Pages

Tuesday, August 25, 2015

TACSI IYO BAROOR-DIIQ: Geerida Naxdinta leh ee Abtigay Khaalid Jaamac Muxumed

INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo ayey leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxay qof walba ugu kala naxdin badan yihiin xidhiidhka uu qofka geeriyooday la lahaa, saameynta uu qofka geeriyooday noloshiisa ku lahaa iyo qaabka geerida qofka loogu sheegay oo qayb ka ah naxdinta iyo murugada geerida.

 Qofka haddaad isagoo xanuunsan dul joogtay, waad ku samirtaa. Waxayse ugu naxdin badan tahay qof aad caafimaad ku ogayd oo geeridiisa laguu sheego. Xili duhurnimo ah annigoo markaas uun intoon qadeeyey jiifsaday, haddaanan wax badan jiifkii ku jirin, waxaan maqlay taleefankayga oo dhawaaqaya. Waan tiigsaday, waxaan arkay fariimo dhawr ah oo ii sheegaya lambaradii ii soo wacay; dad badan oo asxaab iyo qaraabo iskugu jira ayay ahaayeen. Markaas ayaan dareemay inay wax soo kordheen! Intoon jiifkii ka kacay ayaan lambarkii ugu horeeyey oo ahaa Inaadeerkay Cabdixakiin Da’uud Askar (ina Aakhiro) garaacay.

Markii aanu is bariidinay ayuu igu yidhi: “Khaalid Jaamac .... waad maqashay saw maaha?”

Markii ba maskaxdaygu waxay iskula shawrtay maxaa ku dhacay? Markaas ayaan idhi “Ma Khaalid Jaamac? ,,, Maxaa ku dhacay? Intuu aamusay ayaan ku celiyey: “Maxaa ku dhacay?” wuxuu iigu jawaabay: “Maanad maqal, wuu dhintay.” Dhagaheygu way maqlayeen ereyga baas ee “wuu dhintay” laakiin naftu in aanay maqlayn ayey is dareensiisay. “Yaa! Ma Khaalid Jaamac? Maxaa helay?” ayaan si didsan ugu idhi intoon kor u booday. Wuu iigu celiyey. Haddana mar saddexaad ayaan ku idhi: “Ma Khaalid?” Markaas ayuu isagoo hadalka kor iigu qaadaya igu yidhi: “Haa walaal, Khaalid Jaamac wuu dhintay.” Waan argagaxay, naxdin ayaan kolba dhan u dhaqaaqay annigoo INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ku celcelinaya. Wuxuu ii raacshay “Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku dhintay” waan sii argagaxay! Waxaan annigoo qaylinaya ku idhi: “Yaa! Goor muu Khaalid tegay?.” Wuxuu iigu jawaabay: “Waar lambarkaagu ilaa shalay wuu xidhnaaye, dorraad ayaa Khaalid geeridiisa la soo sheegay. Itoobiya ayuu ku maqnaaye, inuu tahriibayo lama ogayn. Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku geeriyooday”

Annigoo taleefanka weli dhegta ku haya ayey markii ba xasuustiisu maskaxdayda ku soo burqatay - muuqaalkiisii, kaftankiisii, aqoontiisii, cibaadadiisii badnayd, weji furnaantiisii iyo dhoolo-caddeyntii lagu yaqiin. Ma Khaalid baa geeridiisa laguu soo sheegayaa? Ma Khaalid baa maantana tahriib ku geeriyooday? Adduunyooy! ma taasaan maantana kugu dhex joogaa! Ayaan iskula shawray.

Khaalid Jaamac Muxumed, abtigay ayuu ahaa, wax yar ayaan ka roonaa da’da. Saaxiibo kaftan wadaag ah oo marka ay is arkaan ba kaftan iyo sheeko wadaag leh ayaanu ahayn. Hargeysa ayuu ku dhashay, kuna noolaa noloshiisa oo dhan. Dugsiga hoose isku sannad ayaanu ka baxnay – annigu dugsiga Axmed Dhagax ayaan ka baxay, isaguna dugsiga Gacmo-dheere. Waxbarashadii Dugsiga Sare na, isku galaas ayaanu ahayn oo waxaanu sannadii 2007-da ka wada baxnay Dugsiga Sare ee 26-ka Juun. Jaamacaddiina isku dufcad ayaanu ahayn oo sannadkii 2011 ayaanu ka wada qalinjebinay Jaamacadda Hargeysa – annigu sharciga ayaan bartay, isaguna ganacsiga iyo xisaabaadka ayuu bartay. Intaas ba geediga nolosha isku marxalad ayaanu maraynay.

Markii aanu Jaamacadda ka baxnay kadib ayey shaqadu qof ba meel geysay. Annigu Hargeysa ayaan ka tegay oo intaas ba Borame iyo Burco ayaan u dhaxeeyey. Isaguna Hargeysa ayuu joogay oo dhawr jeer oo uu safar shaqo u soo baxay ayaanu Borame iyo Burco ba ku kulannay. Safarkiisii ugu dambeeyey ee dhinacani bariga wuxuu ahaa maalmihii Ramadaantu sii dhammaanaysay oo Laascaanood ayuu ku ciidday. Fursad iskumaanu helin in aanu is aragno laakiin taleefanka ayaanu ka wada hadalnay. Waana hadalkii ugu dambeeyey ee aan la yeeshay. Mar aan bishan bilowgeedii is idhi arrimo ka wareyso oo aan garaacayna, lama heli karo ayuu lambarkiisu ahaa.

Khaalid wuxuu ahaa qof aqoonta iyo waxbarashada aad ugu fiican. Aad buu u maskax furnaa. Cibaadada iyo diintana aad buu ugu wanaagsanaa - wuxuu aad ugu xidhnaa Masaajidka Furqaan ee xaafadda Xero Awr ee Hargeysa. Nin af gaaban, dhoolo caddeyn badan oo bulshaawi ah ayuu ahaa. Dabeecadiisii wanaagsanayd darteed wuxuu lahaa asxaab badan oo lod kasta ba leh.

Sida la ii sheegay, bishan aynu ku jirno horaanteedii ayuu Itoobiya diyaarad u raacay, waxaanu uga sii gudbay Sudaan oo uu iyadna diyaarad ku tegay. Isaga iyo 10 qof oo kale ayaa Suudaan gaadhi ka raacay oo dhinaca Masar u sii jeeday. Haraad iyo gaajo ayaa halkaas ku qabtay. Khaalid na wuxuu lahaa Gaastari xun. Waxaa geeridiisa soo sheegtay gabadh reer Xamar ah oo sheegtay in gaastari ku kacday, haraad iyo gaajana u raacday. Waxaanay sheegtay in Afar kamid ah koow iyo tobankoogii qof ay markaas dhinteen, Khaalidna ugu hor dhintay. Waxay sheegtay inuu u dhiibay iyada Lambarka xaafadda lagala soo hadlay, waraaq, baasaaboorkiisii, lacag iyo muraayadiisii indhaha. INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

imika intii aan qoraalkani waday ayaan eegay boggiisa facebook-ka, mise sawirka cover-ka u ah waxaa ba u taala, ducadani "ISTAQFIRIKA ALAAHUMA MIN JAMIICI DUNUUB, WA KHADAAYAAD, WA TOOW BA ILAYKA." ILAAHAYOOW WAXAAN KA BARYAYAA INAAD DUCADAASI KA AQBASHO ABTIGAY.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu abtigay Khaalid uu qabriga u nuuro, naxariistiisa jannada siiyo. AAMIIN... AAMIIN... AAMIIN.


Waxaanan Tacsi u dirayaa Qoyska Reer Muxumed Riraash iyo Reer Daahir Aw Yuusuf, qaraabada iyo dhammaan asxaabtiisii faro badnayd, ILAAHAY DHAMMAANTEEN SAMIR IYO IIMAAN HA INNAGA SIIYO KHAALID. AAMIIN AAMIIN.

No comments:

Post a Comment