Pages

Wednesday, December 17, 2014

Dharaaro Xasuustood: Qaybtii 35aad. W/Q. Prof. Maxamed Siciid (Gees)



“Elections are flawed can not be redeemed,
It is time to start choosing our representatives by lottery”
Alexander Gurrero. (Pennsylvania University)

Ninka sidaa u hadlayaa waa barafasoor Maraykan ah (Ma aha Xasan Guure iyo Madashii), keligii kuma ah fikirkaas ee dad badan oo cilmiga bulshada iyo siyaasadda ku caan ah, ayaa la qaba iyo weliba Ururro Dimuqraadiyadda u ololeeya. Hadda arag, waxa uu ka soo jeedaa wadanka sheegta Dimuqraadiyadda inuu aabbaheed yahay oo uu ugu da’weyn yahay dalalka habkaasi ku dhaqma.

Prof. Maxamed Siciid (Gees)
Waxay ku doodaan oo u ololeeyaan in dadka adduunka saddexaad ku nooli ay qasab ku qaataan habkaasi, si ay nabad, sinnaan iyo caddaalad u gaadhaan, oo ay dabadda uga riixaan arrintaasi. Waxa yaab leh in afkaarahaasi ka soo baxayaan maanta Jaamacadahoodii iyo aqoonyahankoodii.

Arrintan waxa dhaliyey markii doorashooyinkii ay wax is-beddel ah keeni waayeen oo sheekadu sideedii iska ahaatay, halka kuwii la doortay ay la mid noqdeen kuwii ay beddeleen. Sidoo kalena Xeerarka ka soo baxaa waxay noqdeen kuwa u adeegaya dadka maalqabeenka ah ee soo dhisay iyo shirkadaha waaweyn, iyo Bankiyadda waaweyn ee marka ay khasaaraan, laga kabo cashuur masaakiinta la saaro. Waxa loo fasaxay shirkadakaasi inay siday doonaan ugu takrifalaan degaanka oo ay nijaaseeyaan cimilada iyo hawada dunida oo dhan ka dhexeysa.

Kuwii la doortay waa ay ka dhega-adaygeen inay wax ka qabtaan cimilida is-doorinaysa iyo nolosha dadka ee sii adkaanaysa, taas ayaa keentay aragtida ah isma doorin gaalkaan dirayo daarta kii galay eh. Fiqi tolkii kama janno tago ayaa hore loo yidhi. Dadkii la soo doortay waxay noqdeen kuwa u adeegaan naftooda iyo kuwa lacagta leh ee ka dambeeya dalalkaasi hantigoosadka ah.

Dimqraadiyaddu waxay ka soo jeedaa eray Giriig ah (DEMO) oo la micno ah (DADKA), sidaas darteed Democracy waa xukunkii dadka. Waxa jirta iyana (Oligarchy) oo ah xukunka dad kooban ay awoodda hayaan. Dimuqraadiyaddu waxay u sii kal baxdaa (Direct Democracy) oo ah mid dadku uu toos u dejiyo xeerarka xukunka oo sida shirweynaha iyo aftida oo kale ay cid kastaa ka soo qaybgasho iyo (Representative Democracy) oo ah mid wakiilo la doorto.

Waxa jirta dhinaacaasi bariga sheeko la yidhaahdo Riyo marin-daaje. Waxa la sheegay in Boqor Hadaaf la odhan jiray oo sida magaco tilmaamayo nin weyn oo xooggan ahaa, ayaa dadkii nafta u keenay, dabadeedna dadkii ayaa ka shiray wixii laga yeeli lahaa Hadaaf iyo ciidamadiisa. Deeto waxa la is weydiiyey cidda shirka ka maqan, kadibna waxa la yidhi; “Mid Riyo martaas ku raaca, ayaa maqan.”

Waxa la yidhi; “Ha loo yeedho.” Kadibna waxa la weydiiyey sida ay la tahay in la iska celin karo Hadaaf iyo ciidammadiisa, waxaanu ugu jawaabay; “Colka wadaf ma lagu dayey?” Sheekadaasi, Qur’aanka iyo Injiilka iyo Tawraatka waa ay ku wada jirta oo waa sheekadii Nebi Daa’uud iyo Guuleed (Goliath) ayey u eg tahay haddii aanay isku wada mid ahayn.

Taladii ayaa la qaatay oo lagu jebiyey colkii Hadaaf. Riyo Marin-daaje waxa uu sheegay wadhafkii uu riyaha ku raaci jiray, sheekadu waxay ku aroortaa sida qof kasta loogu baahan yahay ee uu xaq u leeyahay wax ku darsiga arrimaha saameeya noloshiisa iyo bulshada uu ku nool yahay iyo in qof kasta loo baahan yahay oo uu wax taro.

Habka kale ee Dimuqraadiyadda waxa la yidhaahdaa (Representative Democracy) oo waxa la doortaa Wakiillo ama waxa la igmadaa dad la yidhaahdo Igmadayaal ama Baarlamaan. Noocan dambe ayaa caan noqotay. Waxase soo baxday inay noqotay meel la doorto ciddii lacag leh ee LAANDHEERE ah.

Xagga Maraykan Laandheeruhu waa nin cad oo Diinta Masiixiga mad-habta Barootastanta (Protestants) haysta, oo ka soo jeedaa dadka la yidhaahdo Anglo-Saxon. Xaggeena waa nin lacag haysta oo qurba-joog ah oo Laandheere ah xagga Qabiilka ah. Dadkii kale cidla ayaa lagaga tegay, dumarkii oo aan Qabiil lahayn, dadka La-hayb-sooco, qofkii beel yar ka dhashay ma hawaysanayaan doorasho iyo inuu talo ku yeesho dalkan ay ku nool yihiin.

Sidaas darteed, waxa culamadda cilmiga bulshada iyo siyaasaddu isku mashquuliyaan hadda sidii Dimuqraadiyadda loo badbaadin lahaa oo dadku u sinnaan lahaayeen maamulka dalka ee aanay kooxi af-duuban, iyada oo weliba sheeganaysa Dimuqraadiyad oo ahayd xukunka dadka. Boowee, ha la yaabin dadka nidaamkan doorashooyinka dura, dhibaatadan ayey arkeen.

Waxa jir hab la soo maray oo la magcaabi jiray cidda loo igmanayo inay noqdaan Golayaasha Xeer-dejinta, sidii Somaliland ku bilawday (1993) ee Buntlandka ka eegatay (1998) welina ay ku dhaqanto. Shirkii Carta (2000) ee reer Soomaaliya ayaa iyana bawsaday ilaa hadda adeegsada. Habkaasi waa “Oligarchy” oo dad yar oo isimo la dheho ayaa magacaaba Golayaasha oo awooddii dadka maroorsaday. Dadweynaha wax lama weydiiyo.
Waxa hadda la xiisaynayaa hab la soo maray waa hore oo ahaa in loo qori tuuro ciddii noqonaysa Golayaasha dalka. Marka Degmo waliba way u qorituuraysaa Golaha Deegaankeeda, Gobal waliba waa qori tuurayaa xubnihiisa Golaha Wakiillada ku jira, beel waliba waa u qorituuraysaa xubnaheeda Golaha Guurtida gelaya.

Waxa la adeegsanyaa diiwangelinta madaniga ah ee hadda socota oo dadka oo dhammi kumbiyuutarka ku jiraan. Waxa nidaamkan la dhehaa Lottery Selection ama Qori Tuur. Cilmiga tiirakoobku ama statistics, waxa la dehaa “Random Selection,” kaas oo hubinayaa in uu soo baxo gole wada matilaya bulshada goobtaas deggan. Waar colka waraf ma lagu deyey. Akhristaw, miyaanay ka hawl yarayn habkan doorashada ee buuqa iyo kharashka iyo qabiilka iyo xisbiyadan atooruhu iska leeyahay iyo tolla’yda. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, ayaa laga dhigayaa uun kuwa doorasho ku yimaadda, kuwaas oo aan xisbiyo lagu xidhan ee madaxa bannaani ugu qaybgala doorashada. Xeer ayuunbaa loo samaynaa cidda tartami karta.

Habkan miyaan lagaga raysteen kordhintan iyo dhawrto-bixiyaasha iyo dilaaladooda. Waa ku filaan lahayn shantii sanoba inaan doorashada Madaxeynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa aan qabo innaga oo cidna dharwsan oo waa ka maarmi karnaa khawaajayaasha iyo isla weynidooda ku dheehan dhawrtada. Shantii sanno hal mar ayuun baynu u adkaysan lahayn kulayalka qabyaaladda.

Marxuun Reer Laasqoray ahaa Xaaji Cawad Cisman Dheere oo ganacsade ka ahaa Hargeysa, ayaa huteel la seexdo ku lahaa xaafadda Laba-nuux ee Hargeysa. Xaajigu waxa uu ahaa nin bulshay ah oo qayila oo sheekeeya oo marfash la isugu yimaaddo ku leh huteelka. Xaajigu waxa uu kookaha qabaw (Waqtiga biyo saafi ma jirin) ka iibsan jiray dukaan ay jaar ahaayeen oo ay lahayd gabadh reer Axmed Nuux ihi.

Maalintii dembe ayaa waxa u timi Gabad Reer Laas-qoray ah oo iyana xaafadda dukaan ku lahayd. Waxay gabadhii ku tidhi; “Xaaji maxaad sharaabka iiga soo qaadan weyday?” Xaajigii maalintii dembe ayuu yidhi ka soo qaada kooxaha Gabadhii Reer Laasqoray. Saw Gabadhu talaagad ma laha. Xaajigii markuu furtay oo ku dhuftay kookihii, mise kululaa, ayuu yidhi; “Alla qabyaaladi kululaa.” Weedhaas oo hadal-hays noqotay. Shantii sanno mar ayaan u adkaysan lahayn doorashada iyo kulayalka qabyaaladda inta kalena qabawga ayaan ku jiri lahayn ‘Ma nishti rabsha” sida Carabtu tidhaahdo.

1 comment:

  1. The Wizard at Borgata Hotel Casino & Spa
    The Wizard at Borgata Hotel Casino 전라남도 출장마사지 & Spa: A Casino 울산광역 출장마사지 Vacation 춘천 출장안마 Awaits! Our expert travel writers 김해 출장샵 review Borgata Hotel 김해 출장안마 Casino & Spa and recommend their

    ReplyDelete