Arrintani
waa guul taariikhi ah, sababtoo ah CJA (Center for Justice and Accountability) waxay ka lib keentay dacwadii ugu
horraysay ee dib loogu eego, looguna fasiro sharciyada dhawrsanaanta xeerka
koman lawgu(common law immunity) siiyay saraakiisha shisheeya ah. Waa go’aan
adag oo lagu diiday in tixgalin buuxda la siiyo rabitaanka waaxda fulinta(
dalka Maraykanka) iyo in ay eedaysanayaashu helaan dhawrsanaan ay
kaga baxsadaan gabood falada ay ka mid yihiin jidh-dilka iyo
dilalka maxkamad la’aan la fuliyo.
Novemeber
2,2012, Maxkamada Rafcaanka ee la yidhaa ( fourth circuit) waxay ayiday
dacwadii ka dhanka ahayd Generaalkii soomaaliyeed Muxamed Cali Samatar.
Kadib, ka baraandagid iyo dooddo badan,waxay maxkamadu diiday inay
hoggaansaanaanto dhawrsanaantii ay waaxdu fulintu bixisay ee ka
ilaalinaysay saraakiisha tallaabooyinka ay qaadaan marka ay gudanayaan hawlo
loo igmaday “ official acts”.Waxay aragtidani si adag u xariiqday inaan
xadgubyada waxashnimadoodu muuqato ee ka dhanka ah bini-aadanimada loo tixgalin karin tallaabooyin rasmiya " official acts"[1] oo yeelan
kara dhawrsanaan." xeerka caalamiga ah iyo xeerarka dawladaha ayaan ka soo
horjeeda inay dhawrsanaan dibadeed helaan, saraakiisha ka soo jeeda wadamo kale
ee loo haysto inay ku kaceen xadgudubyo bini-aadamnimo oo aduunwaynuhu isla
qaatay inaanay habe yaraatee qiil-lahayn ( jus cogens), xataa haba
ahaadaan falalkaasi qaar loo haystay awood buuxda oo rasmiya markii la
fulinayay". Haddii si kale loo dhigo, dhawrsanaanta la siinayo gudashada
"talaabooyinka rasmiya"maaha mid qiil u noqon karta falal jidh dila,
dilal garsoorka ka baxsan( extra judicial killings),iyo xadgudubkasta oo
caalamku isla qaateen inuu yahay fal ka dhan bini’aadamnida, sababtoo ma jiro
sarkaal dibadeed oo awood u leh inuu ku kaco dambiyadaas caalamiga ah. Go’aanka
Maxkamada Rafcaanka ee fadaraalku (Fourth circuit) wuxuu wax tar u
noqday dadaalkii lagaga soo horjeeday inay dhacdo xisaabtan la'aan-danbiyeed (impunity).
August
28.2012. Leonie Brinkema oo ah Garsoore Maxkamad degmeed ayaa soo saaray go'aan
ka dhan ah jeneraalkii Maxamed Cali Samatar.Go’aankan oo ku xukumay dacweysanah
bixinta lacag qadarkeedu yahay 21milyan oo doolar(21m $) oo iskugu jirta
magdhaw iyo ganaax ciqaabeed (punitive damages).Dhagaysi kan ka horeeyay oo ku
mudaysnaa 23 Feb 2012. wuxuu Janaraalku ka hor qirtay Garsoore Brinkema "Inuu
masuul ka yahay jidh dilkii, dilalkii maxkamada la'anta lagu fuliyay iyo
xadgudubyadii ka dhanka ahaa bini-aadamnimada ee lagula kacay ummadda soomaaliyeed
intii uu talada hayay taliskii arxandarrada ahaa ee Siyaad Barre,kaas oo dalka
xukumayay intii u dhaxaysay 1969-1991kii."
Xukunkani
waa kii ugu horreeyay ee noociisa ee adduunka ka dhaca, Samantar wuxuu ka mid
ahaa saraakiishii ugu sarraysay ee gabood falladaasi Somaliya ka dhacay ka
masuulka ahaa. Waa Generaalkii ugu sarreeyay nidaamkii milatariga ahaa ee dalka
xukumayay muddo ka badan 20 sannadood.
Sannadkii
1990kii dhexdiisii, General Samatar wuxuu hoggaaminayay hawl-galladii milatari ee
lagaga hortagayay dhaq-dhaqaaqyadii ka dhan ka ahaa rajiimkii kali taliska
ahaa. Hawlgalladan oo geystay xasuuq balaadhan oo dad badan oo rayid ahi
ku leedeen, ha ugu sii darnaadeern dadkii daganaa gobolada waqooyi ee
Somaliya, siiba dadkii ka soo jeeday beelaha Isaaq. Si arrintaa looga hortagana,
waxa la asaasay urur hubaysan oo iska cabin ah, ururkan la odhan jiray Ururka
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ( Somali National Movement). SNM, waxay taageeradeeda
ugu badan ka haysatay beesha Isaaqa.Inkastoo la odhan karo SNM lafteed kamay
madhnayn xadgudubyo dagaal, xasuuqa ugu badan waxa geystay ciidamadii
xukuumadii taladii haysay oo aan la bar-bar dhigi karin ciidan, tababar iyo
saanadba tii SNM.
Mar
kasta oo ay wooda iska caabineed ee xoogagii SNM sii korodhaba, ciidamadii
somaliya waxay kaga jawaabayeen awood xad dhaafa oo qallafsan.Waxaanay alaaba
cadhada kula dhici jireen dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn.Waxay gumaadi
jireen, bililiqaysan jireen xoolaha nool ee dadka reer guuraaga ah. Waxay
qarxinayeen kaydadkii biyaha, burburiyeen guryahii dadku deganaa, jidhdileen,
xidheen amaba toogasho xukun la’aana ku fuliyeen dad badan oo rayida ahaa
iyagoo u aanaynaya inay gacan siiyaan SNM. Dadkaas waxa ku jiray ganacsatidii,
macalimiintii,aradaydii dugsiyada sare,iya dadkii xoolaha dhaqatada ahaaba.
Haddaba
waqtigaa aynu soo sheegnay, eedaysane Maxaxmed Cali Samatar wuxuu ahaa
Madaxwayne Ku Xigeenkii iyo Wasiirkii Gaashaandhiga (1980-1986kii ),
waxaanu qabtay xilka Raisal Wasaarinimo ( 1987-1990). Bishii June 1988kii,
hawlgaladii milatari ee xukuumadu kaga soo horjeeday xoogagii SNM ayaa gaadhay
halkoogii ugu sarraysay, waxaanay xukuumadu ku qaaday weeraro cir iyo dhulba ah
magaalada Hargaysa, oo ahayd magaaladii labaad ee dalka. Weeraradan oo ahaa
qaar aan loo kala aabo yeelin shicib iyo cid-hubaysan toona. Hawlagalladan
waxashnimada ah waxa lagu fuliyay xaafadaha dadka rayidka ahi ku noolaayeen,
waxaana gabi ahaanba dhulka lala simay guryihii dadka raydidka ah; in kabadan(
5,000) oo kamid dadkii daganaa magaalada Hargeysa ayaa la dilay. Mar BBC-da laga
waraystay, Ali Samatar 1989kii, wuxuu qirtay inuu lahaa amarka kama danbaysta
ah ( final order) ee lagu ansixinayo hawlgalladan.
Dacwoodayaasha
kiiskani waa dadkii dhibaanayaasha ahaa ee ka samatabaxay xadgudubyadaasi ka
dhan ah xuquuqada aadamiga ah.
Markay
taariikhdu ahayd 1980kii, Baashe Cabdi Yuusuf wuxuu ahaa ganacsade da’ yar ah,
oo ka dhex shaqaysan jiray magaalada Hargaysa, dhinaca waqooyi ee Somaliya.Waqtiiisa
ayuu si mutadawacnimo ah u siin jiray dalka isagoo ugu deeqay lacagtiisa hawlo
badan oo bulshada u dan ah sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaad. Bishii
Novembar 1981kii, waxa qafaashay sirdoonkii dawladda, iyagoo ku eedaynayay inuu
kamid yahay ururkii iskacaabinta ahaa, waxaana loo gubiyay xabsiga, si joogta
ahna loogu jidh-dilayay muddo ka badan 6 bilood. Waxaa taas kaga sii darnaa,
Yuusuf waxa lagu ciqaabay koronto waxaana lagu xidhi jiray fig, qaabkan
oo loo yaqaano “MIIGAYN”,taas oo gacmaha iyo lugaha qofka la isku xidhayo, isla
markaanana qaabka jidhkiisa ka dhigaysa qaanso ( U-shape). Kadibna
jidh-dilayaashu waxay dhagax weyn ka saari jireen dhabarka, taas oo uu qofku
dareemayo xanuun aan loo adkaysan Karin, isla markaana ay xadhkahaasi lagu
giijiyay gooyeen gacmaha iyo lugihiisaba.Yusuf waxa la waydiiyay asxaabtiisii
kale ee ku eedaysnaa inay ka mid ahaayeen ururkii SNM , waxaanu sheegay in
jidh-dilkaasi laga joojin jiray marka uu qofku sameeyo qiraal beena oo uu ku
sheeganayo inuu ka SNM ka mid yahay.Marka ay dhawr bilood ka soo wareegaanba,
waxa la waydiin jiray suaalo iyadoo loogu darayo jidh-dil iyo ciqaab
ba’an,mararka qaarna biyo ayaaba lagu hafin jiray.Kama danbaystiina waxa la
horkeenay maxkamada iyadoo lagu eedaynayo inuu ka mid yahay urur sharcidarro
ah. Eedaasi oo dhagaysigeedu guud ahaanba ka arradnaa hab-kii uu lahaa garsoor
xor ahi oo cadaalad ahi. Yuusuf wuxuu ku dhex qaatay 6 sannadood oo ka mid ah
xukunkii xabsi-daa’imka ahaa jeelka. Markii lasoo daayay, wuxuu kasoo baxsaday
Somaliya waxaanu soo gaadhay dalkan Maraykanka 1991kii, isagoo markii danbe
qaatay dhalashadii Maraykanka.
Sannadkii,
1984kii, Buraaleh Saalex Maxamuud iyo walaaladii (rag) ayaa maxkamad la’aan loo
taxaabay jeelka laguna xukumay dil iyadoon la marin habkii sharciga ahayd
iyagoo lagu eedaynayo inay la shaqaynayeen SNM,waxaana lagu xukumay dil.
Buraale wuu ka baxsaday dilkaasi, nasiib darro se walaaladii ayaa ka mid
ahaa afartan rag ah oo lagu fuliyay hawlgalkaasi dilka ah.
Bishii
June 1988kii, markii ay ciidamadii qalabka siday ee Somaliya ay weerar baahsan
ku qaadeen Hargaysa, raxan ciidamo ayaa soo galay guriga Azis Mohamed Diiriye,
waxaanay qafaasheen aabihii, walaalkii iyo inaadeerkii. Waxaanay askartaasi
qafaalatay ugu hanjabtay qoyskiisa inay dilayaan xubnahan.Intii waqtigaas ka
danbaysay Deriya iyo qoyskiisuba dib umay arag xubnihii qoyskooda ahaa ee la
qafaashay. Muddo kadib waxa uu ka maqlay dad la haystay oo lasii daayay in
Saddex nin oo ka mid ahaa la dilay.
Bishii
June 1988Kii, Axmed Jaamac Guuleed, oo ahaa nin ka mid ah ciidankii Qaranka
Soomaaliyeed( Somali National Army), Ninkan oo ahaa askari aan darajo lahayn
ama dable ah (non-commissioned) ayaa lala xidhay xubno isaaqa oo kamid ahaa
ciidanka, waxaana loo qaaday meeshii hawlgalkii dilka ahaa lagu fulinayay.
Waxaana dilkan fulisay koox dablay ah (firing squad) iyadoo markii danbe
maydkii dadkan lagu aasay xabaal wadareed. Askarigan waxa soo gaadhay dhaawac
fudud, waxaanu markii danbe ka hoos guurguurtay maydadkii ku rasaysnaa,kadibna
laftiisa ayuu la baxsaday.
Arjigii
Dacwad Furashada
CJA
waxa ay arjigii dacwad furashada u gudbisay Maxkamada Degmada ee Maraykanka,
bariga Virginia, taariikhdu markay ahayd November 10kii,2004. Samatar oo imika
ku nool- Fairfax, Virginia, ayaa la gaadhsiiyay yeedhmadii dacwadda isagoo
gurigiisa jooga, Waxaana loogu gudbiyay si waafaqsan BTA iyo TVPA, dacwadan
waxay dacweysane ka ahaa Cali Samatar inuu leeyahay awoodii amar-bixineed ee
lagu hawlgaliyay kooxo milatari ah oo geystay dilal aan maxkamadaysnayn
(extrajudicial killings), xadhig xukun la’aana,jidh-dil, habdhaqan bahdilaad
ah ( degrading treatment) iyo danbiyo badan oo ka
dhan ah bini-aadam ah,danbiyo dagaal. Waxaanu Samantar jawaab-celintiisii
iskaga difaacay inaan habayaraatee wax dacwad ah lagu soo oogi Karin maadaamo
oo uu haysto dhawrsaanaanta madax-dibadeed( head-of state immunity).
Codsigii
Waaxda Arimaha Dibadda ( State Department)
Bishii
Jeenawari, 2005ti,maxkamadu waxay hakid galisay hab-usocodkii dacwada si ay
Waaxda Arimaha Dibada ( State Department) fursad usiiso ay ku miisaanto
culayska ay leedahay dhawrsanaanta( immunity) uu ku doodayay Cali Samatar.
Waxaanay Maxkamady ku wargalisay Samatar inuu si joogta ah ugusoo warbixiyo
halkay Waaxda Arimaha dibadu wax marinayso( State Department ) . Muddo labo
sanno ah ayuu Samatar Maxkamad u sheegayay inay wali arintan dhawrsanaanto
dib-u-eegis ku jirto.
Waaxda
Arrimaha Dibadda oo diiday inay u hogaansaanto amarkii maxkamada ee
marag-keenista ahaa (subpoena[2])
Inkastoo
hakadkaasi jiray, Garsooraha Maxkamda Degmada, garsoore Leonie Brinkemam wuxuu
u ogalaaday dacwoodayaashu in dokumanti maraga lagasoo qaado. CJA, waxay u
gudbisay amar maxkamadu kaga dalbanayso Waaxda Arrimaha Dibada ee Maraykanka
Dokumantiyo caddayna oo la xidhiida la xidhiidha xuquuqda aadamiga iyo
arrimihii milatari ee dawladdii Somaliya. Maamulkii Bush wuu diiday isku day
lagu doonayay in lagu fuliyo amarkaasi maxkamadeed ( subpoena), isagoo
ku dooddaya in aanay dawladu sharci ahaan ku qasbanayn meelmarinta amarkan,
marka la eego qodobka 45aad ee Xeerka Madainiga ee Fedaaraalka ( Federal Rule
of Civil Procedure 45) ee hagayay fulinta amarada maxkamadeed ee marag
horkeenista ah ( subpoena).CJA, waxay maxkamadda u gudbisay codsi ay ku
doonaysay in cadaadis lagu saaro Waaxda Arrimaha dibada sidii ay ugu hogaansami
lahayd amarkan caddayn-keenista ah, laakeen Maxkamada Degmada ee Degmada
Columbia ayaa la qaadatay Xukuumada Maraykanka mawqifkeeda, iyadoo soo saartay
in Amarkan caddayn-keenista ( subpoena) uu yahay sharci ahaan mid waxba kama
jiraana.
Rafcaankii
go’aankii Maxkamada Hoose ee la xidhiidhay caddayn-keenista.
Markii
loo soo gudbiyay Rafcaankii laga soo qaatay is-hort-taagii Maxkamada Degmada ee
caddayn-keenista . Waxay Maxkamada Rafcaanku burisay ishortaagaasi ku
taariikhaysnaa 15kii June 2006, waxaanay sidoo kale go’aamisay in xukuumada
Maraykanka ay waajib ku tahay u hogaansanaato amarka keenista
dokumantiyada caddaynta ah ee loo rabo dacwadaha gaarka ah, xataa haddii aanay
xukuumadu si toosa ugu lug lahayn dacwada. Maxkamada Rafcaanku waxay dib uga
celisay dacwadan Maxkamada Degmada si ay mar kale u fuliso amarkan
caddayn-keenista ah ee laga rabo Waaxda Arrimaha Dibada.
Dacwadii
oo lagu horistaagay Asababaha Dhawrsanaanta( Statutory Immunity Grounds)
Markii
Waaxda Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanku ay Maxkamdau caddaysay inaanay haba
yaraatee wax dan ah ku lahayn dacwaddan, Maxkamadu waxay go’aansatay inay dib u
furto dacwadan bishii 22kii Jeenawari 2007dii.Samatar wuxuu soo gudbistay codsi
uu ku doonayo inuu ku hor horistaago dib-udhaqaajinta dacwada, isagoo ku
doodaya inuu Xeerka Dhawrsanaanta Saraakiisha Ajnabiga ah ( Foreign
Sovereign ImmunitiesAct)[3] ee loosoo gaabiyo (FSIA) uu siinayo
dhawrsanaan, isla markaana aan lagu soo oogi karin dacwado madani ah (civil
liabilities). April 7 dii, 2007, Maxkamadu Degmadu way ayidday codsigii
Samantar, iyadoo go’aamisay in xeerkan FSIA uu siiyay dhawrsanaan oo aan lagu
soo oogi karin saraakiisha ajaanibka ah iyo wakiiladoodaba dacwad madaniya. Judge
Brinkema ,wuxuu qoray, “inkastoona xeerkan FSIA in saraakiishu shaqsi ahaan u
leeyihiin dhawrsanaantan, bal se shakhsiyaadka go’aana ku gaadha iyagoo sita
awood xileed oo rasmiya waxa loo soo qaadanayaa wakiilo.
Rafcaankii
loo qaatay Maxkamada Federaalka ee loo yaqaan ( Fourth Circuit)
Dacwoodayaasha
waxay rafcaan ka qaateen go’aankii Maxkamada Degmada iyagoo rafcaankoogii u
gudbiyay, waxaanay doodoodu ahayd sidan:
- Inaan xeerka FSIA uu na ahayn mid lagu dabiqi karo saraakiisha lafahaantooda, waxaanu la xidhiidha dawladaha ajaanibka, wakiilada ama haayadahooga.
- Xataa haddii xeerkan FSIA uu yahay mid lagu dabiqi karo saraakiisha laf ahaantood ah, saraakiishani waxay dhawrsanaan haysan karaan marka ay yihiin wakiilo ama saraakiil xil rasmiya haya wakhtiga dacwadda la oogay;
- Dhawrsanaanta xeerkan FSIA ma gaadhsiisna ilaa heer lagaga baxsan karo falalka sharcidarrada ah ( danbiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada) sida jidh-dilka, dilalk-bilaa-garsoorka ah iwm.
Waxaa
intaas dheer, xilligii dacwada la oogayay, may jirin xukuumad soomaaliyeed, dacwaysanuhuna
muu ahayn sarkaal xil-rasmiya haya waqtigii dacwada laga oogay maxkamada ,
sidaa darteed xaq uma yeelan karo dhawrsanaanta xeerka FSIA bixinayo.
Laba
ka mid ah qodobadan ayaa lagu daray asbaabtii rafcaan ee dacwaysanayaasha. Mid
ka mida qodobadaas kabayay dooda dacwoodayaasha waxa soo diyaarisay Waaxda
xuquuqal insaanka ee Jaamacada Harvard, kulliyadeeda sharciga,( Human Rights
Clinic at Harvard Law School)waxaanay usoo gudbiyay dacwadan iyagoo matalaya
Dolly Filartiga, Diana Ortiz walaasheed, iyo kooxo diineed oo kala
jaad-jaada,qaar kamid urarada kuwa u dooda xuquuqda aadamiga iyo kuwa aan
faa’ido doon ahayn eek shaqeeya daryeelka dadka loo gaysto jidh-dilka. Qodobkan
labaad oo la xidhiidhaa, u jeedadii ay xeerka ay ka lahaayeen Koongarasku, isna
waxa diyaarisay Waaxda u qaabilsan xuquuqda aadamiga ee Jaamacada Virginia,
kulliyadeeda sharciga.Waxana saxeexay profisoorada iyo gabadha ku jirta Koongareska
ee magaceeda la yidhaa Sheila Jackson Lee.
Maxkamadii
Rafcaanka ee ( Fourth Circuit) oo burisay ishortaagii dhagaysiga dacwada.
Bishii
Jeenawari, 8deedii, 2009, Maxkamda Rafcaanka ee (Fourth Circuit) waxay dib u
furtay dhagaysigii dacwadii Samantar. Garsoorayaasha maxkamadani waxay
go’aamiyeen:
1.
Dhawrsanaanta xeerkan FSIA bixiyay
maaha mid lagu dabiqi karo saraakiisha shisheeya shaqsi ahaantooda
2.
Haddii uu xeerkani noqdaba mid lagu
dabiqi karo saraakiisha laf ahaantooda ( individual foreign officers) waxay
saraakiishu dhawrsanaan karaan oo qudha marka ay xil-rasmiya oo dawladeed
hayaan waqtiga dacwada la oogayo.
Kadib
Maxkamada ( Fourth circuit) waxay kiiskan dib ugu celisay Maxkamada Degmada si
ay u dib ugu bilowdo. Samantar wuxu maxkamada ka codsaday in dib loo dhagaysto
kooramka garsoorayaasha Maxkamadan Rafcaanka oo buuxa ( rehearing en banc).Inkastoo
ay Maxkamadan Rafcaanka ee federaalku is hortaagtay codsigiisii, bishii
Feberuary 2, 2009.
Maxkamadd
Sare oo aqbashay rafcaankii dacweysanaha( cert petition)
Bishii
June 2009kii , Samantar waxuu ka qaataay rafcaan ( writ of certiorari )
go’aankii Maxkamada Rafcaanka ee (Fourth Circuit) ee dib loogu furayay
dhagaysiga dacwadan. Isagoo rafcaankiisan u gudbiyay Maxkamad Sare. Rafcaanlahu
wuxuu maxkamada sare ka codsaday inay dib u eegis ku samayso go’aankii
Maxkamada Rafcaanka ee uu diiday dhawrsanaantii uu ku doodayay ee xeerkii FSIA.
Bishii September 30keedii, 2009kii, Maxkamda Sare ee Maraykanku
Rafcaanka.Qodobada ugu mihiimsan ee u baahnaa in dib u eegis lagu sameeyo waxay
ahaayeen.
Maxkamada
sare waxay deedafaysay dhawrsanaantii uu ku doodayay Samantar
Maxkamada
sare waxay deedafaysay doodii rafcaanlaha waxaanay ayiday go’aankii Maxkamadii
hoose. Waxaanay go’aamisay inaanu xeerkan FSIA haba yaraatee wax dhawrsanaan ka
siinayn in lagu soo oogo dacwad madani ah, xeerkanina aanu dhawrsanaan siinayn
saraakiisha shaqsi ahaantooda. Waxaanay maxkamadu sidoo kale xustay in
dhawrsanaanta xeerka koman lawgu ay yihiin qaar la dibiqi karo, iyadoo kiiskii
dib ugu soo celisay maxkamadii degmada ee bariga Virginia ( Court for Eastern
District of Virginia)
CJA
iyo dadkay adeegan sharci siinaysayba waxay u mahad celinayaan dhamaan dadkii
iyo uraradii la garab istaagay taageeradooda iyo dedaalkoogiiba sidii guushan
looga midho dhalin lahaa . Waxaananu mahad gaara siinaynaa waa qareenka
maxkamada sare ee Patricia Millet .
Hab-usocodkii
dacwada ee Maxkamada Degmada ee Degmada Bari ee Virginia
Markii
kiiskan dib loogu celiyay maxkamadii degmada, ayuu bilaabay Samantar inuu
codsado ishortaaga dib-udhaqaajinta dacwada isagoo ku doodayay inuu leeyahay
dhawrsanaanta komon lawgu siiyay iyo dhawrsanaanta madaxweyanayaasha dawladaha.
Waxaanu ku dooday in aanay maxkamadani ka garniqin Karin dacwadan maadaamay
leedahay wajiyo siyaasadeed. Waxa kale oo uu ku dooday in aanay dacwadani ku
dhisnay xaqaa’iq ku filan. Anaguna dhinacayaga waan kasoo horjeedsanay
codsigiisii ishortaaga, waanu soo gudbiyay jawaabcelintiisii. Maxkamadu waxay
ku muddaysay dhagaysigii dacwada 14 January 2011.
Markay
taariikhdu ahayd 6dii January 2011, xukuumada Maraykanka oo ay matalayay Waaxda
arimaha dibada ayaa usoo gudbisay Maxkamada codsi ay ku doonayso inay kus soo
dhexgasho dacwada, iyadoo sheegtay inay la soconayso arrinta dhawrsanaanta,
waxaanay Maxkamada codsatay inay doonayso in la siiyo waqti ay go’aan ku
gaadho.Bishii Feberuary 14keedii 2011,waxay Waaxda arimaha dibada ee Maraykanku
soo saartay waraaq ay ku sheegayso inaanu Samantar xaq u lahayn dhawrsanaanta
uu ku doodayo. Warqadan oo runtii ahayd mid muhiim ahayd sababtoo tani waxay
keenaysay inaanay xukuumadu soo dhexgalin dacwadan, maadaam oo aanay dhinac ka
ahayn, sidoo kale waa wax nadir ah in ay waaxda arimaha dibada soo dhexgasho
marka uu dacwaysanuhu aanu lahayn wax dhawrsanaan ah. Iyadoo maxkamadu ku
salaynaysa waraaqdii Waaxdii arimaha dibadu usoo gudbisay, waxay go’aamisay
inaanu Samantar lahayn dhawrsanaantii Xeerkii koman lawga ee uu ku doodayay.
Kadib
waxa loo soo daadagay asbaabihii kale ee horistaaga dacwadan ku codsanayay,
waxaanay Maxkamadu ka diiday codsigan.Ka dib dacwooduhu wuxuu ka daba qaatay
su’aalihiisii la xidhiidhay qiraalkii uu sameeyay Samantar, waxaanu waydiiyay
sababta uu u amray hawlgalladii
iyo
weeraradii habaysnaa ee lagu fuliyay dad rayida oo aan hubaysnayn, sida
jidh-dilka,kubsiga iyo dil-wadareedyadii (mass execution). Maxkamadu sidoo kale
waxay ka diiday codsigii uu samantar ku doonayay in dib u eegis loogu sameeyo
dhawrsanaantii koman lawga, April 29keedii, 2011, Samantar wuxuu qaatay rafcaan
deg-dega (interlocutory appeal), isagoo ku doodaya inuu leeyahay dhawrsanantii
koman lawga. Waxaanu Garsoore Brinkema uu soo saaray qaraar mudayn ah bishii
May 3deedii, isagoo diiday codsigii ishortaaga ee Samantar, isagoo ku
sababeeyay in aanu rafcaankiisan dag-daga ahi haba yaraatee wax nuxur ah ku
fadhiyin ( frivolous).
Dacwada
waxa loo mudeeyay inay bilaabanto Feberuary 21,2012. Ka dib markuu dhawr jeer
oo kale uu isku dayay inuu ishortaago dhagaysiga dacwada, kuna guul darraystay,
Samantar wuxuu 19kii Feberuary usoo si rasmi ah uu sheegtay inuu musallafay,
taas oo ku qasbaysa Maxkamadii waday dacwadda inay joojiso, dacwadana ka
dhigaysa mid ka baxsan ikhtisaaskeeda, Qareen ka tirsan CJA, ayaa geed dheer
iyo mid gaaban u fuulay sidii u ugu guulaysan lahaa inuu hakadkaas soo galay
habsocodkii dacwadda uga saaro, isagoo ku guulaysto isagoo ku guulaystay
codsigiisii ahaa in ay Maxkamadu dadajiso qaraarkeeda( emergency motion).
Waxaanay Maxkamadu qaraarisay dibudhagaysigii dacwada markay bishu febarwari
ahayd 23.
23
Feberuary, Samantar ayaa kasoo xaadiray maxkamada shakhsi ahaan, waxaanu ka
dalbday inay Maxkamadu xukunka ku rido dacwoodaha ( entry of default), maadaamo
oo uu iman waayay. Garsoore, Brinkema ayaa suaalo toosa waydiiyay Samantar oo
la xidhiidha waxyaabaha loo sheeganayo.
Ka
dib wuxuu ogaaday inuu Samantar dhaawacyadihii soo gaadhay dacwoodaha,
sidaasbaanu usii waday dacwadda Garsoore Brinkema. CJA iyo qareenada Akin Gump
ayaa maxkamada hor keenay wixii marag muujin ah ee ay hayeen dacwoodayaashayadu
iyo markhaatiyaal dhawr ah oo muhiim ahaa..
Halkan
ka akhri xukunka maxkamada ee 21$ milyan ee doolar ee magdhawga ah.
Maxkamada
Rafcaanka( fourth circuit) oo mar kale diiday dhawrsanaantii,
Markii
uu ka guul darraystay doodiisiii dhawrsanaanta saraakiisha shiisheeyaha ah ee
ku salaysnayd xeerkiii FSIA, Maxkamada sarana uu quus goysay, Samantar muu
noqon mid sidaa ku hadhee wuxuu bilaabay inuu rafcaano kala danbeeyay qaato, si
uu mar uun u horistaago dacwadan lagu oogayo, Samantar markan wuxuu u rafcaan
qaatay Maxkamada Rafcaanka ee loo yaqaano ( Fourth Circuit Court), balse kadib
markii Waaxda Arimaha Dibada ee dalka iyo weeraradii habaysnaa ee lagu fuliyay
dad rayida oo aan hubaysnayn, sida jidh-dilka,kubsiga iyo dil-wadareedyadii (mass
execution). Maxkamadu sidoo kale waxay ka diiday codsigii uu samantar ku
doonayay in dib u eegis loogu sameeyo dhawrsanaantii koman lawga, April
29keedii, 2011, Samantar wuxuu qaatay rafcaan deg-dega (interlocutory appeal),
isagoo ku doodaya inuu leeyahay dhawrsanantii koman lawga. Waxaanu Garsoore
Brinkema uu soo saaray qaraar mudayn ah bishii May 3deedii, isagoo diiday
codsigii ishortaaga ee Samantar, isagoo ku sababeeyay in aanu rafcaankiisan
dag-daga ahi haba yaraatee wax nuxur ah ku fadhiyin ( frivolous).
Dacwada
waxa loo mudeeyay inay bilaabanto Feberuary 21,2012. Ka dib markuu dhawr jeer
oo kale uu isku dayay inuu ishortaago dhagaysiga dacwada, kuna guul darraystay,
Samantar wuxuu 19kii Feberuary usoo si rasmi ah uu sheegtay inuu musallafay,
taas oo ku qasbaysa Maxkamadii waday dacwadda inay joojiso, dacwadana ka
dhigaysa mid ka baxsan ikhtisaaskeeda, Qareen ka tirsan CJA, ayaa geed dheer
iyo mid gaaban u fuulay sidii u ugu guulaysan lahaa inuu hakadkaas soo galay
habsocodkii dacwadda uga saaro, isagoo ku guulaysto isagoo ku guulaystay
codsigiisii ahaa in ay Maxkamadu dadajiso qaraarkeeda( emergency motion).
Waxaanay Maxkamadu qaraarisay dibudhagaysigii dacwada markay bishu febarwari
ahayd 23.
23
Feberuary, Samantar ayaa kasoo xaadiray maxkamada shakhsi ahaan, waxaanu ka
dalbday inay Maxkamadu xukunka ku rido dacwoodaha ( entry of default), maadaamo
oo uu iman waayay. Garsoore, Brinkema ayaa suaalo toosa waydiiyay Samantar oo
la xidhiidha waxyaabaha loo sheeganayo.
Ka
dib wuxuu ogaaday inuu Samantar dhaawacyadihii soo gaadhay dacwoodaha,
sidaasbaanu usii waday dacwadda Garsoore Brinkema. CJA iyo qareenada Akin Gump
ayaa maxkamada hor keenay wixii marag muujin ah ee ay hayeen dacwoodayaashayadu
iyo markhaatiyaal dhawr ah oo muhiim ahaa.
Halkan
ka akhri xukunka maxkamada ee 21$ milyan ee doolar ee magdhawga ah.
Maxkamada
Rafcaanka( fourth circuit) oo mar kale diiday dhawrsanaantii,
Markii
uu ka guul darraystay doodiisiii dhawrsanaanta saraakiisha shiisheeyaha ah ee
ku salaysnayd xeerkiii FSIA, Maxkamada sarana uu quus goysay, Samantar muu
noqon mid sidaa ku hadhee wuxuu bilaabay inuu rafcaano kala danbeeyay qaato, si
uu mar uun u horistaago dacwadan lagu oogayo, Samantar markan wuxuu u rafcaan
qaatay Maxkamada Rafcaanka ee loo yaqaano ( Fourth Circuit Court), balse kadib
markii Waaxda Arimaha Dibada ee dalka maraykanku usoo jan-jeedhsatay dhinacii
dacwoodaha, maxkamadii dacwadan dhagaysanaysay waxay kasoo qaaday rafcaankiisan
mid haba yaraatee wax nuxura ku fadhiyin, isla markaana waxay ku adkaysatay
inuu kiisku halkiisii kasii socdo. Maxkamada Rafcaankana waxay dhagaystay
rafcaankan bishii May 16dii 2012.
Novembar
2dii, 2012, Maxkamadu rafcaanku ee (Fourth circuit) waxay markale ayidday
doodii dacwooodahu kaga soo horjeeday Generaalkii hore ee Somaliya Mohamed Ali
Samantar. Guushan taariikhiga ahi, waxay diirada saartay ilaa heerka ay
gaadhsiisantahay dhawrsanaanta uu damaanad qaaday xeerka Koman lawgu, Waxaanay
Maxkamadu rafcaan go’aamisay in aan qofna danbiyadii uu galay ka war-wareegin
karin la xisaabtankooda iyo wixii magdhaw ah ee ka dhashaba.
____________________________________________
[1]
Tallaabooyin rasmiya: waa go’aamada iyo tallaabooyinka uu qaato sarkaal
dawladeed marka uu xilka hayo
[2]
Subpoena: waa qaraar ama go’aan ay maxkamadu ku amrayso qof ku horyimaado
maxkamada si uu uga maragfuro hortaala. Sidoo kale waa amar maxkamadeed oo lagu
farayo qof inuu maxkamada hor keeno dokumantiyo marag-furo ama caddayn ah,
NB:Waxaan
af soomali ahaan usoo gaabsaday amar caddayn-keenis ah, ama marag-keenis.
[3]
Waa xeer dawlada fedaraalka ee maraykanku soo saartay 1976kii oo maamula
dhawrsanaanta la siiyo saraakiisha shisheeyaha ah, kuwaas oo ay ku jiraan
safiirada,safaaradaha iyo haayadaha shisheeyaha ah.
4.
fourth circuit: waa maxkamada rafcaan oo oo ikhtisaaskeedu yahay inay
dhagaysato rafcaanada laga soo qaato 24 degmo oo ku yaala badhmtamaha North
Carolina.
No comments:
Post a Comment