Pages

Wednesday, July 31, 2013

Dacwadii Yuusuf (iyo dad kale) Vs Cali Samantar oo Gaaban. Turjumidii: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul



Arrintani waa guul taariikhi ah, sababtoo ah CJA (Center for Justice and Accountability) waxay ka lib keentay dacwadii ugu horraysay ee dib loogu eego, looguna fasiro sharciyada dhawrsanaanta xeerka koman lawgu(common law immunity) siiyay saraakiisha shisheeya ah. Waa go’aan adag oo lagu diiday in tixgalin buuxda la siiyo rabitaanka waaxda fulinta( dalka Maraykanka) iyo in ay eedaysanayaashu  helaan dhawrsanaan ay kaga  baxsadaan gabood falada  ay ka mid yihiin jidh-dilka  iyo dilalka maxkamad la’aan la fuliyo. 

Novemeber 2,2012, Maxkamada Rafcaanka ee la yidhaa ( fourth circuit) waxay ayiday dacwadii  ka dhanka ahayd Generaalkii soomaaliyeed Muxamed Cali Samatar. Kadib, ka baraandagid iyo dooddo badan,waxay maxkamadu diiday inay hoggaansaanaanto dhawrsanaantii ay waaxdu fulintu   bixisay ee ka ilaalinaysay saraakiisha tallaabooyinka ay qaadaan marka ay gudanayaan hawlo loo igmaday “ official acts”.Waxay aragtidani si adag u xariiqday inaan xadgubyada waxashnimadoodu muuqato ee ka dhanka ah bini-aadanimada loo tixgalin karin tallaabooyin rasmiya  " official acts"[1] oo yeelan kara dhawrsanaan." xeerka caalamiga ah iyo xeerarka dawladaha ayaan ka soo horjeeda inay dhawrsanaan dibadeed helaan, saraakiisha ka soo jeeda wadamo kale ee loo haysto inay ku kaceen xadgudubyo bini-aadamnimo oo aduunwaynuhu isla qaatay inaanay habe yaraatee qiil-lahayn ( jus cogens), xataa haba ahaadaan falalkaasi qaar loo haystay awood buuxda oo rasmiya markii la fulinayay". Haddii si kale loo dhigo, dhawrsanaanta la siinayo gudashada "talaabooyinka rasmiya"maaha mid qiil u noqon karta falal jidh dila, dilal garsoorka ka baxsan( extra judicial killings),iyo xadgudubkasta oo caalamku isla qaateen inuu yahay fal ka dhan bini’aadamnida, sababtoo ma jiro sarkaal dibadeed oo awood u leh inuu ku kaco dambiyadaas caalamiga ah. Go’aanka Maxkamada Rafcaanka ee fadaraalku (Fourth circuit) wuxuu wax tar u noqday dadaalkii lagaga soo horjeeday inay dhacdo xisaabtan la'aan-danbiyeed (impunity). 

August 28.2012. Leonie Brinkema oo ah Garsoore Maxkamad degmeed ayaa soo saaray go'aan ka dhan ah jeneraalkii Maxamed Cali Samatar.Go’aankan oo ku xukumay dacweysanah bixinta lacag qadarkeedu yahay 21milyan oo doolar(21m $) oo iskugu jirta magdhaw iyo ganaax ciqaabeed (punitive damages).Dhagaysi kan ka horeeyay oo ku mudaysnaa 23 Feb 2012. wuxuu Janaraalku ka hor qirtay Garsoore Brinkema "Inuu masuul ka yahay jidh dilkii, dilalkii maxkamada la'anta lagu fuliyay iyo xadgudubyadii ka dhanka ahaa bini-aadamnimada ee lagula kacay ummadda soomaaliyeed intii uu talada hayay taliskii arxandarrada ahaa ee Siyaad Barre,kaas oo dalka xukumayay intii u dhaxaysay 1969-1991kii."

Xukunkani waa kii ugu horreeyay ee noociisa ee adduunka ka dhaca, Samantar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu sarraysay ee gabood falladaasi Somaliya ka dhacay ka masuulka ahaa. Waa Generaalkii ugu sarreeyay nidaamkii milatariga ahaa ee dalka xukumayay muddo ka badan 20 sannadood. 

Sannadkii 1990kii dhexdiisii, General Samatar wuxuu hoggaaminayay hawl-galladii milatari ee lagaga hortagayay dhaq-dhaqaaqyadii ka dhan ka ahaa rajiimkii kali taliska ahaa. Hawlgalladan oo geystay xasuuq balaadhan oo  dad badan oo rayid ahi ku leedeen, ha ugu sii darnaadeern dadkii daganaa gobolada waqooyi ee Somaliya, siiba dadkii ka soo jeeday beelaha Isaaq. Si arrintaa looga hortagana, waxa la asaasay urur hubaysan oo iska cabin ah, ururkan la odhan jiray Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ( Somali National Movement). SNM, waxay taageeradeeda ugu badan ka haysatay beesha Isaaqa.Inkastoo la odhan karo SNM lafteed kamay  madhnayn xadgudubyo dagaal, xasuuqa ugu badan waxa geystay ciidamadii xukuumadii taladii haysay oo aan la bar-bar dhigi karin ciidan, tababar iyo saanadba tii SNM.

Mar kasta oo ay wooda iska caabineed ee xoogagii SNM sii korodhaba, ciidamadii somaliya waxay kaga jawaabayeen awood xad dhaafa oo qallafsan.Waxaanay alaaba cadhada kula dhici jireen dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn.Waxay gumaadi jireen, bililiqaysan jireen xoolaha nool ee dadka reer guuraaga ah. Waxay qarxinayeen kaydadkii biyaha, burburiyeen guryahii dadku deganaa, jidhdileen, xidheen amaba toogasho xukun la’aana ku fuliyeen dad badan oo rayida ahaa iyagoo u aanaynaya inay gacan siiyaan SNM. Dadkaas waxa ku jiray ganacsatidii, macalimiintii,aradaydii dugsiyada sare,iya dadkii xoolaha dhaqatada ahaaba. 

Haddaba waqtigaa aynu soo sheegnay, eedaysane Maxaxmed Cali Samatar wuxuu ahaa Madaxwayne Ku Xigeenkii iyo Wasiirkii Gaashaandhiga  (1980-1986kii ), waxaanu qabtay xilka Raisal Wasaarinimo ( 1987-1990). Bishii June 1988kii, hawlgaladii milatari ee xukuumadu kaga soo horjeeday xoogagii SNM ayaa gaadhay halkoogii ugu sarraysay, waxaanay xukuumadu ku qaaday weeraro cir iyo dhulba ah magaalada Hargaysa, oo ahayd magaaladii labaad ee dalka. Weeraradan oo ahaa qaar aan loo kala aabo yeelin shicib iyo cid-hubaysan toona. Hawlagalladan waxashnimada ah waxa lagu fuliyay xaafadaha dadka rayidka ahi ku noolaayeen, waxaana gabi ahaanba dhulka lala simay guryihii dadka raydidka ah; in kabadan( 5,000) oo kamid dadkii daganaa magaalada Hargeysa ayaa la dilay. Mar BBC-da laga waraystay, Ali Samatar 1989kii, wuxuu qirtay inuu lahaa amarka kama danbaysta  ah ( final order) ee lagu ansixinayo hawlgalladan. 

Dacwoodayaasha kiiskani waa dadkii dhibaanayaasha ahaa ee ka samatabaxay xadgudubyadaasi ka dhan ah xuquuqada aadamiga ah. 

Markay taariikhdu ahayd 1980kii, Baashe Cabdi Yuusuf wuxuu ahaa ganacsade da’ yar ah, oo ka dhex shaqaysan jiray magaalada Hargaysa, dhinaca waqooyi ee Somaliya.Waqtiiisa ayuu si mutadawacnimo ah u siin jiray dalka isagoo ugu deeqay lacagtiisa hawlo badan oo bulshada u dan ah sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaad. Bishii Novembar 1981kii, waxa qafaashay sirdoonkii dawladda, iyagoo ku eedaynayay inuu kamid yahay ururkii iskacaabinta ahaa, waxaana loo gubiyay xabsiga, si joogta ahna loogu jidh-dilayay muddo ka badan 6 bilood. Waxaa taas kaga sii darnaa, Yuusuf waxa lagu ciqaabay koronto waxaana lagu  xidhi jiray fig, qaabkan oo loo yaqaano “MIIGAYN”,taas oo gacmaha iyo lugaha qofka la isku xidhayo, isla markaanana qaabka jidhkiisa ka dhigaysa qaanso ( U-shape). Kadibna jidh-dilayaashu waxay dhagax weyn ka saari jireen dhabarka, taas oo uu qofku dareemayo xanuun aan loo adkaysan Karin, isla markaana ay xadhkahaasi lagu giijiyay gooyeen gacmaha iyo lugihiisaba.Yusuf waxa la waydiiyay asxaabtiisii kale ee ku eedaysnaa inay ka mid ahaayeen ururkii SNM , waxaanu sheegay in jidh-dilkaasi laga joojin jiray marka uu qofku sameeyo qiraal beena oo uu ku sheeganayo inuu ka SNM ka mid yahay.Marka ay dhawr bilood ka soo wareegaanba, waxa la waydiin jiray suaalo iyadoo loogu darayo jidh-dil iyo ciqaab ba’an,mararka qaarna biyo ayaaba lagu hafin jiray.Kama danbaystiina waxa la horkeenay maxkamada iyadoo lagu eedaynayo inuu ka mid yahay urur sharcidarro ah. Eedaasi oo dhagaysigeedu guud ahaanba ka arradnaa hab-kii uu lahaa garsoor xor ahi oo cadaalad ahi. Yuusuf wuxuu ku dhex qaatay 6 sannadood oo ka mid ah xukunkii xabsi-daa’imka ahaa jeelka. Markii lasoo daayay, wuxuu kasoo baxsaday Somaliya waxaanu soo gaadhay dalkan Maraykanka 1991kii, isagoo markii danbe qaatay dhalashadii Maraykanka.
Sannadkii, 1984kii, Buraaleh Saalex Maxamuud iyo walaaladii (rag) ayaa maxkamad la’aan loo taxaabay jeelka laguna xukumay dil iyadoon la marin habkii sharciga ahayd iyagoo lagu eedaynayo inay la shaqaynayeen SNM,waxaana lagu xukumay dil. Buraale wuu ka baxsaday dilkaasi, nasiib darro se walaaladii ayaa ka mid ahaa  afartan rag  ah oo lagu fuliyay hawlgalkaasi dilka ah.

Bishii June 1988kii, markii ay ciidamadii qalabka siday ee Somaliya ay weerar baahsan ku qaadeen Hargaysa, raxan ciidamo ayaa soo galay guriga Azis Mohamed Diiriye, waxaanay qafaasheen aabihii, walaalkii iyo inaadeerkii. Waxaanay askartaasi qafaalatay ugu hanjabtay qoyskiisa inay dilayaan xubnahan.Intii waqtigaas ka danbaysay Deriya iyo qoyskiisuba dib umay arag xubnihii qoyskooda ahaa ee la qafaashay. Muddo kadib waxa uu ka maqlay dad la haystay oo lasii daayay in Saddex nin oo ka mid ahaa la dilay. 

Bishii June 1988Kii, Axmed Jaamac Guuleed, oo ahaa nin ka mid ah ciidankii Qaranka Soomaaliyeed( Somali National Army), Ninkan oo ahaa askari aan darajo lahayn ama dable ah (non-commissioned) ayaa lala xidhay xubno isaaqa oo kamid ahaa ciidanka, waxaana loo qaaday meeshii hawlgalkii dilka ahaa lagu fulinayay. Waxaana dilkan fulisay koox dablay ah (firing squad) iyadoo markii danbe maydkii dadkan lagu aasay xabaal wadareed. Askarigan waxa soo gaadhay dhaawac fudud, waxaanu markii danbe ka hoos guurguurtay maydadkii ku rasaysnaa,kadibna laftiisa ayuu la baxsaday.

Arjigii Dacwad Furashada 

CJA waxa ay arjigii dacwad furashada u gudbisay Maxkamada Degmada ee Maraykanka, bariga Virginia, taariikhdu markay ahayd November 10kii,2004. Samatar oo imika ku nool- Fairfax, Virginia, ayaa la gaadhsiiyay yeedhmadii dacwadda isagoo gurigiisa jooga, Waxaana loogu gudbiyay si waafaqsan BTA iyo TVPA, dacwadan waxay dacweysane ka ahaa Cali Samatar inuu leeyahay awoodii amar-bixineed ee lagu hawlgaliyay kooxo milatari ah oo geystay dilal aan maxkamadaysnayn (extrajudicial killings), xadhig xukun la’aana,jidh-dil, habdhaqan bahdilaad ah      ( degrading treatment) iyo danbiyo badan oo ka dhan ah bini-aadam ah,danbiyo dagaal. Waxaanu Samantar jawaab-celintiisii iskaga difaacay inaan habayaraatee wax dacwad ah lagu soo oogi Karin maadaamo oo uu haysto dhawrsaanaanta madax-dibadeed( head-of state immunity).

 Codsigii Waaxda Arimaha Dibadda ( State Department) 

Bishii Jeenawari, 2005ti,maxkamadu waxay hakid galisay hab-usocodkii dacwada si ay Waaxda Arimaha Dibada ( State Department)  fursad usiiso ay ku miisaanto culayska ay leedahay dhawrsanaanta( immunity) uu ku doodayay Cali Samatar. Waxaanay Maxkamady ku wargalisay Samatar inuu si joogta ah ugusoo warbixiyo halkay Waaxda Arimaha dibadu wax marinayso( State Department ) . Muddo labo sanno ah ayuu Samatar Maxkamad u sheegayay inay wali arintan dhawrsanaanto dib-u-eegis ku jirto.

Waaxda Arrimaha Dibadda oo diiday inay u hogaansaanto amarkii maxkamada ee marag-keenista ahaa (subpoena[2])  

Inkastoo hakadkaasi jiray, Garsooraha Maxkamda Degmada, garsoore Leonie Brinkemam wuxuu u ogalaaday dacwoodayaashu in dokumanti maraga lagasoo qaado. CJA, waxay u gudbisay amar maxkamadu kaga dalbanayso Waaxda Arrimaha Dibada ee Maraykanka Dokumantiyo caddayna oo la xidhiida la xidhiidha xuquuqda aadamiga iyo arrimihii milatari ee dawladdii Somaliya. Maamulkii Bush wuu diiday isku day lagu doonayay in lagu fuliyo amarkaasi maxkamadeed ( subpoena), isagoo ku dooddaya in aanay dawladu sharci ahaan ku qasbanayn meelmarinta amarkan, marka la eego qodobka 45aad ee Xeerka Madainiga ee Fedaaraalka ( Federal Rule of Civil Procedure 45) ee hagayay fulinta amarada maxkamadeed ee marag horkeenista ah ( subpoena).CJA, waxay maxkamadda u gudbisay codsi ay  ku doonaysay in cadaadis lagu saaro Waaxda Arrimaha dibada sidii ay ugu hogaansami lahayd amarkan caddayn-keenista ah, laakeen Maxkamada Degmada ee Degmada Columbia ayaa la qaadatay Xukuumada Maraykanka mawqifkeeda, iyadoo soo saartay in Amarkan caddayn-keenista ( subpoena) uu yahay sharci ahaan mid waxba kama jiraana. 

Rafcaankii go’aankii Maxkamada Hoose ee la xidhiidhay caddayn-keenista. 

Markii loo soo gudbiyay Rafcaankii laga soo qaatay is-hort-taagii Maxkamada Degmada ee caddayn-keenista . Waxay Maxkamada Rafcaanku burisay ishortaagaasi ku taariikhaysnaa 15kii June 2006, waxaanay sidoo kale go’aamisay in xukuumada Maraykanka ay waajib ku tahay  u hogaansanaato amarka keenista dokumantiyada caddaynta ah ee loo rabo dacwadaha gaarka ah, xataa haddii aanay xukuumadu si toosa ugu lug lahayn dacwada. Maxkamada Rafcaanku waxay dib uga celisay dacwadan Maxkamada Degmada si ay mar kale u fuliso amarkan caddayn-keenista ah ee laga rabo Waaxda Arrimaha Dibada. 

Dacwadii oo lagu horistaagay Asababaha Dhawrsanaanta( Statutory Immunity Grounds) 

Markii Waaxda Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanku ay Maxkamdau caddaysay inaanay haba yaraatee wax dan ah ku lahayn dacwaddan, Maxkamadu waxay go’aansatay inay dib u furto dacwadan bishii 22kii Jeenawari 2007dii.Samatar wuxuu soo gudbistay codsi uu ku doonayo inuu ku hor horistaago dib-udhaqaajinta dacwada, isagoo ku doodaya inuu Xeerka Dhawrsanaanta Saraakiisha Ajnabiga ah ( Foreign Sovereign ImmunitiesAct)[3] ee loosoo gaabiyo (FSIA) uu siinayo dhawrsanaan, isla markaana aan lagu soo oogi karin dacwado madani ah (civil liabilities). April 7 dii, 2007, Maxkamadu Degmadu way ayidday codsigii Samantar, iyadoo go’aamisay in xeerkan FSIA uu siiyay dhawrsanaan oo aan lagu soo oogi karin saraakiisha ajaanibka ah iyo wakiiladoodaba dacwad madaniya. Judge Brinkema ,wuxuu qoray, “inkastoona xeerkan FSIA in saraakiishu shaqsi ahaan u leeyihiin dhawrsanaantan, bal se shakhsiyaadka go’aana ku gaadha iyagoo sita awood xileed oo rasmiya waxa loo soo qaadanayaa wakiilo.

Rafcaankii loo qaatay Maxkamada Federaalka ee loo yaqaan ( Fourth Circuit)  

Dacwoodayaasha waxay rafcaan ka qaateen go’aankii Maxkamada Degmada iyagoo rafcaankoogii u gudbiyay, waxaanay doodoodu ahayd sidan:
  •   Inaan xeerka FSIA uu na ahayn mid lagu dabiqi karo saraakiisha lafahaantooda, waxaanu la xidhiidha dawladaha ajaanibka, wakiilada ama haayadahooga.
  •    Xataa haddii xeerkan FSIA uu yahay mid lagu dabiqi karo saraakiisha laf ahaantood ah, saraakiishani waxay dhawrsanaan haysan karaan marka ay yihiin wakiilo ama saraakiil xil rasmiya haya wakhtiga dacwadda la oogay;
  •  Dhawrsanaanta xeerkan FSIA ma gaadhsiisna ilaa heer lagaga baxsan karo falalka sharcidarrada ah                ( danbiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada) sida jidh-dilka, dilalk-bilaa-garsoorka ah iwm.
Waxaa intaas dheer, xilligii dacwada la oogayay, may jirin xukuumad soomaaliyeed, dacwaysanuhuna muu ahayn sarkaal xil-rasmiya haya waqtigii dacwada laga oogay maxkamada , sidaa darteed xaq uma yeelan karo dhawrsanaanta xeerka FSIA bixinayo. 
 
Laba ka mid ah qodobadan ayaa lagu daray asbaabtii rafcaan ee dacwaysanayaasha. Mid ka mida qodobadaas kabayay dooda dacwoodayaasha waxa soo diyaarisay Waaxda xuquuqal insaanka ee Jaamacada Harvard, kulliyadeeda sharciga,( Human Rights Clinic at Harvard Law School)waxaanay usoo gudbiyay dacwadan iyagoo matalaya Dolly Filartiga, Diana Ortiz walaasheed, iyo kooxo diineed oo kala jaad-jaada,qaar kamid urarada kuwa u dooda xuquuqda aadamiga iyo kuwa aan faa’ido doon ahayn eek shaqeeya daryeelka dadka loo gaysto jidh-dilka. Qodobkan labaad oo la xidhiidhaa, u jeedadii ay xeerka ay ka lahaayeen Koongarasku, isna waxa diyaarisay Waaxda u qaabilsan xuquuqda aadamiga ee Jaamacada Virginia, kulliyadeeda sharciga.Waxana saxeexay profisoorada iyo gabadha ku jirta Koongareska ee magaceeda la yidhaa Sheila Jackson Lee.

Maxkamadii Rafcaanka ee ( Fourth Circuit) oo burisay ishortaagii dhagaysiga dacwada. 

Bishii Jeenawari, 8deedii, 2009, Maxkamda Rafcaanka ee (Fourth Circuit) waxay dib u furtay dhagaysigii dacwadii Samantar. Garsoorayaasha maxkamadani waxay go’aamiyeen: 

1. Dhawrsanaanta xeerkan FSIA bixiyay maaha mid lagu dabiqi karo saraakiisha shisheeya shaqsi ahaantooda
2. Haddii uu xeerkani noqdaba mid lagu dabiqi karo saraakiisha laf ahaantooda ( individual foreign officers) waxay saraakiishu dhawrsanaan karaan oo qudha marka ay xil-rasmiya oo dawladeed hayaan waqtiga dacwada la oogayo.
Kadib Maxkamada ( Fourth circuit) waxay kiiskan dib ugu celisay Maxkamada Degmada si ay u dib ugu bilowdo. Samantar wuxu maxkamada ka codsaday in dib loo dhagaysto kooramka garsoorayaasha Maxkamadan Rafcaanka oo buuxa ( rehearing en banc).Inkastoo ay Maxkamadan Rafcaanka ee federaalku is hortaagtay codsigiisii, bishii Feberuary 2, 2009. 

Maxkamadd Sare oo aqbashay rafcaankii dacweysanaha( cert petition) 

Bishii June 2009kii , Samantar waxuu ka qaataay rafcaan ( writ of certiorari ) go’aankii Maxkamada Rafcaanka ee (Fourth Circuit) ee dib loogu furayay dhagaysiga dacwadan. Isagoo rafcaankiisan u gudbiyay Maxkamad Sare. Rafcaanlahu wuxuu maxkamada sare ka codsaday inay dib u eegis ku samayso go’aankii Maxkamada Rafcaanka ee uu diiday dhawrsanaantii uu ku doodayay ee xeerkii FSIA. Bishii September 30keedii, 2009kii, Maxkamda Sare ee Maraykanku Rafcaanka.Qodobada ugu mihiimsan ee u baahnaa in dib u eegis lagu sameeyo waxay ahaayeen.

Maxkamada sare waxay deedafaysay dhawrsanaantii uu ku doodayay Samantar 

Maxkamada sare waxay deedafaysay doodii rafcaanlaha waxaanay ayiday go’aankii Maxkamadii hoose. Waxaanay go’aamisay inaanu xeerkan FSIA haba yaraatee wax dhawrsanaan ka siinayn in lagu soo oogo dacwad madani ah, xeerkanina aanu dhawrsanaan siinayn saraakiisha shaqsi ahaantooda. Waxaanay maxkamadu sidoo kale xustay in dhawrsanaanta xeerka koman lawgu ay yihiin qaar la dibiqi karo, iyadoo kiiskii dib ugu soo celisay maxkamadii degmada ee bariga Virginia ( Court for Eastern District of Virginia)
CJA iyo dadkay adeegan sharci siinaysayba waxay u mahad celinayaan dhamaan dadkii iyo uraradii la garab istaagay taageeradooda iyo dedaalkoogiiba sidii guushan looga midho dhalin lahaa . Waxaananu mahad gaara siinaynaa waa qareenka maxkamada sare ee Patricia Millet . 

Hab-usocodkii dacwada ee Maxkamada Degmada ee Degmada Bari ee Virginia 

Markii kiiskan dib loogu celiyay maxkamadii degmada, ayuu bilaabay Samantar inuu codsado ishortaaga dib-udhaqaajinta dacwada isagoo ku doodayay inuu leeyahay dhawrsanaanta komon lawgu siiyay iyo dhawrsanaanta madaxweyanayaasha dawladaha. Waxaanu ku dooday in aanay maxkamadani ka garniqin Karin dacwadan maadaamay leedahay wajiyo siyaasadeed. Waxa kale oo uu ku dooday in aanay dacwadani ku dhisnay xaqaa’iq ku filan. Anaguna dhinacayaga waan kasoo horjeedsanay codsigiisii ishortaaga, waanu soo gudbiyay jawaabcelintiisii. Maxkamadu waxay ku muddaysay dhagaysigii dacwada 14 January 2011. 

Markay taariikhdu ahayd 6dii January 2011, xukuumada Maraykanka oo ay matalayay Waaxda arimaha dibada ayaa usoo gudbisay Maxkamada codsi ay ku doonayso inay kus soo dhexgasho dacwada, iyadoo sheegtay inay la soconayso arrinta dhawrsanaanta, waxaanay Maxkamada codsatay inay doonayso in la siiyo waqti ay go’aan ku gaadho.Bishii Feberuary 14keedii 2011,waxay Waaxda arimaha dibada ee Maraykanku soo saartay waraaq ay ku sheegayso inaanu Samantar xaq u lahayn dhawrsanaanta uu ku doodayo. Warqadan oo runtii ahayd mid muhiim ahayd sababtoo tani waxay keenaysay inaanay xukuumadu soo dhexgalin dacwadan, maadaam oo aanay dhinac ka ahayn, sidoo kale waa wax nadir ah in ay waaxda arimaha dibada soo dhexgasho marka uu dacwaysanuhu aanu lahayn wax dhawrsanaan ah. Iyadoo maxkamadu ku salaynaysa waraaqdii Waaxdii arimaha dibadu usoo gudbisay, waxay go’aamisay inaanu Samantar lahayn dhawrsanaantii Xeerkii koman lawga ee uu ku doodayay. 

Kadib waxa loo soo daadagay asbaabihii kale ee horistaaga dacwadan ku codsanayay, waxaanay Maxkamadu ka diiday codsigan.Ka dib dacwooduhu wuxuu ka daba qaatay su’aalihiisii la xidhiidhay qiraalkii uu sameeyay Samantar, waxaanu waydiiyay sababta uu u amray hawlgalladii

iyo weeraradii habaysnaa ee lagu fuliyay dad rayida oo aan hubaysnayn, sida jidh-dilka,kubsiga iyo dil-wadareedyadii (mass execution). Maxkamadu sidoo kale waxay ka diiday codsigii uu samantar ku doonayay in dib u eegis loogu sameeyo dhawrsanaantii koman lawga, April 29keedii, 2011, Samantar wuxuu qaatay rafcaan deg-dega (interlocutory appeal), isagoo ku doodaya inuu leeyahay dhawrsanantii koman lawga. Waxaanu Garsoore Brinkema uu soo saaray qaraar mudayn ah bishii May 3deedii, isagoo diiday codsigii ishortaaga ee Samantar, isagoo ku sababeeyay in aanu rafcaankiisan dag-daga ahi haba yaraatee wax nuxur ah ku fadhiyin ( frivolous). 

Dacwada waxa loo mudeeyay inay bilaabanto Feberuary 21,2012. Ka dib markuu dhawr jeer oo kale uu isku dayay inuu ishortaago dhagaysiga dacwada, kuna guul darraystay, Samantar wuxuu 19kii Feberuary usoo si rasmi ah uu sheegtay inuu musallafay, taas oo ku qasbaysa Maxkamadii waday dacwadda inay joojiso, dacwadana ka dhigaysa mid ka baxsan ikhtisaaskeeda, Qareen ka tirsan CJA, ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii u ugu guulaysan lahaa inuu hakadkaas soo galay habsocodkii dacwadda uga saaro, isagoo ku guulaysto isagoo ku guulaystay codsigiisii ahaa in ay Maxkamadu dadajiso qaraarkeeda( emergency motion). Waxaanay Maxkamadu qaraarisay dibudhagaysigii dacwada markay bishu febarwari ahayd 23. 

23 Feberuary, Samantar ayaa kasoo xaadiray maxkamada shakhsi ahaan, waxaanu ka dalbday inay Maxkamadu xukunka ku rido dacwoodaha ( entry of default), maadaamo oo uu iman waayay. Garsoore, Brinkema ayaa suaalo toosa waydiiyay Samantar oo la xidhiidha waxyaabaha loo sheeganayo. 

Ka dib wuxuu ogaaday inuu Samantar dhaawacyadihii soo gaadhay dacwoodaha, sidaasbaanu usii waday dacwadda Garsoore Brinkema. CJA iyo qareenada Akin Gump ayaa maxkamada hor keenay wixii marag muujin ah ee ay hayeen dacwoodayaashayadu iyo markhaatiyaal dhawr ah oo muhiim ahaa.

Halkan ka akhri xukunka maxkamada ee 21$ milyan ee doolar ee magdhawga ah. 

Maxkamada Rafcaanka( fourth circuit) oo mar kale diiday dhawrsanaantii

Markii uu ka guul darraystay doodiisiii dhawrsanaanta saraakiisha shiisheeyaha ah ee ku salaysnayd xeerkiii FSIA, Maxkamada sarana uu quus goysay, Samantar muu noqon mid sidaa ku hadhee wuxuu bilaabay inuu rafcaano kala danbeeyay qaato, si uu mar uun u horistaago dacwadan lagu oogayo, Samantar markan wuxuu u rafcaan qaatay Maxkamada Rafcaanka ee loo yaqaano ( Fourth Circuit Court), balse kadib markii Waaxda Arimaha Dibada ee dalka iyo weeraradii habaysnaa ee lagu fuliyay dad rayida oo aan hubaysnayn, sida jidh-dilka,kubsiga iyo dil-wadareedyadii (mass execution). Maxkamadu sidoo kale waxay ka diiday codsigii uu samantar ku doonayay in dib u eegis loogu sameeyo dhawrsanaantii koman lawga, April 29keedii, 2011, Samantar wuxuu qaatay rafcaan deg-dega (interlocutory appeal), isagoo ku doodaya inuu leeyahay dhawrsanantii koman lawga. Waxaanu Garsoore Brinkema uu soo saaray qaraar mudayn ah bishii May 3deedii, isagoo diiday codsigii ishortaaga ee Samantar, isagoo ku sababeeyay in aanu rafcaankiisan dag-daga ahi haba yaraatee wax nuxur ah ku fadhiyin ( frivolous). 

Dacwada waxa loo mudeeyay inay bilaabanto Feberuary 21,2012. Ka dib markuu dhawr jeer oo kale uu isku dayay inuu ishortaago dhagaysiga dacwada, kuna guul darraystay, Samantar wuxuu 19kii Feberuary usoo si rasmi ah uu sheegtay inuu musallafay, taas oo ku qasbaysa Maxkamadii waday dacwadda inay joojiso, dacwadana ka dhigaysa mid ka baxsan ikhtisaaskeeda, Qareen ka tirsan CJA, ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii u ugu guulaysan lahaa inuu hakadkaas soo galay habsocodkii dacwadda uga saaro, isagoo ku guulaysto isagoo ku guulaystay codsigiisii ahaa in ay Maxkamadu dadajiso qaraarkeeda( emergency motion). Waxaanay Maxkamadu qaraarisay dibudhagaysigii dacwada markay bishu febarwari ahayd 23. 

23 Feberuary, Samantar ayaa kasoo xaadiray maxkamada shakhsi ahaan, waxaanu ka dalbday inay Maxkamadu xukunka ku rido dacwoodaha ( entry of default), maadaamo oo uu iman waayay. Garsoore, Brinkema ayaa suaalo toosa waydiiyay Samantar oo la xidhiidha waxyaabaha loo sheeganayo. 

Ka dib wuxuu ogaaday inuu Samantar dhaawacyadihii soo gaadhay dacwoodaha, sidaasbaanu usii waday dacwadda Garsoore Brinkema. CJA iyo qareenada Akin Gump ayaa maxkamada hor keenay wixii marag muujin ah ee ay hayeen dacwoodayaashayadu iyo markhaatiyaal dhawr ah oo muhiim ahaa.
Halkan ka akhri xukunka maxkamada ee 21$ milyan ee doolar ee magdhawga ah.

Maxkamada Rafcaanka( fourth circuit) oo mar kale diiday dhawrsanaantii

Markii uu ka guul darraystay doodiisiii dhawrsanaanta saraakiisha shiisheeyaha ah ee ku salaysnayd xeerkiii FSIA, Maxkamada sarana uu quus goysay, Samantar muu noqon mid sidaa ku hadhee wuxuu bilaabay inuu rafcaano kala danbeeyay qaato, si uu mar uun u horistaago dacwadan lagu oogayo, Samantar markan wuxuu u rafcaan qaatay Maxkamada Rafcaanka ee loo yaqaano ( Fourth Circuit Court), balse kadib markii Waaxda Arimaha Dibada ee dalka maraykanku usoo jan-jeedhsatay dhinacii dacwoodaha, maxkamadii dacwadan dhagaysanaysay waxay kasoo qaaday rafcaankiisan mid haba yaraatee wax nuxura ku fadhiyin, isla markaana waxay ku adkaysatay inuu kiisku halkiisii kasii socdo. Maxkamada Rafcaankana waxay dhagaystay rafcaankan bishii May 16dii 2012. 

Novembar 2dii, 2012, Maxkamadu rafcaanku ee (Fourth circuit) waxay markale ayidday doodii dacwooodahu kaga soo horjeeday Generaalkii hore ee Somaliya Mohamed Ali Samantar. Guushan taariikhiga ahi, waxay diirada saartay ilaa heerka ay gaadhsiisantahay dhawrsanaanta uu damaanad qaaday xeerka Koman lawgu, Waxaanay Maxkamadu rafcaan go’aamisay in aan qofna danbiyadii uu galay ka war-wareegin karin la xisaabtankooda iyo wixii magdhaw ah ee ka dhashaba.
____________________________________________
 [1] Tallaabooyin rasmiya: waa go’aamada  iyo tallaabooyinka uu qaato sarkaal dawladeed marka uu xilka hayo
[2] Subpoena: waa qaraar ama go’aan ay maxkamadu ku amrayso qof ku horyimaado maxkamada si uu uga maragfuro hortaala. Sidoo kale waa amar maxkamadeed oo lagu farayo qof inuu maxkamada hor keeno dokumantiyo marag-furo ama caddayn ah,
NB:Waxaan af soomali ahaan usoo gaabsaday  amar caddayn-keenis ah, ama marag-keenis.
[3] Waa xeer dawlada fedaraalka ee maraykanku soo saartay 1976kii oo maamula dhawrsanaanta la siiyo saraakiisha shisheeyaha ah, kuwaas oo ay ku jiraan safiirada,safaaradaha iyo haayadaha shisheeyaha ah.
4. fourth circuit: waa maxkamada rafcaan oo oo ikhtisaaskeedu  yahay inay dhagaysato rafcaanada laga soo qaato 24 degmo oo ku yaala badhmtamaha North Carolina.

Monday, July 22, 2013

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu u Baahan Yahay in la Abuuro Xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)



11. Hordhac

Markii ugu horeysay taariikhda adduunka ee la abbuuro xafiis noociisu yahay xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) waxay ahayd sannadkii 221 BC, waxaana abbuuray boqortooyadii Qin ee China (Qin Dynasty) iyo Boqortooyadii Joseon (Joseon Dynasty) ee Kuuriya[i]. Boqortooyada Joseon ee Kuuriya waxay lahayd xafiiska Baadhaha Qarsoon ee Boqortooyada (Secret Royal Inspector), kaasi oo ahaa masuul iyadoon la shaacinayn uu boqorku magacaabo, waxaana loo diri jiray xafiisyada dawladeed ee deegaannada kala duwan si uu uga soo war-bixiyo shaqadooda iyo tabashada dadweynaha. Waxaa xafiiskani la mid ahaa Roman Tribune-kii Roomaaniyiinta oo isna lahaan jiray awood uu ku hor istaago ficilada masuuliyiinta ee waxyeelaynaya dadweynaha. Dhinaca Islaamkana waxaa ugu horaysay xiligii khaliifadii Cumar Binu Khadaab oo abbuuray xafiiska “Diwan al-Mazalim” oo ahayd guddi ay dadweynahu uga soo cawdaan madaxda ku kacda maamul-xumo ama ku gefta xuquuqda dadweynaha . Sidoo kale waxaa jiray xafiiska la odhan jiray ‘Muhtasib’ oo shaqadiisu ay ahayd inuu caawiyo dadka ay madaxdu kula kacdo isir-nacaybka, caddaalad-darrada iyo afcaasha xaq-darrada ah[ii]. Labadani xafiis ee ‘Diwan al-Mazalim’ ama ‘Muhtasib’ ilaa iyo maanta waxaa leh waddamo badan oo islaam ah, tusaale ahaan; dalka Pakistan xafiiskiisa Qareenka Dadweynaha waxaa loo yaqaanaa ‘Wafaqi Muhtasib’ waxaana la abbuuray 1983kii. Waxaa laysku raacsan yahay xafiiska Qareenka Dadweynaha islaamiga ah ee loo yaqaano “Muhtasib” inuu yahay halka ay ka soo farcantay fikirka casriga ah ee ay reer galbeedku ula baxeen Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) ee uu hormoodka ka ahaa baarlamaanka dalka Sweden oo taariikhda markii ugu horeysay abbuuray xafiiska noocan oo kale ah sannadkii 1809kii. 

Kelmadani Ombudsman waxay ka soo jeedaa af Norsigii hore waxayna ka timid kelmada umboðsmaðr oo micnaheeda rasmiga ahi uu yahay Wakiil. Waxa ugu horeysay oo isticmaashay dawladda dalka Sweden oo sida imika xafiiskani loo yaqaano u dhaqan galisay. Waxaa aasaasay boqor Charles-kii 12aad ee Sweden oo sameeyey xafiiska Qareenka Sare ee Dadweynaha (Högste Ombudsmannen) sannadkii 1713. Boqor Charles-kii 12aad xiligaasi wuxuu joogay Turkiga, waxaanu u baahday wakiil la socda in garsoorka iyo shaqaalaha dawladu ay sharciga ku shaqeynayaan, waajibaadkoogana si fiican u gudanayaan. Haddii ay waajibaadkooga gudan waayaan, Qareenka Sare ee Dadweynahu wuxuu xaq u lahaa inuu ku soo oogo masuuliyad-darro. Sannadkii 1809 ayuu baarlamaanka dalka Sweden oo loo yaqaano Risksdag, wuxuu aasaasay xafiiska loo yaqaan Qareenka Dadweyne ee Baarlamaanku magacaabo, waxayna shaqadiisu tahay inuu ilaasho xuquuqda muwaadiniinta. Waanu ka madax-bannaan yahay waaxda fulinta ilaa iyo maantana wuu shaqeeyaa. Qarni kadib, talaabadaasi waxaa kaga dayday oo xafiiskaasi sameystay waddamada iskaandaneefiyaanka sida Finland 1919kii, Denmark 1955kii iyo Norway 1962kii[iii].

22. Xafiiska Qareenka Dadweynaha iyo Wadamada Caalamka

Qareenka Dadweynaha waxaa badanaa magacaaba baarlamaanka ama waaxda fulinta iyadoo la siinaayo madax-bannaani uu ku gudan karo waajibaadkiisa ah inuu u taagnaado danaha dadweynaha isagoo baadhitaano ku sameeya kana jawaaba cabashooyinka dadweynaha ee dhinacyadda maamul-xumada iyo tacadiyada xuquuqda dadka. Xafiiska Qareenka Dadweynaha waxaa samaysan kara Qaranka, Dawladaha Hoose iyo urrarada, Jaamacaddaha iyo shirkadaha ganacsiga oo yeelan kara xafiis Qareen Dadweyne oo gaar u ah. 

Dalalka caalamka badankoogu waxay leeyihiin xafiiska qaran ee Qareenka Dadweynaha (Ombudsman), dalalka qaarkood ayaa xitaa leh xafiisyo gobol oo Qareen Dadweyne tusaale ahaan; Kanada oo sagaal gobol iyo hal degaan (territory) uu mid kastaaba leeyahay Qareen Dadweyne, Dalka Belgium-ka ayaa isna afar gobol ay leeyihiin Qareen Dadweyne iyo waddamo kale oo lamid ah. Waddamada badankoogu, marka laga yimaado xafiiska qaran ama gobol ee Qareenka Dadweynaha waxay leeyihiin Qareeno Dadweyne oo arrimaha qaarkood u khaas ah Tusaale ahaan; Wadamada Australia, Finland, France iyo waddamo kaleba waxaa jira Qareen Dadweyne oo u gaar ah carruurta, dalka Hungary oo kale wuxuu leeyahay Ombudsmen loo yaqaano commissioners sida mid gaar u ah xuquuqda madaniga ah, dadka laga tirada badan yahay ama jiilalka cusub ee mustaqbalka (Future generations).
Qaabka loo abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha ayey waddamadu ku kala duwan yihiin; waddamada qaar waa dastuuri oo xafiiskani wuxuu ku xusan yahay dastuurkooga, badanaa mar wax ka badel lagu sameynayo dastuurka ayaa lagu daraa tusaale ahaan; Dalka Albania, cutubka VI ee dastuurkiisa waxa lagu abbuuray Xafiiska Garyaqaanka Muwaadiniinta (Citizen’s Advocate) 1998, dalka Netherlands isna qodobka 78aad ee dastuurkiisa 1983kii ayaa lagu abbuuray Qareenka Dadweyne ee qaran (National Ombudsman), dalka Portugal, qodobka 23aad ee dastuurkiisu wuxuu abbuurayaa Qareen Dadweyne (Provedor de Justiça) iyo waddamo kale. Waddamada qaarna waxay leeyihiin xeerar gaar ah oo lagu abuuro xafiiska ama xafiisyada Qareenka Dadweynaha sida Xeerka Qareenka Dadweynaha (Ombudsman Act) tusaale ahaan; dalka yar ee Barbados wuxuu leeyahay Xeerka Qareenka Dadweynaha (Ombudsman Act 1980), dalka Ireland sidoo kale isna wuxuu leeyahay xeer gaar u ah Qareenka Dadweynaha, dalka Kenya oo kale xafiiskani waa Guddida Maamulka Caddaalada waxaana lagu abbuuray xeerka la yidhaa Commission of Administration of Justice Act 2011 iyo waddamo kale oo lamid ah. 

Waxa kale oo ay waddamadu ku kala duwan yihiin cida magaacoowda Qareenka Dadweynaha? Waddamadu waxay iskugu jiraan qaar uu baarlamaanku soo magacaabo ama doorto Qareenka Dadweynaha, qaar uu Madaxweynaha/Raysal-wasaarahu magacaabo, baarlamaankuna ansaxiyo iyo qaar baarlamaanku magacaabo, Madaxweynahuna ansaxiyo. Waxayse ka siman yihiin inuu xilka hayo muddo cayiman. Tusaale ahaan; Wadanka Argentina, baarlamaanka ayaa cod 2/3 ah ku soo doorta qofka noqonaya Qareenka Dadweynaha oo ay iyagu u yaqaanaan Defensor del Pueblo de la Nación Argentina, waxaanu xilka hayaa muddo shan sanno ah oo dib loo magacaabi karo, waddamada badankoodana baarlamaanka ayaa soo magacaaba ama doorta. Dalka France waxaa magacaaba Raysal-wasaaraha, waxaana ku dhawaaqa Golaha Qaranka, waxaanu xilka hayaa muddo lix sanno ah. Dalka Ireland, waxaa magacaaba baarlamaanka, waxaana ku dhawaaqa Madaxweynaha. Halka dalka Barbados, Badhasaab-Guud uu magacaabo Qareenka Dadweynaha, waxaana ansaxiya labada aqal ee xeer-dejinta. 

In ka badan 80% dalalka caalamka ayaa leh xafiiska Qareenka Dadweynaha. Dalal aan lahayn xafiiskani waxay u badan yihiin qaaraddani Afrika. Dalalka Latin Amerika ayaa iyagu safka hore kaga jira dalal leh xafiiskani, tusaale ahaan; dalalka ku yaal Koonfurka Ameerika, dalka Chile oo qudha ayaan ilaa hadda lahayn xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman).

33. Waa Maxay Baahida ay Soomaaliland u Qabto in la Abbuuro Xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)?

Waxaynu iftiiminay taariikhda xafiiskani iyo sida uu ku abbuurmay. Sidoo kale waxaynu tilmaanay in dalalka caalamka in ka badan 80% ay leeyihiin xafiiskani iyo qaababka kala duwan ee loo abbuuro xafiiskani. Sidaas darteed, imika waxaynu u gudbaynaa su’aasha ah Somaliland baahi ma u qabtaa inay abbuurto xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)? Waa su’aasha aan rabo inuu qoraalkani uu u noqdo jawaab waafi ah. Waxaanan jecelahay in aanay jawaabtu noqonin rayi aan annigu keligay kaga jawaabayo, sidaas darteed, waxaan jawaabtayda u samayn doonaa marag-fur cad oo ah daraasaddo kala duwan oo hore loo sameeyey, dadweynahuna ay ka qayb qaateen oo ay rayigooda ka dhiibteen. Waxa cad in Somaliland ay u baahan tahay in la abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) marka la qiimeeyo arrimahani hoos ku xusan:

BB. Waxaa joogto ah oo aad meel kasta oo ay dadku iskugu yimaadaan ka maqlaysaa in dadku ay aad uga deyriyaan qaabka maamulka hay’addaha dawladda tusaale ahaan; waxaad arkaysaa dadka oo hadal haya in hawl yar oo kaa gashay Wasaarad ama hay’ad dawladdeed aanay kaa dhamaanayn oo ay wakhti badan kugu qaadanayso haddii aanad garasho ama waddo kale u marin.  Waxaana taasi kasii daran, ma jiro xafiis gaar ah oo ay arrintani uga cawdaan. Taasina waxaa cadeyn u ah intii u dhaxeysay bilaha May ilaa June ee sannadkan waxaan ka akhriyey saxaafadda kala duwan ee dalka ilaa 40 cabasho oo kala duwan oo ay muwaadiniin reer Somaliland ahi ay kaga cabanayaan maamul-xumo ama caddaalad-darro uu kala kulmay hay’ad dawladdeed. Sababta ay muwaadiniintani cabashadooda ugu soo qoreen saxaafaddu waxay tahay in aanu jirin xafiis dawladdeed oo ay cabashadooda u gudbiyaan si uu wax uga qabto.

TT. Daraasad ay hay’adda IRI ku samaysay rayi caamka dadweynaha bishii Juun sannadkii 2012ka[iv] ayaa waxay muujisay in xidhiidhka ka dhaxeeya dadka iyo madaxda dalku aanu aad u xooganayn oo aanay badanaa jirin fursad ay dadku ugu gudbiyaan cabashooyinka iyo walaaca guud ee bulshada madaxdooda ay khusayso tusaale ahaan; laba su’aalood oo la waydiiyey dadkii daraasadda ka qayb-qaatey oo ahaa Xildhibaanadii goleyaasha baarlamanka iyo deegaannada ee ay doorteen ma ka dhageystaan cabashadooda ama walaacooga khuseeya arrin muhiim u ah bulshada, 68% kamid ah ayaa ku jawaabay in xil-dhibaanada golaha deegaanku aanay dhageysanin cabashadooda, halka 70% kamid ahina ay ku jawaabeen in xil-dhibaanada baarlamaanku aanay dhageysanin cabashadooda ama walaacooga khuseeya arrimaha bulshada. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo xafiis dawladdeed oo gaar u ah ka jawaabista iyo ka talo-bixinta cabashada muwaadiniinta ee khuseysa arrimaha maamul-xumada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

JJ. Dhinaca Garsoorka, waxaa dhacda cabasho joogto ah oo ay dadweynahu kaga cabanayaan caddaalad-darro ay kala kulmaan hay’addaha garsoorka. Xitaa Madaxweynaha ayaa shir-weynahii dib u-habeynta nidaamka caddaalada ee sannadkii 2011ka ka marag-furay cabashada dadweynaha. Warbixin qabyo-qoraal ahayd oo uu qoray Hawl-galka Kormeerka Xabsiyada ee Wasaaradda Caddaaladu sannadkii 2010kii[v], waxaa lagu sheegay in 351 maxbuus ay gar-sugayaal ahaayeen, 160 maxbuus oo kamid ahina ay muddo dhaaf ku ahaayeen xabsiyada dalka, haddii si kale loo dhigo 47% kamid ah maxaabiista gar-sugayaasha ku ahaa xabsiyadda ayaa muddo dhaaf ahaa xiligaasi. Haddii xafiiska Qareenka Dadweynahu uu jiri lahaa oo arrintani looga caban lahaa, dhibaatadu ilaa xadkaasi may gaadheen marnaba.

44. Haddii la Abbuuro Xafiiska Qareenka Dadweynahu, Muxuu Soo Kordhinayaa?

Waxaynu isla fahamnay baahida uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha. Haddaba, sidee ayuu abbuuritaanka xafiiskani xal ugu noqonayaa dhibaatooyinkaasi aynu tilmaanay? Ugu horeyn, sida ay ku qeexeen Guddida Caalamiga ah ee Xeer-beegtidu sannadkii 1974ka, Qareen Dadweyne (Ombudsman) waa “Waa xafiis dawladdeed oo lagu abbuuray dastuur ama xeer xeer-dejineed ama baarlamaanku uu iskii u abbuuro. Waxaa hoggaamiya shakhsiyad madax-bannaan oo uu baarlamaanku la xisaabtamo. Wuxuu u xilsaaran yahay qabashada cabashooyinka dadka lagu xad-gudbay ee ka dhanka ah hay’addaha dawladda iyo Saraakiisha dawladda. Waa inuu awood u leeyahay inuu iskii wax u baadho, dabadeedna u soo jeedin ku samayn karo qaabka wax loo saxayo. Ugu dambeyn wuxuu war-bixin u gudbiyaa baarlamaanka.[vi]” Hawlaha uu qabto xafiiska Qareenka Dadweynahu (Ombudsman) waa:

11.     Ka Jawaabista Cabashada Dadka iyo Xalinta Khilaafaadka Maamul-xumo: Xafiiska Qareenka Dadweynahu waa xafiis loogu talo galay in dadku ay si fudud ku heli karaan marka ay u baahdaan. Waxaanu marka ugu horeysa ku dhaqaaqaa ka jawaabista cabashada dadka, taasoo noqon karta; 1) Inuu qofka cabashadiisa ka dhageysto, kala hadlo dabadeedna uu talo ka siiyo ama xal kale u helo. 2) In markuu cabashada qofka fahmo uu baadhis ku sameeyo arrinta maamul-xumada ama tacadiga xuquuqeed ah ee uu qofku ka cabanayo, dabadeedna uu arrintaasi kala hadlo hay’adda dawladdeed ama sarkaalka ay khusayso, sidaasina ku dhameeyo khilaafkaasi u dhaxeeyey qofka iyo hay’adda/sarkaalka dawladdeed. 3) Inuu sannadkiiba mar ama kolkii loo baahdo ba uu war-bixin u gudbiyo baarlamaanka isagoo soo jeedinaaya soo saarista ama wax ka badel xeer markii loo baahdo.

22. Ka Hortaga Maamul-xumada iyo Adkeynta Nidaamka La Xisaabtanka: Xafiiska Qareenka Dadweynahu wuxuu dadka u sharaxaa xeerarka iyo siyaasaddaha la xidhiidha cabashadooda sidaas darteed, wuxuu ka qayb-qaataa fahamka ay muwaadiniintu ka haystaan shuruucda. Wuxuu badhaa arrimaha maamul-xumada, waxaanu soo jeedin ku sameeya xalka dhib kasta oo maamul-xumo isagoo la talinaya qofka iyo hay’addaha dawladdaba. Wuxuu hay’addaha dawladda ka caawiyaa inay yeeshaan hab maamul xoogan iyo siyaasaddo habboon oo xoojiya is fahamka dadka iyo hay’addaha dawladda. Xafiiskani wuxuu u taagan yahay adkeynta nidaamka la xisaabtanka dawladda, waxaanu dadweynaha wakiil uga yahay in aanay dhibanayaal ka noqonin nidaam dawladdeed oo aan la xisaabtan jirin. Sidaas darteed, xafiisku mar kasta oo uu ogaado arrin maamul-xumo ama tacadi lagula kacay xuquuq muwaadin wuxuu waajibaadkiisu yahay inuu qaabkii loo sixi lahaa iyo cawil celinta falkaasi la yimaado. Inuu soo taabto sababta fal kasta keentay kadibna xalkeeda la yimaado si aanu falkaasi u soo noq-noqin. Wuxuu soo jeediyaa talaabooyinka lagaga hor-tagi karo maamul-xumo kasta iyo qaabka loo xoojin karo maamul wanaaga iyo addeega ay hay’addaha dawladdu u fuliyaan dadweynaha.

33. Awood-siinta Muwaadiniinta. Siddaynu hore u tilmaanay xafiiska Qareenka Dadweynahu wuxuu talo siiyaa dadka ka cabanaya maamul-xumada iyo tacadiga xuquuqeed isagoo u sharaxaya xuquuqda qofka, shuruucda iyo siyaasaddaha ay khusayso. Sidaas darteed, xafiiskani wuxuu awood siiyaa muwaadiniinta oo qof kasta oo xidhiidh la yeesha xafiisku wuxuu ka faa’iidayaa qaabka cabashada loo sameeyo, qaabka fikirka loo soo bandhigo iyo qaabka looga qayb-qaato hawlaha maamul ee dawladda. Wuxuu dadka baraa wax kasta oo ay awood iyo xuquuq ku leeyihiin dawladda iyo waajibaadka saaran iyo siday ku gudan karaan. Wuxuu dadka ku dhiirigaliyaa xalinta khilaafaadkooga yar iyo waynba, waxaanu ku dedaala in muwaadin kasta oo la soo xidhiidhaa uu noqdo muwaadin firfircoon oo awood u leh inuu xuquuqdiisa ku dooddo, waajibaadkiisana guto kana qayb-qaato xoojinta dawlad wanaaga iyo sinaanshaha.

Qalinkii: Cabdishakuur Calu Muxumed (Good Lawyer)


XIGASHO: Qoraallada aan soo xigtay.
[i] From Wikipedia, the free encyclopedia.
[ii] Pickl, Islamic Roots of Ombudsman Systems, The Ombudsman Journal Number 6/1987, International Ombudsman Institute, Edmonton, Alberta, CanadaT6G 2HS.
[iii] Linda C. Reif, “Introduction” in Linda C. Reif, ed. The International Ombudsman Anthology (Kluwer Law International: The Hague, 1999) at xxiii-xxiv.
[iv] IRI and ORB – International, Survey of Somaliland Public Opinion. Hargeisa. June, 2012.
[v] MOJ, Prison Monitoring Report, 2012.Unpublished. 
[vi] Rudolf Machacek, LAW AND JUSTICE: TWO COINS OF THE SAME COIN, FACTA UNIVERSITATIS Series: Law and Politics Vol. 1, No 5, 2001, pp. 571 - 580