HORDHAC
Waxaa
joogto ah oo aynu sannad walba aragnaa khilaafka culimadeena ka dhex qarxa ee ku
saabsan xuska maalinta dhalashada nebigeena suuban ee Maxamed (Naxariis iyo
nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee), kaasi oo ay culimada dalkeena iyo kuwa
Islaamka guud ahaantiisba ay aad ugu kala fog yihiin sharcinimadiisa. Sannad
kasta marka uu soo dhowaado xuskaasi ayey culimadu masaajiddada ka jeediyeen muxaadarooyin
is khilaafsan. Qolo ba qolada kale ayey xadka islaamnimada ka saartaa. Waxaa aad
u liita awoodda ay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu u leedahay xalinta khilaafaadka
noocaas ah. Mana jirto cid kale oo arrintaasi soo dhexgashaa.
Waxa
iyadna aynu aragnaa oo imika jirta in masalooyin diiniya ay culimadu isku qabato,
oo ay ugu dambeysay tani uu Guddoomiyahii hore ee Guddida Wanaag-farista iyo
Xumaan ka Reebistu ku sheegay in ragga iyo dumarku siman yihiin, marka loo eego
shareecadda Islaamka. Wuxuu ku doodday in aanay jirin aayad Quraanka Kariimka
ah kamid ah iyo Xadiis Rasuulka (csw) laga soo weriyey oo saxiix ah oo si cad u
sheegaya in “ninka magtiisu 100 halaad tahay, gabadha magteeduna ay 50 halaad
tahay”. Hadalkaasi markii uu bulshada ku faafay ayey Guddida Wanaag-faristu
xilkii Guddoomiyenimo ka qaadeen sheekhaasi. Waxaa soo raacday Wasaaraddii
Diinta iyo Aw-qaafta oo iyaduna sheekhaasi dooddiisa dhaleecaysay kuna sheegtay
inuu sheekhaasi ku gefay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnaha Rasuulkaba (csw),
sidaas darteed, uu diinta dibeda ka yahay.
Waa
arrin khatar ah, khilaafka noocani ahi. Qof dhan ayaa islaamnimadiisii muran la
gelinayaa. Dhinac ba dhinaca kale ayuu dhaleecaynayaa. Bulshada ayaa sidoo kale
arrintaasi ku kala qaybsan, arrintaasi maaha in dawladdu ay sidani ku eegato. Waa
inay wax inooga yaalaan sida loo xalinayo khilaafaadka laysku qabto
masalooyinka diiniga ah. Markaynu eegno dastuurkeena Qodobkiisa 5 dawladdu waa
inay iyadu oogtaa shacaa’irta diiniga ah oo ay fulisaa axkaamta shareecadda
islaamka. Maaha inay la kala safano oo aynu ku kala milano madaahibta iyo
dariiqooyinka diiniga ah. Waa inay jirtaa guddi ama xafiis dawladdeed oo loo
dabo-fadhiisanayo arrimaha diiniga ah oo uga dambeyno aqoonta iyo cilmiga
diinta.
Arrinta
la yaabka lahi waxay tahay, in dastuurkeena ay ku faahfaahsan tahay sida loo
xalinayo khilaafaadka noocan oo kale ah. Haseyeeshee, intii ay dalka ka
dhacayeen murannadaasi diiniga ah ee culimadu, ma jirto xukumad qudha oo
dastuurka hoos u eegtay, iskuna dayday inay xalkaasi dastuuriga ah raacdo. Waa maxay
xalka dastuuriga ah ee murannadani masalooyinka diiniga ah?
GUDDIDA CULIMADA
Dastuurka
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu abuurayaa guddi la yidhaahdo “GUDDIDA
CULIMADA”. Guddidani waa guddi madax-bannaan oo heer qaran ah. Sida ku xusan
Qodobka 121 ee dastuurka waxaa loogu talo-galay inay guddidu yeelato xeer gaar
ah oo lagu maamulayo qaabka ay u shaqaynayso, xarunteeda, mushaharka ay qaadanayaan
xubnaha guddidu IWM. Haseyeeshee, dastuurku wuxuu qeexayaa tirada xubnaha
guddida, cidda awoodda u leh magacaabistooda iyo muddada ay xilka haynayaan,
waajibaadkooga, waxa ka reeban xubnaha guddida kamid ah iyo buuxinta jagada ka
bannaanaata guddida.
Guddida
shaqadeeda wuxuu dastuurku ku soo koobay laba qodob oo balaadhan. Sida ku xusan
Qodobkiisa 115 ‘Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xil saaran:
1. In ay si rasmi ah uga bixiyaan
caddayn:
b. Khilaafka Diiniga ah ee
abuurma.
t. Wixii la isku qabto in uu
Sharceedda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga ula muuqda in uu Sharceedda
khilaafsan yahay.
Guddidu
waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimid ama
Maxkamadda Dastuuriga wixii iyaga uga muuqda.
2. In ay sameeyaan cilmi-baadhis nooc
kasta ha ahaadee iyaga oo ka eegaya dhinaca Diinta, gaar ahaan horumarka
cilmiga sayniska iyo Diinta. Inay eegaan, hubiyaana, kutubta laga turjumo
Shareecadda, gaar ahaan kuwa maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda {ka hor intaan
sharci ahaan loo ansixin}, iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku
saabsan dhaqanaqooneedka Diiniga ah.
Bal
hadda ila eegga sida ay muhiimka u tahay guddidaasi iyo sida aynu u baahanahay.
Qorayaashii dastuurkeenu ilaahay khayr ha siiyee, waxay xal u sameeyeen muran
kasta oo diiniya. Xafiis dawladdeed ama gaar ah ayey u baahan kara in loo
caddeeyo arrimo badan oo shaqadiisa khuseeya. Guddidani ayuu ka codsan lahaa go’aan.
Arrin ayey culimadu isku qabanaysaa inay shareecadda waafaqsan tahay iyo in
kale. Guddidani ayaa go’aan laga dalbanayaa oo xalinaysaa murankaasi. Xeerarka uu
baarlamaanku sameeyo ayey shareecadda Islaamka waafajin lahayd. Waxay guddidani
sameyn lahayd cilmi-baadhis ku saabsan noloshani casriga ah iyo diinta siida
loogu dhaqmayo. Waa guddidii cilmi-baadhis ku sameyn lahayd sayniska,
juqraafiyadda, edegaynta (Globalization) iyo sida loo ilaalinayo ku dhaqanka
Islaamka. Guddidani waa tii inaga eegi lahayd kutubtani diiniga ah ee la inoo
keeno iyagoo afkeena ama af kale ku turjuman intaynaan maxkamaddaha iyo goobaha
waxbarasho u isticmaalin.
MAGACAABISTA
XUBNAHA GUDDIDA CULIMADA
Waa
halkani, meesha dib u dhaca ku keentay magacaabista guddidani dastuuriga ah.
Dhibaatadu waxay noqotay dastuurku gole gaar ah muu siin awoodda magacaabista
guddidani. Wuxuu magacaabista guddidani awood u siiyey guddi iskugu jirta
Golaha Xukumadda iyo Golaha Guurtida oo is tiro leeg. cWaxaana ansaxinaya
Golaha Guurtida. Muu sheegin tirada xubnaha guddidani wax magacaabaysaa ay
noqonayso iyo labada gole ka ay tahay inuu bilaabo magacaabista xubnahiisa uga
mid noqonaya guddida, Sidaas darteed, Golaha Xukumadda oo uu Madaxweynahu
guddoominayo ayey ku wacan tahay inay magacaabaan xubnahooga, dabadeedna u
gudbiyaan Golaha Guurtida oo iyaguna is raacsan lahaa magacaabista xubnaha
guddida uga mid noqonaya iyo ansaxinta xubnaha guddidani dhammaantood.
Marka
guddidaasi la abuuro ayey iyaguna magacaabi lahaayeen Guddida Culimada oo ka
kooban 11 xubnood oo xilka 5 sanno haynaya. Xubin kastana dib loo soo magacaabi
karo. Shuruuddaha ku xidhana ay ugu muhiimsan tahay inay xubintu leedahay aqoon
heer Jaamacaddeed ah (shareecadda Islaamka), da’diisu ay tahay 40 jir iyo wixii
ka weyn iyo inuu yahay muwaadin aanu dembi kaga cadaan maxkamaddaha.
Guddida
Culimadu waa qayb dastuurkeena kamid ah, oo u baahan in lagu dhaqmo. Goleyaasha
ay waajibaadkooga tahay inay abuuritaanka guddidani ka shaqeeyaan waxaa looga
fadhiyaa inay waajibaadkaasi dastuuriga ah si wanaagsan u gutaan.
Qalinka: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
www.goodlawyer4.blogspot.com
goodlawyer2014@gmail.com
No comments:
Post a Comment