“Kulan ay
yeesheen ergooyin ka kala yimi beelaha walaalaha ah ee waqooyi degan ….. Waxaa …
lays weydiiyey wixii aynu ka dagaalanay maxay ahaayeen? Waxay noqotay oo
saldhig u noqotay caddaalad-darro. Halkaa waxaa ka soo baxday baahideena kowaad
inay tahay caddaalad in aynu helno. Caddaaladu halkeey ku jirtaa baa markaa
isweydiin leh. Waxay noqotay inay caddaaladu ku jirto Diinta Islaamka. Waxa inna
dhibtay oo aynu wada ogsoonahay bahal la yidhaa ‘qabyaalad’, oo eex iyo
imtixaan dabada ku wadata. Taana waxaa laysla gartay; waxa waxaas oo dhan
lagaga bixi karaa inay tahay oo keliya inagoo ku dhaqana Shareecada Islaamka ee
ILAAHAY [SWT] innoogu talo galey koownkan markuu inna dhigay isagu, ee uu
innagu abuuray in aynu ku dhaqano – isagoo masaalixdeena cid ka taqaanaana
aanay jirin.”
-Aadan Axmed Diiriye oo sharxayey Qodobbadii ka soo
baxay Shirkii Burco ee Ergooyinka Beelaha Degan Waqooyiga Dawladdii Soomaaliya,
6-dii Meey, 1991-kii.
Himilooyinka
Qoran iyo Ummada Tasoowday
Haa, himilada
ugu muhiimsan ee Qarankan Soomaaliland uu u dhisan yahay waa in la helo dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la
mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad - sida ku xusan goggol-dhiga
Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Qaranku wuxuu ku dhisan yahay dastuur uu shacabku ansaxiyay.
Dastuurkana waxaa saldhig u ah mabaadi’ ay Shareecada Islaamku ugu horeyso. Sida
ku xusan qodobbadiisa 5aad iyo 128aad: “Xeerarka dalku waa in ay waafaqsan
yihiin Dastuurka iyo mabaadi’da Shareecada Islaamka, waxaana reeban wixii xeer
ah ee ka soo horjeeda”.
Himilooyinkaas ayaa innoo qoran – ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in
la helo xeerar ku dhisan mabaadi’da Shareecada Islaamka. Maaha! Kuwo aynu
qoranay 5 sanno kahor, 10 sanno kahor ama ba 15 sanno kahor, waxaynu qoranay oo
ay dhaqangal noqdeen 25 sanno kahor.
Labaatan iyo shantaa sanno ba, waxa ugu badan ee ay shacabku tebayaan
waa caddaalad. Waxa ugu badan ee ay ka cawdaan kuna dhaqmaan waa
caddaalad-darro iyo qabyaalad. Dhinac walba – garsoorka, maamulka dawladda,
saami-qeybsiga kuraasida goleyaasha iyo kheyraadka dalka – caddaalad-darro
baahsan ayaa laga sheeganayaa. Inta ba iyadoo af beeleed lagu hadlayo ayaa laga
cabanayaa. Iyadoo dan beeleed la wadana wax baynu ka badelnay ayey nu nidhaa. Waxaynu
ku sifoownay odhaahdii Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye uu yidhi:
“Xeerkiyo dastuurkii
Loo dejaana kuma
fulo
Ummad
aan dabci aqoon.”
Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Alle ha u naxariistee) ayaa khudbad
uu ka jeedinayey Xabaalaha Mako-durduro, isagoo ka hadlaya sida aynaan danteena
uga shaqayn ee aynu ugu foogahanahay qabyaalad iyo qaraabo-kiil ee aynaan waxba
uga baran hoogii iyo halaagii ina soo maray yidhi:
“Dhadhan raaca, sacabka maxaa la ii saaraa? reer
hebel maxaa loo qabanayaa? Anniga maxaa la i siinayaa? Inta arrinkeenu kaas
yahay ee dawladnimadeenu ku dhisan tahay dhadhamo qabiil, beeleed , qoys ama
qof saasay noqonaysaa. Taasaa (xabaalaha) inna huran. Shalay dhacday, berrina
dhici doontaa, sahan dambena dhici doontaa. Israaceenii [Soomaaliya] dhowaan buu
dumay, soo goosigeenuna ma ahayn barasho aynu soo baranay in aynu shalay
lixdankii khalad samaynay – Shalayna waxaynu ku tagnay jibbo, maantana waxaynu
ku nimi jibbo. Jibbo meel inna geynaysaa ma jirto! Taa [xabaalaha] weeyi
dhaxalkeedu. Jibbo, firkrad darro, iska orod iyo tallo la’aan, taas weeyi
dhaxalkeedu.”
Haa, waa
sababtaas sababta ilaa maanta looga cabanayo caddaalad-darro iyo dulmi. Dadku
weli ismay weydiin maxaa innoo dan ah? Hadday isweydiiyeena kamay tegin
dhaqankii anaanniyada ahaa iyo qabyaaladdii. Inta ay kuwaasi jiraan oo aanu
dadku himilooyinkiisa si dhab ah ugu shaqayna sidaas ayey ahaanaysaa.
Sawtuu
macalinkii wadaniga ahaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ILAAHAY
naxariista janno ha ka waraabiyo’e, hore bulshada ugu yidhi:
“Haddii
aad addintaan oo
Indhaha
dhiig laga keeno,
Idinkoon
sidan dhaamin
Inaad
guul urisaanna
Waa wax aan la arkaynnin.”
Qaran, qoys iyo
qof walba talaabo kasta oo uu qaado wuxuu ugu deddaalaa himiladiisa. Si kasta
oo ay caqabado iyo dhibaatooyin uga horyimaadaan, dhaqankiisa iyo horumarkiisa
ayaa laga gartaa himilada uu hiigsanayo iyo sida ay uga go’an tahay inuu
gaadho. Waxaynu nahay ummad muddadaas
uu qaranku shaqaynayey ee 25-ka sanno ah maxkamaddaheeda lagaga shaqeeyo
xeerarkii dawladdii Soomaaliya ee caddaalad-darrada iyo qabyaalada ku duntay.
Xeerar duugoobay oo qodobbadooda qaarkoodna aanay la jaan-qaadi karayn
Shareecada Islaamka iyo Xuquuqaha Aasaasiga ah ee uu Dastuurkeenu dammaanad
qaaday iyo noloshan casriga ah ee dunuubta cusub iyo waayaha cusub wadata. Waxaynu
nahay ummad tasoowday oo uu marin-habow ku dhacay, kana leexatay dariiqii ay
kaga dhabayn lahayd himilooyinkeeda.
Bahda Caddaalada ee Hanka Yar
“Waxaaneey nin arkaaya
Ummaddayda tasawdayee
Usha loo qaban waayeyee,
Anigayga biloowoo,
Abwaankeedi ka seexdayee
Wax-aqoonki tabaysa
Af-weynoo laga reeyana
Ujeeddawga dambaynnin.”
ERGO, Maxamed Xaashi “Gaarriye”
(AHUN) 30/04/1992.
Bahda
caddaalada waxaan uga jeedaa inta ka hawl gasha nidaamka caddaaladeed ee dalka
– waxay iskugu jirtaa hay’addaha qaranka iyo bulshada rayidka ah. Waxay u kala
baxaan Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Culimo, Sharci-yaqaano
Madax-bannaan iyo hawl-wadeenno kale. Bahdan ayaa u cummaamadan nidaamka
caddaaladeed ee dalka. Muraayada laga dhex arko waxqabadkoodu waa nidaamka
caddaaladeed ee dalka u shaqeeya. Markay bulshadu nidaamka caddaaladeed ka
cabanayso iyaga ayey ka cabanaysaa. Iyaguna qaranka iyo han yaraantooda ayey u
dulman yihiin.
Haa! Bahdani
mar qarankay u dulman tahay oo mudnaantii ay lahayd lama siin oo qarankii ay
waaxda dhan ka ahayd ayaa hagraday. Marna hankooda yar ayey u dulman yihiin oo
waxay sheegan kari waayeen milgahii iyo mudnaantii ay qaranka ku lahaayeen intay
ilaashanayeen danneyaal kooban. Sidaas ayuu nidaamkii caddaaladeed u noqday mid
ay han yaraanta bahdiisu u soo jiito dhaliil iyo cabasho joogto ah.
Han yaraantooda
Han yaraanta
waxaa loo yaqaan in qof/cid awooddeedu ka qarsoonaato, kalsooni-darro darteed
in lagu qanco wax hoose iyadoo wax ka fiican xaq loo leeyahay, ku dhici waa in
himilooyin iyo hiigsi la yeesho, annaaniyad cadow u aragta cidda han iyo himilo
wacan leh.
Taariikhdu
waxay sugtay in xukumaduhu aanay iskood u xoojin nidaamka caddaaladeed ee
dalalkooda ka jira, sababtoo ah marka hore ba hirdan dhinaca awooddaha ah ayaa
ka dhaxeeya saddexda waaxood ee qaranka – Xukumaddaha, sharci-dejinta iyo
garsoorka. Sidaas darteed, cidda xoojin karta nidaam caddaaladeed waa aqoonyahanka
ku shaqeeya mihnadda-sharci.
Hadday dawladduhu
ka gaabiyaan xoojinta iyo kobcinta nidaamka caddaaladeed, waxaa hadla oo
dadweynaha dareen geliya dadka aqoonta u leh garsoorka iyo caddaaladda. Iyagaa
guta waajibaadka ka saaran nidaamka caddaaladeed ee ay ummadda ku metelaan.
Waajibaadka muwaadinimo ayaa sidaas faraya. Iyagoo isku duuban ayey u dooddaan
oo is abaabulaan dabadeedna si joogta ah ugu deddaalaan horumarka nidaamka
caddaaladeed. Iyaga ayaa bulshada ka dhiga mid ilbax ah oo xuquuqdeeda
garanaysa oo dawladda kula xisaabtami karta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka
u dejisan. Markaas ayey bulshadu noqotaa mid himiladeeda qaran u taagan oo u
deddaalaysa.
Qareennada,
Xeer-ilaaliyeyaasha iyo Garsooreyaashu waxay ku hawshoodaan iswaafajinta dhaqanka,
shareecada Islaamka iyo xeerarka. Sidaas ayey ku shaqeynayeen muddo 25 sanno
ah. Waxay u shaqeeyaan bulsho xeer, sharci iyo dhaqan ba jeeb qudha ku wada
sidata. Qareenku kolba kii dantiisu ku jirto ayuu ku shaqeeyaa. Xeer-ilaaliyahu
xeerarkaas dugoobay iyo maslaxaddo guud ayuu ku dhaqmaa. Garsoorayaasha
dhaqanka bulshadu seeto iyo xadhig adag ayuu ku noqday, sharciguna waa xayndaab
aanay weydaaran Karayn. Hadday mid u khaalis noqdaan, ka kale ayey ku eedoobaan.
Waxaa keliya ee ay aakhiradooda iyo adduunyadooda ba ku badbaadin karaan waa hal-adaygnimadooda
iyo dadnimadooda.
Dhibtaas ayay
dhammaantood ka siman yihiin, deedna bulshadii ay hoggaanka u noqon lahaayeen ayaa
iyagii hoggaanka u qabatay – ku dhaqanka sharciga ayey ugu dhaarsan yihiin,
waxaana lagu cannaantaa ka dhego-adkaanta xalka iyo xeeladaha dhaqanka bulshadu
uu farayo. Waxay bulshadu u kala jeceshay siday xalka iyo xeeladahaas kale u
kala adeegsadaan.
Dad gob ah oo
aqoonta sharci iyo mihnadda ba danta guud ugu adeegayaa, labaatan iyo shan
sanno dhibtaas kumay jireen oo dantooda oo qudha kumay mashquuleen. Dad uu
hankoodu sarreeyo oo in ay iska shaqaystaan uun ka koray sidaas may yeeleen oo
muddadaas dheer kumay shaqeeyeen dhismayaal iyo xeerar dugoobay. Waxaa loo
baahan yahay in bahdeena caddaaladu ay fahamto doorka ay ku leeyihiin nidaamka
caddaaladeed iyo ilbaxnimada bulshada. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in aynaan
hay’addo kale ku halayn inay xoojiyaan nidaamkeena caddaaladeed. Waa in laga
koraa fikirkan ah qof baad ka tahay bulshadee, iskaa u nooloow.
Ururada
Qareennada iyo ururada kale ba maaha inay keliya u dhisnaadaan in ay fuliyaan
mashaariic ay hay’addo wataan – oo hankooda iyo hawshoodu ba aanay noqon mashruuc.
Waxaa la rabaa inay ka shaqeeyaan danta mihnaddeed ama caddaaladeed – oo ay
iskood iskugu hawlaan, uguna deddaalaan.
Nidaamka
caddaaladeed wuxuu keliya horumar gaadhayaa markuu helo xirfadlayaal sharci oo
uu hankoodu sarreeyo, kuna baraarugsan in nidaamku uu iyaga ku dhisan yahay. Waxaa
baahi loo qabaa in xirfadlayaasha cusub la baro masuuliyadda aqoonyahannimo.
Marka la helo xirfadlayaal kartidoodu gaadhsiisan tahay danneynta nidaamka
caddaaladeed ayey bulshaduna noqonaysaa bulsho wacyi-gashan oo taageeri karta
nidaamka caddaaladeed. Nidaamkeena Caddaaladeed wuxuu tebayaa mihnadlayaashii
horseedka u noqon lahaa ee hir markii la gaadho ba mid labaad hilaadin lahaa.
Mihnadlayaasha
maanta shaqeeyaa waa in aanay caqabad ku noqon marka la damco in wax laga
badelo nidaamka caddaaladeed oo aanay ka door-bidin muraado yar yar. Qareennada,
Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu waa inay isku arkaan bah mihnaddeed oo
uu nidaamka caddaaladeed ka dhaxeeyo. Waxa dhici karta mararka qaarkood in uu
qofku garsoore ahaan, qareen ahaan ama xeer-ilaaliye ahaan dantiisa ka dhex
arko wax nidaamka guud khilaafsan. Sidaas darteed, waa in qofkastaa uu nidaamka
guud dartii uga tanaasulaa dannaha gaarka ah. Maaha in waxa markaas taagan oo
qudha lagu go’aan qaato, waa in aragti fog oo mustaqbalka mihnaddeed khusaysa
la yeeshaa.– in Garsoorahu uu berri Qareen ama Xeer-ilaaliye noqon karo,
Qareenkuna uu Garsoore noqon karo.
Qoraaga buugga the prince (1513), Niccollo Machiavelli
ayaa cutubkiisa VI ku qortay odhaahdan xaqiiqda ah: “Waa in maskaxda lagu hayaa in aanay jirin wax la fuliyo oo ka dhib
badan, ama lagu guuleysto oo ka mugdi badan, ama maareyntiisa ay ka khatar
badan tahay in wax loo sameeyo nidaam cusub; maadaamaa inta [isbadelka] samaynaysa
ay la coloobayaan dhammaan kuwii faa’iiddada ku qabay nidaamkii hore u jiray, kuwa
laga yaabo in ay faa’iiddo ugu jirto nidaamka cusub aanay si dhab ah u
difaacayn”
Sidaas oo kale
ayaa bahdeena sharciga qaar badan ay isbadelka u arkaan qiyaame dhacaya. Qofkay
ka maqlaana ugu arkaan cadow. Qaar badan way arkaan waxyaabo isbadel u baahan
laakiin waxaanay ku dhiiran inay ka shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa isbadel
wax hagaajinaya. Rag tiro yar oo mabda’ leh oo sidaas qoraagu sheegay isbadel
baa loo baahan yahay iyo sidani sharci maaha dartood shaqada looga saaray na
way jiraan. Dhaqanka ay bulshadeenu hadda leedahay ayaa ah in inta danaysata uun
baa macaashto. Hadalku se wuxuu ku dhan yahay wallee ninkii danaystay wuu is
waayi doonaa goor ay noqoto ba.
Culimada dalka
oo ah bahda ehelka u ah aqoonta shareecada Islaamka ayaa iyaguna siyaabo badan
u soo gelaya bahdan caddaalada. Xafiisyo sharci oo dadka loogu garnaqo ayey
qaarkood ku shaqaystaan, lama na yaqaano xeerka loogu ogolaaday inay shaqadaas
qabtaan. Hadduu xataa jiro xeer arrintaas ogolaanayaa waa mid qayrul-dastuuri
ah sababtoo ah dastuurku wuxuu awooddaas u gaar yeelay waaxda garsoorka. Waxaanu
reebay in awooddaas ay cid garsoorka qaranka ka baxsani adeegsato.
Marka la eego qabyada
uu leeyahay nidaamka caddaaladeed ee dalku, tan ugu weyn waa doorkii culumida
oo meesha ka maqan. Dhaliisha ay ka sheegaan nidaamka caddaaladeed iyo maamulka
dawladnimo ee dalka guud ahaan maaha mid yar. Haseyeeshee, marka laga yimaad
dhaliishaas, kama arkaysid han sarreeya oo ay kaga dhabayn karaan waxa ay
bulshada u sheegayaan. Inay dibada ka joogaan nidaamka caddaaladeed ayaa ah mid
han yaraantooda muujinaysa. Caddaalada iyo wanaaga ay bulshada ku wacdiyaan
lama yaqaan sababta ka hortaagan inay ficil ahaan uga hawl galaan. Markay
nidaamka caddaaladeed noqoto, keliya waxay u taagan yihiin dhaliishiisa iyo
cambaareyntiisa.
Iska daa wax
kaloo raggaas culimada ah ee waa weyn ma filayo in ay yeeli ba lahaayeen haddii
shaqada garsoorka loo dhiibi lahaa. Haddii uu dulmi jiro waa raggaas aqoontii
leh ee bulshada ku daawanaya, haddii ay dhaliilo jiraana, waa raggaas aan gacan
ka geysanahayn xalkooda.
Culimadii hore
saameyn balaadhan ayey ku lahaayeen nolosha bulshada. Maanta oo ay culimadu
kamid tahay dabaqada bulshada ugu dhaqaalaha roon, maxaa keenay inay isku
koobaan wax sheeg? Miyaanay u muuqan in iyaga laftoodu ay ku dhaqmeen aragtidii
reer galbeedka ee ahayd diinta iyo siyaasadda ha la kala saaro? Bulshadu waxay
tabaysaa doorkii hoggaamineed ee aqoonyahanka aqoonta diimeed iyo maamulka
bulsho leh.
Qaranka
Hagraday
Qaranka
Soomaaliland oo ah dal ujeeddada kowaad ee madax-bannaanidiisa loola soo noqday
ay ahayd in caddaalad iyo sinnaan la helo iyadoo lagu dhaqmayo shareecada Islaamka,
ayaan lagu arkayn horumarkii caddaaladeed ee uu muddo 25 sanno ah ku talaabsan
lahaa dal ujeeddadaas u dhisan.
Nidaamka
caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha aanu qaranku mudnaanta siin marka la
eego miisaaniyada uu qaranku ku bixiyo. Dhismeyaasha maxkamadduhu waa kuwo aad
u kooban oo dugoobay oo wakhtigii guumeysiga la dhisay. Maxkamad uu dhismaheedu
ka kooban yahay 2 qol ayey ka hawl-galaan 7 ilaa 10 garsoore oo uu mid walba
xafiis u baahan yahay, looguna talo-galey in loogu shaqeeyo dadweyne ilaa
200,000 kun ah.
Dhinac kasta
hadday tahay qalabka, dhismayaasha, shaqaalaha, gaadiidka iyo xuquuqaha ba,
nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha ugu liita hay’addaha qaranka.
Dhinaca shuruucdana, wuxuu kamid yahay meelaha ugu baahida badan in shuruuc cusub
oo lagu shaqeeyo loo sameeyo, haseyeeshee, aanu baarlamaanku 25-kaa sanno mudnaanta
siin.
Markaad aragto miisaaniyada
qaranka ee sannadkan 2016-ka, waxaad is odhanaysaa malaha qarankani maaha
Soomaaliland-ta ujeeddada ay u dhisan tahay ba ay ahayd caddaalad iyo sinnaan.
Sababtoo ah hadda oo uu garsoorku ugu ba miisaaniyad badan yahay 25-kaa sanno,
waxaad arkaysaa in wadarta miisaaniyadda Maxkamadda Sare (4,992,726,480), Xafiiska
Xeer-ilaaliyaha Guud (5,573,350,480)
iyo Maxkamaddaha hoose ee dalka oo dhan (16,725,781,920) ay tahay 27,291,758,880
Shilin Somaliland. Sidaas darteed, miisaaniyada loo qoondeeyey waaxda garsoorku
waxay miisaaniyada dalka oo ah 1,218,000,000,000
ka noqonaysaa 2.2%, waxaanay u
dhigantaa miisaaniyada Wasaaradda Warfaafinta (27,921,252,192) oo keliya. Waxay weli taagan tahay halkii uu
marxuum Cali Maarshal Alle ha u naxariisto’e sannadkii 2004-ta ka lahaa “waa
qaran intuu ku deddaalo wararka la buunbuunshaa ay ka badan tahay intuu ku
deddaalo garsoorka”
Wax walba
deddaalka la geliyo ayuu maxsuulkiisu na u dhigmaa. Haddii wixii gacanta
innoogu jiray aynu garanay in aynu waaxda garsoorka uga qoondayno 2.2%,
macnaheedu wuxuu yahay himilooyinkeena qaran caddaaladu waxay ka tahay 2.2%.
Xaqiiqdu se waxay tahay “cadli dooja
mooyee, wax kaloo rag deeqoo, dadka lagaga eed baxo, nin u doonay heli waa” – Gaarriye.
Qalinkii:
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Burco, Somaliland.
Email: goodlawyer2014@gmail.com