Pages

Friday, October 18, 2013

Guddida Diiwangalinta Ururada Siyaasaddu Ma in Muddada loo Kordhiyo ayey aheyd Mise...


Su'aal Sharci:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 Ayaa awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;

Xilligii dhaartu waxay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013. Sidaas darteed, Guddidii Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka jiritaankeedu wuxuu ku eekaa 04/10/2013. Madaxweyne Siilaanyo se wuxuu Xeerkani Madaxweyne soo saaray 14 casho kadib maalintii jiritaanka guddidu ay dhamaatay 

Su'aasha sharci ee lays weydiin karaa waxay tahay mar haddii aan muddo kordhinta la sameyn wakhtigii ay guddidu jiritaanka sharci lahayd, Sidee baa muddo kordhin loogu sameyn karaa guddi aan jiritaan sharci lahayn? Madaxweynaha inuu dib u abbuuro guddidanina awood sharci uma lahayn!!!!

 

No comments:

Post a Comment