W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Ugaas boqran baad ahayde,
Irridaha noloshaad ahayde,
Ileyska dhulkaad ahayde,
Raggoow indho beelistaada,
Asaayo maxaa ka beermay?
Halkaad ku lahayd astaanta,
Maxaa ummal soo fadhiistay,
Maxaad qudcur soo af yeeshay?
Dantaada markaad illowday,
Bal soo tiri aafadaadda,
Wixii dhumay aynadkaaga,
Bal daawo inkaarahaaga!!!!!
-Awaal tiris, Hadraawi, 2010.
Intaynaan
meel fog ba isla gaadhin, ugu horeyn ba aan ka afeefto in aanan qallinka u
qaadan inaan soo gudbiyo maansada oo dhamaystiran. Uguma tallo-galin
inaan qoro maqaal dheer, siddaad iiga barateen. Waa soo gudbin dareen
aan ka qaatay maansadan iyo anigoo u arkay inay haboon tahay inaan
qoraal ku muujiyo dareenkayga iyo fikirkayga ku wajahan maansadan cusub
ee abwaan Hadraawi tiriyay.
Goobtu
waa Imperial Hotel, Hargeysa. haddaanan khaldanayn waxay ahayd kowdii bisha Sagaalaad ee sannadkii 2010ka. Waa madal kulmisay hal-abbuur dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa ba ka caan ah. Madashani waxay kaloo kulmisay
dhalinyarro xul iyo xarriir ah, oo aan iyagu badanaa ba ka maqnaan
munaasibaddahan oo kale. Waa kulan loogu tallo-galey in hal-abbuurku
fariin cusub u gudbiyaan dhalinyarrada.
Hal-abbuurka
habeenkaas martida loo ahaa waxay kala ahayeen M. I. W. Hadraawi, Xasan
X. Cabdillaahi (Ganey) iyo Axmed Aw Geeddi. Ma kala dhacaan oo
saddexdu ba taariikh iyo kaalin wayn ayey ku leeyihiin bulshadda
dhexdeeda, taasina waxay sababtay inay il-yartu isku aragto goobtaasi.
Xiisihii habeenkaasi ayaa ila tagaye, aan ku soo noqdo dulucda qoraalkaygan oo ah Ugaasadu Meeday Heedheh?!!!! Waa beyd ka mid ah maanso cusub oo abwaan hadraawi tiriyay habeenkaasi, maansaddan oo la yidhaahdo Awaal tiris. Beyd qudha maahane, waa sheeko gogoldhig u ah maansaddan. Abwaanku isagoo ka faaloonaya maansaddan cusub wuxuu yidhi “Maansaddan
Awaal tiris waxay ka hadlaysaa xaaladda maanta jirta…….maansaddani waxay
mudduci ku tahay ragga. Been maahee, waa xaqiiqo jirta, dadku sidaa suu
rag iyo dumar u lahaayoo, yar iyo wayn u ahaa. Qof waliba kaalin buu
lahayoo, qof walba xilkii saa qofka kale ku jeclaa. Ooridu ninkeega
waxay ku jeclayd ragganimada, gudashadda kaalintiisa iyo inuu yahay
hogaamiyahii qoyska. Ninku marwadiisa wuu ku dhaadan jiray-haween baa
rag is dhaafshay…… gabadhu xilka guriga iyadaa badanka
haysay 75%, gurigay joogtayoo, ubadkay haysayoo, oo haddii ilaahay ka
dhigo maamulkay haysay, iftiinka iyo nuurka noloshay ayey ahayd.
Raggii
baa kaalintiisii ka baxay, aan afeefto layskuma jiree, mar walba inta
badan ayaa xun’e. maansaddani cidda ay karbaashayso ee ay dacwaynaysaa
ragga weeyi, maaha wax aan la jeclaadaye, waa xaqiiqada ka jirta maanta
inna rag.”
Toloow, Hadraawi muxuu ragga u karbaashay? Raggu
waa suldaanka nolosha adduunyo, duubka hoggaamintana iyagaa la saaray,
noloshii hore ee awoowoyaasheen ku noolayeen, ee Hadraawi laftirkiisuba
soo gaadhay, waxay ahayd nolol dhamaystirran oo qof kastaa ba
doorkiisa ka soo dhalaalay. Nolol tacab iyo karti ku dhisan ayay ahayd.
Waxay lahayd mabaadi’I (principles) nolosha saldhig u ahaa kuna
saleysnaa dhaqanka suubban iyo dhaqaalaha ummadda. Hadraawi isagoo
noloshaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan soo gaadhay,
ummaddeena oo bulsho ahoo, nolosheeda ku filan. Dhaqaale lahoo,
dhaqaalahii ay lahayd dhaqanka waafajisay. Saddex qodob nolosheedu
cuskan tahay aqoon, anshax iyo tacab, saddexdaa shay waafajisay
dhaqaalaheega. Waxaan soo gaadhay iyadoo dhaqaalahu ahaa xoolo,
dhaqaalahooguna
ka xoog wayn yahay baahidooda, caano ayay dhami jireen labada wakhti,
wuxuu dhiman jiray isagoo ilkihiisu cad cad yihiin, oo wax uu ku
calaliyay ba aanu jirin, noloshaasi waxay ku dhisnayd tacab……. Ummad
isku filanoo, iyaduna xilkeegii ka soo baxdayoo, tidhaahda wixii la arki jirayna waxoogaa laga akhristaa, wixii aan la arki jirina min subxaanalaa laga akhristaa!!. Oo nolosheedda sidaa gacanta ugu qabsatayoo, wixii awoodeeda ka baxsana ilaahay u cuskata, ayaan anigu soo gaadhay”
Haddii
ay nolosha bulshadeenu caynkaas ahayd, maxaa maanta isbeddelay? Waxaa
isbeddelay, kaalinta uu raggu nolosha ku lahaa ayaa meesha ka sii
baxaysa, ina-rag badankiisu kaalintiisii ayuu gabay. Geed cagaaran oo
dhadhankiisu qadhaadh yahay, oo wahsi iyo caajis abuura, oo waliba
dhaqaalaha qoyskana u daran ayuu raggii meherad ka dhigtay. Isaga
la’aantii ma shaqayn karo, markuu cunana wax kastaa way u sakhriran
yihiin, isagoon hawshii qabsan ayuu seexanayaa, markuu soo toosana waa
kan leh dee qaad la’aantii yaa shaqayn kara? Raggii maanta xaalkaasi
ayuu ku sugan yahay. Dumarkii ayey tallo ku caddaatey xilkooggii iyo kii
raggu baylahsheen ayaa iskugu biiray, waxaa timid in ay gabadha reerku
labaddii xilba dusha wada saarato, suuqa ayay galeysaa bal si ay
caruurta quud uga soo hesho. Kolay jaad iyo maqaaxi oo ah halkay raggu
ku lumeen, ayey
iyaduna quudkii caruuurta ka raadinaysaa, markaasuu kaaga sii darane,
isagii anfaacigii uu cunaayey iyo tamashleyntiisiiba ka sugayaa
gabadhii. Mar uu ka helo iyo mar uu ka waayaba, iyaduna waxay u raacisaa
odhaahdan maansadda ku jirta oo kale.
Ufiyo bacad baan fadiistay,
Anfaaciga aad cunayso,
Ilaaqda raggaan ku keenay,
Waxaan u adkeystay maagid,
Amaahiyo qaylo joogta…
Hadal
iyo dhammaantii, aan soo qaato dhacdo ka tarjumaysa xaalada maanta ay
qoysas badani ku sugan yihiin. Dhacdadani waxay daaha ka rogaysaa sida
kaalintii ragga ee qoysku u baylahsan tahay. Waxay kaloo ka markhaati
kacaysaa culayska iyo ciilka dumarku ay kulansadeen. Dhacdadan waxaa ka
sheekeeyay abwaan Hadraawi, maaha mid aan anigu mala’awaalay ama
hal-abuuray. Waxaanay ku xusan tahay Maansadda dhexdeeda.
Gabadh
baa jirtay magaaladan, nin baa qaba, ninkaasi shaqada uu hayaa waa qaad
cunista. Maalin oo dhan qaadkaasi (uu cunayo) iyo siyaasadaasi (uu
hadal hayo) ayuu camal ka dhigtay. Dabadeeto, iyadana waxaa qasab ku noqotay inay
labaddii xil keegii iyo kiisii ba wadda gudato. Marna suuqa ayey
fadhidaa, dhuxusha, caanaha ama wax la mid ah ayey iibinaysaa, marna waa
ta guriga joogtee ubadkii yar yaraa quudka siinaysa. Intay maqan
tahayna ubadka yar yari, furad bay heleen inay kadinka boobaan, oo waxay
doonayaan iyo siday doonayaan yeelaan…… guriga inan baa u weyn, Ugaaso
ayaa la yidhaahdaa, waa currada reerka, ninku markuu yimaado ooridu lama
hadashee, inantaasuu u yeedhaayoo, dabadeedna wuxuu yidhaa “Gogol ii
keen” markay gogoshii u keentana wuxuu yidhaahdaa “Shaahii bigeyska ahaa
ee qaadka, ii soo kari”.
Maalintii
danbe isagoo toddobaad maqnaa ayuu gurigii soo galay, oo caruurtii
yar-yarayd iyo qofkii dumar ahayd wada fadhiyaan, waa la fooraraa, hadal
ma jiro, waa la murugaysan yahay. Dadkii buu u fiirsaday, kolkaasuu
yidhi dee dadkan maxaa helay? Marna xasuusan maayo, waxa guriga ka jira
inuu isagu masuuliyadeeda leeyahay, goor danbuu yidhi “
Ugaasooy…Ugaasooy” inantii buu u yeedhay, u jajabnayd ee u keeni jirtay
gogosha iyo shaaha. Ways haysan kari wayday hooyadiiyoo intay istaagtay
bay tidhi:-
Ugaasadu meeday heedheh?
Dorraato miyaan la aasin,
Miyaan kafan loo amaahan,
Miyaan axan loo yaboohin,
Markii arragaa la waayey,
Miyaan jinku qaylo oogsan,
Miyaan insigii gadoodin!!!!
Guntii
iyo gebogabadii, waxaan filayaa inaad ila wadaagteen dareenka naxdinta
leh ee dhacdadaasi, runtii intayadii meeshaasi joogtay waanu dareenay
dareenkaasi, intiina maqaalkan akhridana waan filayaa inaad dareenteen
naxdin iyo amakaag.
Abwaanku
si farshaxnimo leh ayuu uga hadlay kaalinta ragga ee banaanaatay,
allaylahe wuu karbaashay, haday wax ku qaadanayaan. Ma is tidhaahdeen
cadowga jiritaanka qoysku waa qaadka? Dabcan, haa!! Mar hadduu dhacdadan
oo kale sabaabayo.