W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)
Waxa beryahan jiray,
xafiiltan siyaasadeed oo ka dhexeeyay
Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u
muuqday dagaal warbaahineed oo isasoo tarayay intii lagu jiray todobaadadii ugu
dambeeyay ee ka hadhsanaa muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan
danbe se, waxaynu arkaynaa loollankii
siyaasiga ahaa oo qaatay waji kale oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo
sameeyay wada-hadallo uu ka dhashay, heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar
kalana waxaynu u soo joognay, iyadoo beesha caalamku la isugu qayshaday. Wax
kastoo la isku dayay ba, kala qaybsanantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama
gaadhin.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi |
Ololleyaal
warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo
dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul caamka dadweynaha. Ugu
dambeyn, waxaa la iskula soo dul-dhacay Waaxda Garsoorka. Sida ilaa hadda wax
loo wado, waxay iskaga eeg tahay in la rabo in cudurkii fardaha galay laga gubo
dameero.
Waxaynu iska wada
ognahay oo aanu muran ku jirin in asxaabta qaranka iyo guurtidu ay isku hayaan
muddada ay guurtidu u kordhisay muddo-xileedyada Xukumadda iyo Golaha
Wakiillada, oo aanu jirin khilaaf sharciyadeed. Waxaa sidoo kale, iyadna la
wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku mari laayahay uu yahay
faraq-xilliyeed (4) bilood ah, oo u
dhexeeya Go’aankii Guurtida ee xil-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo
heshiiska axsaabta qaranka ee ka dambeeyay. Faraqaasi oo aan macno-badan
samaynayn, mar haddii aanay xil-kordhintu ahayn mixwarka uu khilaafku ka
aloosanyahay. Afartaas biloodna, wax sidaasi usii ridan may ahaateen, haddii
lagu heshiiyay, in sidii dani-keento la yeelo.
Intaas aan kaga gudbo hordhaca, oo aan usoo gudbo
mawduuca qoraalkani uu khuseeyo – Qoraalka Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey
ma khilaaf sharci oo laga garnaqi karaa baa mise maaha?. Arrinta garsoorka loo
gudbinayaa waa in aanay la mid noqon oo ay ka baxsanataa faqidaada shaaraca
taala iyo hal-qabsiyada dooddaha warbaahinta la isku marinayay beryahan
(Political rhetoric). Maxkamadda Dastuuriga ahi khilaaf sharci ay ka garnaqdaa
ama fasiraad ka soo saartaa. Khilaafka sharcina maaha mid qaabab badan loo
dhigi karo sida kan siyaasiga ah ee hadda la wado. Bal se waa mid mutaxan oo ku kooban hab-dacwaddeedka iyo nuxurka dooddeedka
dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u eegayna hab-gareedka
dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi doonnaa, bal in
arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda Dastuurigu uu yahay dacwad
dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwaddeed iyo in kale.
Si aynu su’aashaasi u
gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa halkay arrintu ka bilaabantay oo ahayd
codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.
Waxay xubinta hore ee
Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay Maxkamadda oo ujeeddadiisu tahay codsi
fasirraad, kuna taariikhaysnaa 08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa
JSL/MD/100-3450/08,2O15 ay ka waramaysaa sida uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay
ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladda. Xubinta
labaad waxay khusaysaa, Qodobbadii ay
axsaabtu ku heshiiyeen. Gebogebada qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa
codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida
loo dhigay:
”Waxaan Maxkamadda sharafta leh
halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda qodobada 3aad iyo 4aad ee
heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad
ee go'aanka Golaha Guurtida mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga qabsoomida Madaxtooyada iyo Wakiilada”
Hadda ba, ugu horeyn
waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib ah inay ku dhaqaaqdo inay hubiso in
arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee
Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horeysa in dhinacyada loo yeedho ama fadhi
la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa alif kaa xumaaday oo al-baqra kugu
dhibi doona. Haddii se sideeda loogu dhaqmo, waxaa loo gudbayaa in laga garnaqo
nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka, waxaana lagu
guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo gaadhay qaab sharciga waafaqsan kuna
dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku jirin.
Sida caadiga ah, dacwad
kasta cid baa muduci ah oo biloowda. Cid baana mudaacalee ah oo dacwaddu lid ku
tahay. Marka la joogo Maxkamadda Dastuuriga ah, waa in la helaa cid muduci ah
oo dacwadda furata. Sidoo kale waxaa shardi ah in la helo go’aan xeerarka iyo
dastuurka loo eegayo, ama xeer/sharci la fasirayo. Sidaas darteed, waxaa
mudaacalee ah cida go’aanka soo saartay ama Golaha xeerka soo saaray. Hadda ba,
Qoraalkani Maxkamadda Dastuuriga ah hortaal, Madaxweynahu isagaa qoraalkani
Maxkamadda u soo gudbiyey, haddana muduci maaha oo labada go’aan midna ma
diiddin midna ma ogolaan. Taasi waa arrin cajiib ah, imika qoraalkani laguma
sheegi karo dacwad dastuuri ah ama fasiraad. Waxaa la odhan karaa Madaxweynahu
wuxuu la talin sharci ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadduna maaha
la talinta sharci ee Madaxweynaha. waxaa loo baahnaa inay Maxkamaddu ku
baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad ay ciddi furatay oo aanay wax
diiddanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa meesha dacwaddi ma jirto.
Waxa kale oo la gudboonayd Maxkamadda inay
is-waydiiso, horta maxaa noqon kara dacwad dastuuriya oo u qalanta in laga
garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan karo ama tiirarka udub-dhexaadka u ah
dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxaase looga baahanyahay qofkasta oo
raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama ka cabanaya go’aano maamul oo lagu
fuliyay ama lagu fulin-doono?
Arrin kasta oo la rabo
in hannaan sharci lagaga garnaqo waa inay noqotaa mid leh mawduuc iyo abbaar
sugan. Taasina, waxay saaran tahay cidda dacwada furanaysa oo looga baahan
yahay inay caddayso go’aannada ay ka cabanayso, kuwa ay fulintooda ku dooddayso
iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay sheegin rabitaankiisa ama dooddiisa.
Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta daalacata. Awoodna u maleh inay iyadu
nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii furtayba ku caddayn waxa uu rabo iyo waxa
uu diiddan yahay. Markaa waxaa haboon inay qoraallada noocan ah maxkamaddu ku
celiso cidii u soo gudbisay iyadoo farayso inay soo waafajiyaan shuruuddaha
nidaamka dacwaddeed.
Markaynu u soo noqono
waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu yahay nuxurka dooddiisu?, Ma wuxuu ku
doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo kordhinta ayaa dastuuriya markaan arkay
sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise wuxuu ku doodday go’aanka guurtidu
dastuuri maaha markaan eegay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise waxaa bu ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku
heshiiyeen ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi
awgood? Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri ama ba midkoodna maaha
distuuri? Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga
garnaqee? Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa ah kuwa fasiraadda u baahan.
Haddii ay is-gabto
ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq u malaha in uu isagu mala-awaalo nuxur
dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu hawshoodo wax aan waddadiisa la soo
marin. Waxa biloowga ku qaloocdaa, dhamays ma noqdaan. Fashilaad uun baana laga
dhaxlaa.
Waanay dhacday inay
Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii ay qarraar ka soo saartay
cabashadii dastuuriga ahayd ee ay
asxaabta mucaaradku kaga cabanayeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha
iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalayada kaga hor-istaageen inay shirar qabsadaan.
Qaraarkaasi oo ku taariikhaysnaa 27/7/2015
tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku
tidhi sidan;
” Dhinaca kale,
Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka taagani salka ku hayo qabashada
doorashada soo socota, waxay amraysaa in dhinacyada siyaasadda iyo hayadahay
khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka
ku saabsan doorashada soo socota isla
markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaar garoobo doorosho xalaal ah”
Waxay Maxkamaddu
halkan ku xustay in ay og tahay arrinta muranka taagani uu salka ku hayo. Yaa u
sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu salka ku hayay? Halkee ayey kaga jirtay
dacwaddii xiligaasi hortaalay? Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax ay
warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah,
aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka baxsanaan karta wixii horteeda lala
yimid. Maantana, ugama fadhino inay
Maxkamadu wax ka duwan mawduucii horteeda yaallay, inoo sheegto. Waa inay ka feejignaataa.
Su’aasha kale ee
iswaydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU
MUXUU AWOOD U LEEYAHAY INUU FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b)
Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland:
“Garsoorku wuxuu awood gaar ah u
leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa
Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah iyadoo la raacayo
dastuurka.”
Madaxwaynahu laba
go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn ayuu codsaday in la fasiro. Heshiiska asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha
uu Garsoorku awoodda u leeyahay inuu fasiro. Garsoorka ayaanay tani cay ku
tahay. Midda kale, Madaxweynahu kuma dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo
Maxkamadda ma horkeenin go’aan gole dastuuri oo keliya si micnahiisa ay
Maxkamadda Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo raacaysa dastuurka. Madaxweynahu
Go’aanka Guurtidu dastuurka ma waafaqsan yahay ma odhan? Dood xitaa sidaasi
lagala soo baxi karaa qoraalka kuma qorna. GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA
GUURTIDU MA XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA XEER
FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA. Waxa laga yaabaa, in dadka qaarkood ku
dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo saaraa waa xeer. Maaha, hadda annigu
iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida uu Xeerka Nidaamku Garsoorku u dhigay.
Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo Qod. 15(1)(b) (Nuqulka 60ka Qodob),
labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani waxay si iskumid ah u sheegayaan
sidan:
“Maxkamadda Dastuuriga
ahi waxay awood u leedahay b) inay macnayso, fasirtana Dastuurka iyo xeerarka
kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”
WARKU
BA WUXUU KU DHAN YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WAXU KA
CODSADAY INAY FASIRTO QODOB DASTUURKA KAMID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO
UJEEDDADIISA LAYSKU QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!
Maxkamadda lama keenin
dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor ku sharaxay, markaa Maxkamadda maxaa
daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku waa dhexdhexaadin iyo hawlo kale. MAXKAMADDA DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA,
CEEB AYEYNA KU NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU
WAXAY FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.
Fasiraadda Qodob
sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku haysa xaqiiqo lagu muransanyahay, iyo
doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu
noqon, codsi u muuqda talo-sharciyeed, oo cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti
asaas u ah, inay FASIRADA Garsoorku ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo
taagan oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the
idea of standing). Aragtidan garsoor oo odhanaysa “Garsoorku maaha talo-bixiye (advisory opinion), balse waa
go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo in uu jawaab u noqdo muran ka dhextaagnaa
dhinacyo is-hayay.”
Xaaladdaha Garsoor
ee keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional remedy) oo dhaqan-gal
ah, ayay Maxkamadda Distuuriga ahi ku samayn kartaa Dibu-eegis Garsoor( Judicial review). Taasi oo looga socdo, inay Maxkamaddu ahaato
meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho xafiiltanka iyo
khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la diidayaa in
murankasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad jirta, la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday
tahay Mufti joogto ah. Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De
Minimis Non Curat Lex),macnahiisuna ahaa, sharcigu
ma khuseeyo, wixii fudud ee iska dhammaan kara.
Gunaanadkiina,
fasiraadda-garsoorku maahaa mid maxkamadda lagaga codsado sideen yeelaa? Laba
shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo jira indhaha laga qarsanayo.
Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in uu sugo qodobadii looga
baahnaa, Maxkamaddu waxaa waajib ku ahayd inay hareer iskaga leexiso.
Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku dhex milmaan khilaafyada
siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada Nabadda iyo Isku-soo-dhawaynta
Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka.
No comments:
Post a Comment