Pages

Tuesday, August 25, 2015

TACSI IYO BAROOR-DIIQ: Geerida Naxdinta leh ee Abtigay Khaalid Jaamac Muxumed

INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo ayey leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxay qof walba ugu kala naxdin badan yihiin xidhiidhka uu qofka geeriyooday la lahaa, saameynta uu qofka geeriyooday noloshiisa ku lahaa iyo qaabka geerida qofka loogu sheegay oo qayb ka ah naxdinta iyo murugada geerida.

 Qofka haddaad isagoo xanuunsan dul joogtay, waad ku samirtaa. Waxayse ugu naxdin badan tahay qof aad caafimaad ku ogayd oo geeridiisa laguu sheego. Xili duhurnimo ah annigoo markaas uun intoon qadeeyey jiifsaday, haddaanan wax badan jiifkii ku jirin, waxaan maqlay taleefankayga oo dhawaaqaya. Waan tiigsaday, waxaan arkay fariimo dhawr ah oo ii sheegaya lambaradii ii soo wacay; dad badan oo asxaab iyo qaraabo iskugu jira ayay ahaayeen. Markaas ayaan dareemay inay wax soo kordheen! Intoon jiifkii ka kacay ayaan lambarkii ugu horeeyey oo ahaa Inaadeerkay Cabdixakiin Da’uud Askar (ina Aakhiro) garaacay.

Markii aanu is bariidinay ayuu igu yidhi: “Khaalid Jaamac .... waad maqashay saw maaha?”

Markii ba maskaxdaygu waxay iskula shawrtay maxaa ku dhacay? Markaas ayaan idhi “Ma Khaalid Jaamac? ,,, Maxaa ku dhacay? Intuu aamusay ayaan ku celiyey: “Maxaa ku dhacay?” wuxuu iigu jawaabay: “Maanad maqal, wuu dhintay.” Dhagaheygu way maqlayeen ereyga baas ee “wuu dhintay” laakiin naftu in aanay maqlayn ayey is dareensiisay. “Yaa! Ma Khaalid Jaamac? Maxaa helay?” ayaan si didsan ugu idhi intoon kor u booday. Wuu iigu celiyey. Haddana mar saddexaad ayaan ku idhi: “Ma Khaalid?” Markaas ayuu isagoo hadalka kor iigu qaadaya igu yidhi: “Haa walaal, Khaalid Jaamac wuu dhintay.” Waan argagaxay, naxdin ayaan kolba dhan u dhaqaaqay annigoo INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ku celcelinaya. Wuxuu ii raacshay “Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku dhintay” waan sii argagaxay! Waxaan annigoo qaylinaya ku idhi: “Yaa! Goor muu Khaalid tegay?.” Wuxuu iigu jawaabay: “Waar lambarkaagu ilaa shalay wuu xidhnaaye, dorraad ayaa Khaalid geeridiisa la soo sheegay. Itoobiya ayuu ku maqnaaye, inuu tahriibayo lama ogayn. Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku geeriyooday”

Annigoo taleefanka weli dhegta ku haya ayey markii ba xasuustiisu maskaxdayda ku soo burqatay - muuqaalkiisii, kaftankiisii, aqoontiisii, cibaadadiisii badnayd, weji furnaantiisii iyo dhoolo-caddeyntii lagu yaqiin. Ma Khaalid baa geeridiisa laguu soo sheegayaa? Ma Khaalid baa maantana tahriib ku geeriyooday? Adduunyooy! ma taasaan maantana kugu dhex joogaa! Ayaan iskula shawray.

Khaalid Jaamac Muxumed, abtigay ayuu ahaa, wax yar ayaan ka roonaa da’da. Saaxiibo kaftan wadaag ah oo marka ay is arkaan ba kaftan iyo sheeko wadaag leh ayaanu ahayn. Hargeysa ayuu ku dhashay, kuna noolaa noloshiisa oo dhan. Dugsiga hoose isku sannad ayaanu ka baxnay – annigu dugsiga Axmed Dhagax ayaan ka baxay, isaguna dugsiga Gacmo-dheere. Waxbarashadii Dugsiga Sare na, isku galaas ayaanu ahayn oo waxaanu sannadii 2007-da ka wada baxnay Dugsiga Sare ee 26-ka Juun. Jaamacaddiina isku dufcad ayaanu ahayn oo sannadkii 2011 ayaanu ka wada qalinjebinay Jaamacadda Hargeysa – annigu sharciga ayaan bartay, isaguna ganacsiga iyo xisaabaadka ayuu bartay. Intaas ba geediga nolosha isku marxalad ayaanu maraynay.

Markii aanu Jaamacadda ka baxnay kadib ayey shaqadu qof ba meel geysay. Annigu Hargeysa ayaan ka tegay oo intaas ba Borame iyo Burco ayaan u dhaxeeyey. Isaguna Hargeysa ayuu joogay oo dhawr jeer oo uu safar shaqo u soo baxay ayaanu Borame iyo Burco ba ku kulannay. Safarkiisii ugu dambeeyey ee dhinacani bariga wuxuu ahaa maalmihii Ramadaantu sii dhammaanaysay oo Laascaanood ayuu ku ciidday. Fursad iskumaanu helin in aanu is aragno laakiin taleefanka ayaanu ka wada hadalnay. Waana hadalkii ugu dambeeyey ee aan la yeeshay. Mar aan bishan bilowgeedii is idhi arrimo ka wareyso oo aan garaacayna, lama heli karo ayuu lambarkiisu ahaa.

Khaalid wuxuu ahaa qof aqoonta iyo waxbarashada aad ugu fiican. Aad buu u maskax furnaa. Cibaadada iyo diintana aad buu ugu wanaagsanaa - wuxuu aad ugu xidhnaa Masaajidka Furqaan ee xaafadda Xero Awr ee Hargeysa. Nin af gaaban, dhoolo caddeyn badan oo bulshaawi ah ayuu ahaa. Dabeecadiisii wanaagsanayd darteed wuxuu lahaa asxaab badan oo lod kasta ba leh.

Sida la ii sheegay, bishan aynu ku jirno horaanteedii ayuu Itoobiya diyaarad u raacay, waxaanu uga sii gudbay Sudaan oo uu iyadna diyaarad ku tegay. Isaga iyo 10 qof oo kale ayaa Suudaan gaadhi ka raacay oo dhinaca Masar u sii jeeday. Haraad iyo gaajo ayaa halkaas ku qabtay. Khaalid na wuxuu lahaa Gaastari xun. Waxaa geeridiisa soo sheegtay gabadh reer Xamar ah oo sheegtay in gaastari ku kacday, haraad iyo gaajana u raacday. Waxaanay sheegtay in Afar kamid ah koow iyo tobankoogii qof ay markaas dhinteen, Khaalidna ugu hor dhintay. Waxay sheegtay inuu u dhiibay iyada Lambarka xaafadda lagala soo hadlay, waraaq, baasaaboorkiisii, lacag iyo muraayadiisii indhaha. INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

imika intii aan qoraalkani waday ayaan eegay boggiisa facebook-ka, mise sawirka cover-ka u ah waxaa ba u taala, ducadani "ISTAQFIRIKA ALAAHUMA MIN JAMIICI DUNUUB, WA KHADAAYAAD, WA TOOW BA ILAYKA." ILAAHAYOOW WAXAAN KA BARYAYAA INAAD DUCADAASI KA AQBASHO ABTIGAY.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu abtigay Khaalid uu qabriga u nuuro, naxariistiisa jannada siiyo. AAMIIN... AAMIIN... AAMIIN.


Waxaanan Tacsi u dirayaa Qoyska Reer Muxumed Riraash iyo Reer Daahir Aw Yuusuf, qaraabada iyo dhammaan asxaabtiisii faro badnayd, ILAAHAY DHAMMAANTEEN SAMIR IYO IIMAAN HA INNAGA SIIYO KHAALID. AAMIIN AAMIIN.

Tuesday, August 18, 2015

"XALAASHII IYO XARAANTII AYAA BU MACNAHU KA SII TEGAYAA" W/Q. Maxamed Cali Bile

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile
Waxyaabaha an Hargeysa ku soo arkey waxa iigu yaab badnaa waxa u weyn XALAASHA iyo XAARAANTU maba kala soocna. Hantida ummadda Sheekh iyo Shariif iyo aqoonyahan kii soo gaadhaaba ma nabadgelinayo. Dad aan shanta salaadood ka tegeyn oonu soonka maalinna ka tegeyn ayaa ku takri falaya hantida ummadda oo lacag leh, dhul leh, ganacsi leh. Baqashadii aakhiro iyo cadaabtu masaakiinta uunbey ku sii hadhay. Berigii hore waxa la isku khuukhin jirey qofkii xoolo agoomeed cunaa uu ku gubtaa. Ka warran kuwa maanta cunaya 5 malyuun oo agoon amaanadii loogu dhiibey. Wadaadadii iyagii ayaa lacag jeceyl iskugu biyo shubtey oo lacag iyo ganacsi ayay in badani eryaneysaa. Habeenkiina wax ay wacdiyayaan masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar shilin quraxda u fadhiya oo kartoon ku tukada. Arki meysid wadaad badheedhaya oo sheegaya dulmiga. Masaakiinta uun baa looga  sheekeeyaa xaraantu waxa ay tahay.  Tuug masaajid kabo ka xadey oo qalalsan oo la xukumayo mooyee, arki meysid qof la xukumayo oo loo heysto xoolo ummadeed inu cuney. Dawladnimadu eedan in badan ayay ku leedahay oo waxa ad moodaa ama iney ogoshahay ama ay indhaha ka qarsaneyso. Balse dhaqankani waa mid dhaafsiisan dawladda oo dhiigii dadka ayuu raacey. Nin an u heystey awliyo Ilaahey oo meeqaam sare ka gaadhey madaxtinimada ayaa waxa laga sheegayo iyo waxa iiga muuqdeyba ay iga fajicisey. Xoolo aanu isaga iyo aabihii toona weligood shaqeysan ayuu faraqayaa. safka salaadana isagaa kaaga horeeya.  Qof mushaharkiisii $1,000 aanu gaadhin ayaa hal maalin casuumad ku sameynaya $2,000. Anigu maan sheegin haddey dadkani sitaan footookoobi lacagta lagu daabaco. Inta casuumaddaa xaaranta ah ka soo qeyb galeysaa, sallaadda ayay mar wada geleyaan intaaney xaaraanta caloosha ka buuxin. Intuba wey wada ogyihiin in waxan la cunayaa aanu aheyn dhididkii qofkan wax casuumey ee ay tahay lacag umadeed.

Kuwan farta ku fiiqaya ee leh waxbaa la cuney, in badani fursad uunbaan soo gaadhin ee marka ay u marto, iyaga laftooda ayaan dhaafeyn. Sidey u muuqato, xoolaha umaddu xaraanba ma xisaabsana, ha noqoto lacag, ha noqoto cashuur la dhaafey ha noqoto, dhul la boobayo ama sifo hoose lagu bixinayo ama lagu iibinayo ha noqoto, aqallo dawladeed oo dad laga iibinayo ama lagu wareejinayo ha noqoto.

Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney. Waxa kale oo la yaqaaney dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman jirey iney lacagta dawladda ku takhri falaan. Iminka labadaasiba bikh. Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa umaddii ku batay. Waa dad caadi  ah qaar suudh xidhanyihiin, qaar qamiisyo iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl, xalaal iyo xaaraan tuu doon haku helee.

Waa muhiim in arrintan lagaga hadlo goobaha lagu tuhunsan yahay in dhaqankani ka jiro. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu dhididkiisa ku soo shaqeysan aaney salaadi u ansaxeyn. In haddii shaadhka uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin. Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag aan dhididkaaga aheyn aanu afur xalaal ah kuu noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin, macnihii uu ka tegeyaa.

Wey jiraan dad badan iyo wadaado badan iyo madax dawladeed iyo ganacsato badan oo xalaal quutayaal ah oo xalaal cun ah. Balse, kuwaasi wey soo yaraanayaan. Qoladan kale ayaa ka badanay. Takale, xalaashii iyo xaraantii ayaabu macnuhu ka sii tegeyaa.

Friday, August 14, 2015

MAXKAMADDA DISTOORIGU MA KHILAAF SHARCI BAY KA GARNAQAYSAA, MISE KHILAAF SIYAADDEED AYEY DHEXDHEXAADINAYSAA?

W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

Waxa beryahan jiray, xafiiltan siyaasadeed  oo ka dhexeeyay Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u muuqday dagaal warbaahineed oo isasoo tarayay intii lagu jiray todobaadadii ugu dambeeyay ee ka hadhsanaa muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan danbe se,  waxaynu arkaynaa loollankii siyaasiga ahaa oo qaatay waji kale oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo sameeyay wada-hadallo uu ka dhashay, heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar kalana waxaynu u soo joognay, iyadoo beesha caalamku la isugu qayshaday. Wax kastoo la isku dayay ba, kala qaybsanantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama gaadhin. 
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Ololleyaal warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul caamka dadweynaha. Ugu dambeyn, waxaa la iskula soo dul-dhacay Waaxda Garsoorka. Sida ilaa hadda wax loo wado, waxay iskaga eeg tahay in la rabo in cudurkii fardaha galay laga gubo dameero.

Waxaynu iska wada ognahay oo aanu muran ku jirin in asxaabta qaranka iyo guurtidu ay isku hayaan muddada ay guurtidu u kordhisay muddo-xileedyada Xukumadda iyo Golaha Wakiillada, oo aanu jirin khilaaf sharciyadeed. Waxaa sidoo kale, iyadna la wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku mari laayahay uu yahay faraq-xilliyeed  (4) bilood ah, oo u dhexeeya Go’aankii Guurtida ee xil-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo heshiiska axsaabta qaranka ee ka dambeeyay. Faraqaasi oo aan macno-badan samaynayn, mar haddii aanay xil-kordhintu ahayn mixwarka uu khilaafku ka aloosanyahay. Afartaas biloodna, wax sidaasi usii ridan may ahaateen, haddii lagu heshiiyay, in sidii dani-keento la yeelo. 

 Intaas aan kaga gudbo hordhaca, oo aan usoo gudbo mawduuca qoraalkani uu khuseeyo – Qoraalka Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey ma khilaaf sharci oo laga garnaqi karaa baa mise maaha?. Arrinta garsoorka loo gudbinayaa waa in aanay la mid noqon oo ay ka baxsanataa faqidaada shaaraca taala iyo hal-qabsiyada dooddaha warbaahinta la isku marinayay beryahan (Political rhetoric). Maxkamadda Dastuuriga ahi khilaaf sharci ay ka garnaqdaa ama fasiraad ka soo saartaa. Khilaafka sharcina maaha mid qaabab badan loo dhigi karo sida kan siyaasiga ah ee hadda la wado. Bal se waa mid mutaxan oo  ku kooban hab-dacwaddeedka iyo nuxurka dooddeedka dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u eegayna hab-gareedka dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi doonnaa, bal in arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda Dastuurigu uu yahay dacwad dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwaddeed iyo in kale.

Si aynu su’aashaasi u gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa halkay arrintu ka bilaabantay oo ahayd codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Waxay xubinta hore ee Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay Maxkamadda oo ujeeddadiisu tahay codsi fasirraad, kuna taariikhaysnaa 08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa JSL/MD/100-3450/08,2O15 ay ka waramaysaa sida uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladda. Xubinta labaad waxay khusaysaa,  Qodobbadii ay axsaabtu ku heshiiyeen. Gebogebada qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida loo dhigay:

”Waxaan Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda qodobada 3aad iyo 4aad ee heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad  ee  go'aanka Golaha Guurtida mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga qabsoomida  Madaxtooyada iyo Wakiilada”

Hadda ba, ugu horeyn waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib ah inay ku dhaqaaqdo inay hubiso in arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horeysa in dhinacyada loo yeedho ama fadhi la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa alif kaa xumaaday oo al-baqra kugu dhibi doona. Haddii se sideeda loogu dhaqmo, waxaa loo gudbayaa in laga garnaqo nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka, waxaana lagu guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo gaadhay qaab sharciga waafaqsan kuna dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku jirin.

Sida caadiga ah, dacwad kasta cid baa muduci ah oo biloowda. Cid baana mudaacalee ah oo dacwaddu lid ku tahay. Marka la joogo Maxkamadda Dastuuriga ah, waa in la helaa cid muduci ah oo dacwadda furata. Sidoo kale waxaa shardi ah in la helo go’aan xeerarka iyo dastuurka loo eegayo, ama xeer/sharci la fasirayo. Sidaas darteed, waxaa mudaacalee ah cida go’aanka soo saartay ama Golaha xeerka soo saaray. Hadda ba, Qoraalkani Maxkamadda Dastuuriga ah hortaal, Madaxweynahu isagaa qoraalkani Maxkamadda u soo gudbiyey, haddana muduci maaha oo labada go’aan midna ma diiddin midna ma ogolaan. Taasi waa arrin cajiib ah, imika qoraalkani laguma sheegi karo dacwad dastuuri ah ama fasiraad. Waxaa la odhan karaa Madaxweynahu wuxuu la talin sharci ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadduna maaha la talinta sharci ee Madaxweynaha. waxaa loo baahnaa inay Maxkamaddu ku baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad ay ciddi furatay oo aanay wax diiddanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa meesha dacwaddi ma jirto.

 Waxa kale oo la gudboonayd Maxkamadda inay is-waydiiso, horta maxaa noqon kara dacwad dastuuriya oo u qalanta in laga garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan karo ama tiirarka udub-dhexaadka u ah dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxaase looga baahanyahay qofkasta oo raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama ka cabanaya go’aano maamul oo lagu fuliyay ama lagu fulin-doono?

Arrin kasta oo la rabo in hannaan sharci lagaga garnaqo waa inay noqotaa mid leh mawduuc iyo abbaar sugan. Taasina, waxay saaran tahay cidda dacwada furanaysa oo looga baahan yahay inay caddayso go’aannada ay ka cabanayso, kuwa ay fulintooda ku dooddayso iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay sheegin rabitaankiisa ama dooddiisa. Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta daalacata. Awoodna u maleh inay iyadu nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii furtayba ku caddayn waxa uu rabo iyo waxa uu diiddan yahay. Markaa waxaa haboon inay qoraallada noocan ah maxkamaddu ku celiso cidii u soo gudbisay iyadoo farayso inay soo waafajiyaan shuruuddaha nidaamka dacwaddeed.

Markaynu u soo noqono waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu yahay nuxurka dooddiisu?, Ma wuxuu ku doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo kordhinta ayaa dastuuriya markaan arkay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise wuxuu ku doodday go’aanka guurtidu dastuuri maaha markaan eegay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise waxaa bu  ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku heshiiyeen ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi awgood? Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri ama ba midkoodna maaha distuuri? Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga garnaqee? Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa ah kuwa fasiraadda u baahan.

Haddii ay is-gabto ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq u malaha in uu isagu mala-awaalo nuxur dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu hawshoodo wax aan waddadiisa la soo marin. Waxa biloowga ku qaloocdaa, dhamays ma noqdaan. Fashilaad uun baana laga dhaxlaa.

Waanay dhacday inay Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii ay qarraar ka soo saartay cabashadii dastuuriga ahayd ee ay  asxaabta mucaaradku kaga cabanayeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalayada kaga hor-istaageen inay shirar qabsadaan. Qaraarkaasi oo ku taariikhaysnaa 27/7/2015  tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku tidhi sidan;

” Dhinaca kale, Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka taagani salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxay amraysaa in dhinacyada siyaasadda iyo hayadahay khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan doorashada  soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaar garoobo doorosho xalaal ah”

Waxay Maxkamaddu halkan ku xustay in ay og tahay arrinta muranka taagani uu salka ku hayo. Yaa u sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu salka ku hayay? Halkee ayey kaga jirtay dacwaddii xiligaasi hortaalay? Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax ay warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah, aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka baxsanaan karta wixii horteeda lala yimid. Maantana, ugama  fadhino inay Maxkamadu wax ka duwan mawduucii horteeda yaallay, inoo sheegto.  Waa inay ka feejignaataa.

Su’aasha kale ee iswaydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU MUXUU AWOOD U LEEYAHAY INUU FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b) Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland:

“Garsoorku wuxuu awood gaar ah u leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah iyadoo la raacayo dastuurka.”

Madaxwaynahu laba go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn ayuu codsaday in la fasiro. Heshiiska asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha uu Garsoorku awoodda u leeyahay inuu fasiro. Garsoorka ayaanay tani cay ku tahay. Midda kale, Madaxweynahu kuma dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo Maxkamadda ma horkeenin go’aan gole dastuuri oo keliya si micnahiisa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo raacaysa dastuurka. Madaxweynahu Go’aanka Guurtidu dastuurka ma waafaqsan yahay ma odhan? Dood xitaa sidaasi lagala soo baxi karaa qoraalka kuma qorna. GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA GUURTIDU MA XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA XEER FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA. Waxa laga yaabaa, in dadka qaarkood ku dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo saaraa waa xeer. Maaha, hadda annigu iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida uu Xeerka Nidaamku Garsoorku u dhigay. Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo Qod. 15(1)(b) (Nuqulka 60ka Qodob), labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani waxay si iskumid ah u sheegayaan sidan:

“Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay b) inay macnayso, fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”

WARKU BA WUXUU KU DHAN YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WAXU KA CODSADAY INAY FASIRTO QODOB DASTUURKA KAMID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO UJEEDDADIISA LAYSKU QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!

Maxkamadda lama keenin dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor ku sharaxay, markaa Maxkamadda maxaa daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku waa dhexdhexaadin iyo hawlo kale. MAXKAMADDA DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA, CEEB AYEYNA KU NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU WAXAY FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.

Fasiraadda Qodob sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku haysa xaqiiqo lagu muransanyahay, iyo doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu noqon, codsi u muuqda talo-sharciyeed, oo cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti asaas u ah, inay FASIRADA Garsoorku ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo taagan oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the idea of standing). Aragtidan garsoor oo odhanaysa “Garsoorku maaha talo-bixiye (advisory opinion), balse waa go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo in uu jawaab u noqdo muran ka dhextaagnaa dhinacyo is-hayay.”

Xaaladdaha Garsoor ee  keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional remedy) oo dhaqan-gal ah, ayay Maxkamadda Distuuriga ahi ku samayn kartaa Dibu-eegis Garsoor( Judicial review).  Taasi oo looga socdo, inay Maxkamaddu ahaato meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho xafiiltanka iyo khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la diidayaa in murankasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad jirta,  la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday tahay Mufti joogto ah. Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De Minimis Non Curat Lex),macnahiisuna ahaa,  sharcigu  ma khuseeyo, wixii fudud ee iska dhammaan kara.

Gunaanadkiina, fasiraadda-garsoorku maahaa mid maxkamadda lagaga codsado sideen yeelaa? Laba shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo jira indhaha laga qarsanayo. Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in uu sugo qodobadii looga baahnaa, Maxkamaddu waxaa waajib ku ahayd inay hareer iskaga leexiso. Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku dhex milmaan khilaafyada siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada Nabadda iyo Isku-soo-dhawaynta Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka. 

W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

Wednesday, July 29, 2015

THE SUPREME COURT RULING: A JUDICIAL PHENOMENON THAT WAS A GOOD NEWS FOR ALL.

By advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul (waddi12@gmail.com)

C:\Users\Personal\Desktop\mohamed11.jpg
Advocate Mohamed Ahmed
It is not only impressive that the Supreme Court dared to rule against the government, but also opposition initiating an administrative case, as if they had seen the scores in the cards. This ruling of the court which had shielded opposition’s right to assemble from the measures imposed by Waran-ade, is a success that has gone far beyond the cheering politicians. More ever, it was trumpeted as a beacon of hope for the protection of constitutional rights of Somaliland citizens.
I would say, Prof Adam Haji Ali, the newly appointed chief of justice, had pushed many names out of the headlines this week.  Although, previously, public does not pay a great deal of attention to the business of the Supreme court, but as result of this judicial surprise,  Somalilanders tend to hold meaningful opinion on every issue that will appear on the court's docket.
Along with this public knee-jerk, chief of justice got the impulse to build a close relationship with the public media. The recent activities launched by the Supreme Court were not left under the cloak of darkness as it was common, but rather addressed them to the mass media audience. Previously, it is known that media pressure was used against courts.  All Judges are well aware that criticism from unsuccessful parties, parties, interest groups, or campaigning newspaper that had followed any decision of their in a matters of high public interest.
Despite the fact that waves of critics have been growing upon judiciary, even worse, it lacks a voice in the public debate. Because, it is strongly believed that judges should only communicate through its decisions. Is this right, even if the media misinforms the public?
It is not fair on judiciary to be turned in to struck-dumb like a mystery guest, while other government branches continue to mirror their development through the press. Likewise, judiciary administration should not have underestimated the right of the public to know about the judicial process. For this reason, there should be a judiciary spokesperson, who will instruct the press in law. This spokesperson may follow and react to media through websites and other social media.

By Mohamed Ahmed Abdi Ba’aluul (waddi12@gmail.com)

Saturday, April 25, 2015

Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ‘Mabda’a Mudnaanta’ ‘Merit Principle’. W/Q. Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

In muwaadiniintu ay u sinaadaan xilalka qaranka iyo in dhammaan qaybaha bulshadu ay iska dhex arkaan xilalka qaranku waa dooddo ka taagan waddamo badan oo caalamka ah. Waxay doodda ugu culusi ka taagan tahay sida layskugu dheeli-tirayo in muwaadiniintu iyada oo aan loo eegayn sinjigooda, diintooda, midabkooda, isirkooda ama qabiilkooda iwm ay u sinnaadaan xilalka dawladda, iyo in la dhiirigaliyo in kooxaha laga tirada badan yahay ee bulshada kamidka ahi ay iska dhex arkaan xilalka dawladda, iyadoo markasta aad loo ilaalinayo mabda’a ah in shaqo kasta la siiyo qofka ugu mudan tartamayaasha ama muwaadiniinta guud ahaan.

Shaqada garsoorka ayaa iyadu ah mida ugu xasaasisan xilalka dawladdeed ee ay muwaadiniintu qabtaan – waa shaqo ku dhisan dhexdhexaadnimada, cadaaladda, sinaanta iyo kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan xubnaha shaqadaasi qabanaya. Waa shaqo ay khasab tahay in laga ilaasho in qofka ka shaqaynaya lagu soo sooco koox, midab, qabiil, urruro siyaasaddeed iyo wax kasta oo mugdi gelin kara dhexdhexaadnimada xubnaha garsoorka. Sidaas darteed, adduunweynaha waxaa caanka ka ah ku dhaqanka ‘mabda’a mudnaanta’ ‘merit principle,’ marka la qaadanayo xubnaha garsoorka. Waa mabda’a odhanaya dadka loo dhiibayo xilalka waaxda garsoorka ka bannaan waa in lagu xushaa oo keliya sida ay u kala mudan yihiin ee ay ugu kala haboon yihiin shuruuddaha ay shaqadaasi u baahan tahay. Mabda’ani wuxuu meesha ka saarayaa in la yidhaa koox ama cid gaar ah oo bulshada kamid ah ayaan garsoorka xilal ka hayn e’, iyaga xilkaasi ha loo dhiibo. Mabda’ani wuxuu u dhigan yahay muwaadiniintu way siman yihiin, qofna shaqo ama xil lagu siin maayo dabaqada uu yahay, midabkiisa, reerkiisa iyo wax kasta oo la xidhiidha noloshiisa iyo isirkiisa dartii, balse muwaadiniintu waxay shaqada iyo xilalka qaranka ugu kala mudnaanayaan iyadoo la eegayo dhaqankooda qofnimo/shakhsiyaddooda, aqoontooda, waayo-aragnimada uu shaqada u leeyahay, guulaha uu shaqooyinkiisii hore ka soo gaadhay, afkaarta ay shaqada kor u qaadisteeda ka haystaan iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh nooca shaqada.

Maalmahani waxaa aad loo hadal hayaa xil ka qaadistii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ku sameeyey Guddoomiyahii Maxkamadda Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali iyo cidda ay tahay inuu jagadaasi u magacaabo. Waxaa muhiim ah in ugu horeyn ba aynu fahano inta boos ee xil ka qaadistani ay banneysay, magacaabistuna ay buuxin doonto. Xilka ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliland, waxay ka dhigan tahay in sidoo kale xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo weliba Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda. Waa saddexdii jago ee garsoorka ugu sareeyey oo uu hal qof ka wada hayey saddexdii haayaddood ee garsoorka ugu sarreeyey – waa nusqaan uu dastuurkeenu leeyahay. Magacaabistuna saddexdaasi jago ayey wada buuxinaysaa. Sidaas darteed, haddaan aad looga baaraan degin saddex boqolaha xilkaasi loo dhiibayo, waxaa dayacmaya nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka oo dhan.

Waxaa wax lala yaabo ah in masuuliyiin bulshada dhexdeeda magac ku lihi ay ku taliyaan beelaha Soomaaliland dega qaarkood ha lagu raaligeliyo booskani. Runtii waa arrin sawir ka bixinaysa aragtida ay bulshadeenu ka haysato dawladnimada, weliba kuwoogii aqoonyahanka ahaa ayaa qaabkani ku talinaya. Afar arrimood ayaa aad loogu baahan yahay in Madaxweynaha iyo bulshaduba ay ogaato:

1.      Qodobka 8aad ee dastuurkeenu wuxuu sheegayaa in dhammaan muwaadiniintu ay u siman yihiin xuquuqaha uu dastuurkeenu dhigayo oo ay kamid yihiin xuquuqda shaqo iyo xaqa siyaasaddeed. Waxaa loo baahan yahay in qodobkaasi ay goleyaasha qaranka iyo muwaadiniintuba ku dhaqmaan. Xalka aynu raadinaynaa wuxuu ku jiraa ku dhaqanka sharciga.

2.      Garsoore lagu magaacabay beesha uu ka soo jeedo darteed in cadaalad laga sugo maaha. Lagumana canaanan karo haddii uu beeshiisa u habrado, ilayn xilkiisa ayaa ku xidhane. Siddee markaa ay dadku kalsooni ugu qabi karaan qof ay og yihiin in lagu magacaabay qabyaalad oo aan lagu soo xulan aqoontiisa iyo kartidiisa oo ka dhigay qofkii ugu mudnaa shaqadani.

3.      Garsooraha ay magacaabistiisa cidi soo jeedisay, ku doodday ama u ololeysay, wuxuu u hoggaansami doonaa ciddaasi. Waa in aynu fahanaa weliba in xilkani in uu Garsooreyaasha kale dheer yahay in ay ceeb tahay in la codsado ama la raadsado, waayo Madaxweynaha ayuu sharcigu awood u siiyey xulashada shakhsiga ugu mudan xilkani, sidaas darteed, way reeban tahay in tartan loo galaa. Qofka uu Madaxweynahu u gartaa wuxuu xaq u leeyahay aqbalaad ama ka cudur-daarasho, kadib ayaa labada gole ay ansaxinayaan ama diiddayaan iyagoo u eegaya in qofka uu Madaxweynahu magacaabay buuxinayo shuruuddaha xilkani u yaala, iyagoo ku xisaabtamaya mabaadi’da guud ee shaqada garsoorenimo.

4.      Sida ku xusan Qodobka 105(1) ee Dastuurka ‘Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare [....], iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimada xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed.’ Markaa waxaa loo baahan in la fahmo, in Madaxweynahu aanu ku xisaabtamin oo keliya shuruuddaha faqradda 2aad ee qodobkani oo sheegaya in qofka xilkani loo magacaabayaa uu lahaado shahaado jaamacaddeed oo aqoonta sharci ah iyo waayo-aragnimo 10 sanno ah oo uu ku shaqeeyey Garsoore, Xeer-ilaaliye, Qareen ama/iyo Barre Jaamacaddeed iyo in inuu ka madax-bannaan yahay siyaasadda. Laakiin uu sida faqradda hore ay sheegayso uu tixgelinta siiyo muwaadiniinta ugu aqoonta sarreysa, ugu waayo-aragnimada badan uguna akhlaaqda wanaagsan – qofka ugu mudan xilkani.

Sidaas darteed, waa in la fahmaa in Madaxweynahu qof kasta oo uu iska caashaqo iyo sabab isaga u gaar ah aanu u magacaabi karin xilkani. Baarlamanku waxay magacaabista ama xilqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ansaxinayaan keliya haddii ay isku raacaan in uu Madaxweynahu awooddani dastuuriga ah u isticmaalay sidii ugu mudnayd, qofkii ugu mudnaana uu u magacaabay xilkani. Kuma ansaxinayaan qofka magacaabay shuruuddaha qodobku dhigayo ma buuxiyey oo keliya, waxay ansaxinayaan in qofka uu Madaxweynahu magacaabay yahay qofkii ugu mudnaa inuu xilkani qabto.

Xil qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ceebo badan ayey dibeda soo dhigtay, waxaa loo baahan yahay in magacaabistiisa aanay ceebahaasi oo kale dibeda u soo saarin. Ceebaha ay xil ka qaadistu dibeda soo dhigtay waxaa ugu ba’an, laakiin aan intani ku koobnayn.

i)                    Wareegtada xilka qaadista, wuxuu Madaxweynahu ku sheegay inuu dib ka sheegi doono cidda uu xilkani u soo magacaabayo! Inkastoo uu isla wareegtada ku sheegay in labada gole ay fadhi wada jira ku ansaxin ama diiddi doonaan. Haddana wuxuu meesha ka saaray in xil ka qaadistiisu ay ku guul-dareysan karto codadka xildhibaannada. Hadduu xitaa taasi si cad u og yahay, ma qurux badna in waajibaadka dastuuriga ah sidaasi loo dhayalsado.

ii)                  Guddoomiyahii Urrurka Qareennada oo soo jeediyey in beel gaar ah xilkani loo magacaabo – waxa igu adkaatay sida aan u fahmi karo caqliyada noocan ah! Sidaas darteed, ku degdegi maayo sharaxaadeeda. Waxaanse ku soo koobayaa waxaa wacnayd in wakhtiga uu hadalkani odhanayo uu sharciga waafajiyo oo uu la sugo haddii ay xilqaadistu ansax noqoto, ilayn weli ansax may noqon, oo magacaabis lagama hadli karee. Wuxuu hadalka Guddoomiyahu i xasuusiyey dhacdo bishii June ee sannadkii hore ka dhacday dalka Australia oo mawduucani khusaysa. Maamul goboleedka Queensland ee Dalka Australia ayaa marka la magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa lala tashadaa Guddoomiyaha Urrurka Qareennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha iyo masuuliyiin kale. Markii ay soo dhowaatay Magacaabistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Queensland Jarrod Bleijie wuxuu warbaahinta ku shaaciyey afkaartii qarsoodiga ahayd ee ay arrintani ka dhiibteen Guddoomiyahii Urrurka Qareennada Queensland Peter Davis iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Queensland Margaret McMurdo. Maalin kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay Tim Carmody oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamaddaha Hoose (Chief of Magistrate Courts), oo aad looga hor yimid magacaabistiisa, Peter Davis, Guddoomiyahii Urrurka Qareennadu wuxuu isku casilay in rayigii uu ka dhiibtay shakhsiyaadka ku haboon xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare warbaahinta loo gudbiyey, isla markaana uu aad uga soo horjeedo magaabista Tim Carmody, wuxuuna ku doodday in aanu ku sii hogaamin karayn urrurka iyo mihnadda sharciyaqaannada nidaam uu khariban yahay qaabka loo xulanayo masuuliyiintiisu. Waa arrin muujinaysa lexejeclada Peter Davis u haysay mihnaddiisa iyo Urrurka uu Guddomiyaha u ahaa. Ninka ku taliyey in kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare cid gaar ah loo magacaabo, waa nin yidhi reer hebel baa qatanaaye, doorkan iyaga ha lagu xooleeyo. Kaaf iyo kala dheeri, Peteroow, wax aad ceeb u taqaan, rag bay caaddadiisa tahay!.

Waxaan qoraalkayga ku soo gunnaanadayaa odhaah caan ah oo ‘mabda’ani mudnaanta’ uu ka yidhi Lord Hailsham, oo laba goor Lord Chancellor ka noqday Boqortooyada Ingiriiska qarnigii la soo dhaafay. Waxa la weydiiyey waa noocee siyaasadda aad masuuliyiinta garsoorka ku magacoowdaa? Wuxuu yidhi:

“Siyaasaddayda ugu horeysa ee aasaasiga ahi waa in aan mudnaantiisa oo keliya ku magacaabo qofka ugu wanaagsan ee diyaar u ah, isla markaana doonaya inuu aqbalo xilka. Wax tixgelin ah ma siiyo xisbiyada siyaasaddeed, jinsiga, [..] ama isirka, kumana jiraan xisaabtayda. Shakhsiyadda, daacadnimada, kartida xirfaddeed, waayo-aragnimada, u diyaar noqoshada iyo awoodda qofka oo keliya ayaa shuruudahayga ah, oo ay dabcan soo raacayso shuruudda ah in qofku uu jidh ahaan awooddi karo inuu guto waajibaadka xilka, oo aan lagu diiddayn wax shakhsiyaddiisa khuseeya oo aan haboonayn. Tixgelintayda ugu balaadhan waxaan badanaa siiyaa danta ummadda oo ah ilaalinta tayada garsoorayaasha iyo kalsoonida lagu qabo kartidooda iyo madax-bannaanidooda.”

Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa oo aan ilaahay ka baryayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sugo magacaabista qofka ugu mudan ee uu ilaahay xilkani ku sharfayo, ummaddana khayrka ugu badani uu ugu jiro. ‘Rabboow adigu noo door’ Aamiin.....Aamiin.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Garsoore, Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco, Somaliland

Tuesday, March 10, 2015

SOMALILAND: ELECTIONS THAT HAVE NOTHING TO DO WITH THEIR VOTERS. By: Advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba'aluul

Advocate Mohammed Ahmed
Somaliland never grows out from the senseless political disputes over the timeline of the national elections.  Those who were barking at Riyaleh, when he was struggling with the schedules of elections, are now trying to deflect our attention from the stench of their failure. The Guurti house which was diluted by the political non-senses, and turned out to be a tool for the presidential term extensions is a leopard that cannot change its dots.  

 It was Kulmiye party that skinned Riyaleh alive, when he failed to hold presidential election on their time. The incumbent president was the one who dared to blew the whistle to the Udub-led government and never become hesitant to call his supporter to the streets. Now, he is not in the audience theatre, so he could not tolerate the crowd who is hooting the horns at him. Today no one is willing to hear neither justification nor explanations about his government’s failure to be accountable to the public, or its disrespect to the constitution and rule of law.

 Elections do not belong to Abdirrahman Irro, or to Jamal of Ucid . Elections are not a dish cooked and served by the electoral commission, but it is the right of the public, the sovereignty of Somaliland people to approve who is going to run their affairs.

The government, oppositions, electoral committees and the international donors, called themselves as the stakeholders of the elections. In their view, it is them who decide how and when the elections could happen. Thus, elections are not our business as Somalilanders. The only choice that you are left is to bring yourself at polling station.

When you heard the political tones of those who consider themselves as oppositions, particularly when the election days appear to be indeterminate. They hot wire the international donors, reporting them how the incumbent government is reluctant to meet the deadline of its constitutional mandate. Turning the other governments to see what you had failed to handle shows the rootless political approach of the party-men. When you heard such opposition rhetoric, you might think that Somaliland elections are more favorable to the donors than its constituencies.

None of them is serious about elections. To prove that, you have to measure the contending views of the political rivalries against the realities on the ground. Oppositions demonstrated their stance against elections without registration. Likewise, the government reiterated that it will arrange everything, including the civil registration before June of this year. Both of them turned a blind eye to the practicability of the electoral road map.


Today, things are not that different. Parties agreed to the suggestions that say voter registrations should be started from July to November. While at the same time, they never made their positions towards the date of the presidential and representative elections clear. In this regard, it does not matter who might be the winner of such dirty games, but what matters is who would mind to be the onlooker of that games.   

By advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul (waddi12@gmail.com)

Sunday, February 8, 2015

MARKAAD 30 JIR TAHAY! waa inaad..... W/Q. Maxamed Cali Bile





Qorshaha Ku Darso 10 kan Qodob:



1...Jaamacadda koowaad iyo ta laabad ba soo dhammee (ama machadyo u dhigma soo dhammee)

2...3 sannadood oo waaya-aragnimo ah u yeelo xirfaddaada (xataa haddii ay tahay inaad mutadawac ku soo shaqeyso ama aad macalin ka noqoto galabtii iskuulka xafadiina ku yaala)

3...Luqadda ingiriisiga iyo mid kale oo caalamiya ku hadal (Faransiis, Carabi, Ruush, Spanish, Af Shiine). Haddaad ku hadasho mid ka mida luqadaha dawladdaha jaararka ahna sida xabashi ama sawaaxili waa wax wanaagsan.

AQOONYAHAN MAXAMED CALI BILE
4...Ilaa laba joornaal oo caan ah oo ku saabsan xirfaddaada si joogto ah u akhri (ama iyaga oo daabacad ama internetka ka akhri) si ad ula socoto waxa ka socda caalamka.

5...Xidhiidh la yeelo ugu yaraan 10 qof oo hadey doonaan meelo kala duwan jooga oo ku shaqeeya xirfadda aad baratey.

6...Qor ilaa 5 maqaal oo ku saabsan xirfadda aad baratey ama sida loo adeegsanayo oo ama bartaada fb soo dhig ama joornaal ku soo qor. Haddaad joornaal ku soo qorto, ka sawiro oo meel dhigo.

7...Ka qeyb gal ugu yaraan 5 shir ama tababar oo haddii ay kuu suuro gashana hadal ka jeedi, xataa haddii uu dhowr daqiiqadood oo kooban yahay.

8...Nolosha dhinaca macaan iska taag xataa haddii aad daawaha ku socoto. Ha lagu tuhmo oo halaguu qaato inaad tahay qof ay uugu jirto. Qofka cabashada badan lama jecla oo waa laga ordaa xataa haddii uu aqoon badan iyo waaya aragnimo leeyahay.

9...Dadka u hanbalyee wixii wanaagsan ee u soo kordha ama aad ku aragto. Tilifoon u dir haddii aad aragto saxiibkaa oo xalay TV-ga barnaamij wanaagsan ka soo daayey ama meel ku soo qorey.

10...Ilaahaga ku xidhnow oo hore u soco laguma dhaammee.