Pages

Tuesday, November 19, 2019

Faallo: Muranka ka Dhashay Xubnaha Cusub ee KDQ, Heshiiskii Xisbiyada Qaranka iyo Xeerka Doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001)



Murankan magacaabida Xubnaha Guddiga (Koomishanka) Doorashooyinka Qaranka (KDQ) waxa bar-bilow u ahaa muranka xukumadda iyo mucaaradka ee la xidhiidhay kala dirida Guddiga (Koomishanka) Doorashooyinka Qaranka (KDQ), kaas oo ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomtay 13kii Noofembar 2017-ka. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa 22kii Maarso 2018 ku dhawaaqayIn ay Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ay ku soo ururriyeen dhaliilaha doorashadii madaxtooyada iyo gefafkii laga galay xeerarka diiwaangelinta iyo doorashooyinka.” Guddoomiye Cirro wuxuu ugu dambayn caddeeyey in Xisbiga WADDANI “Qoraalkaas uu Madaxweynaha u gudbiyey ku muujiyey in aanu wax kalsooni ah oo uu doorashooyinka dambe ku qabto ku qabin Guddiga Doorashooyinka, waxaanu codsaday in guddiga la kala diro oo mid cusub si dhakhso ah loo dhiso.”
Qoraalka uu Xisbiga WADDANI u gudbiyey Madaxweyne Muuse wuxuu u cuskaday Qod. 14(2) Xeer Lr. 20/2001 oo dhigaya “Marka arrimaha kor ku xusan (asbaabaha xilka lagaga qaadi karo xubnaha KDQ), waxa Madaxweynahu uu magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go,aan uga qaato”. Sidaas darteed, waxay Madaxweynaha ka codsadeen in uu guddidaas magacaabo kadibna uu guto waajibaadka ay saarayso faqradda 3aad ee qodobkan oo dhigaysa “Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafada la hadlay isla maalintan uu Xisbiga WADDANI shaaciyey in aanu KDQ ku kalsoonayn oo la kala diro, ayaa isagu qabay in KDQ aan la kala dirin si ay doorashadu u qabsoonto. Wuxuu yidhi “’Do not change your horse at the bottom of the river’ oo macnaheedu yahay ‘adoo webi dhex socda faraskaaga lama badelo’… Koomishanka WADDANI xubin ayuu ku leeyahay, annaguna xubin ayuu ku leenahay…hadduu kiisa badelayo xaq buu leeyahay, laakiin annagu badeli mayno.”
Haseyeeshee, saddex casho kadib 25kii Maarso 2018, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu labada gole ee baarlamaanka JSL kahor jeediyey khudbad-sannadeedkii Madaxweynaha ee sannadka 2018-ka. Wuxuu qodobka 9aad ee khudbadiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaanu kaga jawaabay qoraalkaas uu Xisbiga WADDANI u gudbiyey, waxaanu ku doodday “In KDQ ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. In ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba.” Wuxuu sidoo kale isagoo ka jawaabaya dhaliilaha uu xisbiga WADDANI ku eeddeeyey KDQ yidhi “Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.”
Inkastoo Xisbiga WADDANI dalabka uu u gudbiyey Madaxweynaha ku xusay qodobka sharci ee ay u cuskadeen, waxa muranka keenay wuxuu ahaa shuruuddaha xil ka qaadista ee ku cad qodobka Qod. 14aad Xeer Lr. 20/2001 oo ah kuwo aan si cad u qornayn oo laga dhadhansan karo in xil ka qaadista uu qodobku ka hadlayaa tahay mid shakhsi-shakhsi loogu dabaqayo xubnaha KDQ oo aanay si cad ugu caddayn kala dirid isku hal mar keliya xil ka qaadis loogu sameyn karo guud ahaan xubnaha KDQ.
Sidoo kale asbaabta uu Xisbiga WADDANI u cuskaday dalabka baadhista iyo xil ka qaadista KDQ waxay ahayd mid inta badan lagu faahfaahiyey cabashooyin ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee 2017-ka, balse aan mudnaanta la siin shuruuddaha qodobka ku cad oo loo baahnaa in dalabka noocan ah awoodda lagu saaro sida ay xubin kastaa ugu sifoowday shuruuddaha ku cad Qod. 14(1) Xeer Lr. 20/2001. Taasi waxay Madaxweynaha fursad u siisay in uu dulucda muranka ku koobo cabashooyinka doorashooyinka sida uu ku doodday mar uu ka jawaabayey su’aallo ay saxaafadu weydiisay “Haddii WADDANI cabasho ka qabo Natiijadii Doorashada waxay ahayd in uu Maxkamadda Sarre u dacwoodo, anniga sharcigu awood iima siin in aan amro in baadhis lagu sameeyo sidii ay doorashadu u dhacday ama kala dirista KDQ.”  
Xukumaddu waxay intii uu murankaasi socday 7-dii Julaay 2018-ka u gudbisay Golaha Wakiillada kadib markii uu Golaha Wasiiradu ansaxiyey Xeer layskugu geeyey Xeerarkii Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta oo ah xeer isku dhaf ah oo noqon doona Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, Xeerkan oo saddexdii ajende ee ugu dambeeyey ee Golaha Wakiilada (inta aan ogahay) ku jiray balse ilaa hadda (Muddo sannad iyo badh ku dhoow) dooddiisa weli lama gudo gelin. Xagga dambe ayeynu ka hadli doonaa oo uu muranka ka soo gelayaa.
Muddo 10 bilood ah saddexda Xisbi Qaran murankaas ayey iskaga soo horjeedeen, wax tanaasul iyo heshiis ah iyagoon midna ka gaadhin, isla markaana Xisbiga WADDANI aanu go’aanka uu Madaxweynahu ku diidday codsigoodii wax rafcaan ah uga qaadan Maxkamadda Sarre, ayuu KDQ bishii Noofeembar 2018-ka ku dhawaaqay in aan Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaannada la qaban karin 28/04/2019. Golaha Guurtiduna 21kii Jeenawari 2019 ayuu markii 5aad Golaha Wakiillada u kordhiyey muddo-xileedka ku dhowaad 8 bilood oo ka bilaabantay 28/04/2019 kuna eeg 12/12/2019-ka. Xisbi xaakimka KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI ee mucaaradka ahba way soo dhoweeyeen muddo-kordhinta doorashada Golaha Wakiillada.
Muddo-kordhinta doorashada kadib, wuxuu murankii kala dirista KDQ isku badalay mid awoodda la saarayo TIRADA XUBNAHA KDQ arrintaas oo ay saddexda xisbi qaran ba ku kala aragti duwanaayeen. Xisbiga WADDANI wuxuu doodday in tirada xubnaha KDQ laga dhigo 9 xubnood oo laba xisbi mucaarad mid ba hal xubin loogu daro, koomishankan horena la kala diro oo xubno cusub la magacaabo. Xisbiga UCID isna wuxuu ku doodday in labada xisbi mid ba xubin loogu daro, balse wuxuu kaga aragti duwanaa in koomishanka la kala diro oo wuxuu qabay in xubnaha KDQ ay dhammeystaan muddo-xileedkooda oo ay doorashada ka sii shaqeeyaan, xubnaha cusubna inta la ansaxiyo ay xubnaha hore xilka kala wareegaan marka ay muddo-xileedkoodu dhammaato. Xisbi xaakimka KULMIYE wuxuu isna ku doodday in aan Koomishanka la kala dirin, waxbana aan lagu kordhin tiradooda balse xubnaha cusub la magacaabo oo la ansaxiyo, lana sii shaqeeyaan  xubnaha hore KDQ muddada xilkoodu uga hadhsan, kalana wareegaan xilka marka muddo-xileedkoodu dhammaado.
Muddo kordhintii kadib, kulunno faro badan oo aan wax isafgarad ah laga gaadhin ayaa socday muddo ilaa lix bilood ah intii uu muranka cusub ee tirada xubnaha KDQ socday, waxa arrinka soo dhex galay qaadhaan bixiyeyaasha oo saddexda xisbi qaran ba caddaadis ku saaray in ay heshiis ka gaadhaan arrimahan ay isku hayaan si aanay doorashadii dib uga dhicin dhammaadka sannadkan 2019ka.
Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran
Ugu dambeyn, saddexda Xisbi Qaran ee JSL waxay 27-kii Julaay 2019 ku heshiiyeen shir balaadhan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada, oo ay goob-joog ka ahaayeen wufuud ka socotay Midowga Yurub iyo Ingiriiska. Waxay ku heshiiyeen heshiis ka kooban 8 qodob, oo ah kuwan aan hoos ku faahfaahiyey:
1)    In xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada 1aad - a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.
2)    Mooshinka waxa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.
3)    Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.
Weli maan fahmin sababta iyadoo wax ka badelkii lixaad ee ugu dambeeyey ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada uu dhaqangal yahay kuna soo baxay Faafinta Rasmiga, Cadadkii 1aad, Lifaaq gaar ah 1aad oo soo baxay 01/04/2017, heshiiska loogu saleeyey wax ka badelkii afraad ee soo baxay 15/09/2012 – ma khalad madbaci ahbaa mise waa ku talogal? Nuxur ahaan marka qodobka sharci ee lagu xusay qodobka 1aad ee heshiiska la eego waxba kuma kala duwana labada wax ka badel ee xeerka lagu sameeyey, tirada Qodobka oo noqonaysa Qod. 12aad, farqada 1aad - a) iyo Faqrada 2aad b) mooyaane.
6-dii Ogos 2019, sidii saddexdan qodob ee heshiisku ayaan ayaa loo fuliyey oo waxaa mooshinkii loo gudbiyey Golaha Wakiillada si ay go’aan uga gaadhaan wax ka badelka uu khuseeyo qodobka 1aad ee heshiisku. Labada xisbi mucaarad uun baa golaha ka soo xaadiray oo arrintaas u ololeeyey. Haseyeeshee, xildhibaannadii Gobollada Awdal, Sanaag iyo Sool laga soo doortay ayaa fadhigii Golaha ka baxay iyagoo diiddan in heshiiskaas uu Golahu ka dooddo, kuna dooddaya ilaa saami-qaybsiga lagu heshiiyo, in aanay ogolaanayn in lagu heshiiyo in doorasho ay dhacdo.
4)    Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kaddib doorashada.
5)    Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.
Mooshinkii ka dhashay heshiiska saddexda xisbi qaran markii uu ka soo gudbay marxaladdii kowaad ee golaha, waxa uu Golaha Wakiiladu u fadhiistay 17kii Ogos 2019, waxa ugu fadhigu ku bilaabmay La Taliyahii Sharci ee Golaha oo fadhiga ka dhex akhriyey tallo-bixintiisii sharci oo isla markaana go’aamiyey in mooshinkaasi uu jabay, waxaanu ku sababeeyey ‘In sida ku cad Qod. 43aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada aan mooshin la furi karin haddii arrinta uu ka hadlayo ama mooshinku khuseeyo uu Golahu ka doodday isla kalfadhigaas. Sidaas darteed, maadaamaa xeerka doorashooyinka ee uu mooshinkani khuseeyo lagaga doodday dooddii ajandaha kal-fadhiga 40aad, Golahuna ansaxiyey oo uu qodobka 7aad kaga jiro mooshinku waa jabay.” Waxaanu go’aamiyey in la sugo marka laga gaadho qodobka 7aad ee ajandaha 40aad.
Maxaa se la sugaa ba, fadhiga uu sidan ka leeyahay ayaa ba noqday fadhigii ugu dambeeyey kalfadhigii 40aad ee Golaha oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo hadalka uga dambeeyey ayaaba ku dhawaaqay in fadhigu uu sidaas ku xidhan yahay, Golahuna uu fasaxiisii galay. Sidaas ayey 4-ta qodob ee heshiiska ugu horeeyey ay ku fuleen, waxba se aanay u soo kordhin.
Saddex arrimood oo muhiim ah ayaa loo baahan yahay in fadhigaas golaha laga soo qaado:
1.    Sharci ahaan sax may ahayn in La taliyaha sharci ee Golahu uu fadhiga Golaha ka horjeediyo tallo-bixintiisa ku wajahan mooshinka oo uu weliba go’aan aanay xubnaha golahu waxba iska weydiin karin ka dhigo. Waxaanay ahayd talaabo uu iskugu gudbayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo isaga waajibkiisa ay ahayd in uu tallo-bixinta la-taliyaha sharci xubnaha ugu gudbiyo fadhiga golaha. Haseyeeshee, La Taliyahu wuxuu ku doodday in shaqadiisuba tahay in uu fadhiga Golaha tallo ku lahaado oo ka talo-bixiyo golaha hortiisa. Taasna waxa si cad u  qeexaya Qod. 42aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo faqraddahiisa 4aad iyo 5aad ay dhigayagaan “4. Mooshinka waxa loo gudbinayaa La-taliyaha sharciga si uu u hubiyo in mooshinku waafaqsan yahay xeer hoosaadka iyo dastuurka JSL. 5) Gudoomiyuhu marka uu helo jawaabta la taliyaha sharciga ee ansaxnimada mooshinka wuxuu mudeynayaasha wargelinayaa waqtiga la bilaabayo dooda mooshinka.” Sidaas darteed, isaga waajibkiisu wuxuu ahaa in uu Guddoomiyaha Golaha jawaabtiisa u gudbiyo, Guddoomiyaha ayaa haddii uu ku tallo-bixiyo in mooshinku ansax yahay mudaneyaasha sidaas ku wargelinaya, wakhtiga dooddana la socodsiinaya. Haddii uu ku tallo-bixiyo in mooshinku aanu ansax ahayna sidaas Golaha ugu gudbinaya tallo-bixinta. Sida muuqatay dhacdadani waxay ahayd mid siyaasaddaysan oo sidii loo qorsheeyey u dhacday.
2.    La Taliyaha Sharci midna runtii bay ahayd oo Qod. 43aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu wuu dhigayaa “lama furi karo mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo ama mooshinku khuseeyo uu Golahu ka doodday isla kalfadhigaas.” Annigu se waxaan aaminsanahay in dooddii ajandaha kalfadhiga 40aad arrinta laga doodday ay ahayd qodobada ajandahu ka koobnaanayo iyo sida mudnaanta loo kala siinayo balse aan la odhan karin arrin ku jirtay qodobada ajandaha ayaa dooddeeda la gudo galay oo waa laga gudbay, in ay ajandaha ku jirto ayaa ba caddayn u ah in la qorsheeyey in laga dooddo oo aan weli laga dooddin. Sidaas darteed, Qodobkaasi muu ahayn mid golaha ka joojinayey in ay ka dooddaan oo ay go’aan ka qaataan heshiiskaas. Golaha ayaa go’aamin karayey in mooshinkan cusub lala mideeyo mashruuc-sharciga xeerka ee ajandaha ku jira mar haddii aan weli laga dooddin qodobada xeerka.

3.    Dooddii ajandaha kalfadhiga 40aad Golaha Wakiillada oo qabsoontay 24kii Juun 2019, waxa dood ka dhiibtay 4 xildhibaan oo kala ah 1. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil, 2. Xildhibaan Xaamud Maxamuud Cigaal, 3. Xildhibaan Baar Siciid Faarax iyo 4. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi. Qodobka 2aad ee Ajandaha kaldhiga ayuu ku jiray Xeerka Doorashooyinku sida ay mudanayaashu ku sheegeen dooddooda, Xildhibaan Baar mooyee, saddexda Xildhibaan ee kale ba waxay codsadeen in Qodobka 1aad ee ajandaha laga dhigo. Subaxii xigay ee 25ka Juun 2019 wuxuu Guddoomiyahu bilawgii ansaxinta ajandaha mudanayaasha ku wargeliyeyXeerar badan ayaa Golaha dhex yaala, sida aynu u kala hor ansaxinaynaa maaha siday (ajandaha) u kala horeeyaan ee waa siday u kala diyaarsanaadaan – kolba kii gacanta noo soo gala ayaa loo codeynayaa. Sidaas ha la ogaado.” Kadibna waxaa la guda galay in si guud loogu codeeyo ajandaha oo sidaas baa lagu ansaxiyey, waxa isweydiin leh goormaa Xeerka Doorashooyinka qodobka 7aad ee ajandaha loo raray?  Haddii qodobkii 2aad ee uu ajandaha kaga jiray aan mudnaanta la siin. Soo jeedintii mudanayaashii ajandaha ka doodday ee ahayd qodobka 1aad ha laga dhigo aan iyadna waxba layskaga tirin. Go’aankii uu Golahu ajandaha ku ansaxiyeyna uu noqday kolba xeerkii innagu soo horeeya uun aynu hawshiisa galno. Maxaa keenay in markii loo soo gudbiyey mooshin xeerka Doorashooyinka khuseeya la yidhaa qodobka 7aad ee ajandaha kal-fadhigan ayuu ku jiraa ee ha la gaadho? Maxay se xildhibaannadu uga hadli waayeen arrimahan xasaasiga ah ee la xidhiidha waajib gudashadooda? Xaqiiqdu waxay tahay in ay heshiis ku yihiin in ay ka dagaalamaan wixii doorashada lagu badelayo hawsheeda wada. Xitaa saddexda xisbi haddii ay diyaar u noqdaan in ay doorashadu qabsoonto, lagama yaabo in xubnaha Goleyaasha Sharci-dejintu ay ogolaadaan ama meel-mariyaan arrin wax ka taraya doorashada qabsoomideeda. Annigu iyaga ayaan u arkaa caqabada ugu culus ee u baahan in ay shacabku fahmaan.

6)    Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada 2aad.
7)    Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
Fadhigii Golaha Wakiillada kadib, maalmo ayey xukumada iyo mucaaradka midba midka kale uu ku eeddeeyey in uu heshiiskii ka baxay. Todobaad kadibna waxey ku heshiiyey in qodobadii heshiiska ee khuseeyey xulista iyo ansaxinta komishanka cusub la fuliyo, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi isagoo qodobadaas heshiiska ka duulaya wuxuu 25kii bisha Ogos 2019 qoraal u diray golaha guurtida iyo labada xisbi mucaarad, isagoo ka dalbaday inay u soo gudbiyaan xubnaha cusub ee ay u soo xulayaan guddiga doorashooyinka qaranka, “Si waafaqsan” ayuu yidhi Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Goleyaasha Deegaanka Xeer Lr, 20/2001.
Muranka Magaabista Xubnaha Cusub ee KDQ
Sida uu u dhignaa qodobka 6aad ee heshiiska saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyeen in soo xulista xubnaha KDQ loo raaco kala horeynta ku xusan Xeer Lr. 20/2001 oo ay liiska ugu horeyso Golaha Guurtidu. Sida ay saxaafadda iyo xisbiyada mucaaradku ba sheegeen Guddoomiyaha Golaha Guurtidu horaantii bishii 9aad ee sannadkan ayuu Madaxweynaha u gudbiyey labadii xubnood ee uu xeerku siiyey soo xulistooda, oo lagu kala sheegay 1. Foosi Maxamed Faarax iyo 2. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Waxaana la sheegay in Madaxweynahu uu ku celiyey Foosi Maxamed Faarax oo uu ka codsaday in ay soo badelaan. Inkastoo aan la hubin sababta dhabta ah ee uu Madaxweynahu ku sababeeyey in uu xubintan ku celiyo Golaha Guurtida, waxay saxaafadu ku sheegtay, Foosi laftiisuna uu warbaahinta ka caddeeyey in lagu eeddeeyey in uu ololahii Doorashada Madaxtooyada u ololeeyey Xisbiga WADDANI. Haseyeeshee, ugu dambeyn xubinta uu ku badelay ee uu Guddoomiye Saleebaan u gudbiyey Madaxweynahu wuxuu noqday Maxamuud Daahir Jaamac.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu isna 18-kii Ogos 2019 gudbiyey xubintii uu xisbigiisu  u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ah Xasan Yuusuf Ducaale. Xisbiga WADDANI ayaa isna gudbiyey xubintiisa oo wuxuu soo xulay Cabdikariim Yaasiin Sh. Dalmar. Ugu dambeyn, Madaxweynahu markuu xaqiiqsaday in uu gaadhay ujeeddadii uu ka lahaa qodobkii heshiiska ee kala horeynta xulista xubnaha KDQ, wuxuu isna liiskii uu Golaha Wakiillada u gudbiyey 12kii Oktoobar 2019 ku daray magacyada saddexdii xubnood ee uu xulistooda lahaa oo uu ka kala dhigay. 1.Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah, 2. Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee dorashooyinka iyo 3. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah.
Isla maalintii uu Madaxweynahu gudbiyey liiska xubnaha uu u magacaabay KDQ, waxa bilaabmay in xisbiyada mucaaradku ay aad uga qayliyeen saddexda xubnood ee uu Madaxweynahu magacaabay, Madaxweynahuna wuxuu jawaabtiisa ku soo koobay dood aanu hore ugu dooddin Madaxweyne ku fadhiya kursiga uu hadda ku fadhiyo, wuxuu ku doodday“Annagu ba kuwiina wax kamaanu sheegin, kuwayaga waxba ha ka sheegina, iyo in go’aanka diidmada iyo ogolaanshaha uu iska leeyahay Golaha Wakiilladu oo isna ku qanci doono wixii ay go’aamiyaan.” Taasi waxay keentay in Xisbiga WADDANI uu la noqdo xubintii uu soo xulay ee uu hore u soo gudbiyey. Taasi oo aan sharciga meelna kaga jirin.
Inta aanan u gelin waxa ka jira doodda mucaaradka ee ah in xubnaha Madaxweynahu magacaabay qaarkood aanay buuxinayn shuruuddaha uu xeerku u dhigay xubnaha KDQ loo magacaabayo iyo qaabkii ay u dhacday ansaxintooda Golaha Wakiilladu, waxaan jeclahay in aan tilmaamo dhawr qodob oo ku cusub magaabista xubnahan cusub ee KDQ.
1.    Ugu horeyn waa markii ugu horeysay intii uu KDQ jiray ee xubin uu Madaxweyne u magacaabay KDQ lagu murmo in aanay buuxinayn shuruuddaha uu xeerku dhigayo ama loo tiriyo xisbi ba. Madaxweyneyaashii hore ee Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyo midna laguma murmin xubin uu u magacaabay KDQ inta ogaalkayga ah. (Halkan ka akhri xogta siddeed muran oo hore uga dhashay magacaabista xubnaha KDQ)
2.    In xubinta keliya ee la soo celiyey xubnaha ay muddo-xileedoodu dhammaatay ee KDQ ay tahay xubin uu magacaabay Madaxweynahu, taasi waxay iyadna muujinaysaa in Madaxweynahu aanu ikhlaas ka ahayn in si wanaagsan ay wax u socdaan. Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyo labaduba marna may soo celin xubin dhammaysatay muddo-xileedkii KDQ. Weliba Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku celiyey guurtida laba xubnood oo muddo-xileedkoodii dhammaystay oo ay mar labaad soo magacaabeen, waxana labadaas kamid ahaa Cabdiraxmaan Dixood oo hadda kamid ah labada xubnood ee uu Golaha Guurtidu soo xulay.
3.    Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne aanu xisbiyada mucaaradka ku celin xubno ay soo magacaabeen isagoo ku dooddaya “Kuwiina waxba kama sheegayee, kuwayaga waxba ha ka sheegina” halka Madaxweynayaashii hore aanay ka ogolaan jirin in ay Golaha u gudbiyaan xubin ay u arkaan in aanay shuruuddaha buuxinayn.
4.    Waa markii kowaad ee uu xisbi mucaarad uu la noqdo xubin uu soo xulay isagoo ka cararaya in uu Golahu ansaxiyo iyadoo uu Madaxweynaha magacaabistiisa u gudbiyey Golaha Wakiilada.
Xubnaha Cusub ee lagu muransan yahay iyo Shuruuddaha uu xeerku dhigayo
Todobada xubnood ee la magacaabay afar kamid ah ayaa lagu doodday in aanay buuxinayn shuruuddaha uu xeerku dhigayo iyadoo mid walba asbaab gaar ah lagu durayo.
1.    Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) – shaki kuma jiro in uu yahay siyaasi caan ah, waxaa aad loogu dareensan yahay in aanu buuxin shuruudda ku cad Qod. 13aad, farqadiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001 oo dhigaysa xubinta KDQ loo magacaabayaa “In aanu kamid ahayn urur/xisbi siyaasaddeed, kana madax-bannaan yahay” Cabdirashiid wuxuu ku jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu hayey xil Wasiirnimo ilaa 2018 horaantiisii. Waxa la soo bandhigay sawiro caddeeyey in uu ka qayb-galay shirweynahii xisbiga KULMIYE ee ugu dambeeyey. Su’aasha ugu muhiimsan waxay tahay Cabdirashiid ma ka madax-bannaan yahay xisbiga KULMIYE? Jawaabtu waa MAYA sida aan annigu qabo. Fadhigii lagu ansaxinayey Guddida Arrimaha Gudahu may keenin caddayn uu Cabdirashiid soo gudbiyey oo muujinaysa xiliga uu Xisbiga KULMIYE ka baxay ilayn isagoo hadlaya oo muuqaal ah oo sheeganaya KULMIYE ayaa meel walba lagu hayaa ye?

Arrinta Cabdirashiid waxay la xidhiidhaa kiiskii Maxamed Xaashi Cilmi oo 2-dii Oktoober 2004-tii ay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE si wadajir ah ugu magacaabeen Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ oo ay bannaysay xubin geeriyootay oo magacaabeen lixdii urur-siyaasaddeed ee ugu horeeyey oo aanu ku jirin KULMIYE oo aan wakhtigaas la diiwaangelin. Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada. Ugu dambeyn, Xisbiga UCID ayaa kelidii soo badelay markii uu KULMIYE tanaasuli waayey.  Hadda weliba Maxamed Xaashi xisbiyadaas magacaabay midna xubin kamuu ahayn, balse kama madax-bannaanayn.

2.    Xubinta 2aad waa Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi iyada cidna kuma dooddayso shuruud khaas ah oo aanay buuxinayni in ay jirto, balse waxa lagu dooddayaa in sida wacani ay ahayd in aanu Madaxweynahu soo celin oo uu isagu ikhlaas ka noqdo arrintan mar haddii dhammaan xubnahan uu wakhtigoodu dhammaanayaa ay yihiin xubnaha uu ka cabanayey Xisbiga WADDANI, Xisbiga WADDANI wuxuu ku dooddaya in heshiiska saddexda xisbi uu ahaa in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Inkastoo aanay qodobada heshiiska arrintaasi ku caddayn qodob kana mid ahayn.

3.    Mustafe Maxamed Daahir waa nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah. Laba shuruudood uun buu shaki ku jiray siduu u buuxin doono. Labadaas shuruuduud oo ah da’diisa oo ay u badan tahay in aanu 40 jir gaadhin sida qodobka 13 faqradiisa 2aad ay shardiday iyo in uu yahay shaqaale dawladdeed maadaamaa uu ahaa Xoghayaha Golaha Wasiiradda laga bilaabo Sebtembar 2018, ilaa haddana lama caddayn in uu iscasilay. Ansaxinta Golaha CV-giisa markii la akhrinayey lama sheegin taariikhdiisa dhalashada maadaamaa shuruuddaha ay kamid tahay da’da qofku – xubnaha kale qaarkood taariikhdooda dhalashada waa la sheegay – balse xubnaha uu Madaxweynahu magacaabay waxay C.V-yadoodu ka bilaabmayaan waxbarashada oo taariikhda iyo goobta dhalashada lama sheegin.

Sidoo kale markii Golaha loo akhrinayey C.Vgiisa lama sheegin shaqadan ugu dambeysay ee uu Madaxtooyada ka hayey oo waxaa laga bilaabay in uu Child-protection-ka ka soo shaqeeyey sannadkii 2017-ka. Qoraallada uu soo gudbiyey waxa lagu soo koobay dembi la’aan iyo baadhis caafimaad. Xitaa in uu iska casilay shaqadii Xoghayaha Golaha Wasiirada oo illaa bishii Oktoobar gudaheeda cinwaankiisa LINKEDIN ugu qornayd, balse hadda ugu qoran in uu ka tegay Ogos 2019 oo ah bilowgii magacaabida xubnaha KDQ. Xitaa iscasilaad hadduu keeni lahaa, sidan u qoran ayaa caddayn ugu filan in isagoo shaqaale dawladdeed oo weliba Madaxtooyada ka shaqeeya loo xulay in loo magacaabo xubin KDQ kamid ah.

Arrinta Mustafe waxay la xidhiidhaa kiiskii ugu horeeyey ee xubin uu Golaha Wakiilladu ku diiddo xubin KDQ loo magacaabay. Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.

Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017).

4.    Cabdikariim  Yaasiin Sh. Dalmar – waxa lagu sheegay in uu ka tirsan yahay Xisbiga WADDANI, inkastoo aan inta badan la soo bandhigin caddaymo buuxa oo arrintaas caddeynaya. Haseyeeshee, haddii ay caddaato isna waxa hortaal shuruudda Qod. 13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001. Sidoo kale waxay xubintan ku sifoowday xubin ku shaqaynaysa awaamiirta xisbiga soo xulay sababtoo isagoo la magacaabay oo sidaas kaga gudbay marxaladii xulashada ayuu u hoggaansamay qaraarkii xisbigu ku hakiyey xubinnimadiisa oo aan sharciga meelna ka soo galin. Taasi waxay muujinaysaa in uu yahay xubin aan ka madax-bannaanayn xisbiga, waxaanay taasi muujinaysaa in aanu ku sifoobin shuruudda ku cad Qod. 13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001.

 Sidaas darteed, ansaxinta xubnaha KDQ ee Golaha Wakiilladu waxay ahayd mid aan loo marin hannaankii sharci oo Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee golahu aanay waajibkii saarnaa u gudan sifo sharciga waafaqan, isla markaana aanay coddeynta golahu u dhicin si sharci ah maadaamaa sida muuqatay aan la soo gudbin dhammaan caddaymahii muujinayey in xubnaha qaarkood ay buuxiyeen dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.

Waxa xisbiyada mucaaradka ah u bannaan oo keliya in ay go’aanka Golaha Wakiillada ee ansaxinta xubnaha KDQ uga cawdaan Maxkamadda Sarre ee JSL. Waana qaabka keliya ee loo saxi karo khaladaadka sharci ee ka dhacay Golaha Wakiillada ama murankan looga gaadhi karo go’aan kama dambeys ah.

Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Burco, Soomaaliland.


Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ)


Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ)

Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.
Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017). Haseyeeshee, Golaha Guurtidu mar labaad ayuu dib u soo magacaabay oo soo celiyey iyagoo ku andacoonaya in uu shaqadaas wakhti hore ka tegay iscasilaadna soo gudbiyey, waxaanu Golaha Wakiiladdu ku ansaxiyey 50 cod1dii March 2001.
Arrintaasi waxay jidaysay in xubin kasta oo uu Golaha Wakiilladu ansaxin waayo mar labaad dib loo soo magacaabo oo golahu uu mar labaad u coddeeyo sidii dhacday 2007-dii. Ma jiro qodob sharci oo sidaas banneeyey. Waxaana sharci ah in Golaha Wakiilladu uu hal mar uun cod u qaado xubin kasta oo haddii ay hesho cod tiradiisu gaadhayso ama ka badan tahay kala-badh iyo hal dheeri tirada xubnaha Golaha Wakiillada ay ansaxayso, haddii se ay hesho cod tiradiisu ay ka yar tahay kala-badh tirada xubnaha Golaha aanay ansaxayn, cidii soo magacoowday xubin aan ansaxmina ay xubin cusub soo magacoowdo.
MURANKII 2AAD ee ka dhasha magacaabida xubnaha KDQ wuxuu ahaa markii sannadkii 2004-tii uu geeriyooday Maxamed Sheekh Cabdillaahi oo xubin ka ahaa KDQ, iyadoo ay muddo-xileedkii xubnaha KDQ hadhsan tahay ku dhowaad saddex sanno. Markii la magacaabay xubnahii ugu horeeyey KDQ may jirin Xisbiyo Qaran oo waxaa muddadii loo qabtay diiwaangelinta ururrada oo ku eekayd 21kii Sebtember 2001-dii is diiwaan diiwaangeliyey todoba urur-siyaasaddeed; urur siyaasaddeedkii xukumada ee UDUB iyo lix urur oo kala ahaa UCID, BIRSOL, HORMUUD, ILEYS, SAHAN iyo UMAD.

Lixdaas Urur Siyaasaddeed ayaa intii aan la diiwaangelin KULMIYE si wadajir ah u magacaabay laba xubnood oo ay midi tahay xubintan geeriyootay sida ku cad Qod. 11(2)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se waa Qod. 12(2)(b) ee Wax-ka-badelka 6aad ee 2017); 18-kii March 2001 ayaa sababo aan caddeyn dartood loo kordhiyey wakhtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadda  oo laga dhigay ilaa 17-kii May 2001, waxana muddadaas intii lagu jiray diiwaangelinta lagala noqday urraradii ILEYS iyo UMAD, waxaana la diiwaangeliyey ASAD iyo KULMIYE. Urruradii siyaasaddeed ee xubinta geeriyootay magacaabay waxa wakhtigaas jiray oo xisbi noqday UCID oo keliya. Sidaas darteed, UCID iyo KULMIYE oo ahaa labada xisbi mucaarad ee wakhtigaas diiwangashanaa ayaa si wadajir ah ugu magacaabay Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ. Waxaanay qoraalkii magacaabida u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale 2-dii Oktoober 2004-tii.
Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada iyo in sidoo kale ay magacaabidani dheeli ku keenayso saamigii beelaha ee KDQ maadaamaa xubintan la magacaabay aanay isku beel ahayn xubintii geeriyootay. Ugu dambeyn, markii laysku khilaafay arrintaas ee uu KULMIYE ku adkaystay magacaabida Maxamed Xaashi Cilmi ayuu Xisbiga UCID oo keli ah uu magacaabay Axmed Cabdillaahi Hoori oo Madaxweynaha u gudbiyey si uu buuxiyo jagadii xubinta geeriyootay ee KDQ.
Inkastoo ay su’aal sharci ka dhalanaysay magacaabidan, maadaamaa aanu xeerku si cad uga hadal (ilaa hadda oo xeerka lix jeer wax ka badel lagu sameeyey) waxa la yeelayo haddii labada xisbi mucaarid ku heshiin waayaan magacaabida xubinta buuxinaysa jagada KDQ ee ay bannayso xubin ay si wadajir ah u magacaabeen ururro siyaasaddeed oo diiwaangashan, KULMIYE wax diidmo ah kama keenin xubintaas uu Xisbiga UCID keligii magacaabay. Waxaanay sababtu ahayd in heshiis hoose oo siyaasaddeed oo uu xisbiga UCID ka shaqayeeyey ay iskugu soo dhowaadeen Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku kadib markii Madaxweyne Rayaale uu ogolaaday in 2 xubnood lagu daro tirada xubnaha KDQ oo magacaabistooda la kala siiyo Madaxweynaha oo xubin magacaabaya, xubinta kalena ay xisbiyada mucaaradka si wadajir ah u magacaabaan. Sidaas darteed, KULMIYE muu horistaagin xubintaas ay UCID magacoowday, una gudbisay Madaxweyne Rayaale oo isna Golaha Wakiillada u gudbiyey, iyaguna cod aqlabiyad ah oo bilaa dood ah ku ansaxiyey.
MURANKII 3AAD wuxuu ka abuurmay heshiiskaas hoose ee siyaasaddeed oo waxaa dhacday in sidii Madaxweynaha iyo mucaaradku isku afgarteen tirada xubnaha KDQ laga dhigay 9 xubnood. Qodobkii 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiillada (Xeer Lr. 20-2/2005 oo wakhtigaas golaha horyaalay ayaa wax ka badel ku sameeyey magacaabida iyo tirada KDQ ee ku cadayd Xeerka Lr. 20/2001, 2 xubnood ayaanu qodobku ku kordhiyey tirada xubnaha KDQ. Labadaas xubnood oo midna uu magacaabayo Madaxweynahu, xubinta kale na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo xulayaan oo Madaxweynaha ugu soo gudbinayaan. Sidaas ayey labada gole ee baarlamaanku xeerkaas ku ansaxiyeen oo xataa Maddaxweyne Rayaale uu ku dhaqangeliyey xeerkaas. Haseyeeshee, Madaxweynahu 12kii Abriil 2005 ayuu Golaha Wakiilada dib uga codsaday in qodobkaas la laallo. Taasi oo abuurtay khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxa Madaxweynaha, mucaaradka iyo Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada.
12 casho kadib, 40 xubnood oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa 24kii Abriil 2005 mooshin ahaan arrintan Golaha u keenay, dood kadibna iyadoo 20 xubnood ay ishortaageen in golahu uu mooshinkaas cod u qaado oo buuq ay ka abuureen, kana baxeen fadhigii Golaha, ayaa loo codeeyey oo uu Golahu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah in qodobkan 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la laallo, magacaabida iyo tirada xubnaha KDQ lagu daayey sidii ay ahayd (ee ku cad Xeer Lr. 20/2001).
MURANKII 4AAD wuxuu dhashay iyadoo ay saddex casho oo keliya ka hadhsanayd dhammaadka muddo-xileedkii xubnahii KDQ ee ugu horeeyey oo ku eekayd 21-kii Jeenaweri 2007-dii. Madaxweyne Rayaale wuxuu qoraal uu tixraaciisu ahaa JSL/M/GG/081/2-2757/01/2017 oo soo baxay 18-kii Jeenaweri 2007 labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtida ku faray in ay muddo todoba casho gudahood ah ku soo gudbiyaan 8 xubnood oo 4 uu soo gudbiyo shirguddoonka Golaha Guurtidu, 4-na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo gudbiyaan, kadibna uu isagu mid kasta 2 xubnood ka magacaabi doono, una gudbin doono Golaha Wakiillada si uu u ansaxiyo.
Labadii xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Golaha Guurtidu ba aad bay uga horyimaadeen qoraalkaas Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku dooddeen in magacaabida 8-da xubnood ah ee uu Madaxweynahu ka dalbay ay khilaafsan tahay Qod. 11(2)(a)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12(2)(a)(b) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017) iyagoo ku sababeeyey in qodobku uu Madaxweynaha awood u siinayo keliya in uu magacaabo oo Golaha Wakiillada u gudbiyo 4ta xubnood ee ay u soo gudbiyaan xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu, tan uu Madaxweynahu ka dalbayna ay noqonayso in Madaxweynahu uu kelidii awood u leeyahay in uu magacaabo dhammaan xubnaha KDQ.
Madaxweyne Rayaale na wuxuu ku doodday in Koomishankii hore ee ugu horeeyey uu Madaxweyne Cigaal magacaabay 4 xubnood oo kamid ah (2 Guurtidu soo xushay iyo 2 ay ururradii siyaasaddu soo xuleen) 8 xubnood oo ay u soo gudbiyeen urraradii siyaasadda ee diiwaangashanaa iyo Golaha Guurtidu, oo uu u gudbiyey Golaha Wakiillada. Sidoo kale wuxuu ku doodday in qodobka ay mucaaradka iyo guurtidu ku dooddayaan uu Madaxweynaha oo keli ah siiyey awoodda magacaabida xubnaha KDQ, xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidana uu siiyey awood soo jeedineed oo keli ah, balse aanu siin awood magacaabiseed iyo in qodobku uu dhigayo in mucaaradku ay si wadajir ah u soo jeedinayaan 2-da xubnood ee xeerku siiyey, balse aan xisbina si gaar ah awood loogu siin in uu kelidii xubin soo xulo.
Haseyeeshee, maadaamaa ay iska caddayd in doodda labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu ay sax ahayd marka laga eego dhinaca tirada ay soo gudbinayaan sababtoo ah qodobku si cad ayuu u odhanayaa “2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo iyo 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururrada/xisbiyada mucaaradka ah ee diiwaangashan”, balse ay su’aali ka taagnayd in xeerka aanay meelna kaga caddayn in xisbiyada/ururrada mucaaradka uu midba xubin magacaabi karo oo xeerku uu si wadajir ah u siiyey xulida iyo soo jeedinta 2 xubnood oo KDQ kamid noqonaya, Madaxweyne Rayaale kuma dhegin dooddaas, waxaanu ogolaaday in Golaha Guurtidu uu gudbiyo 2 xubnood, labada xisbi mucaaradna ay 2 xubnood gudbiyaan oo midba uu hal xubin gudbiyo.
MURANKII 5AAD ayaa isna wuxuu ka dhashay markii xisbiga UCID uu xubintiisii gudbiyey, Golaha Guurtiduna ay 2 xubnood gudbiyeen, Madaxweyne Rayaalena uu ku daray 3dii xubnood ee uu magacaabay sidaasna ugu gudbiyey Golaha Wakiillada iyadoo aanu KULMIYE weli soo gudbin xubintii laga sugayey. KULMIYE wuxuu ku doodday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu gudbiyo xubno uu u magacaabay KDQ iyadoo aanay dhammaystirnayn tiradii xubnaha KDQ. Haseyeeshee, majiro qodob sharci oo khasab ka dhigaya in tirada xubnaha KDQ ee la magacaabayaa ay dhammeystirnaato, ama ay ku xusan tahay in aanu Madaxweynahu magacaabi karin xubno tiradoodu ka yar tahay 7 xubnood haddii uu dhinac soo gudbin waayo xubnaha uu xeerku awood u siiyey in uu soo xulo.
Waxa dhacday halkii laga sugayey in Golaha Wakiilladu uu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, in Golahu uu 23kii Febraayo 2007 go’aamiyey in uu xubnahii KDQ ee ay muddo-xileedkoodu dhammaatay u kordhiyey 2 sanno. Taasi ayaa cirka ku shareertay murankii sharci iyo siyaasaddeed, waxaanu ahaa go’aan sharciga khilaafsan oo aan loo marin habraaca magacaabida ee ku cad xeerka sababtoo ah cusbooneysiintu waxay ku iman kartaa in la maro habraaca magacaabida ee uu Golaha Wakiilladu ku lahaa awoodda ansaxinta oo keliya, balse tani waxay ka dhigan tahay in awooddii magacaabida iyo ansaxinta ba uu Golahu isku darsaday (Ibraahim Hashi). Sidoo kale cusbooneysiin ba muu ahayn go’aanka golahu ee wuxuu ahaa muddo-kordhin. Muddo-xileedna haddii ay jirto cid uu sharcigu awood u siiyey in ay kordhiso, waxaa la kordhiyaa inta aanay dhammaan balse hadday dhammaato wax la kordhiyaa ba kama noola. Mana jiro qodob Golaha Wakiillada awood u siinaya in uu KDQ muddo-kordhin u sameyn karo.
Madaxweyne Rayaale wuxuu go’aankii Golaha Wakiillada u gudbiyey Maxkamadda Sarre oo iyadna 6dii May 2007 ka soo saartay go’aan, waxaanay go’aamisay in go’aanka Golaha Wakiilladu uu khilaafsanaa Qod. 11aad iyo 12aad ee Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12aad iyo 13aad, wax ka badelka 2017), waxaanay amartay in golahu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweynahu u soo gudbiyey iyo in xisbiga KULMIYE soo gudbiyo xubinta 7aad ee KDQ si loo mariyo habraaca magacaabida loona ansaxiyo. Waana la fuliyey amarkeedii oo ugu dambeyn Golahu wuxuu cod u qaaday dhammaan todobadii xubnood ee KDQ 2dii June 2007.
MURANKII LIXAAD wuxuu ka dhashay fadhigaas uu Golaha Wakiilladu ugu coddeeyey xubnaha cusub ee KDQ 2dii Juun 2007 oo uu golaha ansaxiyey shan xubnood balse labadii xubnood ee uu Golaha Guurtida soo xulay oo kala ahaa Muuse Axmed Maxamed (Muuse Madoobe) iyo Maxamed Axmed Cabdi Xaamud (Nayn) ay golaha ka kala heleen 35 cod iyo 36 cod oo ay sidaas ku ansaxmi waayeen.
Golaha Guurtidu mar labaad ayey dib usoo gudbiyeen 8dii Juun 2007, taasi ayaana xamaasad sii gelisay khilaafkii ka dhaxeeyey dhinacyada iska soo horjeeday oo kala ahaa Xukumada iyo Golaha Guurtida oo dhinac ahaa iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Mucaaradka oo dhinac ahaa. Waxa muddo laba bilood ah laysku hayey Golaha Guurtida iyo Xukumada oo ku dooddayey waa la soo celin karaa xubnaha uu golahu u coddeeyey ee aan ansaxmin iyagoo daliishanaya in 1dii Maarso 2002-dii uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey xubin mar labaad dib loo soo magacaabay isla markaana mar labaad loo coddeeyey iyadoo coddayntii hore ee Golaha lagu diidday, iyo dhinaca kale ee shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo mucaaradka oo ku dooddayey lama soo celin karo mar haddii loo coddeeyey oo ay wayday codkii loo baahnaa (42+ xubnaha Golaha). Ugu dambeyn, dhexdhexaadin ay Abwaano, Culimo iyo odayaal ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen kadib, 27kii Ogos 2007 ayuu Golaha Wakiilladu mar labaad u coddeeyey labadii xubnood oo uu Muuse Madoobe helay 39 cod, Maxamed Cabdi Xaamud (Nayn) uu helay 38 cod, sidaas ayey mar labaad ku ansaxmi waayeen.
Asbaabta ay labadan xubnood Golaha uga heli waayeen codkii ay ku ansaxmi lahaayeen labada jeer ee loo coddeeyey wuxuu Golaha Wakiilladu ku sheegay in ay buuxin waayeen mid kamid ah shuruuddaha xubnaha KDQ oo ah in sidii ku cad Qod. 12(3) Xeer Lr. 20/2001 in xubinta KDQ loo magacaabayaa “aanay da’ ahaan ka waynaan 60 sanno” (Wax ka badelkii 2aad ee Xeerka lagu sameeyey 2010 ayaa laga dhigay 70 sanno, Qod. 13(3)), labadan xubnood da’dooduna ay kor u dhaaftay 60 sanno. Haseyeeshee, waxa inta badan la sheegaa in sababta diidmadoodu aanay ahayn mid la  xidhiidhay sharci iyo da’da labadan xubnood balse ay ahayd mid siyaasaddeed oo ahayd in labadan xubnood loo tirinayey in uu si gaar ah u watay Guddoomiye Saleebaan oo uu Golaha Guurtida laftiisu ku kala qaysanaa magacaabidooda iyo codeyntan labaad oo uu khilaafaad kale oo siyaasaddeed iyo marxaladdii lagu jiray wakhtigaas oo ahayd mid ficiltanka siyaasaddeed  uu wax badan saameyn ku yeeshay.
Murankani wuxuu ku dhammaaday in Golaha Guurtidu uu soo magacaabay laba xubnood oo cusub oo ay labadii xubnood ee hore ay isku beelo ka soo jeedaan. Waxaanu Golaha Wakiilladu u coddeeyey 3dii Sebtembar 2007 labadii xubnood ee cusbaa oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur oo helay 63 cod iyo Xasan Maxamed Cumar oo helay 62 cod. Sidaas ayaanay ku ansaxeen labadoodu ba.
MURANKA TODOBAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu bilaabmay markii komishankii hore ee muddo-xileedkoodu bilaabantay 2dii Juun 2007 uu ragaadiyey khilaaf gudahooda ah iyo khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay doorashadii Madaxtooyada oo dib u dhacday oo oo gaadhay heer khatar ah oo ugu dambeyn ay beesha caalamku dhexdhexaadisay lagana gaaday heshiis 1dii Oktoobar 2009. Waxa qodobada lagu heshiiyey kamid ahaa in wax laga badelo xubnaha KDQ gaar ahaan hoggaanka. Sidaas darteed, maalmo kadibna waxaa iscasilay xubnahii KDQ intoodii badnayd. Madaxweyne Rayaale wuxuu ku dhawaaqay in xubnahii KDQ ay iskood u kala dirmeen, waxaanu xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtida ka dalbay in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xuleen KDQ. Murankan todobaad waa mid ka dhashay xubnahaas cusub ee la magacaabay Oktoobar 2009.
Xisbiga UCID wuxuu dib u soo xulay xubintii uu hore u soo xulay ee KDQ ee iscasilay kamid ahayd. Xubintaas oo ahayd Garyaqaan Khadar M. Guuleed (oo hadda ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya) oo isagu hore iskaga casilay xubinnimada KDQ. Haseyeeshee, Madaxweyne Rayaale wuu ku celiyey isagoo cuskanaya heshiiskii ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay ku jirtay in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Sidaas darteed, xisbiga UCID si dhakhso ah ayuu u soo badelay una soo xulay Cabdifataax Ibraahim Xasan.
Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey mid kamid ah labadii xubnood ee ay u soo gudbiyeen oo ah Xasan Siciid Yuusuf (oo markii dambe noqday ilaa imikana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE), waxaanu Shirguddoonka Golaha Guurtida ka codsaday in xubintani aanay siyaasadda ka madax-bannaanayn oo aanu buuxin shuruuddaha uu xeerka dhigayo, sidaas darteedna ay ku soo badelaan xubin cusub oo shuruuddaha buuxinaysa. Guddoomiye Saleebaan wuu ku gacan saydhay in Madaxweynahu dib ugu soo celiyo xubintan ay u gudbiyeen, waxaanu ku doodday in Madaxweynaha waajibkiisu yahay in uu keliya xubnaha ay u gudbiyaan uu isna u sii gudbiyo Golaha Wakiillada oo ah cidda keliya ee ansaxintooda iyo diidmadooda ba awood u leh. Haseyeeshee, maalmo kadib wuu aqbalay go’aankii Madaxweynaha oo Golaha Guurtidu wuxuu ku soo badelay Cabdiraxmaan Dixood.
Xubintii uu Xisbiga KULMIYE madaxweynaha u soo gudbiyey oo ahayd Ilhaan Maxamed Jaamac ayuu sidoo kale Madaxweyne Rayaale soo celiyey isagoo ku sababeeyey in ay xubin ka tahay Guddida Fulinta ee KULMIYE, kana qayb-gashay oo abaabulkiisa ka qayb-qaadatay Shirweynahii 2aad ee xisbiga KULMIYE ee Burco ka qabsoomay muddo yar kahor. Sidaas darteedna aanay buuxin shuruuddaha ku cad xeerka ee ay kamid yihiin in aanay xubinta KDQ loo magacaabayaa xil ka hayn, ka tirsanayn isla markaana ka madax-bannaan tahay xisbi siyaasaddeed.
Haseyeeshee, xisbiga KULMIYE kuma qancin asbaabtaas oo saddex jeer ayuu Madaxweyne Rayaale dib ugu gudbiyey oo uu isna ku celiyey, waxaanu Guddoomiye Siilaanyo ku doodday “In Ilhaan ay xisbiga ku jirtay, balse aanay hadda ka tirsanayn xilna ka hayn oo ay danteeda uga baxday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu soo celiyo xubin ay xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu magacaabeen, cidda keliya ee diiddi karta ama ogolaan kartaana ay tahay Golaha Wakiillada (oodweynenews.com, warkii 10/10/2009.” balse ugu dambeyn 18kii Oktoobar 2009 ayuu soo badelay oo soo gudbiyey Cali-khadar Xasan Cismaan (kubado). Waxaanu Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Golaha Wakiillada maalin kadib 19kii Oktoobar 2009. Golaha Wakiilladu dhammaan xubnahii cusbaa ee KDQ wuxuu ansaxiyey 24kii Oktoobar 2009.
MURANKII SIDDEEDAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu yimid markii la magacaabayey xubnaha KDQ ee uu hadda xilkoodu dhammaadka yahay markii Madaxweyne Siilaanyo uu 28kii bishii Ogos 2014 iyadoo ay muddo-xileedkii xubnahii hore ee KDQ ka hadhsan tahay ku dhowaad laba bilood oo keliya (29 Oktobar 2014 oo ay kaga dhammayd muddo-xileedu) uu xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Golaha Guurtida ba ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u xulayaan in ay kamid noqdaan KDQ.
Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay 30kii Ogos 2014 Madaxweynaha u gudbiyeen 2 xubnood oo ay u soo xuleen kamid noqoshada KDQ. UCID waxay dib u soo xushay xubinteedii hore ee kamid ahayd xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayo Cabdifataax Ibraahim Xasan. Xisbiga WADDANI na wuxuu magacaabay oo Madaxweynaha u gudbiyey Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo isla maalintii uu Madaxweynahu xisbiyada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xulayaan KDQ ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Xisbiga WADDANI. Golaha Guurtiduna wuxuu dib u magacaabay labadii xubnood ee hore ugu jiray xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayey.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey laba xubnood oo ay 17kii Sebtember 2014 u soo gudbiyeen oo kamid ahaa xubnaha KDQ ee uu muddo-xileedkiisu dhammaadka ahaa. Inkastoo aanu Madaxwaynahu shaacin asbaabta uu u cuskaday dib u celinta labadaas xubnood, isla markaana sida la sheegay aanu Shirguddoonka Golaha Guurtida gaar ahaan Guddoomiye Saleebaan markii hore ku qancin in Madaxweynahu uu xubnaas soo celiyo, waxa la sheegaa in Madaxweyne Siilaanyo uu ku qanciyey Guddoomiye Saleebaan in komishankan hore loo tirinayey qaskii iyo ceebahii ka dhacay Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-ka, sidaas darteedna aanu rabin in isaga iyo Golaha Guurtidu ay soo celiyaan xubnahii ay magacaabeen Madaxweynahii hore iyo Golaha Guurtidu maadaamaa Xisbiga WADDANI aanu waxba ka magacaabin xubnaha la badelayo, xisbiga UCID oo keli ah uu xubin ka magacaabay mucaaradka hadda jira, taasna hadduu soo celiyo aanu ku celin doonin isaga. Sidaas darteed, Shirguddoonka Golaha Guurtidu wuu ku qancay soo jeedintaas Madaxweyne Siilaanyo oo waxay soo xuleen oo ay Madaxweynaha u gudbiyeen laba xubnood oo cusub oo kala ah Cabdiqaadir Iimaan iyo Siciid Cali Muuse.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Xisbiga WADDANI ku celiyey xubintii ay soo xuleen ee ay u soo gudbiyeen isagoo sheegay in xubintani ay ka tirsan tahay xisbigan magacaabay, xilna ay ka haysay xisbiga wakhtigii uu xisbiga ka dalbay in uu soo gudbiyo xubin uu u soo xulo KDQ. Haseyeeshee, Xisbiga WADDANI kuma qancin asbaabtaas sidaas darteed mar labaad ayuu dib ugu soo gudbiyey Madaxweynaha iyagoo ku doodday in xubintani aanay hadda ka tirsanayn xisbiga oo xubinnimada iyo xilkii uu xisbiga ka hayey ba uu hore iskaga casilay isku mar. Sidaas darteed, wuxuu Xisbiga WADDANI ku doodday in xubintan ay soo xuleen ay buuxisay dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Madaxweyne Siilaanyo mar labaad ayuu ku celiyey Xisbiga WADDANI oo dib uga dalbay in ay xubin kale oo buuxinaysa shuruuddaha xeerku jideeyey u soo xulaan KDQ. Wuxuu qoraalka summadiisu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014 ee soo baxay 6dii Oktoobar 2014 ku sheegay “Waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad (hadda se ah Qod. 13aad) ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.”
Laba casho kadib 8dii Oktoobar 2014 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda xubnood oo uu KDQ u magacaabay oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo xulay, laba Golaha Guurtidu soo xuleen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo xulay. Xisbiga WADDANI maalin kadib ayuu isna Madaxweynaha u soo gudbiyey xubin uu ku soo badelay xubintii hore ee uu Madaxweynahu labada jeer ku celiyey. Waxaanu Madaxweynahu isla maalintii u gudbiyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada qoraalka magacaabida iyo macluumaadka xubinta cusub ee uu Xisbiga WADDANI u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Waxaanu ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan. Sidaas ayuu ku dhammaaday murankan magacaabida KDQ oo Golaha Wakiilladuna uu 29kii Nofembar 2014 u ansaxiyey dhammaan todobadii xubnood ee KDQ.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Burco, Soomaaliland.