Pages

Wednesday, October 23, 2013

Jacaylka iyo Habeenka Maxaa ka dhaxeeya?



W/Q. Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje
 
Habeenku wuxuu ka mid yahay nimcooyinka eebe inagu galadaystay, waana waqtiga naftu ku hoyato hoygeeda, kana nasato hawlaha adduun ee hadba ay ku foogantahay. Iyadoo laga faa’iidaysanayo huga iyo degennaanshaha eebe ina huwiyey Habeenka (Miyaanaan habeenka ka dhigin hu, dharraartana aanaan idiinka dhigin xili aad shaqaysataan) ayuu eebe koreeye quraankiisa inoogu sheegay.

Qof kastaaba wuxuu ku soo hoydaa hoygiisa xiligaa habeenimo, waxaanu la soo hoydaa waayihiisa gaar ahaaneeed; Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo “Ninba wuxuu qabo, Qordho la yimi

Haddaba, waa iska adduun hawlihiisa aanay dhammaane, xumaddaha ama xanuunnada dadka asiiba iyo tabashooyinka qofku qabaa waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka ku soo xaadira xiliga habeenkii ee la soo hoydo, ugana wehel yeella habeenkii Madowga qariyey Ifkii Cadceedda. .

Qofba meesha bugtaa isagay balbeshaaye, Abwaanadda ku xeel-dheer arrimaha jacaylka iyo khuburadda arrimaha cishqigu waxay in badan inoo soo gudbiyeen waayaha qofka jacaylku hayo iyo habeenku ay kala mutaan, hurdo la’aanta iyo soojeedka haysta iyo duruufaha aan lala ogayn ee ku keliyeystay kasha nafta wax jecel ee la hiishaday madowga habeennimo. Horaa loo yidhi “Naf wax jeceli ba’anaa.

Abwaankiii waynaa ee gabay dhaadhigaa ahaa, Alle ha u naxariistii Cabdi Iidaan Faarax waxa laga hayaa
;-

Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje
“Badnidaa habeenyahow,
Baryi waaba waagii,
Maxaan xalay baraarugay.”

Cabdi Iidaan wuxuu inoo sheegay inuu seexday laakiin uu soo baraarugay markuu is mirtay ee riyaddii jacaylku ay hurdada ka toosisa, hurdo danbena uu iska waayey. Waxuu hiifayaa habeenkii oo uu leeyahay caawa habeenku badanaa sawkan waagiba baryi waayey
.


Abwaan kale ayaa isna ina leh:-

“Miyaan xalayto jiifsaday,
Jirjirkaba miyaan dhigay,
Riyaad igula joogtee.”
 
Abwaanka kale ee Maxamuud Maxamed Yaasiin ( Dheeg) Isagu xaalad taa hore aad uga sii fog ayuu tilmaamaya oo uu inoo Iftiimayey, Abwaanku wuxuu yidhi:-

“Sambabada iyo feedhaha,
Intuu Surrimo kala baxay,
Ma ku foofay gaadadada!
Seeddaha iyo Lafahiyo,
Wadnihii ma sarayoo,
Halistii ma sudhan yahay!
SOO JEEDE MAQANOON,
SEEXANAYN MA IGA DHIGAY!!!”

Abwaan Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa gees kale isna iska taagay oo ina leh-

“Habeen yahow dheeri,
Waad I dhibtee,
Dharaartuna iima kaa dhaantee,,,,,”

Inbadan iyo inbadan oo kale ayeynu heesaha iyo gabayadaba ku haynaa, hurdo seexan waayey, kaa seexan waayey  ama kaa jiifsan waayey. Bal haddaba, habeenka iyo jacaylka maxaa ka dhaxeeya?

Qalinkii: Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment