Abu Dayib Al-mutanabi, waxa uu ahaa gabayaa reer Shaam (Suuriya,
Libnaan iyo Falastiin) ah, kadibna waxa xidhay Dawladdii Masar ee waqtigaas oo
uu gabay ku aflagaadeeyey, isagoo jeelka ku jira, ayaa lagu dhawaaqay ciiddii
oo la yidhi; “Berri waa ciid (waa ciidoo waa Cali baq-baq).” Ciiddii horena waa
uu xidhnaa. Dabadeed gabay Carabi ah oo aan tuducan ka soo qaatay ayuu tiriyey
oo uu leeyahay; “Ciidun bi ayi xaalin cudta yaa ciidun abimaa maddaa am bi amar
fiika tajdiidun.” Kaasoo macnihiisu Afsoomaali ku yahay; "Ciiddeey maxaad
la soo noqotay ma wixii hore iyo jeelkii mise amar cusub ayaad siddaa.” “Hadda
ciidey ma dhega la’aantii ayaad iigu soo noqotay mise war cusub baad ii
siddaa?”
Sannadkii 1997 markii Marxuun Cigaal mar labaad loo doortay xilka
Madaxwynenimada, ayuu magacaabay guddi 16 xubnood, si ay ugala soo taliyaan
xukuumadda uu dhisayo. Waxa Guddiga Guddoomiye u ahaa Mudane Daahir Rayaale
Kaahin oo markaas loo doortay Madaxweyne-ku-xigeen, dabdeedna noqday
Madaxweynaha Somaliland muddo siddeed sanno ah.
Waxa isna Guddiga Guddoomiye-ku-xigeen ka ahaa Mudane Axmed
Maxamed Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland. Waar bal ishaaradaas
daawo. Anniga iyo koox ay ka mid ahaayeen, Cabdiqaadir Jirde, Jaamac Saalax
Maxamed, Cali Sheekh Carraaye ayaa guddiga ku jiray, waxase Guddidu u badnaa
rag waayeel ah oo ay ka mid ahaayeen; Marxuum Cali Sheekh Maxamed (Jirde),
Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye, Marxuum Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan),
Marxuum Cumar Meygaag Samatar, inta aan ka xusuusto.
Maalin ayaan odayaashii la kaftamay oo ku idhi; “Mudanayaal,
maxaad hawsha uga fadhiisan waydeen oo dhallinta ugu bannayn waydeen xilalka?”
Waxa ii jawaabay Marxuum Sakhraan oo yidhi; “Waa tahay ee Pension (Gunno
hawl-gab) noo qora aan hawlgabnee.” Xujo macquul ah ayey noqotay. Arrintaas
ayaa weli Somaliland haysata. Waar shaqaalaha xuquuq hawlgabnimo ha loo sameeyo
oo sharcigii ha la curiyo.
Waxa la yidhi safarka dheeri, tallaabo ayuu ku bilaabmaa,
cashuurta iyo dakhliga batay waxa uu ku bilaabmay kastamka Abaarso oo xoogaa
qaadka laga qaadi jiray oo nin Daahir Salaam la yidhaahdaa hormood ka ahaa
(Waxba yaannu xoolana i siin xeerna ii gelin eh, xaasha allee nin libin kaa
xistiyey, xumihii waa yaab eh).
Wasaaradda Bulshada iyo Shaqaaluhu hormood ha ka noqoto. Qoladan
World Bank isku sheega iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee innagu
wareeriyey siminaaradu ha ka hawlgaleen diyaarinta sharcigan.
Abuuridda Xeedhada Hawlgabku ama (Pension Fund) waxa uu door weyn
ka qaataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhigaalka ama tashiilka dhaqaalaha
bulshada. Marka hore shaqaalahaa dawladda ayaa lagu bilaabayaa, waxa lagu
dhiirringelinayaa inay ka soo qaybgalaan shaqaalaha shirkadaha gaarka loo
leeyahay.
Shaqaale badan oo hadda xafiisyada joogaa iyo madax badan oo
Saraakiil ka ah Ciidammada, ayaa xilalka ka fadhiisan doona, oo dhallinyaradan
Jaamacadaha ka soo burqanaysa shaqooyin heli doonta. Qofka waayeeylka ah waxa
uu xaq ugu leeyahay qaranka in dhaqaale hawlgab oo uu ku noolaado la siiyo, ee
aannu noqon dameerkii Xamar ee marka laga dhammaysto waddada ku ag bakhtiyi
jiray. Dunida kale waxay sameeyeen xataa meelo Eyda, dameeraha iyo bisadaha
gaboobay lagu xannaaneeyo oo shaaqale iyo dhakhaatiiri maamusho.
Qoladan Khawaajayaasha ah ee had iyo jeer ka hadla Dimuqraadiyadda
iyo Maamul-wanaagga ayaan kula kaftamay, “Waar hadal haamo ma buuxsho, ee
seminaaro saanbuuse lagu cunaa wax tarimayaan ee waxa loo baahan yahay inaad
gacan iyo dhaqaale ku darsataan abuuridda Pension Fund, si qofku uu u hawlgabo
marka uu da’ gaadho, isaga oo aan daba ka werwer qabin oo uu xilalka isaga
wareejiyo ee aannu ku sii dheganaan, taas ayaa dimuqraadiyadda wax ka taraysa.”
Golaha Wakiillada iyo Xukuumadduba waa ku amaanan yihiin Xeerka
Gunnadda Hawlgabka ee ay u soo curiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka
xilka ka fadhiista ee hadda dhaqangalay, waxay uun hilmaameen inay ku daraan
Odayaasha Guurtida oo iyana u baahan gunnada hawlgabka, illeyn shaqo kale ma
qaban karaan oo marka hore ayaa da’ weyn lagu soo gala golaha sida xeerku
dhigayo.
Hadda waxa dhiman in laga wada hawlgalo Xeerka Hawlgabka (Pension
Law) iyo abuuridda xeedhada hawlgabka (Pension Fund). Waagi hore ee
Dawladnimadu innagu cusbayd dad da’yar ayaa xukunka lagu qaban jiray oo waad
yaabaysaa marka dadkaasi kuu sheekeeyaan.
Marxuum Cigaal, waxa uu Somaliland madax u noqday isaga oo 31 jir
ah sannadkii 1960, Axmed Yuusuf Ducaale waxa uu ii sheegay inuu ahaa 29 jir
markuu noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalkii Jaamhuuriyada Soomaaliyeed
sannadkii 1964, anniguna markaan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jumhuuriyadda
Somaliland ku noqday 56 jir sannadkii 2002. War bal eeg faraq u dhexeeya.
Tobankii sanno ee u dambeeyey Somaliland waxa ka hagaasay
hal-abuurkii iyo fikarkii, waxay arrintii noqotay “Business as usual,” iska
caadi. Sannadihii hore tartan iyo hal-abuur dawladnimo ayaa lagu jiray. Noloshu
xiise badan oo aan maadi iyo hanti ahayn ayey ahayd. Sidee nabad loo sameeyaa?
Sidee caashuur loo qaadaa? Sidii hubka dhigis loo qabtaa? Sidee boolis, Ciidan,
Xabsiyo, Maxkamaddu iyo Shuruuc loo hirgeliyaa? Sidee Dastuur, Baarlamaan,
Axsaab, Doorashooyin loo dhisaa? Wasaaraddu, Dawladdu Hoose, Mulkiyadu hantida
ma guurtada ah, lahaanshaha baabuurta iyo liisamada, waxbarasho, iyo caafimaad
dhawr loo abuuraa? Aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha Dawladaha Hoose,
Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa la qabtay saddex sanno oo isku
xigaa, 2001, 2002 iyo 2003 kharashka ku baxay waxa bixisay xukuumadda
Somaliland, khawaaje wax lagama sugin, inkasta oo hayntu yarayd.
Tobankaas sanno ee dambe waa laga caajisay doorashooyinkii,
Xildhibaan Golaha Wakiiillada ah ayaaba Golaha dhexdiisa ka yidhi oo
warbaahintu soo gudbisay “Doorasho ayaa na wareerisay ee goormaa dalka loo
shaqaynayaa.” Xildhibaankii hadda ayuu toban sanno fadhiyaa!!
Doorashadii Khawaajayaal (dalalka reer galbeedka) la yidhaahdo
deeq-bixiyeyaal ayaa la wareegay. Erayga deeq-bixiye ha la beddelo Illaahay
ayaa deeqbixiye ah, ha la yidhaahdo Dhawrto-bixiyeyaal. Si loo naco dhawrtada
oo dadka iyo dalku isgu tashado.
Nin madaxa ka ahaa Dawladdii hore ayaa laga hayaa Dimuqraadiyadii
waa dhammaynay ee ha nala ictiraafo. Waxa waa hore la odhan jiray innanku
Qur’aankii ayuu dhammeey ama soddankii jis ayuu dhammeeyey, hadda Dawladnimadii
waa dhamaysay Somaliland arrintu miyaa?
Waar gurigu waa yagleel, weli shuruuc iyo nidaamkii ayaa innaga
dhiman. Bal fiiri, gooni-isu-taag ayaan sheeganay, weli booliskeenna, ka
Puntland iyo Soomaaliya waa isku dirays, waa isku calaamad oo Goodirkii ayey
wada sitaan, ciidankii waa la mid, sharcigii maxkamaduhu waa isku mid. Qabyo
waa halkeedii.
Prof. Maxamed Siciid Gees.
No comments:
Post a Comment