Pages

Tuesday, August 12, 2014

Dharaaro Xasuustood - Qaybta 29aad "Xeerka Hawl-gabka (Pension law) iyo Xeedhada Hawl-gabka (Pension Fund). W/Q. Prof. Maxamed Siciid Gees.

Abu Dayib Al-mutanabi, waxa uu ahaa gabayaa reer Shaam (Suuriya, Libnaan iyo Falastiin) ah, kadibna waxa xidhay Dawladdii Masar ee waqtigaas oo uu gabay ku aflagaadeeyey, isagoo jeelka ku jira, ayaa lagu dhawaaqay ciiddii oo la yidhi; “Berri waa ciid (waa ciidoo waa Cali baq-baq).” Ciiddii horena waa uu xidhnaa. Dabadeed gabay Carabi ah oo aan tuducan ka soo qaatay ayuu tiriyey oo uu leeyahay; “Ciidun bi ayi xaalin cudta yaa ciidun abimaa maddaa am bi amar fiika tajdiidun.” Kaasoo macnihiisu Afsoomaali ku yahay; "Ciiddeey maxaad la soo noqotay ma wixii hore iyo jeelkii mise amar cusub ayaad siddaa.” “Hadda ciidey ma dhega la’aantii ayaad iigu soo noqotay mise war cusub baad ii siddaa?”

Sannadkii 1997 markii Marxuun Cigaal mar labaad loo doortay xilka Madaxwynenimada, ayuu magacaabay guddi 16 xubnood, si ay ugala soo taliyaan xukuumadda uu dhisayo. Waxa Guddiga Guddoomiye u ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo markaas loo doortay Madaxweyne-ku-xigeen, dabdeedna noqday Madaxweynaha Somaliland muddo siddeed sanno ah.

Waxa isna Guddiga Guddoomiye-ku-xigeen ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland. Waar bal ishaaradaas daawo. Anniga iyo koox ay ka mid ahaayeen, Cabdiqaadir Jirde, Jaamac Saalax Maxamed, Cali Sheekh Carraaye ayaa guddiga ku jiray, waxase Guddidu u badnaa rag waayeel ah oo ay ka mid ahaayeen; Marxuum Cali Sheekh Maxamed (Jirde), Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye, Marxuum Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan), Marxuum Cumar Meygaag Samatar, inta aan ka xusuusto.

Maalin ayaan odayaashii la kaftamay oo ku idhi; “Mudanayaal, maxaad hawsha uga fadhiisan waydeen oo dhallinta ugu bannayn waydeen xilalka?” Waxa ii jawaabay Marxuum Sakhraan oo yidhi; “Waa tahay ee Pension (Gunno hawl-gab) noo qora aan hawlgabnee.” Xujo macquul ah ayey noqotay. Arrintaas ayaa weli Somaliland haysata. Waar shaqaalaha xuquuq hawlgabnimo ha loo sameeyo oo sharcigii ha la curiyo.

Waxa la yidhi safarka dheeri, tallaabo ayuu ku bilaabmaa, cashuurta iyo dakhliga batay waxa uu ku bilaabmay kastamka Abaarso oo xoogaa qaadka laga qaadi jiray oo nin Daahir Salaam la yidhaahdaa hormood ka ahaa (Waxba yaannu xoolana i siin xeerna ii gelin eh, xaasha allee nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaab eh).

Wasaaradda Bulshada iyo Shaqaaluhu hormood ha ka noqoto. Qoladan World Bank isku sheega iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee innagu wareeriyey siminaaradu ha ka hawlgaleen diyaarinta sharcigan.

Abuuridda Xeedhada Hawlgabku ama (Pension Fund) waxa uu door weyn ka qaataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhigaalka ama tashiilka dhaqaalaha bulshada. Marka hore shaqaalahaa dawladda ayaa lagu bilaabayaa, waxa lagu dhiirringelinayaa inay ka soo qaybgalaan shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Shaqaale badan oo hadda xafiisyada joogaa iyo madax badan oo Saraakiil ka ah Ciidammada, ayaa xilalka ka fadhiisan doona, oo dhallinyaradan Jaamacadaha ka soo burqanaysa shaqooyin heli doonta. Qofka waayeeylka ah waxa uu xaq ugu leeyahay qaranka in dhaqaale hawlgab oo uu ku noolaado la siiyo, ee aannu noqon dameerkii Xamar ee marka laga dhammaysto waddada ku ag bakhtiyi jiray. Dunida kale waxay sameeyeen xataa meelo Eyda, dameeraha iyo bisadaha gaboobay lagu xannaaneeyo oo shaaqale iyo dhakhaatiiri maamusho.

Qoladan Khawaajayaasha ah ee had iyo jeer ka hadla Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga ayaan kula kaftamay, “Waar hadal haamo ma buuxsho, ee seminaaro saanbuuse lagu cunaa wax tarimayaan ee waxa loo baahan yahay inaad gacan iyo dhaqaale ku darsataan abuuridda Pension Fund, si qofku uu u hawlgabo marka uu da’ gaadho, isaga oo aan daba ka werwer qabin oo uu xilalka isaga wareejiyo ee aannu ku sii dheganaan, taas ayaa dimuqraadiyadda wax ka taraysa.”

Golaha Wakiillada iyo Xukuumadduba waa ku amaanan yihiin Xeerka Gunnadda Hawlgabka ee ay u soo curiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xilka ka fadhiista ee hadda dhaqangalay, waxay uun hilmaameen inay ku daraan Odayaasha Guurtida oo iyana u baahan gunnada hawlgabka, illeyn shaqo kale ma qaban karaan oo marka hore ayaa da’ weyn lagu soo gala golaha sida xeerku dhigayo.

Hadda waxa dhiman in laga wada hawlgalo Xeerka Hawlgabka (Pension Law) iyo abuuridda xeedhada hawlgabka (Pension Fund). Waagi hore ee Dawladnimadu innagu cusbayd dad da’yar ayaa xukunka lagu qaban jiray oo waad yaabaysaa marka dadkaasi kuu sheekeeyaan.

Marxuum Cigaal, waxa uu Somaliland madax u noqday isaga oo 31 jir ah sannadkii 1960, Axmed Yuusuf Ducaale waxa uu ii sheegay inuu ahaa 29 jir markuu noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalkii Jaamhuuriyada Soomaaliyeed sannadkii 1964, anniguna markaan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jumhuuriyadda Somaliland ku noqday 56 jir sannadkii 2002. War bal eeg faraq u dhexeeya.

Tobankii sanno ee u dambeeyey Somaliland waxa ka hagaasay hal-abuurkii iyo fikarkii, waxay arrintii noqotay “Business as usual,” iska caadi. Sannadihii hore tartan iyo hal-abuur dawladnimo ayaa lagu jiray. Noloshu xiise badan oo aan maadi iyo hanti ahayn ayey ahayd. Sidee nabad loo sameeyaa? Sidee caashuur loo qaadaa? Sidii hubka dhigis loo qabtaa? Sidee boolis, Ciidan, Xabsiyo, Maxkamaddu iyo Shuruuc loo hirgeliyaa? Sidee Dastuur, Baarlamaan, Axsaab, Doorashooyin loo dhisaa? Wasaaraddu, Dawladdu Hoose, Mulkiyadu hantida ma guurtada ah, lahaanshaha baabuurta iyo liisamada, waxbarasho, iyo caafimaad dhawr loo abuuraa? Aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha Dawladaha Hoose, Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa la qabtay saddex sanno oo isku xigaa, 2001, 2002 iyo 2003 kharashka ku baxay waxa bixisay xukuumadda Somaliland, khawaaje wax lagama sugin, inkasta oo hayntu yarayd.

Tobankaas sanno ee dambe waa laga caajisay doorashooyinkii, Xildhibaan Golaha Wakiiillada ah ayaaba Golaha dhexdiisa ka yidhi oo warbaahintu soo gudbisay “Doorasho ayaa na wareerisay ee goormaa dalka loo shaqaynayaa.” Xildhibaankii hadda ayuu toban sanno fadhiyaa!!

Doorashadii Khawaajayaal (dalalka reer galbeedka) la yidhaahdo deeq-bixiyeyaal ayaa la wareegay. Erayga deeq-bixiye ha la beddelo Illaahay ayaa deeqbixiye ah, ha la yidhaahdo Dhawrto-bixiyeyaal. Si loo naco dhawrtada oo dadka iyo dalku isgu tashado.

Nin madaxa ka ahaa Dawladdii hore ayaa laga hayaa Dimuqraadiyadii waa dhammaynay ee ha nala ictiraafo. Waxa waa hore la odhan jiray innanku Qur’aankii ayuu dhammeey ama soddankii jis ayuu dhammeeyey, hadda Dawladnimadii waa dhamaysay Somaliland arrintu miyaa?

Waar gurigu waa yagleel, weli shuruuc iyo nidaamkii ayaa innaga dhiman. Bal fiiri, gooni-isu-taag ayaan sheeganay, weli booliskeenna, ka Puntland iyo Soomaaliya waa isku dirays, waa isku calaamad oo Goodirkii ayey wada sitaan, ciidankii waa la mid, sharcigii maxkamaduhu waa isku mid. Qabyo waa halkeedii.

Prof. Maxamed Siciid Gees.

Monday, August 4, 2014

Qorshaha Soohdimaha Cusub iyo Soomaalida - Qalinkii: Ibraahim Yuusuf Axmed "Hawd"

Sidii loo joogay baa mar qudha dunida la gu soo dhex tuuray hadal sheegaya in soohdimaha qarameed ee gobolka Bariga Dhexe la beddelayo oo dib loo qaabaynayo. Arrintan oo ka soo bilaabatay khariidad muujinaysa dhul qaybintaa cusub taas oo ay warbaahinta Maraykanku faafisay aad baa loo faalleeyay, maantana wax aad mooddaa in la wada aqbalay oo cid waliba qorshaha ku darsatay. Weli la ma ka la hubo khariidaddaasi in ay ka timid qorshe siyaasadeed oo dawlado wadaan iyo in ay is ka tahay mala’awaal saxaafadeed, kollayba se waxaa muuqda ifafaale weyn oo isbeddel laxaad leh gobolkaa u soo sida.

Taariikh ahaan wax aynnu og nahay soohdimaha qarameed ee maanta ka jira labada qaaradood ee Afrika iyo Aasiya in uu yahay wax ay sameeyeen reer Yurub xilligii ay labadaa qaaradood ka talinayeen qarniyadii 19-aad iyo 20-aad. Jeexidda soohdimahaana wax ay ku saleeyeen oo keliya danahooda dhaqan iyo dhaqaale ee mustaqbalka. Kolkii ay bulshooyinka labada qaaradood dawladoobeen waxaa la gu qasbay ama ay ku qasbanaadeen soohdimahaa in ay sidooda u daayaan. Haddii se la doonay taa in wax la ga beddelo bulshooyinkii waxaa ku dhacay dagaallo iyo burbur aad u weyn. Dagaallada iyo burburka mar waxaa keenay dadyowga soohdimaasi khuseeyaan oo ku heshiin waayay, mar kalena dhibaatada waxaa waday reer Galbeedka oo aan oggolayn in wax la beddelo. Hoog badan oo dunida soo koraysa ka dhacay taas baa u sabab ahayd.

Gaar ahaan haddii aynnu dib u milicsanno taariikhda khariidadda qarameed ee gobolka loo yaqaanno Bariga Dhexe, waxaa la og yahay in ay tahay wax ka soo bilawday mashruuc la gu magacaabi jiray Heshiiskii Sykes-Picot. Heshiiskaasi wax uu dhex maray Ingiriiska iyo Faransiiska sannadkii 1916, iyada oo Ruushkana markii dambe la oggolaysiiyay. Qorshaha heshiiskaa waxaa la gu baabbi’inayay Imbaradooriyaddii soojireenka ahayd ee Cismaaniyada, dhulalkii islaamka ee ay ka talin jirtay ayaana la gu qaybsanayay. Magaca Sykes-Picot waa soo gaabinta magacyada laba diblomaasi oo hawshaa ka soo shaqeeyay oo ka la ahaa Mark Sykes (Ingiriis) iyo George Picot (Faransiis). Bilawgii wax uu ahaa heshiis qarsoon, sannad ka dib ayuu se Ruushku shaaciyay.

Si haddaba qorshahaa loo meelmariyo, Ingiriisku wax uu odayada carabta u ballanqaaday haddii ay talada Cismaaniyada ku kacaan in uu iyaga u dhisi doono dawlad carbeed oo midaysan. Laakiin kolkii ay carabtu Turkigii ku kacday ee dhulkeedii oo dhan ka saartay, iyaga oo Ingiriiska taageero ka helaya, ballantii Ingiriisku ma ay fulin, carabtiina dawladnimo la ma siin ee Yurub baa dhulkoodii qaybsatay oo qabsatay. Sannadkii uu heshiiska Sykes-Picot dhacay gugii xigay waxaa soo baxay mashruuca kale ee isagana loo yaqaanno Ballabqaadkii Balfour, kaas oo ay Ingiriiska iyo niman yuhuud ahi ku wada qorsheeyeen in dawlad yuhuudeed la ga dhiso dhulka Falastiin.

Sidaas baa soohdimaha gobolkaa loo qaabeeyay kuna noqday sida uu maanta u eg yahay. Sidaas baa boqolkii sannadood ee tagay dadyowgaa loo maamulanayay oo khayraadkooda loo bililiqaysanayay, xitaa iyaga oo dawlado is moodaya. Tii baad mooddaa haddaba maanta in qorshe cusubi ka daba yimid, iyada oo malaha caddaanku is tuseen Heshiiskii Sykes-Picot oo boqol jirsaday in uu gaboobay ayna tahay in la cusbooneeyo. Guud ahaan kacdoonka xorriyad-doonka ah ee ka dhacay kana socda dhulalka carabta, burburka iyo ka la daadashada Suuriya iyo Ciraaq, qalalaasaha Liibiya, Yaman, Masar iyo dalal kale, loollanka isirnimo, diineed iyo mad’habeed ee Dunida Muslinka gilgilaya, awoodaha cusub ee Israa’iil, Turkiga iyo Eeraan, intaas iyo in kaleba waa wax sabab u noqon kara runnimada qorshaha la ga hadlayo. Isu soo dhowaanshaha aan caadiga ahayn ee Maraykanka iyo Eeraan, oo shan iyo soddon sannadood col iyo cadaawe isu ahaa, dad badan baa rumaysan sababteedu in ay tahay qorshaha cusub ee gobolka la la maaggan yahay oo Eeraan qudheeda loo kaashanayo.

Sidee ayay u dhigan tahay haddaba khariidaddan cusub ee warbaahinta dhex wareegaysaa? Waa khariidad ugu horraynba la gu salaynayo soohdimo isirnimo, diineed iyo mad’habeed. Tusaale ahaan dadka kurdida ee ku badan Waqooyiga Ciraaq waxaa loo qoondeeyay dal madaxbannaan oo ay qoomiyad ahaan keli ku yihiin lana yidhaahdo ”Kurdistaan”. Dhulkaasi imikaba in uu go’o ayuu qarka u saaran yahay, rajadaa oo ay sii xoojisay Dawladda Islaamka ee badhtamaha Ciraaq la ga ga dhawaaqay. Aqoonyahan badan baa rumaysan dawladda Islaamka ee Ciraaq ka soo baxday in Maraykanku oggol yahay kana mid tahay qorshaha weyn. Dhanka kale, durba dawladda Israa’iil oo gobolka awood iyo firfircooni badan ku lihi ma ay qarsan niyaddeeda ah in ay taageersan tahay dawlad kurdida u gooni ah. Sidaas ayay Ciraaq ku noqon kartaa saddex dal oo ay ka la lee yihiin kurdi, sunni iyo shiico, qolo wal oo saddexdaa ka mid ahina wax ay jiidan kartaa qolooyin la isir ama la diin ah oo dal kale oo deris ah ku dhaqan. Tusaale ahaan kurdidu haddii ay dawladoobaan wax ay jiidan karaan kurdida kale ee Eeraan, Suuriya iyo xitaa Turkiga. Sunniguna wax ay ku darsami karaan sunniga Suuriya iyo qaybo Sacuudiga ah.

Si taa la mid ah, khariidaddu Suuriya wax ay u qaybinaysaa isirro iyo mah’habo diineed. Waxaa la mid Lubnaan. Waxaa la mid ah Sacuudiga iyo dalalka yaryar ee isaga ku wareegsan. Gobolka Siinaay ee Masar waxaa loo qorshaynayaa in uu noqdo dal gooni ah oo Israa’iil xijaab u noqda. Masarta hadhay qudheeda in la qaybiyo oo masiixiga dawlad gooni ah loo sameeyo ayaa hadalhaynta ku jirta. Liibiya wax ay u ka la dhaqaaqi kartaa ilaa saddex waddan iyada oo isir loo eegayo. Yaman qudheeda mindida qaybinta waa la dul dhigayaa. Waxaas oo dhami suurtagal ayay u eg yihiin marka la eego laba masalo: 1) maslaxaddii ninka cad ee gobolka oo beryahan xasillooni darro gashay; 2) bulshooyinka gobolka oo ay ka luntay midnimadii nafsiyadeed ee qarannimo iyo awooddii is caabbintu.

Qorshahaasi haddii uu run yahay, soomaali ahaan wax badan baa innaga galay, waayo shaki la’aan qayb ayaynnu qaybinta ka nahay. Awalba soohdimaha Geeska Afrika, oo u gu horrayn dhulka soomaalida la gu qaybiyay, waxaa la gu saleeyay daciifinta soomaalida muslinka ah iyo xoojinta masiixiga deriska la ah. Colaadda dheeraatay ee soomaalida dhexdeeda qudheedu daciifintaa ayay ka mid ahayd, waayo wax ay ahayd colaad habeen iyo maalin debedda la ga soo shido, xalkii ay mudnaydna la ga la dhabcaalay.

Dad badani wax ay is wayddiiyaan, iyada oo la hubo midnimo dambe oo soomaalidu yeelato in aan reer Galbeedku oggolayn, haddana maxay Soomaalilaand u aqoonsan waayeen? Marar horena waan idhiye, dadka soomaalida oo dhan baa la doonayay horta in aad loo jilciyo oo la gaadhsiiyo heer aanay waxba ka la dooran karin, oo waxba dooni karin waxbana diidi karin. Markaa qalalaasaha koonfurta ka dami waayay iyo go’doominta iyo cunaqabataynta Soomaalilaand saarani waa is ku ujeed iyo is ku qorshe. Soomaalilaand oo aqoonsi hesha macnaheedu waa dawlad soomaaliyeed oo dunida la shaqaysan karta codna ku leh, taasi in ay timaaddana sida muuqata ilaa imika reer Galbeed ma jecla, sida aanay u jeclayn soomaalida kale oo isu lugo duwata oo qaran dhab ah noqota. Waana arrin la hubo soomaalidu maanta iyada oo tii shalay ka tacliin, dhaqaale iyo tiraba badan haddana in ay aad u ga daciifsan tahay aadna u ga dadnimo liidato. Daciifnimadaa nafsiyadeed heerka ay gaadhay qofna loo ga sheekayn maayo.

Haddii se uu jiray qorshe la gu doonayay in soomaalida la gu geliyo colaad, gaajo iyo ka la daadasho, si loo jilciyo, waxaa la gu sheegi karaa in uu ahaa qorshe doqonnimo iyo sheyddaannimo labadaba ah, waayo dhibaatooyinka maanta soomaalida la ga sheeganayaa dhammaantood wax ay ka dhasheen qorshahaa qudhiisa. Tusaale ahaan xagjirnimada diineed iyo argagixisada, budhcadbadeedda, iyo malyuumaadka qaxootiga ah ee dunida dhan walba u gu fatahmay waa natiijada ka dhalatay colaadda, qalalaasaha iyo dawlad la’aanta.

Soomaalidu la ga soo bilaabo bilawgii dawladnimadeeda ma ay aqoonsan soohdinta Ingriisku u sameeyay, laakiin haddana waa ay ku guuldarraysatay iskuday walba oo ah in ay soohdintaa wax ka beddesho; maya ee waxaaba la dhihi karaa iskudaygaa waa ay eedday. Midnimadii Soomaaliland la gashay koonfurta sannadkii 1960 waxaa la gu sheegi karaa tijaabo dhiirran oo la gu diiddanaa qaybinta soomaalida, la guna baadi doonayay Soomaaliweyn. Laakiin dhab ahaantii tijaabadaasi wax ay qayb weyn ka ahayd burburka iyo colaadda soomaalida ka dhammaan waayay, sidii ay qayb u ga ahayd dagaalladii Soomaalidu ku qaadday Itoobbiya. Tijaabadaa fashilantay iyo burburkii weynaa ee ka dhashay ayaa mar kale sabab u noqday Soomaalilaand in ay dib u go’do.

Soomaalida koonfurtu ka ma ay garaabin talada ay Soomaalilaand ka ga noqotay midnimadii labada gobol, dacaayado colaadeed oo aad u kulul baana la gu soo afuufay. Dacaayad iyo colaad madhan ayay se ahayde, dadaalka qudha ee go’itaanka Soomaalilaand la gu baajin kari lahaa waa koonfurta oo nabad iyo dawladnimo dhulkeeda ka hirgelisa, dabadeed wadahadal caqliyaysan Soomaalilaand la yeelata. Dhanka kale reer koonfurku burkaba bahal ka ma ay filan oo intii ay is qalanayeen, marna Soomaalilaand ka daba qaylinayeen, dabka waxaa u saarnaa dheri la gu bislaynayo iyaga qudhoodu in ay sii ka la qaybsamaan. Maanta ”Soomaaliya” waa is ka magac afka la ga yidhaahdo laakiin xaqiiqo jirta ma aha. Tusaale ahaan Buntlaand wax ay u dhaqantaa sidii dawlad madaxbannaan, Dawladda Dhexe ee Muqdisho fadhidana wax amar iyo talo ah ka ma qaadato. Waxaa la mid ah maamulka Sawaaxiligu wataan ee Jubba. Maamullada badan ee waddada ku soo jiraana is la tubtaas bay ku socdaan.

Maamullada madaxabannaan ee koonfurta la ga dhisayo waxaa la huwinayaa maro la yidhaahdo ”faddaraal”, laakiin intii suurtagal ah waxaa la gu hoos ururiyaa dad qabyaalad isu raacaya. Haddii dadka maamulkaa ku hoos jiraa is ku qabiil noqdaan, waa la aqbalaa oo loo arkaa reer geeliisii meel wada daaqsanaya (tus. Buntlaand). Haddii se ay dadkaasi is ku reer noqon waayaan waxaa ka dhasha muran iyo qalalaase xoog leh (tus. Jubbalaand). Shalay kolkii la soo saaray heshiis dhigaya qaybo ka mid ah gobollada dhexe in ay maamul samaysanayaan, Buntlaand waa ay goysay xidhiidhkii Dawladda Dhexe, sababta oo ah maamulka Buntlaand wax uu dareemay in reero ay Buntlaand hayb ahaan tirsanaysaa xaggaa raaceen. Waa is la khilaafka ku dhex jira Soomaalilaand iyo Buntland. Meel walba sidaas baa ka socota.

Arrintaasi laba xaqiiqo ayay inoo muujinaysaa. Midda hore waa sida ay u adag tahay Koonfurta Soomaalida in uu ka hirgalo hab dawladeed faddaraal ah oo aan ku dhisnayn qabyaalad ee ku dhisan sida ay dad soomaaliyeed oo meel wada degaa dan u wadaagaan, iyada oo aan la ga go’in ee la hoos joogo awoodda dawladda dhexe. Midda labaadna waa sida maamulladaa faddaraalka ku magacaaban laakiin qabyaaladda ku dhismay ay hadhow u gu sii durkayaan dawladnimo buuxda, halkaas oo ay ka soo baxayaan qarammo yaryar oo soomaaliyeed.

Qayb ka mid ah khariiddada cusub ee dhowaan dunida la gu soo dhex tuuray wax ay muujinaysaa soomaalida oo loo qaybinayo Soomaaliland, Buntlaand iyo Soomaaliya. Waxaa se taa ka horraysa soomaalidu iyadu waxa ay doonayso iyo sida ay mustaqbalkeeda u qorshaysan karto. Qorshahaa waxaa u gu liita in soohdimo qabyaaladeed loo jabo oo naf la ga raadiyo. Soohdimo qabyaaladeed oo ay soomaalidu u qaybsanto ama loo qaybiyaa laba aayaxumo ayay keenayaan. Ta kowaad waa sida aanay kolka horeba soohdimo noocaas ahi u suurtoobi karin, waayo reeraha soomaalidu waa ay is ku wada dhafan yihiin oo geed walba wada joogaan oo wada daaqaan. Aayaxumada labaad ee ay soohdinta qabyaaladeed keenaysaa waa iyada oo ay adkaan doonto mustaqbalka dambe in ay soomaalidu isu soo noqoto, waayo xinka iyo colaadaha ka dhalanaya qabyaaladda dawladaysan ayaa aad u raagi doona, haddiiba aanay dadka soomaalidu taa ku baabbi’in.


Sidaa darteed soohdinta Soomaalilaand la yeelanayso Soomaaliyada kale, iyo maamul goboleedyada dhismahooda koonfurta la ga wado, giddigood waxaa wanaagsan in la ga ilaaliyo in ay qabyaaladoobaan, taa beddelkeedana la gu saleeyo danta iyo duruufaha dhuleed iyo bulsheed ee meeshaa ka jira. Taas baa shiiqin karta xintanka reeraha iyo colaadda, taas baa dhayi karta dhaawacyada nafsiyadeed ee la ka la qabo, taas baana soo dedejin karta mustaqbalka in la midoobo.