Pages

Wednesday, August 21, 2013

Waxii Dastoorku uu ka Aammusay waa Xalaal - Maxaa La Diidday? Gole Mise Talobixin. W/Q. Rashiid Sh. Cabdillahi (Gadhweyne)


Rashiid Sh. Cabdillahi (Gadhweyne)

Gole la yidhi waa talo-bixin iyo toosin bay niman ku dhawaaqeen. Waa niman ka mid ahaa hormoodkii halgankii uu hoggoominayey ururkii SNM ee la la galay Kelitalintii Siyaad Barre; waa na niman kollayba anigu aan uga qaadan karo ujeeddada talo-bixinta iyo toosinta ay sheegteen, talodoodu wax kasta ha noqotee. Diidmo qayaxan baa ka soo yeedhay xukuumaddii Soomaaliland iyo niman ka tirsan goleyaasha Wakiilladda iyo Guurtida. Maxaa la diiday, ma talo-bixinta iyo toosinta nimanku sheegteen mise wax kale? Nimanka golaha sheegtay, sida aan ka arkay ee ka maqlay warbaahinta la iska arko, waxay sheegeen in ay soo saareen qodobbo lix iyo toban ah, ma seaan arag anigu qodobadaas oo ka ma aan hadlayo.

Waxa aan tixraacayaa niman goleyaasha ah oo si adag uga hor-yimid iyo xukuumadda oo warku igu soo gaadhay in ay go’aan diidmo ah ka soo saartay. Xukuumadda iyo nimanka goleyaashu waxa ay si gaar ah uga sanqadhinayeen ereyga Gole oo ay yidhaahedeen dalka laga ma samayn karo gole aan ahayn kuwa dastoorka qaranka ku xusan – Wakiillada, Guurtida iyo Degaanka. Waxay dooddoodu ahayd dastoorku Goleyaashan kor ku xusan oo qudh ah ayuu sheegayaa, Golehii kale ee laga barbar sameeyaa na waa sharci-darro.

Ma odhan karnaa waxa la diiday waa ereyga Gole, sidaas darteed arrintu ba way fududdahay oo waxay ku siman tahay ereyga Gole oo la beddelo? Waxay ila tahay, in kasta oo aan si cad loo diidin talobixinta iyo toosinta, natiijadu iyada ayey noqonaysaa; gaar ahaan se waxay u badan tahay in laga didsan yahay koox isu ururtay oo si buuxda uga madaxbannaan dawladda iyo goleyaasheeda. Waxay arrintani ina tusinaysaa masakax u heellan dhinaca kelitalinta, taas oo aanan ku gaar yeelaynin madaxda goleyaasha dawladda ee aan u arko jinni-boqornimo Soomaaliba, dhammaanteen inagu xooggan. Aad iyo aad bay u yar tahay in aad aragto qof Soomaaliyeed oo kal furan ku dhegeysanaya fikrad tiisa ka soo horjeedda ama xataa ka duwan.

Qofkii jago awoodeed ku fadhiyaana wuu ka sii xag jiraa, waayo lexojeclada ka haysa jagada ayaa diqdiqda oo ku riixda in uu dirir u qaashaarto (waa kaftankii Alle ha u naxariistee Dhoodaane). Soomaaliland, oo aynu ku faanno nabadda gudaheenna iyo hannaan dimoqraaddiydeed, ayeynu haddana in badan uga soo joognay isqabad jiq la isku noqday, ayna luqadii lagu wada hadlayey noqotay cambaar la ismarmariyo iyo dembiyo la isku raro. Waa fal- dhaqan dhinaca kelitalinta u jiidan oo siyaasadda Soomaalida, meel kasta, raadayn ku leh. Marka madaxda loo tago waxa ku sii weyn aragtida ay wadato koox isu ururtay.

Waxa aan si weyn ugu malaynayaa, haddii odayaasha talobixinta iyo toosinta wata, midkood kelidii la hadli lahaa dawladda, in aanay sidaas uga diddeen, in kasta oo aan filayo in aanay ka hoos-qaaddeen. Waxaa madaxda qaranka ka nixiyey waa kooxda wada socota. Haddii dhakhsoba loo hawlgeliyey odayaal qabiil oo mid waliba lagu yidhi ka reerkaaga ka soo jiid kooxda, waa ii marag. Haddii aanay jirinna kollayba runi meesheeda ayey taal. Tu kale na waa diidmada meesha loo sibir- saaray. Waxaa la yidhi dastoorku ma sheegin gole aan ahayn saddexda aynu xusnay, sidaas darteed kii kale ba waa sharci-darro. Marka hore ereyga Gole ma aha erey cusub oo uu xeer-dejiyaha dastoorku meel madhan ka abuuray, balse waa erey afsoomaaliga sidiisa uga mid ah.

Ayada oo aanay Soomaalidu aqoonnin dastoor qaran leeyahay iyo baarllamaan, ayuu ereyga Gole ku jiray afka Soomaaliga. Afka na la ma kala laha; ereyadiisa iyo ereybixintiisa na dawladi ma xukunto.
Cid kasta oo bulshada Soomaaliyeed ahi waa ay qaadan kartaa ereygii ay doonto oo danaheeda waa ay u adeegsan kartaa. Sidaas darteed ereygaGole ciddii doontaa inta ay qaadato ayey ujeeddadeeda ku tiirin kartaa ama dheh ku xidhiidhin kartaa. Wayna jirtaa taasi oo tusaale ahaan shirkad ku dhisan saami- qaybsi waxay adeedgsataa ereyga gole oo waxa ay ku tiirisaa mulkiilayaasha shirkadda (Golaha Mulkiilayaasha).

Ururrada qaybaha bulshadu na waa sidaas oo kale. Tolwadaagtii Soomaalida ee hore, waagii ay jiritaanka dhabta lahaayeen, waxaa u talin jiray odayaal, mar kasta oo loo baahdo isugu yimaadda shir. Shirkaas iyo geedka lagu shiraa na waxa uu ahaa gole. Goleyaasha qaranka ama dawladda na waxa soocyaa waa ujeeddada magacyada Wakiillada, Guurtida iyo Degaanka ee lagu xidhiidhiyey. Sidaas darteed cidi na gaar u ma sheegan karto ereyada afka guud ahaan ba. Marka xiga, tu kale oo halisteeda leh baa meesha ka muuqata; waa na ta la yidhi dastoorku ma sheegin. Taasi waa dantii laga lahaa sharciga iyo hal-tusaalahiisii oo gurrac loo fahmayo, wax aan xeer-dejiyuhu uga jeedinna loo xambaarinayo. Madaxdii Qaranka ee aan tooska uga dhegeystay warbaahinta la daawado, waxay Golaha nimanku ku dhawaaqeen yidhaadeen dastuurku ma sheegin, sidaas darteed in la sameeyaa waa sharci- darro! Xaqu se waa sida kale. Mabda’a caddaaladda ee ay sharci iyo shareeco ba iskaga mid yihiin, waa in wixii sharcigu ka aammusay ee aanu xukun cad siinnni xalaal yahay oo lagu dhaqmi karo. Mar haddii ay sidaas tahay, waxii sharceecada Islaamka, dastoorka qaranka iyo xeerarka kale ee dalku reebaan oo kali ah ayaa innaga reebban. Bal u fiirsada inta caddaalad-darro iyo dhibaatooyin ka dhalan karta, haddii gurraca la qaato oo la yidhaa wixii dastoorku ka aammusay waa xaraan. Noloshu ba cidhiidhi aan far la qaadi karin bay geleysaa oo wax waliba debmi iyo xaraan bay inagu noqonayaan; xuquuqdii muwaadinka na jid loo maraa ma jirayo. Xorriyaddu waa lagama-maarmaan, waayo waa waxa aynu ku dhaqdhaqaaqayno ee aynu dhaqan iyo dhaqaaleba ku dhisanayno; waxay na ku dhisan tahay mubaaxa uu sharcigu ka aammusay ee suurogelinaysa in aynu yeelanno kala-doorasho xor ah.

Dastuurka Soomaaliland ma ku jiraa qodob si cad u reebaya gole ka baxsan kuwa dawladda? Xataa haddii uu jiro ama jiri lahaa (ma jir’ee), waa in uu meesha ka baxo, waayo waxa uu ka hor-imanayaa qodobbada xuquuqda muwaadinka; kuwaas oo mudnaanta hore leh, ayna tahay in qodob kasta oo dastoorka ka mid ahi waafaqo. Arrin kale oo xusid naga mudani waa odayaasha mushkiladda soo galay ama la soo geliyey. Niyad-samida qaarkood waddaa waa meesheeda; hayeeshee waxa jira arrin dhexdhexaadin ku gala iyo arrin aan ku gelin.

Waxaa la dhedhexaadiyaa mushkilad taladeeda cidiba si u aragto iyo mushkilad ku saabsan dano gaar ahaaneed oo la isku hayo. Marka se ay tahay xuquuq iyo waajibaad sharcigu qeexayo, ma aha in xeer-jajab la la aado ee waa in sharicgeeda la raaco oo la meelmariyo. Arrinta Golaha lagu sheegay Talobixin iyo Toosin ma aha in cuqaal iyo suldaammo laga adeejo ee waxaa habboon in dastuurka loo la noqdo. Haddii dastuurka oggol yahay- talobixin iyo toosimba- fikrad ka timaadda muwaadiniinta, keli-keli iyo kooxo ba, madaxda qaranku ha ka noqdaan go?aanka diidmada ah; haddii uu dastuurku ka aammusay oo aanu arrinka waxba ka odhan na waa la mid ee diidmada ha laga noqdo.

Qalinkii Rashiid Sh. Cabdillahi (Gadhweyne)

No comments:

Post a Comment