“Elections are flawed can not be redeemed,
It is time to start choosing our
representatives by lottery”
Alexander Gurrero. (Pennsylvania University)
Ninka sidaa u hadlayaa waa barafasoor Maraykan
ah (Ma aha Xasan Guure iyo Madashii), keligii kuma ah fikirkaas ee dad badan oo
cilmiga bulshada iyo siyaasadda ku caan ah, ayaa la qaba iyo weliba Ururro
Dimuqraadiyadda u ololeeya. Hadda arag, waxa uu ka soo jeedaa wadanka sheegta
Dimuqraadiyadda inuu aabbaheed yahay oo uu ugu da’weyn yahay dalalka habkaasi
ku dhaqma.
Prof. Maxamed Siciid (Gees) |
Waxay ku doodaan oo u ololeeyaan in dadka
adduunka saddexaad ku nooli ay qasab ku qaataan habkaasi, si ay nabad, sinnaan
iyo caddaalad u gaadhaan, oo ay dabadda uga riixaan arrintaasi. Waxa yaab leh
in afkaarahaasi ka soo baxayaan maanta Jaamacadahoodii iyo aqoonyahankoodii.
Arrintan waxa dhaliyey markii doorashooyinkii
ay wax is-beddel ah keeni waayeen oo sheekadu sideedii iska ahaatay, halka
kuwii la doortay ay la mid noqdeen kuwii ay beddeleen. Sidoo kalena Xeerarka ka
soo baxaa waxay noqdeen kuwa u adeegaya dadka maalqabeenka ah ee soo dhisay iyo
shirkadaha waaweyn, iyo Bankiyadda waaweyn ee marka ay khasaaraan, laga kabo
cashuur masaakiinta la saaro. Waxa loo fasaxay shirkadakaasi inay siday doonaan
ugu takrifalaan degaanka oo ay nijaaseeyaan cimilada iyo hawada dunida oo dhan
ka dhexeysa.
Kuwii la doortay waa ay ka dhega-adaygeen
inay wax ka qabtaan cimilida is-doorinaysa iyo nolosha dadka ee sii adkaanaysa,
taas ayaa keentay aragtida ah isma doorin gaalkaan dirayo daarta kii galay eh.
Fiqi tolkii kama janno tago ayaa hore loo yidhi. Dadkii la soo doortay waxay
noqdeen kuwa u adeegaan naftooda iyo kuwa lacagta leh ee ka dambeeya dalalkaasi
hantigoosadka ah.
Dimqraadiyaddu waxay ka soo jeedaa eray
Giriig ah (DEMO) oo la micno ah (DADKA), sidaas darteed Democracy waa xukunkii
dadka. Waxa jirta iyana (Oligarchy) oo ah xukunka dad kooban ay awoodda hayaan.
Dimuqraadiyaddu waxay u sii kal baxdaa (Direct Democracy) oo ah mid dadku uu toos
u dejiyo xeerarka xukunka oo sida shirweynaha iyo aftida oo kale ay cid kastaa
ka soo qaybgasho iyo (Representative Democracy) oo ah mid wakiilo la doorto.
Waxa jirta dhinaacaasi bariga sheeko la
yidhaahdo Riyo marin-daaje. Waxa la sheegay in Boqor Hadaaf la odhan jiray oo
sida magaco tilmaamayo nin weyn oo xooggan ahaa, ayaa dadkii nafta u keenay,
dabadeedna dadkii ayaa ka shiray wixii laga yeeli lahaa Hadaaf iyo
ciidamadiisa. Deeto waxa la is weydiiyey cidda shirka ka maqan, kadibna waxa la
yidhi; “Mid Riyo martaas ku raaca, ayaa maqan.”
Waxa la yidhi; “Ha loo yeedho.” Kadibna waxa
la weydiiyey sida ay la tahay in la iska celin karo Hadaaf iyo ciidammadiisa,
waxaanu ugu jawaabay; “Colka wadaf ma lagu dayey?” Sheekadaasi, Qur’aanka iyo
Injiilka iyo Tawraatka waa ay ku wada jirta oo waa sheekadii Nebi Daa’uud iyo
Guuleed (Goliath) ayey u eg tahay haddii aanay isku wada mid ahayn.
Taladii ayaa la qaatay oo lagu jebiyey colkii
Hadaaf. Riyo Marin-daaje waxa uu sheegay wadhafkii uu riyaha ku raaci jiray,
sheekadu waxay ku aroortaa sida qof kasta loogu baahan yahay ee uu xaq u
leeyahay wax ku darsiga arrimaha saameeya noloshiisa iyo bulshada uu ku nool
yahay iyo in qof kasta loo baahan yahay oo uu wax taro.
Habka kale ee Dimuqraadiyadda waxa la
yidhaahdaa (Representative Democracy) oo waxa la doortaa Wakiillo ama waxa la
igmadaa dad la yidhaahdo Igmadayaal ama Baarlamaan. Noocan dambe ayaa caan
noqotay. Waxase soo baxday inay noqotay meel la doorto ciddii lacag leh ee LAANDHEERE ah.
Xagga Maraykan Laandheeruhu waa nin cad oo
Diinta Masiixiga mad-habta Barootastanta (Protestants) haysta, oo ka soo jeedaa
dadka la yidhaahdo Anglo-Saxon. Xaggeena waa nin lacag haysta oo qurba-joog ah
oo Laandheere ah xagga Qabiilka ah. Dadkii kale cidla ayaa lagaga tegay,
dumarkii oo aan Qabiil lahayn, dadka La-hayb-sooco, qofkii beel yar ka dhashay
ma hawaysanayaan doorasho iyo inuu talo ku yeesho dalkan ay ku nool yihiin.
Sidaas darteed, waxa culamadda cilmiga
bulshada iyo siyaasaddu isku mashquuliyaan hadda sidii Dimuqraadiyadda loo
badbaadin lahaa oo dadku u sinnaan lahaayeen maamulka dalka ee aanay kooxi
af-duuban, iyada oo weliba sheeganaysa Dimuqraadiyad oo ahayd xukunka dadka.
Boowee, ha la yaabin dadka nidaamkan doorashooyinka dura, dhibaatadan ayey
arkeen.
Waxa jir hab la soo maray oo la magcaabi
jiray cidda loo igmanayo inay noqdaan Golayaasha Xeer-dejinta, sidii Somaliland
ku bilawday (1993) ee Buntlandka ka eegatay (1998) welina ay ku dhaqanto.
Shirkii Carta (2000) ee reer Soomaaliya ayaa iyana bawsaday ilaa hadda adeegsada.
Habkaasi waa “Oligarchy” oo dad yar oo isimo la dheho ayaa magacaaba Golayaasha
oo awooddii dadka maroorsaday. Dadweynaha wax lama weydiiyo.
Waxa hadda la xiisaynayaa hab la soo maray
waa hore oo ahaa in loo qori tuuro ciddii noqonaysa Golayaasha dalka. Marka
Degmo waliba way u qorituuraysaa Golaha Deegaankeeda, Gobal waliba waa qori
tuurayaa xubnihiisa Golaha Wakiillada ku jira, beel waliba waa u qorituuraysaa
xubnaheeda Golaha Guurtida gelaya.
Waxa la adeegsanyaa diiwangelinta madaniga ah
ee hadda socota oo dadka oo dhammi kumbiyuutarka ku jiraan. Waxa nidaamkan la
dhehaa Lottery
Selection ama Qori
Tuur. Cilmiga tiirakoobku ama statistics, waxa la dehaa “Random
Selection,” kaas oo hubinayaa in uu soo baxo gole wada matilaya bulshada
goobtaas deggan. Waar colka waraf ma lagu deyey. Akhristaw, miyaanay ka hawl
yarayn habkan doorashada ee buuqa iyo kharashka iyo qabiilka iyo xisbiyadan
atooruhu iska leeyahay iyo tolla’yda. Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, ayaa laga dhigayaa uun kuwa doorasho ku yimaadda,
kuwaas oo aan xisbiyo lagu xidhan ee madaxa bannaani ugu qaybgala doorashada.
Xeer ayuunbaa loo samaynaa cidda tartami karta.
Habkan miyaan lagaga raysteen kordhintan iyo
dhawrto-bixiyaasha iyo dilaaladooda. Waa ku filaan lahayn shantii sanoba inaan
doorashada Madaxeynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa aan qabo innaga oo cidna
dharwsan oo waa ka maarmi karnaa khawaajayaasha iyo isla weynidooda ku dheehan
dhawrtada. Shantii sanno hal mar ayuun baynu u adkaysan lahayn kulayalka
qabyaaladda.
Marxuun Reer Laasqoray ahaa Xaaji Cawad
Cisman Dheere oo ganacsade ka ahaa Hargeysa, ayaa huteel la seexdo ku lahaa
xaafadda Laba-nuux ee Hargeysa. Xaajigu waxa uu ahaa nin bulshay ah oo qayila
oo sheekeeya oo marfash la isugu yimaaddo ku leh huteelka. Xaajigu waxa uu
kookaha qabaw (Waqtiga biyo saafi ma jirin) ka iibsan jiray dukaan ay jaar
ahaayeen oo ay lahayd gabadh reer Axmed Nuux ihi.
Maalintii dembe ayaa waxa u timi Gabad Reer
Laas-qoray ah oo iyana xaafadda dukaan ku lahayd. Waxay gabadhii ku tidhi;
“Xaaji maxaad sharaabka iiga soo qaadan weyday?” Xaajigii maalintii dembe ayuu
yidhi ka soo qaada kooxaha Gabadhii Reer Laasqoray. Saw Gabadhu talaagad ma
laha. Xaajigii markuu furtay oo ku dhuftay kookihii, mise kululaa, ayuu yidhi;
“Alla qabyaaladi kululaa.” Weedhaas oo hadal-hays noqotay. Shantii sanno mar
ayaan u adkaysan lahayn doorashada iyo kulayalka qabyaaladda inta kalena
qabawga ayaan ku jiri lahayn ‘Ma nishti rabsha” sida Carabtu tidhaahdo.