MUDDO-KORDHINTA IYO SHARCIYADDEEDA
Talaabada ugu mudan ee xubnahan cusub ee KDQ
u taalay July 2022 markii la magacaabay waxay ahayd cayimaada maalinta
qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo sida sharciga ah ay waajib tahay in ay
dhacdo November 2022 gudaheeda. Haseyeeshee, imika taasi suurtogal ba maaha
lamana cayimi karo in doorashada Madaxtooyadu ay dhacayso November 2022
dhexdeeda sababtoo ah:-
1)
Sida
uu dhigayo Qod. 6(2) Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Xeer Lr. 91/2020), "KDQ iyagoo ku saleynaya bil kahor dhammaadka
muddo-xileedka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa (November 2022) waa in ay
cayimaan maalinta ay qabsoomayso doorashada Madaxtooyadu 120 maalmood kahor
maalintaa ay doorashadu dhacayso." Hadda 66 maalmood oo keliya ayaa innaga xiga 13ka
November 2022ka oo ah maalinta ugu dambeysa wakhtiga ay sharci ahaan waajibka
ahayd in la qabto doorashada Madaxtooyada November 2022. Waxaa markaas cad in
doorashadu aanay xitaa December 2022 dhacayn ama qabsoomi karin oo sannadka 2023
innoogu soo gelayo iyadoon doorashadu qabsoomin.
2)
Haseyeeshee,
sida ku cad Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020, KDQ hawsha imika u taalaa waa in ay
caddeeyaan in aanay doorashada Madaxtooyadu qabsoomi karin 2022 isla markaana
ay diyaariyaan warbixinta duruufaha iyo
asbaabaha farsamo (technically) ahaan aanay suurtogal u ahayn in doorashada
wakhtigeedii lagu qabto, soona jeediyaan jadwalka ama wakhtiga ay doorashadu ku
qabsoomi karto. Waxaana markaas sida lagu jideeyey Qod. 6(3) Xeer Lr.
91/2020 Golaha Guurtida waajib ku noqonaysa in
iyagoo ku goaan qaadanaya soojeedinta KDQ isla markaana la tashanaya, uu
kordhiyo muddo-xileedka Madaxtooyada haddii ay caddaato in farsamo ahaan aanay
doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomi karin wakhtigii loo asteeyey ama ay jirto
duruuf kasta oo ka baxsan xaaladdaha ku xusan Qod. 42aad iyo 83aad Dastuurka.
Sidaas darteed, maalinta ay doorashada
Madaxtooyadu qabsoomaysaa waxay noqonaysaa bil kahor dhammaadka
muddada-lagu-kordhiyo muddo-xileedka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Waxaana
sida waafaqsan Qod. 6aad Xeer Lr. 91/2020 maalintaas u cayimi doona KDQ oo
120 maalmood kahor maalintaas ay
cayimeen in doorashadu ay qabsoomi doonto u gudbin doona Madaxweynaha oo isna
15 maalmood gudahood kusoo saari doona Digreeto.
Sida ku cad Qod. 62(10) iyo 63(2) Xeer Lr.
91/2020 doorashada Madaxtooyada waxa shardi u ah in ay jiraan xisbiyo ansax ah
oo diiwaangashan sababtoo ah xubnaha isku sharaxaya doorashada Madaxweynaha iyo
kuxigeenkiisu waa in ay xubin ka yihiin xisbiyo ansax ah oo diiwaangashan, si
kale haddaan u idhaahdo xisbi uun baa layska sharaxi karaa doorashada
Madaxtooyada balse urur layskama sharaxi karo..
DIIWAANGELINTA IYO KALA REEBIDA URURRADA SIYAASADDA
Sida ku cad Qod. 9aad ee Dastuurka JSL nidaamka siyaasaddeed ee dalka waxa saldhig
u ah NABAD, TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD iyo HANNAANKA XISBIYADA BADAN.
waxaanu dastuurku tirada xisbiyada siyaasaddeed ee dalka ku koobay in aanay ka
badan 3 xisbi. Qaabka loo abuuri karo xisbi siyaasaddeedna wuxuu dastuurku
tilmaamay in lagu habeeyo xeer gaar ah balse ay reeban tahay in xisbi lagu
dhiso gobollaysi iyo qabyaalad. Nidaamka
ay muwaadiniintu iskugu habeyn karaan ama u abuuri ururada siyaasaddeed,
uguna tarfami karaan in ay ka mid noqdaan 3daas xisbi ee qaranka waxa aad loogu
faahfaahiyey xeer gaar ah oo ah Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta
Siyaasadda (Xeer Lr.14/2011).
Waxaanu xeerku waajibinayaa in lixda bilood ee ugu dambeeya dhammaadka
muddada 10ka sanno ah ee ruqsadda xisbiyada qaranka la furo diiwaangelinta
ururada siyaasadda. Saddexda Xisbi ee hadda jira oo kala ah KULMIYE,
WADDANI iyo UCID ayaa noqday saddexdii urrur/xisbi ee doorashadii Degaanka ee
sannadkii 2012kii ku guuleystay in ay noqdaan 3da Xisbi ee qaranka, waxaana
ruqsadda xisbinimo la siiyey 26kii Diisember 2012. Waxa maalintaas u
bilaabantay muddadii 10ka sanno ahayd ee ay xaqa u lahaayeen in ay ahaadaan 3da
Xisbi ee qaranka, waxaanay muddadaasi ku eegtahay 26ka Diisember 2022ka. Si sharci ah ayaa loo furay diiwaangelintii
ururrada siyaasadda. Waxaana urruradii loo diiwaangeliyey si waafaqsan habraaca
diiwaangelinta urrurada siyaasadda ee uu jidaynayo Qod. 4aad ee Xeer
Lr.14/2011. Marxaladdaas hore ee qabashada araajida iyo diiwaangelinta urrurada
siyaasadda waxa ka soo gudbay oo shuruudahii ururnimo buuxiyey 15 urur oo la
siiyey ogolaanshaha kumeelgaadhka ah oo ay ku hawlgeli karaan muddo cayiman..
Imika waxaynu ku jirnaa marxaladdii 2aad ee
diiwaangelinta iyo kala-reebista ururrada sida ku cad Qod. 5aad Xeer Lr. 14/2011 waana marxalad – marka
laga reebo qabashada shirweynaha guud
iyo furista iyo hawlgalinta laamaha iyo
xafiisyada ururka oo si gaar ah loogu kala reebayo urrurada siyaasadda – ay
urrurada la diiwaangeliyey iyo xisbiyadii ruqsadda haystayba ay ku-meelgaadh
yihiin, kana siman yihiin fulinta shuruudaha iyo talaabooyinka looga baahan
yahay in ay muddo cayiman fuliyaan, una gudbiyaan KDQ. Waana marxaladda aynu hadda
ku guda jirno oo ay ugu horeyso qabsoomida shirweynayaashii urrurada oo 09/09/2022
dalka bilaabmay. Intaasi wax muran ah lagama keenin waana sharci.
TARTANKA URURRADA: DOORASHO URURRO OO TOOS AH
MISE DOORASHO DADBAN OO DOORASHO KU SIDKAN.
Nidaamkeena siyaasaddeed ee doorashooyinka
iyo shuruucda dalkeena meelna kagama jirto doorasho la yidhaa DOORASHADA TOOSKA
AH EE URURRADA SIYAASADDA. Hadal haynteedana waxa innoogu horeysay markii
laysku sidkay labadii doorasho ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada 2021 ee
taariikhda doorashada deegaanka markii ugu horeysay aanay ururro ku tartamin
sababtuna ay ahayd in aan la gaadhin lixdii bilood ee ugu dambeeyey dhammaadka
muddada ruqsadda xisbiyada. Sidaas darteed ayey 3da xisbi ugu tartameen
doorashadii deegaanka ee qabsoontay 2021ka.
Xukumaddu waxay isku dayday in ay Waxkabadelkii
Xeer Lr.14/2021 ku sharciyeyso DOORASHADA TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA. Waatii
labada gole ee baarlamaanku ay ansaxiyeen. Haseyeeshee, nasiib-darro uu Madaxweynaha
xafiiskiisa ku saqiiray markii uu Madaxweynahu muddadii 21ka casho ahayd ee uu
dastuurku xaqa u siiyey in uu ku saxeexo ama ku soo celiyo baarlamaanka isagoo
aan midnaba yeelin ay dhammaatay.
Ilaa hadda sida xeerarkeena doorashooyinku ay
ka siman yihiin, nooca doorashada ay ku tartamaan axsaabta ama urrurada
siyaasadda Soomaaliland waa mid dadban oo aan ururka si toos ah loogu
coddeynayn balse tartankoodu uu ku sidkan yahay doorashada Golayaasha
Deegaanka. Majiro xeer jideynaya in doorasho toos ah ay ku tartamaan urrurada
siyaasaddu ilaa maanta.
Xeer Lr.14/2011 iyo Xeer Lr.91/2020 waa
labada xeer ee aynu wax ku doorano. Midkoodna ma jideynayo doorasho toos ah oo
urrurada toos loogu codeynayo. Asbaabta keli ee doorashadan loo daliishanayaa
waa in Maxkamadda Dastuuriga Qarraarkeedii ay soo saartay 16/01/2022 ay ku go’aamisay “in doorashada
ururrada siyaasadda ay noqonayso mid [Doorasho] Toos ah”. Haseyeeshee, qaabka
ay ururradu u tartamayaan ee xisbiyadu u abuurmayaan maaha mid ay maxkamaddu
awood u leedahay in ay dejiso. Sidoo kale maxkamadda ama garsoorku guud ahaan
awood uma laha ay wax kaga badelaan xeerarka dhaqangalka ah. Waana awood u gaar
ah Waaxda Xeer-dejinta sida waafaqsan Qod. 37(2) ee Dastuurka JSL. Qod. 9(3) ee
Dastuurkuna wuxuu si cad u sheegay in
XEER lagu habaynayo qaabka ay ururradu u tartamayaan ee loo furan karo xisbi
siyaasaddeed. Xeerkaasina waa Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta
Siyaasadda (Xeer Lr.14/2011).. Su’aashu waxay tahay Qaraarka Maxkamaddu ma xeer
baa? Maya! Maxkamaddu se Xeer ma dejin kartaa? Maya! Xeerarka doorashooyinka ee
jidaynaya in tartanka urruradu uu yahay mid ku sidkan doorashada Goleyaasha
Deegaankana, qaraar maxkamaddeed waxba kama badeli karo, waxaana waajib ah in
maxkamadda go'aankeedu uu xeer ku dhisnaado isla markaana aanu jidayn wax aanu
xeer jidayn.
Qod. 1aad ee Xeer Lr.14/2011 wuxuu kelmada “URUR
SIYAASADEED” ku qeexay "Koox
muwaadinin ahoo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu diwaangeliya Urur ahaan SI AY
UGA QAYB QAATAAN DOORASHOOYINKA GOLAYAASHA DEEGAANKA KAHOR INTA AAN LOO AQOONSAN
XISBIYO QARAN. Halkaas waxa ka cad in tartanka ururradu uu yahay in ay isu
diiwaangeliyaan kana qaybgalaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
Sidoo kale sida ku cad Qod. 1aad ee Xeer
Lr.91/2020, xeerka guud ee doorashooyinka waxa ku cad inta doorasho ee uu
xeerku jideeyey. Waxaanu Qod. 1aad kelmada "DOORASHOOYINKA QARANKA"
ku qeexay "Habka codbixiyayaashu ku
soo doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha, mudanayaasha Golaha
wakiilada iyo golayaasha deegaanka, iyada oo lagu go’aan qaadanayo aqlabiyada
codadka la kala helay." Halkaasna
waxa ka cad in aanay jirin saddexda doorasho ee Madaxtooyada, Wakiillada iyo
Deegaannada mooyee doorasho kale oo lagu dooranayo ururrada siyaasadda oo uu
xeerku jideeyey. Qoladan ku xabeebtay waa in la qabtaa doorashadii ururrada
lagu dooranayey ee weliba ku dooddaysa sharciga sidiisa ha loogu dhaqmo bal ha innoo
sheegaan doorashadan tooska ah ee ururrada xeerka jideeyey ee loo raacayo? Xeer
ba iska daayo hal qodob oo sharci ah oo jideeyey in ururrada toos loogu codeynayo
ama loo dooranayo majiro.
4 XAQIIQO OO RUN AH UNA BAAHAN IN LA WAAJAHO IYO XALKOODA?
Xaqiiqaha runta ah ee aynu u baahanahay in sharci
ahaan la wajaho oo xalkooda laga shaqeeyaa kuma koobna afartan qodob ee hoos ku
faahfaahsan, balse iyagu keliya kuwa ugu culus ee in la dul istaago mudan:-.
1) DOORASHADA MADAXTOOYADU FARSAMO AHAAN UMA
QABSOOMI KARTO SANNADKAN 2022 sababtoo ah 66 maalmood ayaa innaga xiga maalinta
ugu dambeysa (13/12/2022) wakhtiga uu sharcigu waajibiyey in ay dhacdo
Doorashada Madaxtooyadu, waxaana waajib ahayd in KDQ ay cayimaan maalinta
Doorashadu qabsoomayso 120 maalmood kahor maalintaas. 54 maalmood kahor - bishii Julaay badhtankeedii - ayey ahayd in
la cayimo maalinta doorashadu dhacayso. Sidaas darteed, haddii aanay doorashada
Madaxtooyadu farsamo ahaan u qabsoomi karin wakhtigii loo asteeyey in ay
qabsoonto. iyadoo xitaa aanay jirin xaaladdaha ku xusan Qod. 42aad iyo 83aad ee
dastuurka, wuxuu xeerku waajibinayaa in Golaha Guurtidu uu Muddo-xileedka
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka kordhiyo kuna saleeyo wakhtiga ay KDQ soo
jeediyaan in ay ku qaban karaan doorashada sida ku cad Qod. 6(3) Xeer Lr.
91/2020. Taasi waa mid kamid ah xaqiiqooyinka runta ah xalkeeduna waa
muddo-kordhintaas uu waajibiyey Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020.
2) DOORASHADA MADAXTOOYADU MA QABSOOMAYSO ILAA
LA HELO 3 XISBI OO ANSAX AH sababtoo ah
sida ku cad Qod. 62(10) iyo Qod. 63(2) Xeer Lr. 91/2020 shuruudaha
Murashaxiinta Doorashada Madaxtooyada waxa kamid ah oo shardi u ah in qofku uu
xubin ka yahay iskana soo sharaxay xisbi ansax ah, waxaana liiska murashaxiinta
Doorashada Madaxtooyada gudbin kara oo ka qaybgeli kara oo keliya xisbi ansax
ah. Xaqiiqada runta ah waxay tahay in 26ka Diisambar 2022 ay dhacayso ruqsada
3da Xisbi oo aanay jirayn Xisbiyo Ansax ah oo ka qaybgeli kara Doorasho
Madaxtooyo. Xalkeeduna waa in la helo Xeer Jideeya Doorashada ururrada
Siyaasaddeed oo kadibna doorashadaas la qabto. Macnaha waa in marka hore la
qabtaa doorasho ay urrurada/xisbiyadu ku tartamaan oo 3 kamid ah ay Xisbinimo u
soo baxaan. 3daas xisbi ee ansaxa noqda uun baa murashaxiintooda Madaxweynenimo
iyo kuxigeennadoodu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada
3) MAJIRTO DOORASHO SI TOOS AH URRURO LOOGU
DOORTO OO XEERARKEENU DOORASHADU AY JIDEEYEEN oo ay xitaa meel keli ah ku
xuseen. In Ururro ku tartamaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ayey xeerarkeenu
jideeyeen kumana ay qeexin umana aqoonsana wax ka baxsan doorashada Goleyaasha
Deegaanka oo ay ururro ku tartamaan. Doorasho Toos ah oo urrurada lagu kala
doorto loona codeynayo ururka laftiisa waa wax qurux badan oo aynu ku kordhin
karno xeerarkeena haddaynu danteena u aragno oo ay inna cajabisay. Waxay keliya
u baahan tahay waxkabadel lagu sameeyo xeerarka doorashooyinka si loo helo xeer
jidaynaya in ay urrurada siyaasaddu ku tartamaan doorasho toos ah oo lagu kala
doorto ururrada laftooda. Xaqiiqada runta ahna waa in ilaa waxkabadel iyo
kaabis lagu sameeyo xeerarkeena doorashooyinka oo lagu kordhiyo in ururrada
siyaasaddu ay ku tartamayaan doorosho toos ah oo loogu kala coddaynayo aanay
sharci ahayn doorashadan tooska ah ee ay hadda ururradu isku
diiwaangeliyeen. Xalkuna waa in Goleyaasha
Xeerdejintu ay wax ka badel iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka doorashooyinka
kadibna sidaas lagu galo doorashada urrurada markaas kadibna la qabto
Doorashada Madaxtooyada.
4) DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO TARTANKA URURRADA
SIYAASADDA LAYSKUMA SIDKI KARO
Waa
run in sida ku cad Qod. 6aad Xeer Lr.91/2020 sharci ahaan ay KDQ mar wada qaban karaan laba doorasho iyo
ka badan sida Madaxtooyada iyo wakiillada, Madaxtooyada iyo Deegaanka wakiillada
iyo deegaanka ama xitaa Madaxtooyada, wakiillada iyo deegaanka ba isku hal mar
ayaa la wada qaban karaa haddii ay haboonaato. Haseyeeshee, xeerarkeena
doorashada hadda meelna kagama jirto oo ma aqoonsana doorasho la yidhaa DOORASHADA
TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA oo 3daas doorasho ee aan sheegay ka baxsan
weliba labada doorasho ee Madaxtooyada
iyo Wakiillada marnaba lalama qaban karo ama laguma sidki karo tartanka ay
ururradu ugu tartamayaan xisbinimada sababtuna waxay tahay in xeerarka
doorashooyinku ay imika dhigayaan in labadaas doorasho ee Madaxtooyada iyo
Wakiillada ay ku tartami karaan xisbiyo qaran oo ansax ah. Macquulna maaha in tartankii xisbinimada
iyo Doorashooyinkaas ay xisbiyadu ku
tartamayaan hal mar la wada qabto. Doorashada keliya ee ay hadda xeerarkeenu
bannaynayaan in lagu sidko tartanka ururradu waa Doorashada Goleyaasha
Deegaanka. Haddii la maarmi waayo oo ay khasab noqoto se xalka keliya ee la
heli karaa waa in wax laga badelo xeerarka doorashooyinka oo la banneeyo in
ururada siyaasaddu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada, markaas kadib
waa laysku sidki karaa doorashada madaxtooyada iyo tartanka ururrada loomana
baahanayo urur la doorto ee ururka ku guuleysta Madaxtooyada iyo labada urur ee
ku soo xiga codadka – saddexda urur ee ugu codka bata – ayaa noqonaya 3da Xisbi
Siyaasaddeed ee dalka 10 sanno ee socda.
DANNEEYEYAASHA IYO DHALIISHOODA
Sida aan kor ku sheegay ee ku cad Qod. 9aad
ee Dastuurka JSL “Nidaamka siyaasaddeed
ee dalka waxa saldhig u ah NABAD, TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD iyo HANNAANKA
XISBIYADA BADAN” Waxaad moodaa danneeyeyaasha siyaasadda iyo goleyaasha
qaranku ba in aanay sidaa u fahamsanayn oo aan afartaas mabda’a marnaba la wada
xasuusnayn in ay nidaamkeena siyaasaddeed saldhig u wada yihiin oo inta badan
ay dhacdo in dhinac isagoo mid difaacaya uu inta kale ka talaabsado, dhinaca
kale sidaas si lamid ah uu u dhaqmo.
MADAXWEYNAHA IYO XUKUMADIISA – Sida ku cad
Qod. 90aad ee Dastuurka JSL “Madaxweynuhu waa
madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan
Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka;
ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta
maamulka Dawadda” Si
uu xilkaas u gudan karo ayaa loo siiyey dhammaan awooddaha kale ee uu dastuurku
jideeyey. Waa in uu ogaadaa in TALOWADAAGU uu yahay mabda’ dastuuri ah oo
weliba kamid yahay mabaadi'da aasaasiga u ah nidaamkeena siyaasaddeed. Haddii uu
TALO-WADAAG la iman waayo oo aanu cidna tallo ka qaadan ha ogaado in uu
dastuurka khilaafay oo aanu dadka u sheegi karin in uu sharciga ku dhaqmayo.. Madaxweyne
aan TALOWADAAG lahayn.ama ogolayn nabad baan ilaalinayaa ma odhan karo, dimuqraadiyad
baan ku dhaqmayaana cid ka rumaysanaysaa
majirto. Xaaladan oo kalena waxaa sharci
ah oo wax walba ka sarreeya wixii TALOWADAAG lagu go’aamiyo – Ilaahayna SWT wuu ammaanay kuwa TALOWADAAG
wax ku go’aamiya “wa amruhum shu’raa baynahum.”
LABADA XISBI MUCAARAD – Ha xasuusnaadaan in mabaadi'da
dastuuriga ee nidaamkeena siyaasaddeed saldhiga u ah ay ugu horeyso uguna mudan
tahay NABADU. Waa in ay adeegsadaan nidaamka dawladnimo ama Goleyaasha Qaranka
marka ay doonayaan in ay xukumada dariiqa saxda ah ku korjoogteeyaan.
Qabsoomida Doorashooyinka waxa ugu muhiimsan in loo adeegsado awoodda iyo
kantaroolka Goleyaasha sharci dejineed oo khasbi kara in doorasho ay
wakhtigeeda ku dhacdo balse doorasho kuma qabsoomi mayso in hab qabiileysan
dadka ay u kiciyaan, carruur iyo haweena bileyska laga horkeeno – NABADA ayuun
baa ku wiiqanta, doorashooyinkuna dib ayuun bay u dhacaan. In ay si fiican u
adeegsadaan goleyaasha sharci dejinta oo wixii ay ka hortagayaan xeer kaga
hortagaan, wixii ay doonayaana xeer ku dhigtaan ayay xukumada ku kaantarooli
karaan oo ay mucaaradnimadooduna macno ku samaynaysaa. Haseyeeshee, nasiib-darro
intaas xukumadda ayaa fahamsan oo iyaga u adeegsanaysa balse iyagu ma
fahamsana.
XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA – Xisbi, qabiil iyo qoys midna
kama wakiil aha, umana ay dhaaraan. Ha ogaadeen in sida ku cad Qod. 39aad
Dastuurka JSL ay yihiin “Xubno ka wakiil ah
dadweynaha; oo ah Xeer-dejinta dalka, ansixiya xeerarka, oggolaada oo ilaaliya
siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka” Xilka
saarani waa mid ka culus makarifoonka oo laga hadlo iyo warbaahinta oo laga
muuqdo. Mustawahoogu muu ahayn in ay ku sifoobaan Maanta diidda berrina ogolaada, waa ceeb sidaasi. Waa ayo cidda ay ka sugayaan xeerar lagu kala
baxo oo xal u noqda muranka siyaasaddeed? Xeerkii Doorashada Ururrada lagu
galayey ma qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ayey u aqoonsadeen? Miyaan iyaga
laga sugayn? Miyaanay iyaga ahayn kuwii
keeni lahaa xalka doorashooyinka Madaxtooyada, Guurtida iyo Tartanka
ururrada oo dhammaantood muddo dhaaf noqonaya haddii la gaadho January 2023? Mise
xaalkoodu waa ILAAHAYOOW J8D U BIXI? Ha
fahmaan in 1) cid aan iyaga ahayni aanay xeer dejin karin 2) Siyaasad guud oo
aanay iyagu ogolaana aan dalka lagu hoggaamin karin. Hadday intaas fahamsan yihiin qaraarka
maxkamadda dastuuriga ah kama ay aamuseen, iyadoon xeer jideeyey ba jirin
ururro siyaasaddeedna doorasho toos ah oo lagu kala doorto isuma
diiwaangeliyeen, xubin ay cod ku diiddeen laguma soo celiyeen oo aqlabiyad kuma
ay ansaxiyeen. Markaa iyaga waxaan keliya leeyahay WAX FAHMA WAX BAA HORTA LA
FAHMAAYE kahor intaan makrafoon la qabsan, shaashadna aan laga muuqan.
URURRADA SIYAASADDA – Annaga (dadweynaha)
ayaad naga mid tihiin, xaq baynu u leenahay in aynu siyaasadda ka qayb-qaadano –
la inna doorto, waxna aynu doorano. Waa run saddexdan xisbi ee qaarkood 20
sanno ay ummadda soo hortaagaanaayeen way ka leexdeen nidaamkii sharci ee
dalka. Waa xusbiyo reereed oo wakhtigoodii dhacay, ka yeeli mayno in ay iyaga u
sii xidhnaato saaxada siyaasaddeed. Hal su’aal ayaan se idinka idin weydiinayaa
Maxaad kaga duwan tihiin oo aad soo kordhinaysaan hadday daan goboleysigii iyo
qabyaaladii uu dastuurku reebay ka tegin? Doorashadan se Xukumaddu idin tidhi
waad ku tartamaysaan xeerkee jideeyey oo loo raacayaa? Xeerarka Doorashooyinka
se miyey ka horimanaysaa mise way waafaqsan tahay? Haddaanu jirin xeer
doorashada ururrada jideeyey isla markaana aanay waafaqsanayn xeerarka
doorashooyinka maxaad yeelaysaan? Miyaad iska gelaysaan? Iyagana waxaan
leeyahay Alif koow ku xumaaday, albaqruu ku dhibaaye, waxa
maanta innoo daran doorasho aan darjeexahayn oo xeerarkeenu dejiyaan, doorasho loo
diyaar yahay, doorasho aan dirsooc jirin, doorasho aan innooga sii darin, isku
soo ururriyoo WAXAYNU DOONAYNAA DOORASHO, DOORASHO DHAANTA KUWII HORE. Waxa
la idinka rabaa in aad daartaan oolkii ragga idinka dambeeyaa ninba dogob uu kor
dhigi lahaa.
WABILLAAHI TAWFIIQ
W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco, Soomaaliland.