In muwaadiniintu ay u sinaadaan
xilalka qaranka iyo in dhammaan qaybaha bulshadu ay iska dhex arkaan xilalka
qaranku waa dooddo ka taagan waddamo badan oo caalamka ah. Waxay doodda ugu
culusi ka taagan tahay sida layskugu dheeli-tirayo in muwaadiniintu iyada oo aan
loo eegayn sinjigooda, diintooda, midabkooda, isirkooda ama qabiilkooda iwm ay u
sinnaadaan xilalka dawladda, iyo in la dhiirigaliyo in kooxaha laga tirada
badan yahay ee bulshada kamidka ahi ay iska dhex arkaan xilalka dawladda,
iyadoo markasta aad loo ilaalinayo mabda’a ah in shaqo kasta la siiyo qofka ugu
mudan tartamayaasha ama muwaadiniinta guud ahaan.
Shaqada
garsoorka ayaa iyadu ah mida ugu xasaasisan xilalka dawladdeed ee ay
muwaadiniintu qabtaan – waa shaqo ku dhisan dhexdhexaadnimada, cadaaladda,
sinaanta iyo kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan xubnaha shaqadaasi qabanaya. Waa shaqo ay
khasab tahay in laga ilaasho in qofka ka shaqaynaya lagu soo sooco koox, midab,
qabiil, urruro siyaasaddeed iyo wax kasta oo mugdi gelin kara dhexdhexaadnimada
xubnaha garsoorka. Sidaas darteed, adduunweynaha waxaa caanka ka ah ku dhaqanka
‘mabda’a mudnaanta’ ‘merit principle,’ marka
la qaadanayo xubnaha garsoorka. Waa mabda’a odhanaya dadka loo dhiibayo xilalka
waaxda garsoorka ka bannaan waa in lagu xushaa oo keliya sida ay u kala mudan yihiin ee ay ugu kala haboon
yihiin shuruuddaha ay shaqadaasi u baahan tahay. Mabda’ani wuxuu meesha ka
saarayaa in la yidhaa koox ama cid gaar ah oo bulshada kamid ah ayaan garsoorka
xilal ka hayn e’, iyaga xilkaasi ha loo dhiibo. Mabda’ani wuxuu u dhigan yahay muwaadiniintu way siman yihiin, qofna shaqo
ama xil lagu siin maayo dabaqada uu yahay, midabkiisa, reerkiisa iyo wax kasta
oo la xidhiidha noloshiisa iyo isirkiisa dartii, balse muwaadiniintu waxay
shaqada iyo xilalka qaranka ugu kala mudnaanayaan iyadoo la eegayo dhaqankooda
qofnimo/shakhsiyaddooda, aqoontooda, waayo-aragnimada uu shaqada u leeyahay,
guulaha uu shaqooyinkiisii hore ka soo gaadhay, afkaarta ay shaqada kor u
qaadisteeda ka haystaan iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh nooca shaqada.
Maalmahani waxaa aad loo hadal hayaa
xil ka qaadistii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ku sameeyey Guddoomiyahii
Maxkamadda Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali iyo cidda ay tahay inuu
jagadaasi u magacaabo. Waxaa muhiim ah in ugu horeyn ba aynu fahano inta boos
ee xil ka qaadistani ay banneysay, magacaabistuna ay buuxin doonto. Xilka ka qaadista Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare ee Soomaaliland, waxay ka dhigan tahay in sidoo kale xilka
laga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo weliba Guddoomiyaha
Guddida Cadaaladda. Waa saddexdii
jago ee garsoorka ugu sareeyey oo uu hal qof ka wada hayey saddexdii
haayaddood ee garsoorka ugu sarreeyey – waa nusqaan uu dastuurkeenu
leeyahay. Magacaabistuna saddexdaasi jago ayey wada buuxinaysaa. Sidaas darteed,
haddaan aad looga baaraan degin saddex boqolaha xilkaasi loo dhiibayo, waxaa
dayacmaya nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka oo dhan.
Waxaa wax lala yaabo ah in
masuuliyiin bulshada dhexdeeda magac ku lihi ay ku taliyaan beelaha
Soomaaliland dega qaarkood ha lagu raaligeliyo booskani. Runtii waa arrin sawir
ka bixinaysa aragtida ay bulshadeenu ka haysato dawladnimada, weliba kuwoogii
aqoonyahanka ahaa ayaa qaabkani ku talinaya. Afar arrimood ayaa aad loogu
baahan yahay in Madaxweynaha iyo bulshaduba ay ogaato:
1. Qodobka 8aad
ee dastuurkeenu wuxuu sheegayaa in dhammaan muwaadiniintu ay u siman yihiin
xuquuqaha uu dastuurkeenu dhigayo oo ay kamid yihiin xuquuqda shaqo iyo xaqa
siyaasaddeed. Waxaa loo baahan yahay in qodobkaasi ay goleyaasha qaranka iyo
muwaadiniintuba ku dhaqmaan. Xalka aynu raadinaynaa wuxuu ku jiraa ku dhaqanka
sharciga.
2. Garsoore lagu
magaacabay beesha uu ka soo jeedo darteed in cadaalad laga sugo maaha. Lagumana
canaanan karo haddii uu beeshiisa u habrado, ilayn xilkiisa ayaa ku xidhane. Siddee
markaa ay dadku kalsooni ugu qabi karaan qof ay og yihiin in lagu magacaabay qabyaalad
oo aan lagu soo xulan aqoontiisa iyo kartidiisa oo ka dhigay qofkii ugu mudnaa
shaqadani.
3. Garsooraha ay
magacaabistiisa cidi soo jeedisay, ku doodday ama u ololeysay, wuxuu u
hoggaansami doonaa ciddaasi. Waa in aynu fahanaa weliba in xilkani in uu Garsooreyaasha
kale dheer yahay in ay ceeb tahay in la codsado ama la raadsado, waayo Madaxweynaha
ayuu sharcigu awood u siiyey xulashada shakhsiga ugu mudan xilkani, sidaas
darteed, way reeban tahay in tartan loo galaa. Qofka uu Madaxweynahu u gartaa
wuxuu xaq u leeyahay aqbalaad ama ka cudur-daarasho, kadib ayaa labada gole ay
ansaxinayaan ama diiddayaan iyagoo u eegaya in qofka uu Madaxweynahu magacaabay
buuxinayo shuruuddaha xilkani u yaala, iyagoo ku xisaabtamaya mabaadi’da guud
ee shaqada garsoorenimo.
4.
Sida ku xusan Qodobka 105(1) ee Dastuurka ‘Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu
magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare [....], iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimada xirfadeed
iyo suubanaan akhlaaqdeed.’ Markaa waxaa loo baahan in la fahmo, in Madaxweynahu
aanu ku xisaabtamin oo keliya shuruuddaha faqradda 2aad ee qodobkani oo
sheegaya in qofka xilkani loo magacaabayaa uu lahaado shahaado jaamacaddeed oo
aqoonta sharci ah iyo waayo-aragnimo 10 sanno ah oo uu ku shaqeeyey Garsoore,
Xeer-ilaaliye, Qareen ama/iyo Barre Jaamacaddeed iyo in inuu ka madax-bannaan
yahay siyaasadda. Laakiin uu sida faqradda hore ay sheegayso uu tixgelinta siiyo muwaadiniinta ugu aqoonta
sarreysa, ugu waayo-aragnimada badan uguna akhlaaqda wanaagsan – qofka ugu
mudan xilkani.
Sidaas darteed, waa in la fahmaa in
Madaxweynahu qof kasta oo uu iska caashaqo iyo sabab isaga u gaar ah aanu u
magacaabi karin xilkani. Baarlamanku waxay magacaabista ama xilqaadista
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ansaxinayaan keliya haddii ay isku raacaan in uu Madaxweynahu awooddani dastuuriga ah u
isticmaalay sidii ugu mudnayd, qofkii ugu mudnaana uu u magacaabay xilkani.
Kuma ansaxinayaan qofka magacaabay shuruuddaha qodobku dhigayo ma buuxiyey oo
keliya, waxay ansaxinayaan in qofka uu
Madaxweynahu magacaabay yahay qofkii ugu mudnaa inuu xilkani qabto.
Xil qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare ceebo badan ayey dibeda soo dhigtay, waxaa loo baahan yahay in
magacaabistiisa aanay ceebahaasi oo kale dibeda u soo saarin. Ceebaha ay xil ka
qaadistu dibeda soo dhigtay waxaa ugu ba’an, laakiin aan intani ku koobnayn.
i)
Wareegtada xilka qaadista, wuxuu Madaxweynahu ku
sheegay inuu dib ka sheegi doono cidda uu xilkani u soo magacaabayo! Inkastoo uu
isla wareegtada ku sheegay in labada gole ay fadhi wada jira ku ansaxin ama
diiddi doonaan. Haddana wuxuu meesha ka saaray in xil ka qaadistiisu ay ku
guul-dareysan karto codadka xildhibaannada. Hadduu xitaa taasi si cad u og
yahay, ma qurux badna in waajibaadka dastuuriga ah sidaasi loo dhayalsado.
ii)
Guddoomiyahii Urrurka Qareennada oo soo jeediyey in
beel gaar ah xilkani loo magacaabo – waxa igu adkaatay sida aan u fahmi karo
caqliyada noocan ah! Sidaas darteed, ku degdegi maayo sharaxaadeeda. Waxaanse ku
soo koobayaa waxaa wacnayd in wakhtiga uu hadalkani odhanayo uu sharciga
waafajiyo oo uu la sugo haddii ay xilqaadistu ansax noqoto, ilayn weli ansax
may noqon, oo magacaabis lagama hadli karee. Wuxuu hadalka Guddoomiyahu i
xasuusiyey dhacdo bishii June ee sannadkii hore ka dhacday dalka Australia oo
mawduucani khusaysa. Maamul goboleedka Queensland ee Dalka Australia ayaa marka
la magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa lala tashadaa Guddoomiyaha
Urrurka Qareennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha iyo masuuliyiin kale.
Markii ay soo dhowaatay Magacaabistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Queensland Jarrod Bleijie wuxuu warbaahinta ku
shaaciyey afkaartii qarsoodiga ahayd ee ay arrintani ka dhiibteen Guddoomiyahii
Urrurka Qareennada Queensland Peter Davis iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka
ee Queensland Margaret McMurdo. Maalin kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
loo magacaabay Tim Carmody oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamaddaha Hoose (Chief of
Magistrate Courts), oo aad looga hor yimid magacaabistiisa, Peter Davis, Guddoomiyahii
Urrurka Qareennadu wuxuu isku casilay in rayigii uu ka dhiibtay shakhsiyaadka
ku haboon xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare warbaahinta loo gudbiyey, isla
markaana uu aad uga soo horjeedo magaabista Tim Carmody, wuxuuna ku doodday in
aanu ku sii hogaamin karayn urrurka iyo mihnadda sharciyaqaannada nidaam uu
khariban yahay qaabka loo xulanayo masuuliyiintiisu. Waa arrin muujinaysa
lexejeclada Peter Davis u haysay mihnaddiisa iyo Urrurka uu Guddomiyaha u ahaa.
Ninka ku taliyey in kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare cid gaar ah loo
magacaabo, waa nin yidhi reer hebel baa qatanaaye, doorkan iyaga ha lagu
xooleeyo. Kaaf iyo kala dheeri, Peteroow,
wax aad ceeb u taqaan, rag bay
caaddadiisa tahay!.
Waxaan
qoraalkayga ku soo gunnaanadayaa odhaah caan ah oo ‘mabda’ani mudnaanta’ uu ka
yidhi Lord Hailsham, oo laba goor
Lord Chancellor ka noqday Boqortooyada Ingiriiska qarnigii la soo dhaafay. Waxa la weydiiyey waa noocee siyaasadda aad
masuuliyiinta garsoorka ku magacoowdaa? Wuxuu yidhi:
“Siyaasaddayda ugu horeysa ee aasaasiga ahi waa in aan mudnaantiisa oo keliya ku magacaabo
qofka ugu wanaagsan ee diyaar u ah, isla markaana doonaya inuu aqbalo xilka.
Wax tixgelin ah ma siiyo xisbiyada siyaasaddeed, jinsiga, [..] ama isirka,
kumana jiraan xisaabtayda. Shakhsiyadda,
daacadnimada, kartida xirfaddeed, waayo-aragnimada, u diyaar noqoshada iyo
awoodda qofka oo keliya ayaa shuruudahayga ah, oo ay dabcan soo raacayso shuruudda
ah in qofku uu jidh ahaan awooddi karo inuu guto waajibaadka xilka, oo aan lagu
diiddayn wax shakhsiyaddiisa khuseeya oo aan haboonayn. Tixgelintayda ugu balaadhan waxaan badanaa siiyaa danta ummadda oo ah
ilaalinta tayada garsoorayaasha iyo kalsoonida lagu qabo kartidooda iyo
madax-bannaanidooda.”
Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa oo aan ilaahay ka baryayaa inuu
Madaxweyne Siilaanyo ku sugo magacaabista qofka ugu mudan ee uu ilaahay xilkani
ku sharfayo, ummaddana khayrka ugu badani uu ugu jiro. ‘Rabboow adigu noo door’ Aamiin.....Aamiin.
Qalinkii: Cabdishakuur
Cali Muxumed (Good Lawyer)
Garsoore,
Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco,
Somaliland
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Kala xidhiidh:
www.goodlawyer4.blogspot.com
No comments:
Post a Comment