Waayaha nolosha iyo geedigeedu maalinba
meel buu kugu tuuraa. Mar ba dad baad la rafiiq tahay oo aad wax wadaagtaan.
Isku dhowaanshaha iyo saaxiibtinamada waqtigu keeno ee aan kala doorashada
lahaynina way ka wayn tahay kuwa kale oo dhan.
Garyaqaan Guuleed Axned Jaamac |
Ma ilaawo odaygii hadalka wanaagsanaaa.
Hal hays waxa u ahayd oo uu mar walba odhan jiray diintaa macaan, Nebigaa
nuur leh. Dadkii xabsigu waxay naanays uga dhigeen Nebigaa nuur leh.
Nin cibaado badan buu ahaa. Ma ilaawo ninkii maxaabiista qaybta aan ku jirnay
(block C) madaxda u ahaa; nin gadh wayn oo qosol badan, sheeko badan oo kaftan
badan. Ma cadhoodo dacaayadda dadka na ma joojiyo. Waa xariif oo si fiican buu
xabsiga uga war hayaa. Shan Sanadood baa lagu xukumay oo inteeda badan wuu
qaatay. Mase aha markii u horsay ee uu soo galo xabsiga. Waxa yaab ahayd sida
uu u yiqiin Quraanka. Korkuu ka hayay in badan oo ka mid ah. Tafsiirkana wuu
yiqiin. Waxaan xusuustaa habeen uu dusha nooga wada tafsiiray Suuratal Yuusuf.
Wuxuu aad ugu tuun tuunsaday asxaabul sijni (ileyn anagaa ahayne).
Ma ilaawo ninkii madaadalada.
Majaajileeste dhalad ah buu ahaa. Aad buu dadka ugu qoslin jiray. Maxaa lagugu
soo xidhay markaad tidhaahdo wuxuu ku jawaabi jiray “lacagtaydaa ii soo
xidhay”. Haduu fanka ku biiro waxaan filayaa inuu suuqa ka saari lahaa Sooraan
iyo Jawaan.
Ma ilaawo labadii saaxiib ee
dhalinyaradda ahaa. Mid baa se aad iigu sawiran. Si uu waqtiga isu dhaafiyo
wuxuu isku mashquulin jiray inuu ka shaqeeyo xabsiga. Nin xoog wayn oo da’ yar
buu ahaa.
Haseyeshee, marka aan xabsiga xusuusto
hal nin baan ka werweraa oo maskaxdayda ku abuura walaac. Anigaa isku canaanta
oo waxaan is idhaahdaa wax ma u qabatay. Waa 62 jir gadh dheer oo cas leh. Waa
ehlu cibaado oo marna wuu tukanayaa marna Quraan buu akhristaa. Imaamka qolkuu
ahaa. Qof walba salaadda ayuu u kicin jiray. Ma ogola inuu qolka ku jiro qof
aan tukan. Sheekadiisu waa xikmad iyo waayo uu soo maray.
Waa ninka keliya ee markii aan xabsiga
ka soo baxay aan baadhay kiiskiisa. Waxaan doontay xukunadii iyo
dhokumentiyadii maxkamadaha. Cali Salaad waa reer Xingalool (bariga Sanaag).
Mudo dheer buu ku noolaa Hargeysa. Balse Somaliland, Hargeysa iyo caddalaadu ba
way dulmeen. Dulmiga ku dhacay waxaan Ilaahay ka baryaa inaanu ku qaadin oo
dusha ka saarin dadka intiisa kale. Quraan ruugga, cibaadada miidhan ah ee
gardarada lagu haysto inaan Ilaahay inoogu cadhoon baan ka baryaa.
Cali gar Islaan iyo mid kale tooni dusha
kama saarto waxa lagu haysto. Ilaahay baa Quraankiisa ku yidhi qofna qof kale
dembgiiisa ma qaado. Dembi cid kale loo haysto oo la isla ogol yahay in cid
kale loo haysto ayaa isaga la saaray. Kaas buu u xidhan yahay. Weliba wuxuu
xidhnaan doonaa mudo aan cayinayn.
Cidda haystaa waa cid magac iyo sharaf
badan leh. Waa cid ixtiraam bulshada ku leh. Waa cid la qadariyo.
Sidaasdarteed, way adag tahay in laga horyimaado. Dabinno iyo xadhko isku
xidhan buu galay.
Cali waxa lagu haystaa in nin uu dhalay
lacag ka dhacay niman ajnabi ah oo uu kaga dhacay dal kale. Inankiisu waa 40
jir. Waaba is leeg yihiin. Waa nool yahay oo waa xay xooggiisa iyo laxaadkiisa
qaba. Halka uu joogana waa la yaqaan. Laguma haysto Cali inuu dhaca la sheegay
qayb ka ahaa iyo inuu hantida waxa ka helay toona. Hadana waxa lagu xukumay
sadex sano oo xadhig ah iyo kala badh lacagtii loo haystay inankiisa. Lacagtu
mid yar maaha. Waa 5, 00 000 Doolar.
Cali doodiisu waa cadahay. “Diinta
Islaamku ima saarin waxa ninkaas qaan gaadhka ahi qabo, waaba hadii uu qabo
ileyn kama doodin oo maxkamad lama keenine. Sharciga Somaliland iyo ka
aduunkuna ima saarin. Maxaa la igu haystaa?”
Waxa loo haystaa cudhaadh. Waxa la
haysanayaa Cali inta inankiisii imanayo oo bixinayo lacagta aanu iska difaacin
ee marag iyo cadayn la horkeenay aanay dusha ka saarin.
Wuxuu ku xidhan yahay xabsi laga yaabo
inaad maalin walba adoo qoslaya iska hor martid. Balse isagu murugo ayuu ugu
xidhan yahay. Xabsi uu tirsanayo ma jiro oo ma yaqaan intuu xidhnaanayo waayo
dhaqanka qalafsan ee qayrul sharciga ah ee Somaliland ka jira ayaa ah in qofka
la haysto inta uu bixinayo waxa loo haysto. Si cad buu u mamnuucay xeerka
caalamiga ahi in qof lacag loo xidho. Waxa la yidhaahdaa adoonsiga daynta (debt
servitude). Quruumihii hore ayaa dadka xabsiga ku hayn jiray inta laga bixinayo
lacagta ama daynlaha ayaa yeelan jiray oo adoon ka dhigan jiray.
Waxaaan hubaa in Cali Salaad uu jeclaan
lahaa in dadka reer Somaliland ee dareenka wadaniyadeed, Muslinimo iyo banii
aadantimo lihi ay u hadlaan. Qasab maaha inaad ku qanacdo hadalkayga,
baadhitaan shaqsi ah samee waayo qoraalada maxkamaduhu waa wax la heli karo.
Kadib waad la tashan kartaa qareeno iyo culimo si aad u eegtid in waxa Cali
lagu haystaa ay tahay gar.
Khayr baan u rajaynayaa
saaxiibadayda xabsiga ee ku jira qolka cidhiidhiga ah ee ay mamnuuca ka tahay
buugga, qalinka iyo wax kasta oo la akhriyaa ee hadana isk faraxsan ee iska
sheekaysta.
Guleid
Ahmed Jama