Ku: Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland -Hargaysa-
Ku: Guddida Cadaaladda
Jamhuuriyada Somaliland - Hargeysa –
Ku : Wasaaradda Cadaaladda
Jamhuuriyada Somaliland -
Hargeysa –
OG:
Gudida hoosaadka Cadaalada iyo Shuruucda ee Barlamaanka JSL. - Hargaysa-
Ujeedo: Soo gudbin
dhibaatooyin iyo Caqabado lidi ku ah Marin uhelida Cadaalada oo ka jira Guud
ahaan Garsoorka , Gaar ahaana Maxkamadda Gobolka Hargaysa.
Mudaneyaal:-
Annigoo ah Garsooraha magaciisu uu
hoos ku saxeexan yahay, kana mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka
Maroodi-jeex, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal kooban oo aan kaga
hadlayo caqabadaha ama dhibaatooyinka ka jira waaxda Garsoorka,gaar ahaan
maxkamadda gobolka hargaysa,kuwaasi oo hadimo iyo turunturo ku ah habsi-u-socodka Nidaamka Garsoor ee
Maxkamadda Gobolka Hargaysa, islmarkaasina hadday sidani ku sii socdaan ku keeni doona magac-xumo iyo dheg-xumo
Waaxda Garsoorka iyo Guud ahaan Nidaamka Caddaaladdeed ee Qarankani
Jamhuuriyadda Somaliland.
|
Garsoore Jamaal |
Mudaneyaal, waxaan qoraalkan
idiin soo gudbinayaa,anigoo ka duulaaya in dhamaan aadamaha ilaahay siiyay
xuquuqo siman iyo in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
uu damaanad qaaday in mawaadiniinta reer Somaliland iyadoon lagu kala saarayn
midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta,
afkaarta iwm, ay sharciga hortiisa
leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman, anigoo gudanaya
waajibaadkayga Garsoorenimo ee dhawritaanka sharafta iyo magaca Waaxda
Garsoorka.
Annigoo dareensan culayska uu leeyahay waajibaadka Garsoorenimo ee
laysaaray,isla markaasna ogsoon xisaabta aakhiro iyo in ilaahay qof walba kala xisaabtami
doono masuuliyadda iyo xilka uu ummadda u hayo, annigoo dareensan in sababta
dhallinyartii jaamiciyiinta ahaa looga hawl-geliyey waaxda garsoorka sanadihii 2011 iyo 2012
ahayd kobcinta ku dhaqanka shuruucda qaranka iyo kor u qaadista Nidaamka Caddaaladdeed
ee Qaranka.
Mudanayaal, anigoo aad ugu kalsoon inaad cadaalada iga jeceshiin,
dalka iyo dadkana iiga damqasho iyo lexe-jeclo badan tiin waxaan si aada
idiinka codsanayaa in warbixintan aad si mugleh hoos ugu eegtaan,islamarkaasina
aad xoog saartaan wax ka qabashada arimaha ay warbixintani xanbaarsan tahay.
Warbixinta dhibaatooyinka
iyo Caqabadaha lidiga ku ah Marin uhelida Cadaalada ee ka jira Guud
ahaan Garsoorka, Gaar ahaana Maxkmaddaha Gobolka Maroodi Jeex.
1.
Hordhac
Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sanadii 2011 oo noqonaysa
sanaduun kadib doorashadii madaxtooyada ee uu ku guulaystay ku baaqay isagoo
fulinaaya balan qaadkiisii ahaa inuu wax ka qaban doono Dulmiga iyo Cadaalad darada
uu Shacbiga Somaliland mudada dheer kaga cabanaayay hay’adaha garsoorka, in la
qabto shirwayne qaran oo lagaga hadlaayo tayaynta garsoorka, Waxaana 14th-16th bisha june ee isla sanadaasi iyadoo
laga duulaayo baaqii madaxwaynaha, Hotel Ambassodor lagu qabtay shirwayne qaran
oo loo bixiyay Shirwaynaha Cadaalada Iyo dib uhabaynta Garsoorka, kaasi
oo ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Cadaalada, UNDP iyo AWEPA (National
justice and judiciary reform conference, jointly organized: BY ministry of justice,
UNDP and AWEPA, HELD AMBASADOR HOTEL in 14th -16th ,June,
2011).
Shirkaasi
qodobadii ka soo baxay waxa ka mid ahaa kuwii ugu mihiimsanaa in garsoorka lagu
daro dhalinyaradii jaamicadaha ka soo qalin jabisay, iyadoo taasi la
fulinaayana waxa Wasaarada Cadaalada jamhuuriyada Somaliland bishii October ee
sanadii 2011 kii qaadatay afartaneeyo dhalin yaradii jaamicadaha ka qalin
jabisaya, waxayna u furtay tabobar sanada iyadoo lagu tabo baraayay xirfada
garsooranimo.Gudida Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland na waxay dhankeeda iyana
iyadoo fulinaysa siyaasada qaranka ee dib u habaynta Cadaalada isla sanadaasi
2011, bishii November
garsoorayaal u magacwaday dhalin yaro tobaneeyo ah oo dhamaantood
jaamiciyiina.
Sidoo
kale Gudida Cadaalada Jamhuuriyada waxay 20kii bishii December ee sannadkii
2012ka magacoowday 27 Garsoore oo kamida dhalinyartii Wasaarada Cadaaladu
tababarka sanadka ah u furtay bishii October ee sanadii 2011 kii, kadib markii
ay tabo barkaasi dhamaysteen.
Run
ahaantii, talaabooyinkaasi aan sare ku xusay marka la eegaayo bilowgii qorshaha
dib u habaynta garsoorka waxay ahaayeen qaar wax ku oola oo keenay natiijo
wanaagsan oo dadwaynuhu ku diirsaday, balse mudo yar kadib markii xukuumada oo
ahayd cida uu ka go’naa qorsha dib u
ahabayta garsoorku ay ku jeesatay horumar kale ee wadanka ka socda, waxa qorsha
haasi noqday hal bacaad lagu lisay, arintii garsoorkuna halkeedi hore ayay ku
noqotay,waxaana xoogaystay gadhwadeenadii dulmiga ee markii hore ka baaqsaday
in la eryo, mudana iska nabaayay in seeftu la tagto, xaalkuna maanta waxa uu
marayaa in subax kasta oo aanu soo shaqo tagno in dhahayagu ku dhacaan dad
badan dhibaataysan,Dulmi iyo Cadaalad daro badanina ku dhacday, balse aanaan
waxba u qaban karayn, ka hadalkooduna na dhaxal siiyay cadaadis badan oo nagaga
yimaada madaxda garsoorka .Hadaba maanta anigoo go’aansaday in waxa dhacayaa
yihiin wax aaan laga aamusi karin, waxaan madaxda sharafta leh ee warqadani
tooska ugu socoto halkan ugu soo gudbinayaa warbixin kooban oo aan rabo inaan
ku iftiimiyo halkay sartu ka qudhan tay
iyo halkay dhibaatooyinka garsoorka ka jira ee keenay Cadaalad darada baahsan
ee dadwaynuhu had iyo jeer garsoorka ka
cabanayaan halkay salka ku hayso. Waana sidan.
2. Dhibaatooyinka
iyo Caqabadaha lidiga ku ah Marin uhelida Cadaalada ee Garsoorka ka jira.
2.1 Garsoorka oo
aan dhexdiisa kala Madax banaanayn.
Kalmada madaxbanaani marka la maqlo
waxa markaba maskaxda dadka ku soo dhacda garsoorka oo aan hay’ahadaha kale ee
qaranka ka madax banaanayn, balse dhibaatada maanta ka jirtaa garsoorkeena
taasi way ka duwan tahay, waxaanan qirayaa anigoo ah garsoore qaaday dacwado
baan oo fulintu dhinac ka tahay in fulintu tahay cida ugu ixtiraamka badan
garsoorka,jirina cid fulinta ah oo kuula soo badheedhaysa anaga wax noo xukun,
balse iyadoo ay tahay in garsoore walbaa
u madax banaanaado dacwada uu hayo
maanta xaalku taasi waa ka duwan yahay, dhibaata koowaad ee jirtaana waxay
tahay garsoorka oo aan dhexdiisa kala madax banaanayn oo ay gudoomiyaashu si
toosa iyo si dadban ba u fara geliyaan dacwadaha garsoorayaasha kale hayaan.
Waxa
dhaca in gudoomiyahaagu kuu yimaado oo uu si toosa ama si dadban kuugu tilmaamo
xukunka uu rabo inaad dacwada ka gaadhid,iyadoo hadii aad si toosa uga diidid
ama uu wajigaaga ka akhristo inaanad ogolayn waxa uu rabo uu la hadlaayo
dhinicii uu la socday, isagoo u sheegaaya inay soo qortaan warqad cabasho ah,
iyadoo ujeeda diisu tahay kaliya inuu xalaashado inuu kiiskaasi kaa wareejiyo,
si uu ugu qorto cid u fulinaysa waxa uu rabo.
Sidoo
kale dhamaan durisa garsoorayaasha galalka lagaga wareejiyaa waa qaar sharci
daro oo aan habayaraatee meelna ka waafaqsanayn
Qod:10 X.H.C iyo Qod:29 X.H.M. arintanina waa ta keentay in daalin kastaa
marka uu arko in dacwadii gebo gebo ku dhawday uu soo qoro cabasho aan xeer iyo
xaqiiqa toona ku fadhiyin iyadoo ujeedadiisu kaliya tahay inuu cadaalada dib
udhigo.
Arintani
waxay garsoorayaashii u qaybisay laba qaybood oo kala ah, qayb u hogaansan danaha
gudoomiyayaasha oo si joogta ah saxeexooda wax loogu xumeeyo iyo qayb diida
amaradaasi oo Cadaawad badan loo hayo, cadaawadaasi oo kolalka qaar gaadha in
gudoomiyaashu mudo kaa hakiyaan inay dacwado ku qoraan, waxaana loo sameeyaa
dacaayado joogta ah.
Tani
maaha dhibaato ka jirta gobolka aan joogo oo qudha balse waa mid ay ka wada
dhawaajiyeen in badan oo ka mida dhalin yaradii jaamiciyiinta ahaa ee labadii
sano ee u danbaysay garsoorka lagu daray,kuna sheegeen warbixin ay bishii August, 2013
u gudbiyeen Gudida Cadaalada, ogna siiyeen wasaarada
Cadaalada,warbixintaasi oo ahayd mid ay saxeexeen 27 garsoore.
2.2
. Jiritaanka koox qareeno ah oo Madaxda Garsoorka
ku la saaxiiba.
Waxa jira koox qareeno ah oo Gudoomiyayaasha
Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha qaarkood ay isku xidhan yihiin, dacwadaha ay
hayaana dur duro iyo galbis ku maraan jaran jarooyinka kala duwan ee
maxkamadaha. Waxa dhif iyo naadira in qareenadaasi kiisaska ay hayaan laga
xukumo, iyadoo sababtu ay tahay laba arimood.
A. Gudoomiyaasha
ay saaxiibka la yihiin oo marka horeba dacwadaha u qaada ama ugu qora
garsooraha ay doortaan.
B. Garsoorayaasha
qaar kamida oo gudoomiyayaasha dartood ugu habrada.
Qareenadani
badanaa way ka kiisas badan yihiin qareenada kale, waayo, waxa yar amaba aan jirin qareen ay dadku ku
doortaan kartidiisa iyo aqoontiisa
sharci, balse gudoomiyaasha ayaa yidhaa qareen hebel u taga amaba dadka ayaa markay arkeen habdhaqanka
maxkamaddha ka jira iyo in loo habrado qareenka ay gudoomiyaasha saaxiibka
yihiin daydaya qareen ay gudoomiyayaasha
saaxiib yihiin.
Dhanka
kale qareenadani mararka qaar waa qaar khiyaameeya dhinacyada ay qareenada u
yihiin, arintani badanaa waxay dhacdaa marka iyaga iyo gudoomiyayaasha ay
saaxiibka ahaayeen danuhu iskaga dhacaan,
tani badanaa waxay dhacdaa marka qareenadani ogaadaan in dhinica uu markan
qareenka u yahay mooyee dhinaca kale ee ay iska soo horjeedaan uu gudoomiyuhu
wax la wado. Qareenadani markay sidan oo kale wax u dhacaan si daacad nimo ah
dhinacay qareenka u ahaayeen uguma doodaan oo gudoomiyayaasha ayay u waji
dhigtaan, dacwadana kama tanaasulaan oo ma ogola in lacagtu ka baaqsato.
2.3
Xeer
ilaalinta oo leh awoodo badan oo aan sharici ahayn.
Iyadoo
ay tahay in xiliga dacwad qaadista Xeer Ilaalinta iyo qareenada si siman loola
dhaqmo oo aan la kala waynaysiin hadana waxa jira in Xeer ilaalinta si gaara
loo tixgaliyo oo aan si saman doodooda loo eegin,Sidoo kele waxa jira in xeerr
ilaalintu leeday awoodo badan oo ay maxkamadaha la wadaagaan awoodihii uu
sharcigu u gaar yeelay maxkamadaha sida damaanad bixinta oo aad arkayso
garsoorayaal badan oo wax ka waydiinaayay bixinteeda, waxa kale oo dhacda in
garsoorayaal badani aanay siidaynta ku dhiiranin ila xeer ilaalintu raali ka
noqoto.
2.4
Dabaqaada
Xeerarka oo aad u Liita.
A. Dacwadaha
Ciqaabta ah.
Inkasta oo xeerarka dalka u yaalaa iyo dastuurkuba ay si wayn u ilaaliyeen
xuquuqda qofka bani aadamka ah marka uu xorta yahay iyo marka uu xidhan
yahayba, maanta garsoorkeenu ma ilaaliyo
xuquuqahaasi, iska daa inuu ilaaliyee isagaaba ka badha ama fududeeya
dhicitaanka tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqahaasi,Sababtoo ah.
1. Qod: 25 aad ee
dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa uu damaanad qaaday inaan qofna
xoriyadiisa laga qaadin, hadaanu danbi faraha kula jirin ama aan loo haysanin
amar qabasho oo ka soo baxay garsoore awood u leh, maanta dhamaan maxaabiista
maxkamaddaha la horkeenaa marka laga reebo mid iyo laba waa qaar lagu soo
qabtay sifo xaaraana oo baal marsan Qod:
34, 35, 36, iyo 38 X.H.C, mana jiro
garsoore marka la horkeeno guta waajibaadka ay dhigayaan Qod: 39 X.H.C.
2. Maxaabiistaasa
Maxkamadaha la horkeeno badanaa waa qaar
bahdilan oo lagu tuntay xuquuqdoodi aasaasiga ahaa. Waxa la keenaa iyagoo kaba
la, qaarkoodna nigis mooyaane aanay wax kale xidhnay.Sidoo kale maxaabiistaasi
marka maxkamadaha la horkeeno waxay sheegtaan in lagu sameeyay tacadiyo aad ubadan
sida in askartu dishay iyo in ay dhawcisho xidhnaayeen maxkamad la’aan ( Mudo
dhaaf).Qaarkoodna waxayba sheegaan in aanay hal caano maal aanay jirin cid wax
u keentay oo aanay waxba cunin.Mana jiro Garsoore Qod:32 X.H.C.
3. Marxalada oogista dacawada ka hor iyadoo ay
masuuliyada iyo waajibaadka xeer ilaalinta tahay sida uu dhigaayo Qod: 70 X.HC in
ay hubiyaan in danbi dhacay eedaysanuhuna yahay kii galay, haba yaraatee xeer
ilaalintu masuuliyadaasi in yarna kama dabaqdo, dacawadahay Maxkamadda
horkeenaan waa maxkamadduun ku riix ( Bush to the Court).
4. Iyadoo Qod: 26
aad ee dastuurkaJamhuuriyada Somaliland dhigaayo in eedaysane kasta loo aqoon
sanaado danbi laawe ilaa danbi kaga cadaado maxkamada horteeda, maanta taasi ma
jirto ee qof kasta oo maxbuusa ama xafiiska xeer ilaalintu soo eedeeyay sidaasi
ayuu danbiile ku yahay, dacwada ay qaadayaan garsoorayaasha in badan oo
kamidina waa mid magac uyaala oo ay ku khiyaamaynayaan indhaha dadwaynaha iyo
eedaysanaha, tusaale ahaan hadiiba aad
waydiiso maxbuuska uu xukumay cadaymaha la horkeenay ee uu ku xukumay waxa ay
yihiin, waxa garsoorayaasha qaar kuugu
jawaabayaan, duruufaha dalka ka jira ayaa keenay in cadaymo ku filan la waayee
danbiga wuu galay.Waxaana dhif iyo naadira in xafiiska xeer ilaalintu si
waafaqsan Qod:110 iyo 163 X.H.C maxkamada
horteeda si shaki la’ana uga cadeeyaan in danbi dhacay, eedaysanuhuna yahay
kiii galay.
5. Iyadoo Qod: 246
X.H.C dhigaayo in aan xukunada dacwadaha ciqaabta ah la fulin Karin ilaa
xukunku noqdo mid kama danbaysa, marka laga reebo marka xukunku yahay mid siidayna,.
Hadaba maanta xaalku waa mid cagsiga ah oo iyadoo marka horeba yartahay in la
arko qof eedaysanaha ah oo isagoo xor oo xidhnayn isdifaaca, hadana iyadoo
taasi jirto hadana midhadhkaasi faro ku tiriska ah waxa xoriyada laga qaadaa
marka xukunka xadhiga ah ama ganaaxa ahi sidaa ugu dhaco,iyadoon wax tixgalina
lasiin bislaanshaha fulinta xukunka, halka dadka xoriyadooda loo celiyo
oo sharcigu si cad u damaanad qaaday in ay xoriyadooda helaan isla marka
xukunka xoriyad u celinta ah lagu dhawaaqo,taasi danbe oo keentay in maxaabiista qaar labo sano
kadib maxkamadda sare marka xukunku gaadho la siidaayo, iyadoo aanay jirin
marnaba wax xukun ciqaaba oo ku dhacay, mana jirto wax magdhaawa oo marka danbe
lasiiyaa.
6. Iyadoo ay
xaaraan tahay in eedaysanaha lagu dirqiyo ama lagu dhiiri galiyo inuu danbi
qirto, haduu iskii u sameeyana ay tahay in garsooruhu usharaxo dhibta kaga iman
karta iyo in danbi qirasho kastaa isaga cadayn ku tahay, iyadoo isla markaasina
ay reeban tahay in wax su’aalo ah oo lagu qod qodaayo la waydiiyaa, waxa maanta
maxkamadeheena ka dhaca inay garsoorayaasha qaar ku dhiiri geliyaan in
eedaysanuhu qirto danbiga loo haysto iyagoo si toosa ama si dadban ugu sheegaaya
in hadii uu qirto la siidayn doono amaba ciqaabta laga khafiifin doono.
7. Waxa kale oo
jirta in dacwdaha ciqaabta ah ee tashiga oo xeerku dhigaayo in eedaysanaha loo
qabto qareen difaaca oo karti leh,hadiiba qareenkaasi waajibkiisa gudan waayana
tahay in laba ganaaco maanta ta dhacdaa waa cagsiga oo qareenka loo qabtaa waa
mid macmala oo aan marnaba gudanin waajibiikiisii ahaa in uu difaaco
eedaysanaha,iyadoo ujeedada kaliya ee qareenka noocaniya loogu qabtayna tahay in lagu xalaashado oo kaliya in fadhiga
maxkmadu qabsoomo maadama aan dacwada la bilaabi karin ilaa qareen difaaca
eedaysanaha la helo.
B. Dacwadaha Madaniga
ah.
Marka laga
ymaaado dacwadaha ciqaabta ah ee aan sare ku tilmaamay, waxa iyana jira
dhibaatooyin fara- badan oo ka tagan dacwadaaha madaniga ah oo meesha ka saaray
xaqsoorkii iyo cadaaladdii laga rabay in dhinacyadu ka helaan Maxakamaddaha,
waxaanan warbixintaydan ku soo qaadanayaa dhawrkan arimood ee aan hoos ku
xusay:-
·
Xadhig iyo xoriyad ka qaadis: iyadoo sharcigu u dhigay dariiq iyo
nidaam cad oo loo raaco qaadista dacwadaha madaniga ah, sida ku xusan xerka
Habka Madaniga, oo ay ka raabantahay xadhig iyo xoriyad kla qaadis, waxa aad
arkaysaa dad badan oo Garsoorayaasha Maxakamaddaha joogaa u xidh-xidheen
xuquuqo madaniya, iyadoo waliba dadkaas lagu ilaawo oo ay ku jiraan saldhigyada,
iyadoo ay dhacday qaarkood inay ilaa
afar billood ku jireen.
·
Dhawrid la,aanta xaqul dacwaha: iyadoo xeerku
si cad u sheegay cida leh xaqa in ay dacwooto, waxaad marar badan arkaysaa dad
aan xaqa dacwada lahayn oo loo furaayo dacwado.
·
Dhawrid la,aanta shuruudaha looga baahan-yahay
arjiyada dacwadaha madaniga ah: iyadoo iyana xeer ku siuu sicad u sheegay waxyaabaha ay
tahay in arjiga dacwad furashada ama arjiga jawaab celintu laga helo waxaad in
badan arkaysaa arjiyo ama jawaabo aan xeerka waafaqsanayn oo dhinacyada laga aqbalaayo.
2.5
Xeerka qaar
oo aan lagu dhaqmin
Qaranka
Jamhuuriyada soomaliland mudadii uu jiray waxa uu samaystay xeerar dhaqan gala
oo ay waajib tahay in maxkamaduhu dabaqaan,balse waxa jirta in xeerar badan oo
qarankani jamhuuriyada Somaliland uu samaytay aanay maxkamadaheenu wax
tixgalina siinin, kuna dhaqmin,iyagoo taasi badelkeeda mudnaanta siiya
xeeerarkii aynu ka dhaxalay dalkii aynu ka go’nay ee jamhuuriyadii dimuqraadiga Soomaaliya, waxanan
tusaale usoo qaadan karaa labadan xeer ee hoos ku qoran.
ü Xeerka Saxaafada
( Xeer-27/2004).
ü Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruuta ( Xeer
–LR-36/2007).
Caruurta
khilaafta sharciga ama ku eedaysdan inay galeen faldanbiyeed waxa lagu dabaqaa
dacwadahooga xeertka ciqaabta guud oo ah xeer aynu ka dhaxalnay dawladii
Somaliya ee aynu Madax banaanideena kala soo noqonay,Sidoo kale Xeerka
saaxaafadu waa mid dhaqan gala oo qarankani jamhuuriyada Somaliland ugu talo
galay in lagu dhaqo saxaafada marka ay xad gudubto iyo marka lagu xad gudbaba.
2.6
.Xeerarka qaar oo si guracan loogu dhaqmo.
Iyadoo
madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland
mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) markii uu talada dalka ku
guulaystay kala diray gudidii nabad
galyada, hadana waxa ilaa hada maxkamaddaha ka jira adeeg u dhigma amaba ka sii
liita kii ay qaban jireen Gudida Nabad Gelyadu. Waxa jira in wigii hal mar ama
laba jeer maxkamadda gobolka hargaysa la horkeeno dhalin yar badan oo ciyaalo
iskuula kuwaasi oo si wada jira ugu eedaysan xeerka Nabad Gelyada, iyadoo
ujeedada ay xeerkan booliska iyo xeer ilaalintu ugu soo eedeeyeena ay tahay in
ay ka muquurtaan waajibka ah in danbi dhacay, eedaysanayaashuna yihiiin kuwii
galay iyo in fursad loo siiyo eedaysanayaasha in ay isdifaacaan, maxkamaduhuna
marka la horkeeno ma gutaan waajibaadkoodii garsoor ee bilayska iyo xeer ilaalinta
ayay garab istaagaan.
Xeerkani
cida qudha ee loo isticmaalaa maaha ciyaala iskuula ee iyana waxa xeerkan si
ba’an loogu dhibaateeyaa caruurta darbi jiifka ah ee marka horeba la dayacay
masuuliyadii ahayd in la dayac tiro.
2.7
.Samaynta Ganaax Sharci daro ah.
Dhalin
yarta aan sare ku sheegay in iyadoo aan la kala saarin xabsiga loo diro,
kololka qaarna waxa dhacda in dhamaan lagu xukumo lacag ganaaxa, arintani waxay
leeday laba halisood, waa ta koowaade waxa dhacaysa in danbiile khatari ka
faa’daysto oo uu si dhib yar u baxo, ta kalena waxay tahay in mid aan waxbaba
galin awoodiisa dhagaalena aad u hoosayso lagu xukumo ganaax aanu mutaysan.tan
danbe waxay keentaa in dhalinyarada in badan oo kamidi markay Cadaalad waayeen
ay cuqdadi gasho,yidhaahdaana kol hadii marlayba lagu ganaaxayuun ha lagu
ganaaxo adoo wax sameeyay, sidaana uu ku galo danbiyo aanu markii hore geli
jirin.
3. Talo soo
jeedin.
Mudanayaal
waxa kale oo aan halkan idiinku soo gudbinayaa dhawr arimood oo aan is idhi xal
lagaga gudbo dhibaaatooyinkaasi ayay noqonayaan hadii la sameeyo waana sidan.
1. Ugu horayn in
la sameeyo gudi ka madax banaan madaxda garsoorka oo qiimeeya xukunada
garsoorayaashu gaadhaan si look ala ogaado garsooraha gudanaaya waajibaadkiisa
iyo ka aan gudanayn.
2. In la sameeyo
nidaam sugan oo garsoorayaasha lagula xisaabtamo.
3. In dib loo
qiimeeyo qorshahii Dib uhabaynta garsoorka, si loo ogaado waxa ka hir gay iyo
waxaan ka hirgalin.
4. In wasaarada
cadaaladu samayso qareeno karti iyo aqoon lehoo difaaca eedaysanayaasha loo
haysto dacwdaha ciqaabta ah.
5. In qareenada
dacwadaha gelaaya la kala shaandheeyo oo ruqsada qareenimo la siiyo cida u
qalanta.
6. In la sameeyo
xabsi lagaga maarmo saldhigyadan ay maxaabiista cid laawaha ahi ku cunta
beelayso amaba saldhigyada loo qoondeeyo giraam ay siiyaan maxaabiistaasi.
4. Gunaanad.
Mudanayaal
dhibaatooyinkani aan sare ku sheegay waa qaar caqabad ku ah in Mawaadiiniinta
reer Somaliland garsoorka ka helaan garqaadis xaqsoora, sidoo kalena waa qaar
dhalin kara dhibaatooyin waxyeeleeya qaranimadeena, waayo, cadaaladu waa shayga
qudha ee amniga xoojin kara.
Sidaasi
darteed waxaan si xushmad iyo sharafle idiinka codsanayaa in warbixintani aad si mugleh hoos ugu eegtaan,islamarkaasina aad xooga saartaan
wax ka qabashada arimaha ay warbixintani xanbaarsan tahay.
Allaa Mahad Leh
Jamaal Xuseen
Axmed (Mandeela)
Garsooraha
Maxkamadda Gobolka Hargaysa.