Qalinkii: Garsoore Cabdishakuur
Cali Muxumed.
“Hawlaha arlada, haddii lagugu aamino,
Ummadda u shaqeeyiyo addeegaa lagaa dhigo.
Olollaha runta ah, ujeeddadiisa ayaa lagaa rabaa.”
- Hees
Soomaaliyeed
|
Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed |
Bishani Maarso, waxay garsoorka
ugu bilatay dhiiranaan ay runta ku tilmaamaan iyo xiniinyo aanay weligood
islahayn way idinku yaalaan, oo ay imika indhahoogu yara bidhiiqsadeen. Saddex
Garsoore ayaa ka hadlay duli iyo bahdilaad ay beryo dugsanayeen. Awood ma
sheeganayaan, cidna uma hanjabayaan sida Garsoorka lagu yaqaan. Way baryatamayaan,
bulshada ayey u cabanayaan. In runta lala ogaado ayey rabaan. Maxay ka
cabanayaan?
1. Shaqadayadii ma gudan karno, oo
faro-gelinta xukumada ayaanu ka shaqayn kari weynay.
2. Waanu dayacanahay, oo sida
madaxda kale, dawladdu nama siiso gaaddiid, amni iyo baxnaano toona.
3. Maxkamadduhu way dayacan yihiin,
oo sida hay’addaha kale ee dawladda, lama qalabeeyo, dhismo looma dhiso. Hawsha
uu Garsoorku qabto, iyo kharashka miisanayadda laga siiyaa way kala baaxad
badan yihiin.
4. Dacwaddaha aanu xukunno lama
fuliyo, ee waa lanagu diiddaa. Waxaana lana faraa inaanu cid gaara u xukuno iyo
in aanu talaabo gaara ka qaadno.
5. Iyo arrimo kale oo kuwani kasii
xajiin badan.
Waar bal hadda daya, arrimahani
maaha kuwa ra’yigooda ah, waa arrimo mid kastaba ay caddeynteedii iyo
gar-naqsigeedii soo bandhigeen. Qareennadii goob jooga ahaana uga marag kaceen.
Waxaa intaasi u soo raacda Telifishankii Qaranka ee ay dawladdu lahayd, ayaa
fadeexadda Garsoorka laga faafinayaa. Waa dawlad, Garsoorkeedii fadeexaynaysa. Bal
ka warama Garsooraha dadkii uu u gar naqayey ay Telifishanka ka daawanayaan
iyadoo la leeyahay caddaalad-darro ayuu xukumaa.
Maxaa ku xigay! Maxaad filaysaan?
Qaylo-dhaantii waxay gaadhay madaxweynahii Qaranka. miyuu ka garaabay, muxuu ka
yidhi? Maya, umuu garaabin, wuuse tilmaamay. Muxuu yidhi? ‘Annigu Guddida
Caddaalada ayaan wax ka dhageystaa, iyaguna waxba iimay soo gudbin. Markaa Garsooreyaashu
Guddida cabashadooda ha u soo gudbiyaan oo yaanay saxaafadda ka hadlin.’
Arrintu halkaasi ayey ku wacneyd
inay ku istaagto. Haseyeeshee, marag-furkii Garsooreyaasha ayaa iskii isku keenay.
Waa Wasiirkii ay Garsooreyaashu tusaalaha uga dhigeen faro-gelinta ay xukumaddu
ku hayso Garsoorka. Muxuu yidhi? Ma wax kale ayaa u bannaan, wuu u marag-furay,
oo muxuu yidhi?
1. Waxaan hayaa xukunno badan oo
caddaalad-darro ah oo ay xukumeen,
2. Qaraarradooda ayaan dib u
eegaayoo, way iska hor imanayaan.
3. Garsooraha waa la yaqaan oo waa
kii….’
4. Miyaan sii wadi karayaa dee.
Toloow Madaxweynahu tana ma in
laga soo cawdo ayuu sugayaa? Waa siday tahay. Guddida hala soo maro. Wasiirku
ma Maxkamaddii Rafcaanka ama Sarre ee xukunnada Maxkamaddaha hoose looga caban
jiraybaa. Halkee ayuu ka keenay awoodda uu xukunnada maxkamaddeed ugu sheegayo
kuwo caddaalad-darro ah? Sharcigii ayaa awood u siiyey inuu isku eeggo
qaraarrada Maxkamadda oo yidhaahdo ‘Wayska
hor imanayaan’? Sidaas ayuu weliba raali-gelin ku helay.
Maxaa ku xigay! Ka dar oo dibi
dhal. Hoonbaro libaax bay soo waday. Waa Guddidii Caddaaladda oo afar xubnood
ah. Horta guddidu ma afar baa? Mayee waa toban xubnood? Kuwii kale halkay
qabteen, Kooramku miyuu buuxaa? Iyagaa ka kooram ah. Afar qof oo kursigooda
ilaashanaya ayaa magacii guddida ku hadlaya. Miyuu mid kastaaba iskii u hadlo. Miyaanay
ka tirsanayn Garsoorkani meydkiisii meel lagu aaso la garan laayahay. Hadday afkii
guddida ku hadlayeen, maxay qof qudha u wakiilan waayeen. Xubnahii kale miyey
la qabaan arrimahani mise lama qabaan? Mooyi!
Maxay ku hadleen? Waa afar nin
oo mid kastaaba uu xilkani iyo mid kale oo ah xilkiisa asalka ah haysto. Waa
Guddoomiyahii Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda, ahna
Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah. Waa Xeer-Ilaaliyahii Guud ee Qaranka,
ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Agaasimaha Guud ee Caddaaladda,
ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
ahna Xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda. Waaba xukumaddii oo jawaabaysa. Saddex
kamid ah ayaa xukumadda ka tirsan. Haddaba, maxay ku hadleen?
1. Garsoorka madax-bannaanidiisu
waa markii ay ugu wanaagsanayd.
2. Garsooreyaashaasi hadlay way
gafeen, khalad ayaanay galeen.
3. Ma jirto wax faro-gelin ah oo ay
xukumaddu garsoorka ku haysaa.
Maxay ka yidhaahdeen hadalkii
Wasiirka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen xukunnada uu Wasiirku ku sheegay
caddaalad-darrada? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Qaraarrada uu Wasiirku dib u
eegista ku sameeyo? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen dayacnaanta maxkamaddaha? Waxba!
Maxay ka yidhaahdeen amniga Garsooreyaasha ee dayacan? Waxba! Maxay ka
yidhaahdeen gaaddiid la’aanta Garsoorka haysata? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen
Garsooreyaasha gaaddiidka dadweynaha la soo raacaa dembiilayaashii ay hore u
xukumeen? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen wax ka sheegii Wasiirku uu ku sameeyey
Garsoorayaasha? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen fadeexaddii soo noqnoqotay ee
Telefishanku Qaranku uu kula kacay Garsoorka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen
Maxkamaddahani Gobolka Sanaag, ee uu Badhasaabkii Gobolkaasi qufushay? Waxba! Runtu
arrimahani aanay waxba ka odhan ayey ku jirtay. Kuwanaa u baahan inay ka
hadlaan oo ay wax ka yidhaahdaan.
Xubnahaasi
Guddida Caddaaladdu waajibkii ay xukumadu ku lahayd way guteen, laakiin waxay
ku gefeen waajibaadkii Guddida ka saarnaa iyo xilkii ay Garsoorka u hayeen.
Taariikhdu way qori doontaa. Waxaa halkii Abwaan Jiheeyee ‘Muraayadu waa shacbiga,
Ma-dhaafaan waa sharciga.’
Malaha Madaxweynaha may gaadhine, ramadaantii ina
dhaaftay, waxaanu Guddida Caddaaladda iyo Wasaaradda Caddaaladdaba gaadhsiinay
warbixin aanu ku diyaarinay 27 Garsoore oo da’yartii lays lahaa waxbay
Garsoorka ka badalayaan ah. Waxaanu warbixintaasi ku soo urrurinay caqabadaha
hortaagan xoojinta nidaamka caddaaladdeed ee dalka iyo kor u qaadista tayada
Garsoorka. Toloow, Madaxweynaha miyey gaadhay warbixintaasi? Haddii ay gaadhay,
qayladii habeenkii dhowayd kumay cusbayn ee horeba wuu iskaga ogaa
tabashooyinkani. Jawaabtuu bixiyeynaa waxay noqonaysaa is difaac. Haddii kale
oo ay tahay sida uu isaguba sheegay in aanay soo gaadhin. Waxaan leeyahay, waa
sababta igu keliftay, inaan anniga oo Garsoore ah, qoraalkani aan warbaahinta soo
mariyo si ay arrintani u ogaadaan dadweynahu. Waxaan diyaar u ahay, haddiiba
sida uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay la igu heli karo qodob
anshax-marin ah oo aan ku gefay in Guddida Caddaaladdu in la mariyo. Garsoorahu
wuxuu xaq u leeyahay inuu rayi’giisa dhiibto, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax
dhaliilo, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax qoro. Haddii Garsoorka ay warbaahintu
ka mamnuuc tahay, iyaga yaa u fasaxay? Mise Garsoorka kama tirsana xubnaha
Guddida Caddaaladdu IWM.
Waxaan u
arkay haddiiba aan arrintani noocan ah ka gilgilan waayo in mushaharka aan
qaranka ka qaataa iga xaaraantimoobayo. Waxaa xubin kasta oo Garsoorka ka
tirsan ku waajiba inay ka dhiidhido wax kasta oo Garsoorka ceeb ku ah. Maanta
Garsoorku sidani uma bahdilnaadeen, haddii ay sharaftooda difaacayaan. Haddii aanan
ilaashan karin sharafta ay shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland I siiyeen,
miyaan ilaalin karaa xuquuqda muwaadinka dhibanaha ama eeddaysanaha ah? Maya,
WALAAHI waa maya.
Ilaahay iyo
ummadda aanu mushaharka ka qaadanaaba way na arkayaan. Tani ninka u
botorinayoow, naftaada been ayaad usheegtay, ilaahayna wuu kaala xisaabtami,
ummaduna way kugu inkaari. Guddida waxaan leeyahay:
‘Masuulnimo
waa culays,
Maareeye dhabay
rabtaa,
Taariikhduna waa
mug weyn,
Xuskeedu ma
dhaafto yahay.’
-
Abwaan Ismaaciil Jiheeye
ILAAHAYOOW
KELMADDA XAQA AH, AFKAYGA KU SUG.
ALLOOW EEX MA
TIRAABINE, AQOON-DARRO HA IGU CADDAABIN.
Cabdishakuur
Cali Muxumed
Garsooraha
Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco.
Togdheer.