoomiye Saleebaan wuu ku gacan saydhay in Madaxweynahu dib ugu soo celiyo xubintan ay u gudbiyeen, waxaanu ku doodday in Madaxweynaha waajibkiisu yahay in uu keliya xubnaha ay u gudbiyaan uu isna u sii gudbiyo Golaha Wakiillada oo ah cidda keliya ee ansaxintooda iyo diidmadooda ba awood u leh. Haseyeeshee, maalmo kadib wuu aqbalay go’aankii Madaxweynaha oo Golaha Guurtidu wuxuu ku soo badelay Cabdiraxmaan Dixood.
Xubintii uu Xisbiga KULMIYE madaxweynaha u soo gudbiyey oo ahayd Ilhaan Maxamed Jaamac ayuu sidoo kale Madaxweyne Rayaale soo celiyey isagoo ku sababeeyey in ay xubin ka tahay Guddida Fulinta ee KULMIYE, kana qayb-gashay oo abaabulkiisa ka qayb-qaadatay Shirweynahii 2aad ee xisbiga KULMIYE ee Burco ka qabsoomay muddo yar kahor. Sidaas darteedna aanay buuxin shuruuddaha ku cad xeerka ee ay kamid yihiin in aanay xubinta KDQ loo magacaabayaa xil ka hayn, ka tirsanayn isla markaana ka madax-bannaan tahay xisbi siyaasaddeed.
Haseyeeshee, xisbiga KULMIYE kuma qancin asbaabtaas oo saddex jeer ayuu Madaxweyne Rayaale dib ugu gudbiyey oo uu isna ku celiyey, waxaanu Guddoomiye Siilaanyo ku doodday “In Ilhaan ay xisbiga ku jirtay, balse aanay hadda ka tirsanayn xilna ka hayn oo ay danteeda uga baxday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu soo celiyo xubin ay xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu magacaabeen, cidda keliya ee diiddi karta ama ogolaan kartaana ay tahay Golaha Wakiillada (oodweynenews.com, warkii 10/10/2009.” balse ugu dambeyn 18kii Oktoobar 2009 ayuu soo badelay oo soo gudbiyey Cali-khadar Xasan Cismaan (kubado). Waxaanu Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Golaha Wakiillada maalin kadib 19kii Oktoobar 2009. Golaha Wakiilladu dhammaan xubnahii cusbaa ee KDQ wuxuu ansaxiyey 24kii Oktoobar 2009.
MURANKII SIDDEEDAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu yimid markii la magacaabayey xubnaha KDQ ee uu hadda xilkoodu dhammaadka yahay markii Madaxweyne Siilaanyo uu 28kii bishii Ogos 2014 iyadoo ay muddo-xileedkii xubnahii hore ee KDQ ka hadhsan tahay ku dhowaad laba bilood oo keliya (29 Oktobar 2014 oo ay kaga dhammayd muddo-xileedu) uu xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Golaha Guurtida ba ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u xulayaan in ay kamid noqdaan KDQ.
Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay 30kii Ogos 2014 Madaxweynaha u gudbiyeen 2 xubnood oo ay u soo xuleen kamid noqoshada KDQ. UCID waxay dib u soo xushay xubinteedii hore ee kamid ahayd xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayo Cabdifataax Ibraahim Xasan. Xisbiga WADDANI na wuxuu magacaabay oo Madaxweynaha u gudbiyey Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo isla maalintii uu Madaxweynahu xisbiyada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xulayaan KDQ ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Xisbiga WADDANI. Golaha Guurtiduna wuxuu dib u magacaabay labadii xubnood ee hore ugu jiray xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayey.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey laba xubnood oo ay 17kii Sebtember 2014 u soo gudbiyeen oo kamid ahaa xubnaha KDQ ee uu muddo-xileedkiisu dhammaadka ahaa. Inkastoo aanu Madaxwaynahu shaacin asbaabta uu u cuskaday dib u celinta labadaas xubnood, isla markaana sida la sheegay aanu Shirguddoonka Golaha Guurtida gaar ahaan Guddoomiye Saleebaan markii hore ku qancin in Madaxweynahu uu xubnaas soo celiyo, waxa la sheegaa in Madaxweyne Siilaanyo uu ku qanciyey Guddoomiye Saleebaan in komishankan hore loo tirinayey qaskii iyo ceebahii ka dhacay Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-ka, sidaas darteedna aanu rabin in isaga iyo Golaha Guurtidu ay soo celiyaan xubnahii ay magacaabeen Madaxweynahii hore iyo Golaha Guurtidu maadaamaa Xisbiga WADDANI aanu waxba ka magacaabin xubnaha la badelayo, xisbiga UCID oo keli ah uu xubin ka magacaabay mucaaradka hadda jira, taasna hadduu soo celiyo aanu ku celin doonin isaga. Sidaas darteed, Shirguddoonka Golaha Guurtidu wuu ku qancay soo jeedintaas Madaxweyne Siilaanyo oo waxay soo xuleen oo ay Madaxweynaha u gudbiyeen laba xubnood oo cusub oo kala ah Cabdiqaadir Iimaan iyo Siciid Cali Muuse.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Xisbiga WADDANI ku celiyey xubintii ay soo xuleen ee ay u soo gudbiyeen isagoo sheegay in xubintani ay ka tirsan tahay xisbigan magacaabay, xilna ay ka haysay xisbiga wakhtigii uu xisbiga ka dalbay in uu soo gudbiyo xubin uu u soo xulo KDQ. Haseyeeshee, Xisbiga WADDANI kuma qancin asbaabtaas sidaas darteed mar labaad ayuu dib ugu soo gudbiyey Madaxweynaha iyagoo ku doodday in xubintani aanay hadda ka tirsanayn xisbiga oo xubinnimada iyo xilkii uu xisbiga ka hayey ba uu hore iskaga casilay isku mar. Sidaas darteed, wuxuu Xisbiga WADDANI ku doodday in xubintan ay soo xuleen ay buuxisay dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Madaxweyne Siilaanyo mar labaad ayuu ku celiyey Xisbiga WADDANI oo dib uga dalbay in ay xubin kale oo buuxinaysa shuruuddaha xeerku jideeyey u soo xulaan KDQ. Wuxuu qoraalka summadiisu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014 ee soo baxay 6dii Oktoobar 2014 ku sheegay “Waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad (hadda se ah Qod. 13aad) ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.”
Laba casho kadib 8dii Oktoobar 2014 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda xubnood oo uu KDQ u magacaabay oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo xulay, laba Golaha Guurtidu soo xuleen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo xulay. Xisbiga WADDANI maalin kadib ayuu isna Madaxweynaha u soo gudbiyey xubin uu ku soo badelay xubintii hore ee uu Madaxweynahu labada jeer ku celiyey. Waxaanu Madaxweynahu isla maalintii u gudbiyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada qoraalka magacaabida iyo macluumaadka xubinta cusub ee uu Xisbiga WADDANI u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Waxaanu ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan. Sidaas ayuu ku dhammaaday murankan magacaabida KDQ oo Golaha Wakiilladuna uu 29kii Nofembar 2014 u ansaxiyey dhammaan todobadii xubnood ee KDQ.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Burco, Soomaaliland.

Sunday, September 23, 2018

LAFOGURKA SHARCI EE QODOBADA XEERKA KUFSIGA SOOMAALILAND (Xeer Lr. 78/2018).PDF

Dhammaan qoraalladii taxanaha ahaa ee aan ku lafoguray Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga (Xeer Lr. 78/2018) oo aan hal dhukumenti iskugu geeyey kala deg halkan:   LAFOGURKA SHARCI EE QODOBADA XEERKA KUFSIGA SOOMAALILAND (Xeer Lr. 78/2018).

Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Friday, September 21, 2018

Qaybta 3aad: Lafogurka Qodobada Sharci ee Xeerka Kufsiga (Xeer Lr. 78/2018)


Qaybtan 3aad ee lafogurka qodobada sharci ee Xeerka Kufsiga (Xeer Lr. 78/2018) waxa aan ku lafogurayaa qodobada la xidhiidha fal dambiyeedyada diyaar-garowga u ah fal
dambiyeedyada kale, kuwa la xidhiidha duubista iyo baahinta iyo qaybaha kale ee Xeerka. Waxaan sidoo kale ku soo gudbinayaa gunnaanad, tallooyin iyo soo jeedimo khuseeyo doodda xeerka kufsiga.

1.   Fal dambiyeedyada diyaar-garowga ah (Inchoate Offences)

Qodobka 11aad: Maandoorin Si ku Talogal ah: “Qofka si ula kac ah ku kalifa maan-doorsoommidda qof kale oo aan raali ka ahayn, isagoo ujeeddadiisu tahay in uu ku sameeyo/ kula kaco ama in uu fursad u siiyo cid kale in ay ku samayso ama kula kacdo galmo ama fal jinsi ah qofkaas kale waxa uu galay dambi, waxaana uu mutaysanayaaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa toddoba sannadood.”

Qodobka 12aad:  Afduub iyo Xadhig Sharci-darro ah: “Qofkasta qafaasha, afduuba, u qaata lahaystenimo ama u xidha si sharci darro ah qofkale si uu ugu la kaco kufsi ama fal xadgudub jinsi ahi waxa uu galay fal dambi afduub iyo xadhig sharci darro ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa siddeed sannadood

Madmadowga ku Jira Qodobadan: labadan qodob waxay dhigayaan fal dambiyeedyo diyaar-garow u ah fal-dambiyeedyo kale (preparatory offences or inchoate crime), waana sababta uu xeerku cinwaankooda uga dhigay ‘DIYAARIN FAL DAMBIYEEDYO’. Waxay kamid yihiin fal dambiyeedyada mararka qaarkood lagu khaldo iskuday fal dambiyeed sida iskuday kufsi ama ka faa’iiddeysi galmo haddii aan si taxadar leh loo qeexin. Qodobadan kuma cada wax lagu kala garan karo diyaargarowga iyo iskudayga kufsiga ama falka jinsiga ah sababtoo ah tiirarkooda kuma cadda wax kala soocayaa, isla markaana xeerkan dhammaantii kuma cada iskudayga kufsigu tiirarka uu ka kooban yahay – lama qeexin ba.

Iskudayga fal dambiyeed sidiisa ba wuu ka culus yahay fal dambiyeedyada diyaar-garawga ah sababtoo ah iskudaygu tusaale ahaan waa in qofku isagoo ay ujeeddadiisu tahay in uu kufsi ku kaco markii uu ku dhaqaaqay fulinta falka ku fashilmay keliya in xubintiisa taranku ay gasho xubinta taranka ee qofka kale balse fuliyey dhammaan tiirarkii kale ee fal dambiyeedka kufsiga ah. Halka fal dambiyeedyada diyaar-garowga ah ay ka yihiin talaabooyinka ka horeeya iskudayga ee ah diyaar-garowga sida qorsheynta iyo abaabulida fal dambiyeedka inta aan lagu dhaqaaqin talaabooyinkii iskudayga kufsiga.

Fal dambiyeedka maandoorinta ku talogalka ah nuxur ahaan waa in qofka falka ku kacay uu si badheedh ah oo kelifaad ah u sakhraamiyey qof kale oo aan raali ka ahayn iyadoo ujeeddadiisu ay ahayd in isaga ama cid kale u galmooto ama ay fal jinsi ah kula kacdo qofkaas. Sidaas darteed, tiirarka uu fal dambiyeedkani ku dhisan yahay ee loo baahan yahay in la caddeeyaa waa 1. In eeddaysanahu uu si badheedh ah oo ula kac ah ugu kacay falka maandoorinta ah; 2. In dhibanahu aanu raali ka ahayn oo uu eeddaysanahu ku kelifay ama ku qasbay in uu maandoorsoomo ama sakhraamo iyo 2. In ujeeddada maandoorintu ay ahayd in eeddaysanaha ama cid kale u galmooto ama fal jinsi ah kula kacdo dhibanaha.

Haddii eeddaysanahu aanu si badheedh ah ugu kelifin dhibanaha oo aanay jirin caddeyn muujinaysa kelifaad ama ku khasbid maandooriye, xitaa haddii la caddeeyo in dhibanahu aanu raali ka hayn isla markaana ujeeddada eeddaysanahu ay ahayd in dhibanaha loo galmoodo laguma xukumi karo fal dambiyeedkan sababtoo ah si ula kac ah umuu gelin falka. Sidoo kale haddii la caddeeyo in eeddaysanahu uu si ula kac ah u maandooriyey dhibanaha balse aan la caddeyn in ujeeddadiisu ay ahayd in isaga ama cid kale ay u galmooto dhibanaha, markaasna lagu qaadi maayo qodobkan oo ma qabanayo.

Sida sharciga ah qodobkan maandoorinta ee Xeerka Kufsiga waxa la adeegsan karaa keliya haddii ujeeddada maandoorintu ay la xidhiidho in lagu kaco galmo ama fal jinsi ah. haddii aanay sidaas ahayn se, waxa eeddaysanaha lagu eeddayn karaa faqradda 5aad ee qodobka 3aad ee Xeerka la Dagaalanka Mukhaadaraadka (Xeer Lr. 21/2002) haddii qof ay da’diisu ka yar tahay 15 sanno jir la siiyo mukhaadaraad ama maandooriye. Haddii se qof ay da’diisu gaadhay 15 sanno ama ka weyn la sakhraamiyo iyadoo loo qariyey ama lagu khasbay maandooriye ama cunto loogu daray, waxay dembi noqonaysaa keliya haddii qofkaas oo sakhraansan loo soo bandhigo dadweynaha – dibeda loo saaray oo dadku ogaaday ama dadka la ogeysiiyey.

Fal dambiyeedka afduubka iyo xadhiga sharci-darrada ah ee qodobka 12aad ee Xeerka Kufsiga waxa keliya oo qof lagu eeddayn karaa haddii la caddeyn karo in ujeeddadu ay ahayd kufsi ama xadgudub jinsi. Haddii aanay caddeyntaasi jirin afduub iyo xadhig sharci-darro ahna ay jiraan waxa lagu dhaqmi karaa qodobbada 433 iyo 486 Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa se cajiib ah in fal-dambiyeedkan oo lagu sheegay diyaar-garow kufsi ama xadgudub jinsi ah uu ka ciqaab cuslaado iskudayga kufsiga laftiisa iyo fal dambiyeedka xadgudubka jinsi laftiisa oo ciqaabtiisu ay tahay ba hal ilaa saddex sanno sida ku cad qodobka 8aad. Xaqiiqadu waxay tahay afduubka iyo xadhiga sharci-darrada ah ayaa ka culus xadgudubka jinsi laftiisa oo uma noqon karaan diyaarin fal-dambiyeedkaas. Qofna looma afduubo ama looma haysto xadgudub jinsi oo keliya balse galmo waa loo afduuban karaa sababtoo ah xadgudubka jinsi waa fara-fareyn sida qabsashada ama xoodaaminta oo kale, intaasina afduubka dhexdiisa ayey dhacdaa ba – qof aan gacan la saarin lama ba afduubo – umana baahna diyaar-garow aan sakhraamin ahayn.

2.  Duubis iyo Baahin

Qaybtan oo ka kooban saddex qodob oo kala ah qodobka 13aad (carruurta oo la daawadsiiyo fal jinsi ah), qodobka 14aad (isqaawin anshax-darro ah) iyo qodobka 15aad (duubis, qaybin iyo baahin muuqaalo fal lidi ku ah jinsi), waa qaybta sharci ahaan ugu muhiimsan uguna wacan xeerkan sababtoo ah fal dambiyeedyada lagu mamnuucay ayaa ah kuwo dhibaato culus iyo dhaqan xumo baahsan ku haya bulshadeena. Waa falal waxyeelo culus ku haya damiirka iyo akhlaaqda bulshada gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada. Sidaas darteed, waa qaybta ugu muhiimsan xeerkan kana mid ah meelaha uu xeerkani ku wacan yahay balse haddana qaab-qoraal ahaan iyo sharci ahaan ba aan ka madhnayd in la dhaliilo.

Madmadowga ku jira qodobadan: Qodobka 13aad oo wuxuu dhigayaa “Qof kasta oo si ula kac ah ugu qasba ama ugu kalifa qof carruur ah in uu daawado cid kale oo samaynaysa galmo waxa uu galay dambi, waxa uuna mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.” Fal dambiyeedka uu qodobku qeexayaa waa mid wax lagaga qabanayo falkan oo waxyeelo ku ah ama xumaynaya akhlaaqda iyo dhaqanka carruurta. Haseyeeshee, qodobku wuxuu fal dambiyeedka ku koobay in si ula kac ah qof carruur ah loogu qasbo in uu daawado dad isku galmoonaya. Taasi oo meesha ka saaraysa aragtida caamka ah ee ah sharci ahaan in carruurtu aanay marka hore ba lahayn awoodda garashada xumaanta ama raali ka ahaanshaha dembiga. Qofka carruurta ah uma ba baahna in la qasbo ama la kelifo sababtoo ah xumaanta iyo samaanta waxa u kala sheega ama uu ka bartaa waa dadka waaweyn. Qodobkuna taas ayuu khilaafsan yahay oo ma qabanayo qofka isagoon qasbin ilmaha u horseeda xumaanta noocan ah. Sidaas darteed tiirarka dambigan ee ah qasbida ama kelifaadu waa kuwo xanibaad ku ah wax ka qabashada in xumaan iyo dhaqan xumo loo horseedo carruurta, waxaanay ahayd in fal dambiyeedku u dhignaado sidan: “Qof kasta oo si ula kac ah qof carruur ah u daawadsiiya dad isku galmoonaya ama muqaal laga duubay waxa uu galay dambi.”

Qodobka 14aad ee xeerku wuxuu dembi ka dhigayaa in qof uu si ula kac ah iskugu qaawiyo ama marada uga faydo xubnahiisa taranka dadka dhexdiisa. Taasi oo ah anshax-darro uu qofku ku muteysanayo xadhig ciqaabeed u dhaxeeya 3 ilaa 6 bilood iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 1,000,000 ilaa 2,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah. Waa qodob qaab-qoraal ahaan iyo sharci ahaan ba si fiican u qoran oo aanay anniga shakhsi ahaan ii muuqan ceeb uu leeyahay.

Qodobka 15aad wuxuu mamnuucayaa in b) cod, filim ama sawir laga duubo ama qaado fal dambiyeed jinsi ah ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah jinsi. T) la wadaaga ama qaybiya ama ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal jinsi kale. Waxaan u fahmay in qodobku uu dembi ka dhigayo ka duubista ama qaadista cod, filin ama sawir fal dambiyeed jinsi ah oo dhacaya, balse maan fahmin waxa loola jeedo muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah jinsi. Muuqaalka kale ee khuseeya galmo ma waxa loola jeedaa in la duubo muuqaal galmo oo aan fal dambiyeed ahayn sida galmo xalaal ah oo la duubo? Falka lidiga ku ah jinsiga se maxaa loola jeedaa? Maxay kala yihiin ama ku kala duwan yihiin codka, filimka iyo sawirka laga duubayo ama qaadayo fal-dambiyeedka jinsiga ah iyo muuqaalka kale ee khuseeya galmadu – ma isku mid baa mise laba wax ayey kala yihiin? Maxayse kala yihiin ama ku kala duwan yihiin fal-dambiyeedka jinsiga ah ee codka, filinka ama sawirka laga qaadayo ama duubayo iyo falka lidiga ku ah jinsigu? Ma kala qeexna oo ma kala cada waxa ay kala yihiin fal dambiyeedka jinsiga ah, muuqaalka kale ee khuseeya galmo iyo falka lidiga ku ah jinsigu. Sidaas darteed, nuxurka qodobkan waxaan u fahmay uun in ay dembi tahay in cod ahaan, muuqaal ahaan, sawir ahaan loo duubo ama qaado fal dambiyeed jinsi ah oo dhacaya ama wixii galmo la xidhiidha sida qof qaawan oo sawir ama muuqaal laga duubo ama hadal galmo khuseeya oo cod ahaan loo duubo iyo in sidoo kale la sii qaybiyo, dadka lala wadaago ama laga ganacsado waxaas la duubay. Faqradda 2aad waxay dembiga ka reebaysaa haddii ujeeddada duubista, qaybinta ama haysashadu ay ahayd in lala wadaago hay’addaha sharci fulinta. Faqradda 3aadna waxay dembiga ciqaabtiisa ku cusleynaysaa haddii ujeeddada falkani ay ahayd ganacsi..

3.  Bilaabida iyo Oogida Dacwaddaha Fal-dambiyeedyada Xeerkan

Ugu horeyn waxa cad oo aan qarsoonayn in xeerku uu mudnaanta kowaad siinayo ilaalinta xuquuqaha dhinaca dhibanaha ah iyo daryeelkiisa. Xeerku ma aha oo umana qorna sida xeer caddaaladeed oo ay u siman yihiin dhinacyada dacwaddu – wuxuu ku dhisan yahay ilaalinta xuquuqaha dhibaneyaasha fal dambiyeedyada la xidhiidha galmada ama jinsiga (Victim based approach). Wuxuu sidoo kale ku dhisan yahay qaab kala sooc muwaadinimo oo jinsi ku dhisan. Waa xeer ay si toos ah ugu cadahay ujeeddooyinkiisa qoran ee loo dejiyey. Sidaas darteed, iyadoo aynu ogsoonahay xaqiiqada dhabta ah ee ah in ay aad u nugul yihiin dhibanayaasha lagu la kaco fal dambiyeedyada uu xeerkani khuseeyo oo ay u baahan yihiin tageero iyo gargaar dheeraad ah, haddana qofkasta oo aaminsan isla markaana jecel in muwaadiniintu ay si siman oo dhex ah u helaan caddaalad iyo sinnaansho, ma hilmaami karo ilaa xad dhibaatada iyo burburka nololeed ee ku dhaci kara qofka fal dambiyeed noocan ah oo aanu geysan si fudud loogu eedeeyo ama loogu xukumo. Dhibanaha xuquuqdiisu kuma jirto in xuquuqda eeddaysanaha lagu tacadiyo. Wixii labadooda u dan ah ayay danta bulshadeenu ku jirtaa, balse wixii dhinac qudha u dan ah ee dhinaca kalena tacadi ku ah waa burburkeeda iyo balanbalkeeda.

Ilaah baan kuu dhaartee burburka ay bulshada ku keenayso in hal qof si fudud oo caddaalad-darro ah loogu xukumo dembi aanu lahayn, kuma keenayso haddii toban dembiile ay maxkamaddi ku sii deyso caddaymo la’aan. Ujeeddada uu xeerkani uga dhinac noqday eeddaysanahu waa burbur bulsheed oo ummaddeena lala maagan yahay ee maaha mid ummaddeena ama qof dhibane ah wax loogu qabanayo.

Qodobka 17aad: Goorta Gudbinta iyo Bilowga Dacwaddaha Galmo “1) Majiro xilli u xaddidan b) Gudbinta dacwadda ama cabashada dhacdada fal dambiyeed jinsi, ama t) Billaabista oogista dacwad dhan ka ah la tuhunsane loo haysto fal-dambiyeed jinsi oo Xeerkan ku dhigan.” Annigu waxaan qabaa dacwaddaha noocan ah caddaymahooda iyo marag-muujintoodu in aanay wakhti dheer ba isbadel la’aan jiri karayn. Waxay kamid yihiin dacwaddaha u baahan in la bilaabo inta ay arrintu qoyan tahay ee caddaymahu aanay tirtirmin ama meesha ka bixin. Caqligana ma gasho shuruud la’aan in daba furan laga dhigo muddada ay tahay in dacwadda la gudbiyo.

Qodobku ereyga ‘xili’ ayuu adeegsaday balse dacwaddahu maaha xiliyeed (seasonal), cinwaanka marka la eegana ereyga ‘goorta’ ayaa la adeegsaday oo isna aan meesha ku haboonayn maadaamaa aanay jirin gelin ama saacad lagu xidho dacwaddaha gudbintooda. Qodobka 84aad ee Xeerka Ciqaabta Guud muddo 30 casho gudahood ah ayuu waajibinayaa in dacwadda ciqaabta ah lagu soo gudbiyo haddii cidi ay cabanayso. Qodobka 21aad ee Xeerka Habka Ciqaabtuna qodobkaas ayuu waafaqsan yahay, waxaanu dhigayaa shuruuddo ay ku buri karto adeegsiga xuquuqdani. Haseyeeshee, hore ba umuu jirin qodob xili gaar ah dacwaddaha soo gudbintooda loogu xaddiday, loomana baahna in xilli loo xaddido sababtoo ah muddo ayaa u xaddidan.

Markay noqoto bilaabista dacwad oogida fal dambiyeedyada xeerkan ku cad, waxa khasab ah oo dastuuri ah in la xaddido muddada qofka la tuhunsanaha ah loo hayn karo baadhis sida ku cad faqradda 5aad ee Qod. 27aad Dastuurka JSL oo dhigaysa ‘Xeerka ayaa xaddaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan’. Sidaas darteed, iska dhaaf in qodobku uu dhigayo in aanu jirin xili u xaddidan bilaabista dacwad oogidee, waxaa qayrul-dastuuri ah in aanu in aanu qodobku xaddidin muddada ugu badan ee uu eeddaysanahu xidhnaan karo dacwad oogid la’aan. Sidaas darteed, qodobkani waa mid khilaafsan sharciga dalka oo uu ugu horeeyo qodobka 27aad ee Dastuurka JSL.

Qodobka 20aad: Doorka uu Bileysku ku Leeyahay Baadhista Dacwaddaha: Sida uu qodobkani u dhigayo doorka uu bileysku ku leeyahay baadhista fal dambiyeedku waa mid khilaafsan dastuurka iyo xeerka habka ciqaabta labada ba sababtoo wuxuu bileyska awood u siinayaa in uu sameyn karo xadhig iyo baadhis dhammeystiran oo aanu maxkamadda iyo xeer-ilaalinta ogeysiin. Hadal ahaan faqradda ugu dambeysa ayey ku qoran tahay “in uu xishmeeyo oo fuliyo amarrada maxkamadda, oo uu sidoo kalena guto hawlaha iyo waajibaadyada kale ee la xidhiidha dambi baadhista ee uu dhigayo Habka Xeerka Ciqaabtu.” Taasi maaha mid qodobkan faqraddahiisa kale xalaalaynaysa sababtoo waxay bileyska awood u siiyeen wax sharciga khilaafsan oo ah sida ku cad faqradda ‘sh’ ee qodobkan ‘’in uu ku dadaaalo in la soo qabto oo la xidho la tuhunsanaha/eedaysanaha dambiga, wareysina ka qaado la tuhunsanaha/eedaysanaha marka la soo xidho, warka uu ka helona diiwaan galiyo gal dacwadeedka dacwadaasi u furan.” in uu ku deddaalo waxa ka horeysa sifaha loo qaban karo ama loo baadhi karo eeddaysanaha.

Faqradda 2aad ee qodobka 25aad ee Dastuurka JSL waxay dhigaysaa ‘ma bannaana in qofna la baadho, la qabto ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lehi.Haddii uu dambi faraha kula jiro kama ba hadlayo qodobkan 20aad ee xeerku oo wuxuu ka hadlayaa uun marka qof u soo dacwoodo ee ay dacwadu sidaas ku furanto. Hadda ba, qodobkani in uu toos uga hor imanayo qodobka 25aad ee dastuurku waa mid iska cad sababtoo ah qodobkan meel qudha kagama xusna in bilowga baadhista uu bileysku amar qabasho iyo baadhiseed uu ka dalbado maxkamadda ama xitaa ogeysiiyo qofka uu xidhay ama qabtay. Majirto faqrad keliya oo yaanay si cad ba u sheegine, muujinaysa qabashada eeddaysanahu in ay sababaysnaato. Faqraddaha qodobkuna waa kuwo awood u siinaya bileyska inay iyagoo ka duulaya cabashada dhibanaha iyo waxa laga qoray, ku deddaalaan inay soo qabtaan eeddaysanaha oo xitaa baadhis forensic ah ay sameeyaan deedna galka baadhista oo dhammeystiran uun ay xeer-ilaalinta u gudbin karaan. Taasi waa baadhis ka arradan xuquuqahii dastuuriga ahaa ee eeddaysanaha oo toos u khilaafsan qodobka 25aad ee dastuurka, waxaanay dhiirigelinaysaa in xadhig iyo baadhis sharci-darro ah ay kiisasku ka abuurmaan oo xuquuqda eeddaysanayaasha lagu tacadiyo.

Qodobka 25aad: Carqaladeyn Caddaaladeed: Qodobkani runtii waa mid yaabkiisa wata oo cajab badan sababtoo ah ma dhigayo fal dambiyeed ee wuxuu dhigayaa xukun fal dambiyeed. Maaha qodob u baahan in dacwad laga furo oo maxkamad horteed laga caddeeyo sababtoo ah isagaa ba maxkamad la’aan si toos ah u sii xukumaya qofkasta oo qodobkan loo qabsado. Faqradda 1aad waxay dhigaysaa “Qofka waxa uu noqonayaa dambiile,  haddii uu faro galiyo gudbinta cabasho ama warbixin, dambi baadhista ama/iyo oogista dacwad fal- dambi ku cad Xeerkan si uu u horjoogsado, u leexiyo, u marin-habaabiyo, ama u carqaladeeyo hannaanka dhagaysiga ama geeddi socodka nidaamka caddaaladda.” Ugu horeyn, faqraddani waxay sii caddeysay in qofku aanu eeddaysane ba noqonayn ee uu si toos ah dembiile u yahay haddii loo qabsado falka faqraddan ku cad. Taasina waxay khilaafsan tahay faqradda 3aad ee qodobka 26aad ee Dastuurka JSL.

Mar labaadka, faro-gelinta gudbinta cabasho ama warbixin waa marxalad aanay dacwaddi furnayn oo dibada ka ah nidaamka caddaaladeed oo maba noqon karto carqaladeyn caddaaladeed. Mar saddexaadka, ujeeddada horjoogsashada, leexinta ama marin-habaabinta dhageysiga ama geedi socodka nidaamka caddaalada maaha mid lagu gaadhi karo faro gelinta cabashada ama warbixinta falka balse waa mid lagu kici karo wakhtiga dhageysiga, lamana qeexin marka la odhan karo marin-habow, leexin ama horjoogsasho ayaa ku timid dhageysiga ama geedi-socodka dacwadda. Taasi waxay keenaysa in markasta oo ay bileyska iyo xeer-ilaalintu ku fashilmaan baadhista dacwadda ay si fudud cid kale dusha uga saaraan guuldarada dacwadda ama ay dhibanaha iyo markhaatiyada ku qasbaan in aanay ka hor iman si kasta oo ay dacwadda u dhigaan haddii kale ay qodobkan ku fulin doonaan.

Faqradda labaad, waxay tacadi ku tahay xorriyada go’aan qaadasho ee dadka sababtoo ah waxay dembi ka dhigaysaa in labada dhinac ee dacwad fal dambiyeed xeerkan ku cad oo uu dhageysigeedu maxkamadda ka socdo ay ka heshiiyaan ama ay dibeda arrinkooda ku xaliyaan, kadibna codsadaan in dacwadda la oodo, eeddaysanahana la sii daayo. Arrinta heshiisku waa mid ay dhinacyadu xor u yihiin. Arrintan codsiga dacwad oodista iyo sii deynta eeddaysanahuna waa mid aan la lahayn ba saameyn dembi sababtoo maaha fal leh natiijo saameyn dembi oo codsigu maaha fal natiijadiisu ay ka iman karto codsadaha – waa mid ay go’aankeeda leeyihiin hay’addaha garsoorku.

Runtii waa wax lala yaabo in falkan aan dembiga ba noqon karayn lagu muteysto xadhiga ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sanno. Waxay ciqaabtiisu lamid tahay ama ka culus tahay todobada fal dambiyeed ee ugu culus xeerkan ciqaabta lagu muteysanayo iskudaygooda iyo afar fal-dambiyeed oo xeerka kamid ah ciqaabtooda. Saw markaa cajiib maaha in labadii qof ba toos loogu xukumo wixii ay ka heshiinayeen – hadduu jiray iyo haddaanu jirin ba - ciqaab ka culus dembigii uu midna dhibanaha ka ahaa midna eeddaysanaha ka ahaa. Maxay se tahay ujeeddada looga cusleeyey ciqaabta falkan aan dembiga ba lagu sheegin karayn ciqaabaha fal dambiyeedyada caadiga ah ee xeerka badankooda. Miyaanay ujeeddadu ahayn dembi tarmin iyo dacwaddo badin ilayn bileyskii waatan xor looga dhigay inay kiisaska abuuraan, qofkii dacwad ka noqdana waatan dembi culus laga dhigay, kii talaabo kale qaadana waatan la yidhi soo faro-galin carqaladeyn caddaaladeed ah.

Qodobka 27aad: Amarrada la Xidhiidha Badbaadada: Faqradda 2aad ee qodobkani waxay amarrada badbaadada ku daraysaa xaraf-faqraddeedka “b” oo dhigaya “in afar iyo labaatan saacadood gudahood lagaga soo qaado eedeysanaha wixii hub ah ee ku jira gacantiisa.” Runtii tani waa wax lagu qoslo sababtoo ah shay ama hanti uu leeyahay eeddaysanahu oo aan fal dambiyeed lagu gelin sharci maaha in loola wareego si sharci-darro ah haddii aanu fal dambiyeedka u adeegsan. Amniga dhibanahu uma xalaalaynayo bileyska in ay kaga qaadaan eeddaysanaha hub gurigiisa u yaala sababtoo ah dacwaddaha noocan amniga dhibanaha waxa ka khatar badan kan eeddaysanaha sababtoo ah isagaa ba wax loo tirsanayaa.

4.  Qodobada la Xidhiidha Caddeymaha

Qodobka 33aad: Caddeymaha aan la Aqbali Karin: Faqradda 1aad ee qodobkani waxay si gaar ah u reebtay in taariikh-nololeedkii jinsi ee dhibanaha uu eeddaysanahu isku difaaco, iyadoo si cad u qiraysa in ay noqon karto caddeyn laysku difaaco ayey haddana si badheedh ah u sheegaysaa in aanay bannaanayn in laysku difaaco – “Ma banaanna in la xigto taariikh-nololeedka jinsi (sexual history or background) ee dhibanaha fal dambi jinsi oo noqon karta caddeyn loo addeegsado is difaac.” Halkaa kuma joogayso ee waxay sii daba dhigaysaa “ama loogu andacoodo (dooddo) b) in ay u muuqato in dhibanahu ogolaaday falka galmo ama jinsi ee dacwaddu khusayso; ama t) marag kaca dhibanahu yahay mid aan la aamini karin ama daacad ahayn.”

Faqradda 2aad ayaa iyadna sidaas si lamid ah uga reebtay eeddaysanaha in uu isku difaaco caddeynta macaamilka ka dhaxeyn jiray dhibanaha. Waxaanay dhigaysaa “Ma banaana in uu eedeysanahu ama cid kale oo mataleysa qofka ku eedeysanaha  dacwad jinsi  khusaysa sida ku cad Farqadda 1aad ee Qodobkan oo ay caddeyn ahaan u soo bandhigto in uu dhibanahu  la yeeshay ama horey uga ogolaaday  eedeysanaha ama cid kale  fal jinsi ah oo aan ahayn ka ay dacwadu khusayso.” Bal hadda cajaa’ibtan eega, qof lagu eeddaynayo in uu qof kale khasbay oo la leeyahay kuma dooddi karo in uu caddeeyo:

o   in aanu khasab jirin oo hore ba ay iskugu galmoon jireen oo ay wada galeen dembiga
o   in aanu muujin karin ama caddeyn karin in ogolaansho jiray oo aanu khasab jirin iyo
o   In dhibanaha soo dacwooday ee wax sheeganayaa uu haddana isagu isku yahay markhaati wax ku caddeynaya isaga (eeddaysanaha), isaguna aanu ku dooddi karin in aan la aamini karin ama aanu daacad ahayn oo aanu isla qofkii soo dacweeyey markhaati noqon karayn.

Qodobkani waa mid meel ka dhac ku ah nidaamka caddaaladeed iyo dhexdhexaadnimada garsoorka sababtoo ah waa qodob nuxurkiisu iskugu soo biyo shubanayo in dhibanahu iska daa wax kalee uu xitaa yahay markhaati aan la duri karin iyo in eeddaysanahu aanu xitaa isdifaaci karin. Waa qodob qayrul-dastuuri ah oo khilaafsan faqradda 2aad ee qodobka 28aad ee Dastuurka JSL.

5.  Ciqaabta

Qodobka 34aad: Xaaladdaha Cusleeya Ciqaabta: Qodobkani wuxuu taxayaa xaaladdaha cusleeya ciqaabta oo iskugu jira kuwa taagnaa wakhtigii falka lagu kacayey iyo kuwo la xidhiidha dhaqanka eeddaysanaha. Intooda badan waa kuwo sax ah oo lagu muteysan karo in ciqaabta la kordhiyo. Haseyeeshee, xaaladdaha ay kamid yihiin b) dhibannaha oo ah qof carruur ah; k) eeddeysanaha oo ah qof ku tagri falay ama si qaldan uga faa'iideystay meeqaam xileed, mas'uuliyadeed ama aaminaadeed; ama I) haddii cidda dambiga gashay ay tahay laba qof ama ka badan, waa kuwo khuseeya qodobbo gaar ah oo aanu qodobkani caddeyn sida loo kala dabaqayo fal dambiyeedyada ay marka hore tiirarkooda ku jiraan iyo qodobada kale.

Qodobka 35aad: Xaaladdaha Fududeeya Ciqaabta: Qodobku wuxuu dhigayaa afar xaaladdood oo keliya oo fududeeya ciqaabta isla markaana iyagu dhammaantood sharci ahaan aan sax ahayn. Waxaan annigu u arkaa in laga badheedhay oo loogu talogalay in aan xeerka lagu darin xaaladdo ciqaabta fududeyn kara oo sharci ahaan sax ah.

1)    Xaaladdaha fududeynaya ciqaabta ee xeerka ku cad waxa ugu horeysa eeddaysanaha oo ah qof carruur ah oo da’diisu ay tahay 15 jir ilaa 18 jir. Waxyaabaha la yaabka leh waxaa kamid ah in qodobka 2aad ee Xeerku uu kelmada ‘carruur’ ku qeexayo “qof da’diisu ay ka yar tahay 18 jir.” Haseyeeshee, inkastoo xitaa wax ka badelkii Golaha Guurtida ay ku jirtay oo laga dhigay ‘qofka kasta oo ay da’diisu ka yar tahay 15 jir’, oo Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku diidday wax ka badelkaas, wax macno ah oo ay xeerka ku kordhinaysaa ba ma jiro sababtoo ah 12 jeer oo carruurta laga hadlayo ba waxaa la xusayaa 15 jir. Halka 18 jirku ay xeerka kaga jirto mar kaliya marka laga yimaad qeexida, markaasina ay tahay markan qofka carruurta ah ee ay da’diisu tahay 15 jir ilaa 18 jirka laga fududeeyey ciqaabta.

Macnaha meesha ku jiraa waa in qof da’diisu ay ka hooseyso 15 jir aanay lahayn masuuliyad dambi. Taasi oo dhan marka laga eego waafaqsan shareecadda islaamka iyo dhaqanka bulshada. Haseyeeshee, waxa iyadna meesha ku jirta in carruurta ay da’dooda u dhaxayso 15 jir ilaa 18 jir ay leeyihiin masuuliyad dambi oo la fududeeyey oo ciqaabta laga dhimi karo saddexdii meelood meel ahaan sida ku cad Qod. 117 Xeerka Ciqaabta Guud. Arrintani se ma waafaqsana Shareecada Islaamka oo waxay masuuliyadda dembi kala siman yihiin dadka kale.

2)   Xaaladda labaad ee fududeynaysa ciqaabta ee xeerka ku cad waa “eeddaysanaha oo ah qof da’a ah ama gaboobey.” Waa mid khilaafsan shareecada islaamka oo iyadu qabta in qofka weyni uu ka ciqaab culus yahay qofka dhallinyarada ah gaar ahaan dembiyada waaweyn sida sinnada ama kufsiga. Waxa kamid ah xadiiska ku yaal saxiixul muslinka ee uu Rasuulku SCW ku sheegay ‘Saddex ilaahay aakhiro lama hadlo; Oday sinneystay, qof madax ah oo beenaale ah iyo wax ma hayste kibir badan.’ Saddexduba maaha kuwo laga filayo falalka ay ku kaceen oo cudurdaar maleh.

3)   Xaaladda saddexaad ee fududeynta ciqaabta ee xeerkan ku cad waa tan ugu la yaabka badan, waana “eeddaysanaha oo ah qof maskaxda ka buka.” Waa xeerkii ugu horeeyey oo qof maskaxda ka jiran ka dhigaya dembiile ee aan arko. Wallee annigu ka yaabay xeerkani sida uu u caashaqsan yahay qof kasta oo magaca dhibane wata iyo colaada miyir beelka ah ee uu u hayo qof kasta oo eeddaysane lagu sheego. Wax sharaxaaad u baahan ba maaha oo waxba ku tiigaali maayee, xeerku waa xeerkaas qofka waalan xukumaya een sharci iyo shareeco toona u eegin.

4)   Xaaladda afraad ee fududeynta ciqaabta fal dambiyeedyada xeerkani waa “eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.” Iyadna waa yaabka yaabkiise sawka qodobka 11aad ee isla xeerkani fal dambiyeed ka dhigaya in qof la sakhraamiyo ama maandooriyo si loogula kaco galmo? Qofka la sakhraamiyey ee galmo ku kaca – rag iyo dumar ba – ma dhibanaa mise waa eeddaysane? Hore ayaan se uga hadlay sababta isagoo dhibane ah looga dhigay eeddaysane. Xeerku waa xeerkaas sharciga, shareecada, dhaqanka iyo caddaaladda ba ka madhan ee xaajadiisu ay tahay xeelad badanleeydaas aan xaq dhawrka lahayn. 

Qodobka 37aad: Warka uu Dhiibo ama Bixiyo Dhibanahu: Xeerkan cajaa’ibtiisu ma yaree, wax uu soo socda ba wuxuu iskugu soo biyo shubanayaa halkii uu nuxurka ugu muhiimsan ee xeerka ba laga lahaa uu ku jiray oo ah 1) in dhibanahu uu yahay markhaati wax caddeeya oo weliba xogta uu isagu sheegaa ay tahay caddeynta ugu culus ama ugu muhiimsan iyo 2) in si ay maxkamaddu u go’aamiso xukunka lagu ridayo ama lala tiigsanayo dambiile lagu xukumayo qodobada xeerkan ay maxkamadda u bannaan tahay in ay tixgeliso ama ku xisaabtanto warka ama xogta uu afka ka sheegay ama laga qoray dhibannaha ee tilmaamaysa dhibta iyo dhaawaca ka soo gaadhay fal dambiyeedka loo geystay.

Haddii intaas uun lagu joogee, faqradda 2aad waxay sii caddaysay ba in warka ama xogta dhibannahu ay ku filan tahay in loo cuskado xukunka eeddaysanaha lagu riday waxaanay odhanaysaa “Xogta ama warka uu bixiyo dhibanuhu ee ee loogu gudbiyay maxkamadda sida waafaqsan Qodobkan, kama reebeyso maxkamada inay tixgaliso ama ku xisaabtanato caddeyn kale oo kasta oo ay u aragto inay muhiim u tahay goaan ka gaadhista ciqaabta la saarayo dambiilaha.” Macnaha maxkamaddu kuma ba khasbana caddeyn kale oo lagu kaabo waxa uu dhibanahu sheegee, way u bannaan tahay hadday u aragto in ay muhiim tahay.

Hadda fal dambiyeedyadan qofkii soo dacwooday afkiisa loogu xukumayo eeddaysanaha, waxa ku jira kuwo uu ILAAHAY ciqaab xad ah u dhigay oo ay shareecadu waajibisay in afar qof wax ka yar aanay caddeyn karin sida kufsiga sinnada aanu qofka kale raalida ka ahayn uun ah, kufsi loo galmooday ilmaha yar oo sinno ah, kufsiga loo galmooday qof aanay maskaxdiisu dhammayn oo isna sinno ah iyo kufsiga qasabka ah ee hubka loo adeegsado qofka loo galmooday oo xiraabo ah iwm. Waynu roonahay haddii uu ILAAHAY innaga saamaxo nidaamkeena dawladdeed ee sidaas u dhalan-rogay shareecadda Islaamka iyo nusuustii uu innoo soo dejiyey.

Qodobka 38aad: Ciqaabista Dambiilayaasha sida Wadajirka ah Dembiga u Gala: Markii aan falan-qaynayey qodobka 5aad ee xeerka oo jideeyey fal dambiyeedka “kufsi wadareedka”, waxaan tilmaamay in eeddaysanayaasha lagu wada eeddaynayo kufsi wadareedka aan la kala saarin marka laga hadlayo faqradda 3aad ee jidaynaysa in haddii dhaawac culus ama xanuunka AIDS-ka uu dhibanahu qaado ay ciqaabtu noqonayso xabsi daa’in. Waxaan ku doodday “maadaamaa hal shakhsi uu dhaawaca geysan karo ama uu xanuunka AIDS-ka wada qaadsiin karo dhibanaha iyo eeddaysanayaasha ba, waxay ku fiicnayd in si cad loo qoro in masuuliyadaas uu leeyahay qofka dhaawaca gacantiisa ku geystay ama xanuunka laga helo sababtoo ah dadka wada eeddaysan dembiga masuuliyadiisa way wadaagaan waanay kala leeyihiin sababtiisa (joint and several liablity).” 

Qodobkani wuxuu dhigayaa “Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku leeyahay sida waafaqsan xeerka ciqaabta guud.” Marka qodobka sidan u qoran lagu sheegayo dembiilayaal si wadajir ah dembi u galay, malaha ereyadani waa kuwo qodobka uun lagu qurxiyey oo maaha kuwo macnahooda dhabta ah loogu talogaley in ay ka turjumaan. Nuxurka qodobku waa dambiga ay dad badan ka qayb-qaataan (participation) gelitaankiisu in qof walba uu muteysanayo xukun ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku leeyahay sida waafaqsan Xeerka Ciqaabta Guud.

Inkastoo Xeerka Ciqaabta Guud qodobkiisa 71aad ay ku cadahay ka sinnaanta ciqaabta dembiga ay u siman yihiin dadka fal dambiyeedka ka qayb-qaataa, haddana, faqradda 1aad ee qodobka 73aad ayaa gaar u xusaysa [masuuliyadda iyo kaalinta ay dembiga ku kala lahaayeen darteed] in ciqaabta gaar loogu kordhinayo: b) qof kasta oo u bilaaba, abaabula ama haga talaabooyinka dadka kale ee fal dambiyeedka ka qayb-qaadanaya; c) qof kasta oo masuul ah oo awooddiisa [qasab], hagidiisa ama amarkiisu uu dadka uu maamulo ku sababo in ay fal dambiyeedka ku kacaan. Faqradda 2aad ayaa si cad u sheegaysa in ciqaabta lagu kordhinayo xaaladaha ku cad xarfo-faqraddeedyadan la dabaqayo xitaa haddii dadka fal dambiyeedka laga qayb-gelinayo ama ku kacayaa aanay lahayn masuuliyad dembi.

Qodobka 75aad ee Xeerka Ciqaabta Guud wuxuu ciqaabta ka khafiifinayaa qaar kamid dadka si wadajirka uga qayb-qaatay fal dambiyeedka: 1) Haddii Garsoorahu uu u arko in ay aad u kooban tahay gargaarida ama kala shaqaynta uu qof ka qayb-qaadanayey fal-dambiyeedku ku lahaa diyaarinta iyo fulinta fal dambiyeedka wuxuu ka dhimi karaa ciqaabta sida waafaqsan qodobka 119 XCG. 3) ciqaabta wuxuu sidoo kale ka dhimi karaa dadka lagu sababay in ay ku kacaan ama ka qayb-qaataan fal dambiyeedka sida ku cad xaaladaha ku cad xaraf-faqraddeedka c) iyo d) ee faqradda 1aad ee qodobka 73aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Qodobka 45aad: Burid iyo Laalid: Ujeeddada kowaad ee xeerka waxaa lagu sheegay “in la dejiyo xeer waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadi’da guud ee caddaalada, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee ummaddu leedahay”, faqradda 2aad ee qodobkan 45aad na waxay dhigaysaa “Xeer kasta oo kale ama qodobkasta oo sharci ama Xeer dhaqameed kasta oo ka soo horjeeda, ama aanan waafaqsanayn xeerkan waa la buriyay waxaana lagu baddalay qodobada  Xeerkan.” Dhega! Xeerkii dhaqanka ummadda la waafajinayey sawkan buriyey ee laallay dhaqanka laftiisii ee qodobadiisa ku badalay. Maxaa kuu baxay?

TALLOOYIN IYO SOO JEEDIMO

1.     Ugu horeyn, annigu shakhsiyan Cabdishakuur ahaan, ujeeddada aan bulshada ula wadaagayey aragtidayda shakhsiga ah ee aan ka qabo Xeerkan Kufsigu waxay ahayd inaan aaminsanahay in xeerkan aynu bulsho ahaan aad uga baahnayn balse aynu ku hungoownay oo aynu kala kulanay wax aynaan uga fadhiyin oo bulshadeena diinteeda, dhaqankeeda iyo masiirkeeda ba khilaafsan. Xaaladda aynu ku suganahay na maaha mid aan is leeyahay cid bay farxad gelinaysaa oo jecel in xaaladan lagu sii jirno oo aaminsan in aan xeer-ciqaabeed cusub loo baahnayn.

Xeerkan kufsiga oo keliya kuma koobna ceebaha sharci ee aynu dugsanaynaa oo Xeerka Ciqaabtu ba wax badan ayuu la wadaagaa waxyaabaha aynu xeerkan ku diiddanahay khaasatan markay noqoto waafaqsanaanta Shareecada Islaamka. Sidaas darteed waa in lagu baraarugsanaadaa oo aynaan xeerkan uun ku koobin doodda oo aynu fursadan uga faa’iideysanaa in la saxo dhammaan xeerarka aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka ummadda si loo helo xeerar ka turjumaya mabaadi’da sharci ee uu ku dhisan yahay Dastuurka JSL oo ay ugu horeyso Shareecada Islaamku.

2.    Qaabka fudud ee loo ansaxiyey iyo geedi-socodkii lagaga soo shaqeeyey Xeerkan Kufsigu waxay inoo muujinayaan sida fudud ee ay suurtogal u tahay in la afduubo masiirka ummadda isla markaana loo adeegsan karo Golayaasha Qaranka gaar ahaan Xeer-dejinta oo karaamada iyo awooddii shacabka ee ay huwanayeen lagu shaqaystay.

Sababta keliya ee ay taasi u dhacday waa mid aynu garan karno oo ah in aynu nahay ummad tasoowday oo qof walba uu dannihiisa gaarka ah eryanayo isagoon aan xitaa xeerinayn diin, dan guud iyo masiir ummaddeed midna. Sidaas darteed, la yaab maleh in la innoo keeno xeerar aanay danteenu ku jirin oo aan diinteena iyo dhaqankeena toona lagu saleyn. Waanay socon doontaa oo maaha mid si dhibyar u joogsan karta ilaa inta aynu ka baxayno tasoowga aynu ummad ahaan ku jirno.

Hore ayaan laba sanno kahor u tilmaamay halka ay sartu ka qudhantay iyo sababta aynaan xitaa waxba uga qaban karin arrimaha noocan ilaa aynu ummad ahaan la nimaad han ummaddeed oo aynu kaga xoroobi karno aragtiyaha iyo afkaarta ay cid kale leedahay ee aan xal u ahayn mashaakilaadka sharci ee inna haysta. Waxaad ka akhrisan kartaa qoraalka aan mawduucan kaga kaga hadlay laba sanno kahor ee cinwaankiisu uu yahay Nidaamka Caddaaladeed ee Soomaaliland: Himilooyinkiisa Qoran, Ummadda Tasoowday, Bahdiisa Hanka yar iyo Qaranka Hagraday. Qoraalkan ayey ku dhan yihiin tallo iyo tusaale wixii khuseeya nidaamka sharci iyo caddaalada ee aan u gudbin lahaa bulshada gaar ahaan Mihnadlayaasha Sharciga.

3.    Waxa iyadna mushkilad ah in bulsho ahaan aynaan arrimahan noocan ah ugu dooddi karin si mawduuci ah oo ku kooban fikirka uu qofku diiddan yahay ama uu difaacayo, balse sida hadda muuqata dadka qaar ay cid gaar ah dhaleecaynayaan, qolooyinkii xeerka loo soo dhiibayna doodda qudha ee ay dhiiban karaan ba waxay noqotay “waxa xeerka diiddan ragga oo dumarka dhibaatadooda jecel iyo dad kufsiga bannaysanaya ama wax kufsan jiray.” Dadka sidaas u hadlayaa waa dad aqoonyahan sheeganaya iyo xildhibaanno golaha wakiilada ka tirsan. Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa in si ikhlaas ah looga hawl galo arrimaha noocan ah oo aynu ka baxno annaaniyada, danneysiga iyo isku muuqashada. Xeerka dooddiisu waa mid sharciyeed oo ay shareecaddu ugu mudan tahay – wixii diinta khuseeyaana wax lagu dheeldheeli karo maaha. Mana qurux badna in warbaahinta iyo social media-ha uun ay ku koobnaato doodduye waxa loo baahan yahay in hannaanka sharci ee lagu sixi karo loo maro sixitaanka xeerka oo doodda loo gudbiyo Goleyaasha Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, ciddii difaacaysaana halkaas ha ka difaacdo. Sidaas darteed, waxaan ku talinayaa oo aan soo jeedinayaan soo jeedimahan hoos ku faahfaahsan:

Sharciyaqaannada, Aqoonyahanka, Siyaasiinta iyo Culimada waxaan u soo jeedinayaa:

·         In laga wada shaqeeyo sidii xeerkan iyo kuwo kale ba loo sixi lahaa si loo helo xeerar ku dhisan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka JSL.

·         In ay sameystaan shabakado ay ku mideysan yihiin oo u taagan la socoshada xeerarka iyo shuruucda dalka dejintooda iyo fulintooda ba

·         In la derso nidaam ahaan qaabka xeer-dejineed iyo geedi-socodka ay maraan xeerarka uu baarlamaanku dejiyo.

·         In ay xidhiidh wada shaqeyneed la yeeshaan Golayaasha Qaranka iyo urrurada bulshada ee madaxa-bannaan.

·         In ay si dhoow ula socdaan habka shaqada nidaamka caddaaladeed ee dalka isla markaana xoojiyaan la xisaabtanka xukumada iyo garsoorka

Golaha Wakiillada iyo Xukumadda waxaan u soo jeedinayaa:

·         In aanay dhayalsan xilka iyo waajibaadka gole ahaan loogu igmaday isla markaana sida ku cad faqradda 1aad ee qodobka 38aad ee dastuurka JSL in ay reeban tahay in xeer-dejinta loo wareejiyo cid kale. U dhaqma oo ha idinka muuqato in aad tihiin XEER-DEJIYEYAAL oo yaanay dib u dhicin in aad ahaataan ANSAXIYEYAAL XEER AANAY DEJIN.

·         Xasuusnaada in sida ku cad qodobka 38aad, faqraddiisa 4aad: “himilooyinka xilgudashada baarlamaanka ay ugu muhiimsan tahay t) In Jamhuuriyadda Soomaaliland ay yeelato dhammaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaami ah.”  

·         Ogaada in xubin kasta ay ku dhaaratay "WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".

Urrurada Bulshada ee aan Dawliga ahayn waxaan u soo jeedinayaa:

·         Haddii ay idinka dhab tahay in aad bulshada meteshaan waa in aad ilaalisaan dhaqankeeda, diinteeda iyo masiirkeeda ba.

·         Ha noqonine kuwo mashaariicda iyo aqoonta keliya ee ay bulshada ugu adeegayaan ay tahay wixii ay wax ku bixiyaan ee ay idiin dhiibaan Urrurada Caalamiga ah iyo hay’addaha QM xataa haddii aanay ka turjumayn rabitaanka iyo qiyamka bulshada aad mateshaan. Ha idinka muuqato aqoonta iyo kartida aad iskaga baandhayn kartaan isla markaana kaga kaaftoomi kartaan mashariicda shisheeyahu idiin dhiibo ee aydaan curintooda iyo fikirkooda midna lahayn ama aanay bulshada danni ugu jirin.

·         Waxa aad ka duulaysaan ha noqdo diinta iyo dhaqanka bulshada oo yaan idinka la idin doorin si aydaan idinkuna bulshada dhaqankeeda iyo diinteeda u doorin.

AYNU ISA SAAMAXNO OO ILAAHAY HA INNOO DEMBI DHAAFO, DARIIQA SAXDA AHNA INNA WAAFAJIYO. AAMIIN.


Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco/Hargeysa, Soomaaliland

LIFAAQ: Goleyaasha Xeer-dejinta Soomaaliland Maxay ku Kordhiyeen Xeerka?

Kalfadhigii 29aad ee Golaha Wakiilada, fadhigiisii 11aad oo qabsoomay 14kii bisha Diisember 2015 ayaa loo qaybiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada qabyo-qoraalka Xeerka Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada la xidhiidha oo ka koobnaa 23 bog oo 46 qodob ah. Golahaas dhan waxa uu xeerka hadda dhaqan-galka ku soo kordhiyey ama lagu daray talaabooyinka hoos ku cad:

1.   Magaca qabyo-qoraalka oo ahaa “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Xidhiidhka Laleh (Xeer Lr./----/2015)” waxaa lagu badelayXeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ah (Xeer Lr. 78/2018.)”

2.  Gogoldhiga (preample) waxaa lagu darayMarkuu arkay Qodobada 77aaad iyo 78aad ee Dastuurka Soomaaliland.”

3.    Qodobka 1aad oo ahaa “Magaca Xeerka” waxaa loo badelayErey-bixin”.

4.    Erey-bixinta kelmada “" Xadgudub Galmo (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo toos ah ama fal kale oo lagu xidhiidhin karo galmo oo lagula kaco qayb ama xubin ka mid ah jidhka qof si loo kiciyo dareenka ama loo dhaawaco hammadda galmo ee cid kale.” Waxaa lagu badelay " Fal Jinsi (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo, ama fal kale oo khuseeya, ku luglahaansho, fal jinsi loo aannayn karo oo lagula kaco xubnaha taranka, dabada, afka ama xubno kale oo ka mid ah jidhka.”

5.    Erey-bixinta kelmada “kufsi” waxaa loola jeedaa galmo aan sharcigu jidayn oo iyadoo loo addeegsanayo xoog, cabsi galin ama hanjabaad uu qof kula kaco qof kale oo ay kala jinsi yihiin ama la jinsi ah ; waxaana loo arkayaa in uu kufsigu dhacay marka xubinta taranka ee qofka falka ku kacayaa, xaddigay doontoba ha gaadsiisnaato’e gasho ama lagaliyo xubinta taranka ama xubin kale oo ka mid ah jidhka  qofka kale. Waxaa lagu badelaygalmooda/galmoodo” (Sexual Penetration) waxaa loola jeedaa gelitaanka xaddigay doontoba ha gaadsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho xubinta taranka, dabada ama afka qof kale

6.    Erey-bixinta kelmada " Wasaaradda" Waxa loola jeedaa Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada. Waxaa lagu badelay "Wasaaradda" Waxa loola jeedaa hay’adda xukumada uga masuulka ah arrimaha qoyska iyo haweenka

7.    Erey-bixinta kelmada " Wasiirka" Waxa loola jeedaa Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Shaqada. Waxaa lagu badelay "Wasiirka" Waxa loola jeedaa Madaxa hay’adda xukumada uga masuulka ah arrimaha qoyska iyo haweenka

8.    Qodobka 2aad oo ahaa “Qeexida Ereyadda Xeerkawaxaa loo badelayMagaca Xeerka”.

9.    Qodobka 3aad: (1) “In la dajiyo xeer waafaqsan ama la jaan qaadi kara dastuurka, minqiyaasyada caalami ee xaquuqaha aadamaha iyo mab;aadiida guud ee cadaaladda oo ku haboon waxna ka tari kara in la  mamnuuco lagana  hortago  kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee galmadaWaxaa lagu badelayin la dajiyo xeer waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadi’da guud ee caddaalada, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee ummaddu leedahay

10.  Cinwaanka “CUTUBKA LABAAD: XADGUDUBYADA GALMADA Waxaa lagu badelay CUTUBKA LABAAD: XADGUDUBYADA JINSIGA

11.   Cinwaanka “Qaybta kowaad: Fal Dambiyeed Kufsiga” Waxaa lagu badelay QAYBTA 1AAD:KUFSIGA IYO XADGUDUBYADA JINSIGA”

12.  Qodobka 6aad cinwaankiisa oo ahaa “Kufsi Xad-gudub ahWaxaa lagu badelayKu-Xadgudub Keentay Kufsi/Kufsi Awood Sheegasho

13.  Qodobka 6aad: “Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay inuu galo fal kufsi ah ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xubin kale oo ka mid ah jidhka qof kale waxa galay faldabiyeed kufsi xad gudub ah,  waxaana mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa Todoba iyo Toban ilaa Saddex iyo Labaatan sanadood oo xadhig ah.” Waxaa lagu badelay “Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay samayn galmo ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xaga dambe ee qof kale waxa uu ku sifoobay galayna faldabiyeed ku xad gudub kufsi/kufsi awood sheegasho, waxaana mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa Todoba iyo Toban ilaa Saddex iyo Labaatan sanadood oo xadhig ah”

14.  Waxaa la saaray cinwaanka “Qaybta 2aad: Falalka xidhiidhka laleh Xad-gudubyada Galmada”

15.  Cinwaankii marka hore ahaa “Qaybta 3aad: Diyaarinta iyo ka Qayb-qaadashada Faldambiyeedyo Xadgudub Galmo” Waxaa lagu badelayQAYBTA 2AAD: DIYAARIN FAL DAMBIYEEDYO

16.  Qodobka 11aad: Waxaa laga saaray faqraddii 3aad oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in uu galo fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya hal ilaa saddex  sannadood.”

17.  Qodobka 12aad: Waxaa laga saaray faqraddii 3aad oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in uu galo fal dambiyeedka ku xusan faqrada kowaad qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa shan sannadood.”

18.  cinwaanka “Qaybt AFRAAD: kAYDINTA, DuubisTA iyo BaahinTA FAL XADGUDUB GALMOWaxaa lagu badelayQAYBTA 3AAD: DUUBIS IYO BAAHIN”

19.  Qodobka 13aad: Waxaa laga saaray faqraddii 2aad oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in uu galo fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya laba ilaa saddex sannadood.”

20. Qodobka 21aad: Waxaa lagu daray “Warbixinta baadhista caafimaad ee uu bixinaayo hawl-wadeenka caafimaadku waa in ayna si cad u qeexin ama sheegin in uu dhacay fal dambiyeed kufsi ama xadgudub jinsi ah”

21.  Qodobka 38aad oo u dhignaa “Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeed la mid ah ka uu mutaysto ama la saarao  qofka dambiga galay (the principal offender).” Waxaa loo badelay ““Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku leeyahay sida waafaqsan Xeerka Ciqaabta Guud

22. Qodobka 39aad: Waxaa lagu darayEeddaysanaha haddii lagu waayo dembiga lagu soo oogay waxa uu yeelanayaa magdhow waafaqsan shareecada islaamka iyo wixii khasaare ee soo gaadhay muddadii ay ku socotay dacwaddu.”