Waxa run ah in qodobbo Dastuurka
Jamhuuriyadda Soomaaliland kamid ah ee aan weli la fulin (hirgelin) ama si
khaldan loo adeegsaday ay aad u faro badan yihiin oo aanay ku koobnayn tiradan
aan sheegay, sababtoo ah waxaan iskaga tegay qaarkood aan is idhi waaba lagu
murmi karaa oo dood ayaa laga keeni karaa. Haseyeeshee, 20-kan arrimood ee aan
qoraalkan ku soo qaadayaa, waa kuwo cad oo daliilkooda wata. Arrimahaas oo kala
ah sidatan:
1.
Reebbanaanta
kala-sarraynta iyo takoorka ku saleysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo
deegaanka - Qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad Dastuurka
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa:
“Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka,
abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaana
barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib
Qaran.” Haseyeeshee,
waxaa innoo dhaqan ah oo aynu markasta ku hadaaqnaa ereyga “beelaha la hayb-sooco ama laga tirada badan
yahay,” takoorka iyo quudhsiga dadkaas walaalaheen ahna ma aha mid qarsoon
ee waa mid aynu wada ogsoonahay – bulshadeenu na ay ku dhaqanto. Madaxweynahu
ba wuxuu lahaa La Taliye gaar ah oo kala taliya arrimaha beelaha la hayb-sooco
oo uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay. Wixii uu dastuurku reebay adeegsigoodu
waa inuu reebbanaadaa. Xitaa haddii wax laga qaban waayey arrintan, keliya in
magacan adeegsigiisu uu reebbaanaado ayey ahayd.
2.
Reebbanaanta in xisbi lagu dhiso gobollaysi
iyo qabyaalad - Qodobka
9aad, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “… Waxaa reebban in xisbi lagu dhiso
gobollaysi iyo qabyaalad.” Waynu ka
wada dheregsanahay qaabka ay xisbiyadeenu u dhisan yihiin iyo sida ay u
adeegsadaan qabyaaladda ba. Ergooyinkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee
sannadkii 2015 waxay ahaayeen ergooyin ay beelahu soo dirteen. Liiskii xubnaha
Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay ku dhawaaqeen Shirguddoonkii Shirweynaha
Xisbiga Kulmiye 22-kii May, 2015-ku wuxuu isna ku saleysnaa saamiyada ay
beelahu ka kala heleen xubnaha Golaha Dhexe. Dhammaan Guddoomiyeyaasha iyo
Murashaxiinta saddexda xisbi qaran ba si badheedh ah ayey beelaha ula shiraan,
una caddeeyaan beelaha xulufada ku ah xisbi kasta.
3.
Waajibaadka Dawladda ka saaran helitaanka
daaweyn lacag la’aan ah - Qodobka
17aad, faqraddiisa 1aad waxay dhigaysaa:
“Dawladd[a] … waxaa waajib ka saaran
yahay … helitaanka daaweyn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.” Xaqiiqadu
se taas aad bay uga fog tahay oo dhakhtarada dawladda adeega caafimaad ee lagu
bixiyaa maaha mid bilaash ah oo daawada waa la iibsadaa. Dastuurka dalku maanta
wuxuu jiraa 15 sanno, muddadaas dheer ilaa hadda weli dawladdu may gudan
waajibaadkaas.
4.
Ku talogal ka yeelashada aafooyinka dabiiciga
ah - Qodobka 18aad, faqraddiisa 2aad
Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa,
dhul-gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talogal.” Sannadkan
ugu dambeeyey, abaarahii dalka ka dhacay ayaa tusaale innoogu filan ku talogal
la’aanta dawladda ee aafooyinka dabiiciga ah. Markii ay abaarahii dhaceen ayuu
Madaxweynahu guddi magacaabay, ilaa iyo haddana waxaa socoto ururrinta
taakuleynta dadka ay abaarahu sida ba’an u sameeyeen.
5.
Sharcinimada xorriyad ka qaadista muwaadinka
- Qodobka 25aad, faqraddiisa 1aad
Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo qaab aan sharciga waafaqsanayn.” Sharcigu
wuxuu dhigayaa in keliya qofka la xidhi karo iyadoon amar maxkamaddeed la sidan
marka uu faraha dembiga kula jiro. Haseyeeshee, marka aanu dembiga faraha kula
jirin, waxaa keliya lagu xidhi karaa amar maxkamadeed. Caadi ahaana, aad bay u
kooban yihiin dacwaddaha qofka lagu qabto isagoo falka gelitaankiisa faraha
kula jira. Haddana, inta ugu badan dacwaddaha ciqaabta ah ee ay boolisku
maxkamaddaha horkeenaan waa dad la soo qabtay iyagoon fal-dembiyeed faraha kula
jirin, amar maxkamaddeed na aanay boolisku u qaadan.
6.
Xurmaynta hoyga – Qodobka 29aad Dastuurka Jamhuuriyadda
Soomaaliland wuxuu dhigayaa: “Hoyga iyo
meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana
basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo
sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha
mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku
xad-gudubka amarka garsooraha.” Ku xadgudubka qodobkan daliilkiisu
dhagaheena wuu ka buuxaa – Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da la
yidhaa oo guryo u dhacay oo xitaa ay dhacday in guri hooy ah oo ay carruuri
joogto laysku dhex rasaaseeyey xili habeennimo ah oo aanay xitaa bannaanayn in
amarka maxkamadda la fuliyo. Maaha dhacdo qudha oo waa dhacdooyin la caadeystay
oo ilaa hadda socda. Mana jiro qodob kale oo dastuuri ah oo arrintaas
banneeyey.
7.
Muddo-xileedka Golaha Wakiillada – sida ay dhigayso Qodobka 42aad, faqraddiisa
1aad “Muddo-xileedka Golaha Wakiilladu
waa 5 (shan) sanno oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sarre ay ku dhawaaqdo
go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada [Golaha Wakiillada].” Marka laga
yimaado xubnahii ugu horeeyey ee Golaha Wakiillada oo lagu soo xulay nidaam
beeleed, muddadan 15 sanno ah ee uu dastuurku dhaqan-galka ahaa, hal doorasho
oo Golaha Wakiiladda ah ayaa Soomaaliland ka qabsoontay. Xubnahii la doortay
2005-tii ayaa ilaa hadda kuraasida ku fadhiya. Inkastoo
cudur-daarku yahay muddo-kordhin loo sameeyey, xaqiiqadu waxay tahay mar haddii
ay laba muddo-xileed iyo dheeraad marayaan in aanay muddo-kordhintu cudur-daar
noqonayn.
8.
Awoodda Golaha Wakiillada ee ka dooddista iyo
ansaxinta barnaamijka xukumadda – awooddaha
golaha wakiillada ee ku cad Qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Soomaaliland, waxaa kamid ah in “Golaha
Wakiilladu uu awood u leeyahay ka dooddista, celinta oo sababaysan iyo
ansaxinta Barnaamijka Xukumadda” Annigu shakhsi ahaan, ma maqal, mana arag
golaha wakiillada oo awooddaas ku dhaqmaya. Weliba sidaas ayaan isku haystaa in
aan xogogaal u ahay dhaqdhaqaaqa Golaha Wakiillada.
9.
U soo bandhigida Golaha Wakiillada
xisaab-xidhka sannad-maaliyaddeedka sannadka dhammaaday – Sida ku cad Qodobka 55aad, faqraddiisa 6aad
Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland “Waa
waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiillada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii
dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda
dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo,
go'aanna ka soo saarayaan.” Xukumaddan iyo tii hore midkoodna waajibaadkaas
may gudan, golaha wakiilladuna awooddaas ma adeegsan. Xisaab-xidhkii 6dii sanno
ee 2008-dii ilaa 2013-kii, waxay golaha wakiilladu wax ay ansaxin ku sheegeen
isku dhaafiyeen 09-01-2015-kii. Hadda, xikmadda qodobka ku jirtaa ba waxay
tahay in xisaab-xidhka sannadka tegay uu golahu go’aan ka gaadho inta aanu
ansaxin odoroska miisaaniyadda sannadka dambe. Iyaguna waa kuwaas 6-da sanno
xisaab-xidhkooda mar wada ansaxinaya. Midda kale ee muhiimka ah ayaa ah Qodobku
ma odhan ansaxin e wuxuu yidhi go’aan ka soo saaraya. Waa laba arrimood oo kala
duwan sharci ahaan.
10. Doorashada
Xubnaha Golaha Guurtida iyo Muddo-xileedka – Dastuurku wuxuu dhigayaa in xubnaha golaha guurtida la
dooranayo, qaabka loo dooranaya na uu xeer nidaaminayo iyo in muddo-xiloodkoodu
yahay 6 (lix) sanno sida ku cad Qodobka 58aad. Arrinta cajiibka ah ayaa ah in
15-kaa sanno aan ilaa hadda la curin Xeerka Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida.
Sannadkii 2006-dii ayaa mar la isku dayey, isna hal Qodob oo ah Qodobkii 19aad
ayaa laga ansaxiyey. Qodobkaas iyadoo la adeegsanayo ilaa maanta dalka kama qabsoomin
doorasho lagu dooranayo gole guurti, oo muddo-kordhin ayey ilaa wakhtigaas ku
fadhiyaan.
11. Shuruuddaha
musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen – shuruudda ugu horeysa uguna muhiimsan ee ay
tahay inuu buuxiyo qofka Madaxweyne ama ku-xigeen Madaxweyne loo dooranayaa
waa: “In uu yahay muwaadin u dhashay
Soomaaliland, oo aan muwaadinimo dal kale haysan, balse wuu noqon karaa
qaxoonti dal kale deggan” sida ku cad Qodobka 82aad, faqraddiisa 1aad
Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Murashaxiintii doorashadii madaxtooyada
ee 2010 iyo kuwan hadda u loolamaya jagooyinkan ba way ku jiraan rag la og
yahay in haystaan muwaadinimada dal kale. Haseyeeshee, weligeed maynaan maqal
meel lagu su’aallay, lagaga hadlay ama ay ku caddeeyeen inay ka tanaasuleen. Xitaa
Madaxweynaheena ayaaba lagu xantaa inuu haysto muwaadinimada dalka Britian – ma
se hubo annigu. Muhiimadu se waxay tahay in shuruuddaas ku dhaqankeedu aanu
inoo muuqan.
12. Daryeelka
Garsoorka – Qaranku
waa saddex waxood; sharci-dejinta oo ah xubnaha golayaasha baarlamaanka,
fulinta oo ah Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golahiisa wasiirrada iyo
garsoorka oo ah garsoorayaasha maxkamaddaha iyo xeer-ilaaliyeyaasha. Saddexdu
ba xuquuqo daryeel ayey qaranka ku leeyihiin. Inkastoo la ansaxiyey Xeerka
Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamanka
(Xeer Lr. 62/2013), ilaa hadda ma jiro xeer khuseeya xuquuqda garsoorku.
Qodobka 98aad, faqraddiisa 3aad waxay dhigaysaa: “Daryeelka ku haboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.” Bal intii
hore kaba kaalayoo, 15-kaa sanno ee Dastuurka dhaqangelkiisa ka dambeeyey ilaa
hadda lama curin xeerkaas. Waana waaxda ugu hawsha adag qaranka, oo intaas
dembiilayaal iyo muran murgay maareyntii ayey ku hawlan yihiin oo Qaranka
ayaabay u godobaysan yihiin.
13. Xeerka
Maxkamadda Sarre oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah – dastuurka waa buug yar oo qoran, waxa ruux
gelisa oo wax nool oo shaqeeya ka dhigta Maxkamadda Sarre ama Dastuuriga ah.
Inta ay maxkamaddaasi qabyo tahay, caddaaladeenu waa qabyo ee ha la ogaado.
Dhammaan waxyaabaha la ilduufay ee aynu ka hadlayno, tii looga caban lahaa oo
muwaadiniinta xuquuqdooda ilaalin lahayd waa maxkamaddan. Awoodda iyo
dhameystirnaanta Maxkamadda sarre ayuu hadba dastuurka waxtarkiisuna la socdaa.
Ayaan-darrada inna haysata waxaa kamid ah in aanu ilaa hadda jirin xeerkii ay ku
dhisnaan lahayd maxkamaddaas. Maanta cidda u dacwoon karta ee dacwad dastuuriya
geyn karta, mawduuca laga dacwoon karo iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah majiro
xeerkii qeexayey. Qodobka 101aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland na wuxuu
dhigayaa in uu xeer gaar ahi nidaaminaayo.
14. Wadashaqaynta
Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka – Wasaaraddii Cadaaladdu waa wasaaradda ku
shaqada leh caddaaladda, imika arrimaha garsoorka ayaabay raacsataye. Guddida
cadaaladuna waa hay’adda ugu sarreysa garsoorka. Marka laga yimaado in Qodobka
106aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ay sheegayso: “Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xilsaaran
tahay fulinta go’aannada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.” Oo
aanay waxba intaas ku darayn, wax kaleba ha joogee intaas qoran lafteeda ayaa
laysku afgaran waayey. Sidaas darteed, faqradda 2aad ee qodobka waxaa lagu
waajibiyey in “Xidhiidhka wadashaqayneed
ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka uu xeer qeexi doono.” Xeerkaasna
ilaa hadda lama hayo oo waajibaadkaasna lama gudan.
15. Xubnaha
Guddida Cadaaladda ka tirsan ee Golayaasha Baarlamaanku soo doortaan – Guddida Cadaaladda 10 xubnood ayey ka kooban
tahay, waxaa ku jira 4 xubnood oo ay golayaasha baarlamaanku soo doortaan.
Qodobka 107aad, Faqraddiisa 1aad waxay leedahay: “· Laba xubnood oo Golaha
Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan
aqoon yahanada & ganacsatada; iyo · Laba xubnood oo Golaha Guurtidu
labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan
dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.” Inkastoo qodobkan uu ka mid yahay meelaha uu Dastuurku
dhaliisha ku leeyahay oo aanu caddeyn cida dooranaysa ma shirgudoonada mise
dhammaan xubnaha golaha goleyaasha. Haddana, intan qoran lafteeda ayaad moodaa
in si khaldan loogu dhaqmay, oo halka ay faqraddu ka tidhi hal mar la soo
dooranayo ayaa dhawr jeer la soo doortaa xubnahan – macnaha xubnahan qaarkood
loogu celiyaa. Qodob sidaas sheegayaana Dastuurka kuma jiro – waabu caddeeyey
oo “hal mar” ayaa bu yidhi.
16. Wax-ka-badelka
tirada gobollada iyo degmooyinka – Madaxweyne
Rayaale wuxuu 23-kii March, 2008-dii magacaabay 6 gobol iyo 16 degmo.
Madaxweyne Siilaanyo na wuxuu bishii 7aad 2014-kii magacaabay 1 gobol iyo afar
degmo. Madaxweynaha tirada gobollada iyo degmooyinka wax ma ka badeli karaa?
Dastuurka ayaa ka jawaabaya oo Qodobka 109aad, faqraddiisa 3aad waxay
odhanaysaa “Wax-ka-beddelka tirada
gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda,iyada oo sababaysan waxa soo
jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha
Guurtida.” Maxaa kuu baxay? Haddii Madaxweynahu uu noqonayo golaha
xukumada, soo jeedintuna la mid tahay magacaabis u ba diiddi mayno! Arrinta aan
markasta is weydiiyaa se waxay tahay waar horta gobolladan iyo degmooyinkan
9-ka sanno shaqaynaya ee Guddoomiyeyaasha leh miisaaniyadoodu maanay golahan
wakiillada ee aan la horkeenin soo marin? Mooji!
17. Goleyaasha
Sharci-dejineed ee Gobollada – Qaab-dhismeedka
sharci-dejineed ee dalku waa Goleyaasha Baarlamaanka oo heer qaran ah, Goleyaal
sharci-dejineed ee gobollada iyo Goleyaal Degaan. Qodobka 111aad, faqraddiisa
1aad waxay dhigaysaa: “Gobollada iyo
degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer
hoosaadyo (Bye-laws} aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa
fulineed.” Faqradda 2aad ee qodobkuna waxaabay dhigaysaa in isku xeer lagu
nidaamin doono tirada iyo doorashada goleyaasha gobollada iyo degmooyinka. Haseyeeshee,
Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinku (Xeer Lr. 23/2003), si fiican ayuu
u faahfaahiyey Goleyaasha Deegaanka balse qaab aan waafaqsanayn qodobkan
dastuuriga ah ayuu u abuuray Goleyaal Gobol oo fulineed oo aan ahayn goleyaal
sharci-dejineed. Qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad, xarafkiisa (b) wuxuu
abuurayaa goleyaal gobol oo fulineed. Qodobka 13aad na wuxuu xusayaa xilkooda
oo ku kooban arrimo siyaasaddeed, dhaqaale, maamul, amni, nabadgeliyo iyo
horumarineed, dib u eegida miisaaniyadda, go’aannada maamul iyo siyaasadeed ee
degmooyinka gobolka, dhexdhexaadinta bulshada iyo dhismaha guddi-hosaadyada. Markaa
meelna kagama jirto awood sharci-dejineed, sidaas darteed weli wuu kala dhiman
yahay dhismaha qaranku oo waxaa meesha ka maqan goleyaasha sharci-dejineed ee
gobollada oo uu dastuurku muujiyey. Lama na hadal hayo ilaa hadda
hirgelintooda.
18. Muddo-xileeda
Goleyaasha Gobollada iyo Degmooyinka – Qodobka 111aad, faqraddiisa 7aad Dastuurka Qaranka
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Muddada xilka goleyaasha gobollada iyo degmooyinku waa shan (5) sanno.”
Ilaa hadda lama abuurin lama na dooran goleyaal gobol, haseyeeshee,
Golayaashii ugu horeeyey ee deegaanka waxaa la doortay sannadkii 2002, waxaanay
xilka hayeen muddo toban (10) sanno ah oo ah inay laba muddo-xileed qaateen. Goleyaashan
deegaanka ee hadda xilka haya na waxaa la doortay sannadkii 2012-ka, hal sanno
ayaa uga dhiman muddo-xileedkoodii, waxaanay u badan tahay in muddo-kordhin loo
samayn doono sababtoo ah doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiillada ayaa la
qorsheeyey inay sannadkaas qabsoonto. Sannadka ku xigana Golaha Guurtida ayaa
lagu wadaa in taariikhda markii ugu horeysay la doorto. Markaa ugu yaraan laba
sanno oo muddo-kordhin ah way helayaan. Sidaas ayaan Qodobkan dastuuriga ah
loogu dhaqmin, isla markaana aan ilaa hadda loo fulin.
19. Guddida
Culimada – Qodobka 115aad
ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu abuurayaa Guddida Culimada oo ah
guddi madax-bannaan oo u xilsaaran inay si rasmi ah caddayn uga bixiyaa
khilaafaadka diiniga ah iyo arrimaha laysku qabto xalaal iyo xaaraan midka ay
yihiin iyo sidoo kale inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ah iyagoo dhanka
diinta ka eegaya iwm. Intaa dastuurku uu dhaqan-galka ahaa marna guddidan
abuurideeda layskuma hawlin intii hore, haseyeeshee, Madaxweynahu dhowaan ayuu
ku dhaqmay Qodobka 119aad ee Dastuurka oo uu magacaabay xubnaha uu golaha
xukumadu ku leeyahay guddida magacaabaysa guddida culimada. Haseyeeshee, waxaa
weli qabyo ah xubnahii Golaha Guurtida uga mid noqon lahaa guddidan
magacaabista. Sidaas darteed, ilaa hadda dhismaha Guddidan Culimada laguma
guuleysan oo qodobbadan dastuuriga ah lama fulin. Run ahaantii na, waa guddi
aad muhiim ugu ah arrimaha bulshada, cadaaladda iyo ku dhaqanka diinta ba.
20. Qodobbada
Kala Guurka – Qodobka 130aad
ee Dastuurku wuxuu dhigayaa arrimaha lagu dhaqmayo muddadii kala-guurka ee aanu
dastuurku dhaqan-gal noqon. Waxaa se jira arrimo ilaa hadda lagu dhaqmo iyadoo
15 sanno laga joogo muddadii kala guurka ahayd. Waxaa arrimahaas kamid ah in
ilaa hadda xubnaha Golaha Guurtida ee geeriyooda ay beeshii xubinta geeriyootay
ama golaha ka baxday soo bedelato oo xubinta lagu bedelayo keensato. Arrintan
waxay khilaafsan tahay Qodobkan faqraddiisa 3aad oo dhigaysa: “Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida
ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman
qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo
nidaamka axsaabta ee doorashada.” Faqraddan ku dhaqankeedu wuxuu ku eekaa
muddadii kala-guurka ee aan la gaadhin nidaamka axsaabta doorashada. Axsaabtii doorashadu
waxay hirgaleen sannadkii 2002-da, wakhtigaas kadib laguma dhaqmi karayn
faqraddan, haddana ilaa hadda waa lagu dhaqmaa. Ma jiro wax ka badel lagu
sameeyey dastuurku, mana jiro xeer dastuurka ka mudan oo loo daliishan karo
arrintan. Iyadna waxay kamid tahay arrimaha ugu la yaabka badan ee loo
baal-maray dastuurka dalka u yaal.
Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa geeriyooday
3dii bishii Meey 2002-dii, isla maalintii ayaa xilkii Madaxweynenimo loo
dhaariyey ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo xilkaas hayey ilaa 14kii
Abriil 2003-da oo loo doortay xilkaas Madaxweynenimo. Wakhtigaas oo lagu jiray
muddadii kala-guurka ahayd ee aanu hirgelin nidaamka axsaabta doorashada tooska
ah, waxay ahayd in lagu dhaqmo Qodobkan 130aad, faqraddiisa 4aad oo dhigaysa: “Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman
qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta laga
gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiillada iyo
Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya
Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyada oo xilka jagada
bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha
Guurtidu.” Sida sharciga ah, waxay ahayd in xilka uu la wareego
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, kadibna muddo 45 casho ah gudahood ay labada gole
si wadajir ah u soo doortaan Madaxweyne, laakiin iyadoo la tixgelinayo
duruufaha markaas lagu jiray waxaa la doorbiday in lagu dhaqmo Qodobka 89aad,
faqraddiisa 2aad oo khusaysa xaaladdaha ka baxsan tan ay faqradda 4aad ee
Qodobka 130aad khusayso. Xaqiiqo ahaana, aad bay u adkayd in lagu dhaqmaa
sababtoo ah muu jirin habraac ay labada gole ku soo dooran karaan Madaxweyne
iyo mid loo raaco murashaxnimadiisa iyo coddeynta ba. Sidoo kale qodobku muu
xusin Madaxweynaha ay labada gole ku soo doortaan 45 casho gudahood
muddo-xileedkiisu inuu yahay kan ku xusan Qodobka 88aad iyo inuu yahay muddo
gaaban. Arrimahaas oo khalkhal siyaasaddeed keeni karayey ayaa sababay in
Qodobkan ku dhaqankiisa laga talaabsado.
Qodobkan 130aad, faqraddiisa 5aad waxay
dhigaysaa: “Dalka Jamhuuriyadda
Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka
hor imanayn Shareecadda Islaamka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah,
inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; isla
markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa
xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu.” Muddadaas
15-ka sanno ah ee ka soo wareegtay aftidii dastuurka lagu ansaxshay ilaa hadda
Golaha Wakiilladu weli muu xaddidin muddada lagu keenayo xeerar waafaqsan
Dastuurka oo lagu badelo xeerarkan ay dawladdii Soomaaliya lahayd ee aynu ilaa
maanta ku dhaqmayno. Waa qayb laxaadle oo qarannimadeena ka dhiman. Waxaynu nahay
qaran ilaa hadda ku dhaqmaya shuruuc u dejisan qarankii uu madax-bannaanidiisa
kala soo noqday. Waana qabyo u leeyahay nidaamkeena sharci ee dalku.
Wa Billaahi
Tawfiiq.
Qalinkii: Cabdishakuur Cali
Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland.
No comments:
Post a Comment