Ugu horayn waxa aan is dul
taagayaa weydiinta ah " Waa maxay mihnada qareenimo?
Sida uu qeexayo qodobka 1-aad ee Xeerka Qareenada Xeer
Lr-30/2004 ee kaabista iyo wax-kabedalka lagu sameeyay sanadkii 2013-ka
"mihnada qareenimo waa ku shaqaynta aqoonta sharciga, nidaaminta, habaynta
iyo ka doodista arrimaha sharciga". Dhinaca kale, waxaan doonayaa inaan
iftiimiyo weydiinta ah waa kuma qareenku?
GARYAQAAN MUKHTAAR YUUSUF MAXAMED |
1- Maxay tahay ruqsada qareenimo?
2- Yaa awood u leh inay bixiso ruqsada qareenimo?
3- Waa imisa nooc ruqsadaha qareenimo ee xeerku qeexay?
4- Yaa bixiya wakhti xaadirkan ruqsada?
2- Yaa awood u leh inay bixiso ruqsada qareenimo?
3- Waa imisa nooc ruqsadaha qareenimo ee xeerku qeexay?
4- Yaa bixiya wakhti xaadirkan ruqsada?
Hadaba hadii aan bilaabo ka jawaabista weydiimaha sare
ku xusan iyo muujinta mugdiga iyo khaladaadka dul-hoganaya waa sidan hoos ku
xusan ee ila soco:
MAXAY TAHAY RUQSADA QAREENIMO?
Ruqsada qareenimo waa wareegtada maamul ee uu Wasiirka
Wassaarada Cadaaladu ku soo saaro ogolaanshaha ku shaqysiga mihnada qareenimo.
Iyadoo taas laga duulayo, qofna kuma shaqaysan karro
mihnada qareenimo isaga oo aan haysan ruqsada qareenimo ee uu qeexayo Xeerka
Qareenadu Xeer Lr-30/2004.
YAA AWOOD U LEH INAY BIXISO RUQSADA QAREENIMO?
Cidda awooda u leh bixinta ruqsada qareenimo waxa dul
hoganaysa mugdi badan, waxaana jira dhawr qodob oo xeerka ku jira kuwaas oo
iska hor imanaya(Contradict provisions), isla markaana awooda bixinta ruqsada
laba qolo kala siinaya.
Sida uu qeexayo qodobka 2-aad(1) ee Xeerku waxa uu
tilmaamayaa in aanu qofna ku shaqaysan karin mihnada qareenimo isaga oo aan
ruqsad ka haysan gudida ruqsada bixinta iyo anshax marinta qareenada, waxa aynu
halkaa ka dhadhansan karnaa in ay awooda ruqsada bixinta leeyihiin gudida
ruqsad bixinta qareenadu.
Iyada oo qodobkaasi ku jiro xeerka, hadana qodobka
3-aad(1) 2) 3) 4) ee Xeerka qareenadu waxa uu shaqada gudida ruqsad bixinta ku
soo urururinayaa in a lagu soo hagaajinayo araajida iyo codsiga ruqsada iyo in
ay imtaxaanka ka qaadayaan codasadaha, isla markaana intaa wixii ka dambeeya ay
natiijada imtaxaanka u gudbinayaan Wasiirka Wassaarada Cadaalada si uu wareegto
ugu soo saaro ogolaansha ku shaqaysiga mihnada qareenimo oo ah ruqsada.
Dhinaca kale, waxa mugdiga iyo iska hor imaadka Xeerka
sii xoojiyay, qodobka 17-aad ee Xeerka oo tilmaamaya hawlaha iyo waajibaadka
gudida kaas oo farqadda 1-aad ee qodobkani ay jidaynayso in gudidu ruqsada
qareenimo bixin karto.
Sidoo kale, sida uu jidaynayo qodobka 4-aad(2) ee Xeerku,
Wasiirka Wassaarada cadaaladu in uu ku soo saarayo ogolaansha ruqsada qareenimo
wareegto Wasiir waxa ay macnaheedu tahay hadii aanu Wasiirku ku soo saarin
wareegtadaas in aanay ruqsadaasi noqonayn xalaal iyo mid lagu shaqaysan karro.
WAKHTI-XAADIRKAN YAA BIXIYA RUQSADA?
Wakhti xaadirkan ruqsada qareenimo mad-madawgaa aan
kor ku xusay awgeed waxa laga qaataa oo bixiya :
A) Gudida ruqsad bixinta iyo anshax-marinta qareenada;
oo sida la ogyahay siisay qareeno badan oo hadda ku shaqysta mihnada kuwaas oo
isugu jira ashkhaas ehel u ah iyo kuwo aan u ahaynba.
B) iyo Wassaarada Cadaalada, oo iyana sida la og yahay
qareeno badan siisay ruqsada
Sidaa darteed, labadan qolo inta aan ogahay ma jirto
wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya, sida uu xeerku qeexayo taasina waa ta
meesha ka saartay hubintii, baadhistii iyo qiimayntii codsadaha lagu samayn
lahaa in uu u qalmo qaadashada ruqsada oo uu metali karo mihnada iyo in kale,
waana ta sababtay in dad badan oo aan ehel u ahayni ay qaataan ruqsada, isla
markaana ay Maxkamdaha hortooda ka metelaan bulshada iyaga oo aan lahayn
awoodii (capacity) ay ku metali lahaayeen; taas oo ugu dambaynta sababtay in
xirfad xumida qareenadaasi ay dad badan waayaan cadaaladii iyo wixii ay xaqa u
lahaayeen, maadaama awooda qareenka, ee ku saabsan hab dhiibista doodihiisa
sharci iyo diyaarinta, nidaaminta iyo fahamka nuxurka sharci ee uu ku doodayaa
ay aad u hoosayso, waxaana ay halkaasi sababtaa in nidaamka cadaaladeed u
majara habaabo.
WAA IMISA NOOC RUQSADAHA QAREENIMO?
Guud ahaan noocyada ruqsadaha qareenimo ee Xeerku
qeexay waa saddex nooc oo kala ah:
A) Ruqsad qareen guud.
B) Ruqsad qareen shareeco.
C) Ruqsad qareen ciqaabeed.
B) Ruqsad qareen shareeco.
C) Ruqsad qareen ciqaabeed.
Noocyada ruqsadahani waxa ay kala leeyihiin shuruudo
kala gaar ah oo lagu heli karo, walow ay ugu culus tahay shuruudaha helista
ruqsada "Qareen Guud; Sababta oo ah ruqsadani waxa ay koobsanaysaa
awoodaha iyo shaqooyinka dhamaan noocyada ruqsadaha ee Xeerku qeexay.
Hadaba, wakhti xaadirkan ruqsada qareenka guud waxa
qaata cid kasta oo codsata ruqsad qareenimo; waana ay yar yihiin cida qaadata
ruqsada kale, wax qaata arday hadda uun soo qalin jabisay, kaaliyayaal
maxkamadeed oo aan muddo badan ku shaqaynayn shaqada kaaliye-nimo iyo cid kasta
oo codsataba, maadaama aanay shaqayn gudidii awooda u lahayd baadhista; taa beddalkeedana
ay xubin qudha oo ah gudoomiyhii gudidaasi cida uu doonana siiya cida uu
doonana u diida ruqsada iyo nooca ruqsadeed ee uu dalbado.
Taas oo cawaaqib xumo ku ah, kala xadaynta
sharciyaqaanada muddo badan mihnada ku jiray(Senior lawyers) iyo sharciyaqaanada
cusub(Fresh lawyers), iyada oo xitaa saamayn ku yeelan karta nidaamka
cadaaladeed ee garsoorka sababtan awgood :
1- In ay dhacdo in tixgelin la siin waayo dooda
qareenka mudada yar ku shaqaynayay mihnada oo ay garsoorka maxkamaduhu ka door
bidaan qareenka sare maadaama ay ku kala duwan yihiin dhinaca fahamka sharci
kuna kala khabiirsan yihiin, halkaasna ay ku lumi karto xuquuqdii muwakilka
wakiishay qareenka khibrada yar.
Ugu dambaynidaa, waxaas oo dhan waxa sababayaa waxa
weeye bixinta ruqsadaha qareenimo oo aan marin marinkii iyo jidkii uu qeexay
xeerku in lagu bixiyo.
GALLAD EEBAA LEH, GO'AANA SHAQADAA LEH, GARAWSHIYANA
BULSHADAA LEH.
Avv Mukhtar
Yusuf Mohamed
Hargeisa, Jamhuuriyada Somaliland.
Hargeisa, Jamhuuriyada Somaliland.