Dhowaan
wuxuu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliland soo saaray
Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda
(Xeer-nidaamiye Lr.01/2018). Ujeeddada uu Madaxweynahu Xeer-nidaamiyahan u soo
saaray waxaa lagu sheegay arrimaha ay kamid yihiin ka hortagidda is-dul-fuulka
xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada iyo xaqiijinta in xilalka laysu
raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda)
hawsha.
Hadda
ba, ilaa markii uu Xeer-nidaamiyahan soo baxay, waxaa warbaahinta ku jiray
dooddo ka dashay kaalintiisa sharci iyo sharcinimadiisa oo ay ku kala aragti
duwanaadeen Garyaqaannada dalku. Sidaas darteed, markii aan arkay dooddaha soo
noqnoqonaya ee ay Garyaqaannadu ka dhiibteen mawduucan, waxaan jeclaystay in
aan wax ka idhaa kaalinta iyo sharcinimada Xeer-nidaamiyahan.
MACNAHA IYO KAALINTA SHARCI EE
XEER-NIDAAMIYAHA
Garyaqaannada badankoodu waxay Xeer-nidaamiyahan ku
sheegeen awooddii xeer-dejinta oo uu Madaxweynahu adeegsaday. Hadda ba
Madaxweynahu ma xeer-baarlamaan (legislation) buu dejiyey? Sida caadiga ah,
xeer kasta oo uu baarlamaanku soo saaraa wuxuu u igmadaa awoodda soo saarista
xeer-nidaamiye faahfaahiya arrimaha khuseeya xeerka cidda ay khusayso. Waa igmasho
uu baarlamaanku siiyo waaxda fulinta si ay u nidaamiso una maamusho arrimaha shaqadooda
khuseeya. Sidaas darteed, doodda ah Madaxweynahu xeer ma sammeyn karo waa mid
jaban! Madaxweynahu wuxuu soo saaraa xeerarka ay kamid yihiin Xeer-nidaamiye,
Xeer-Madaxweyne (Decree) ee ay u igmadaan dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu
baarlamaanku soo saaray.
Hal mar maaha ee tira ba dhawr jeer ayuu
dastuurku si cad u sheegay doorka ay Xukumadda ama Madaxweynahu ku yeelan karo
sharci-dejinta. Tusaale ahaan, Qod. 36 (2) wuxuu dhigayaa “Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeer na ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka
xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda
iyo damiirkooda.” Sidoo kale
Qod. 56 (5) ayaa dhigaya in Madaxweynahu
uu Xeer-Madaxweyne ku soo saaro kala dirida Golaha Wakiillada. Qod.
92aad ayaa isna Madaxweynaha siinaya awoodda soo saarista xeerarka degdegga ah. Qod. 90aad oo sheegaya awooddaha Madaxweynaha
waxaa kamid ah marka laga yimaad kuwa qodobka ku xusan “awooddaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka dalka”. Awooddahan
kale ee dastuurku sheegayo ee ay xeerarka dalku siiyeen waxaa kamid ah tan ku
cad Qod. 14 (1) ee Xeerka Nidaamka Xukumadda (Xeer Lr. 71/2015) oo ah in Madaxweynahu soo saari karo xeerarka uu
kamid yahay Xeerka-Madaxweyne oo ah xeerarka uu dastuurka ama xeer u igmaday
soo saaristiisa. Ugu dambeyn, waan ku raacsanahay Garyaqaannada in
Madaxweynahu aanu soo saari karin xeerar aanay dastuurka iyo xeerarka
baarlamaanku u igman. Balse kuma raacsani marna ba awood uma laha soo saarista
wax xeer la yidhaa. Digreetadu ba waa
xeer (decrees are laws). Sidaas darteed, waa khalad in xeer-nidaamiyahan laga
dhigo xeer lamid ah kuwa baarlamaanku soo saaro oo uu Madaxweynahu ku xadgudbay
awooddahii xeer-dejinta.
SHARCINIMADA XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA
XUKUMADA
Bishii
labaad ee sannadkii 2016-ka, waxaa dhaqan-galay Xeerka Kala Xadeynta Nidaamka
Xukumadda iyo Hay’addaha Madaxa-bannaan (Xeer Lr.71/2015). Xeerkan ayaa saldhig
u ah aasaasidda hay’addaha Xukuumadda dhexe, xaddidaada xilka, waajibaadka,
awooddaha iyo shaqada hay’addaha Xukuumadda dhexe iyo kala xadaynta hawlaha iyo
xilalka laamaha Xukuumadda dhexe iyo isku xidhkooda. Xeerku waxaa ku cad 26
wasaaraddood oo uu mid walba xilkeeda iyo shaqadeeda qodobeeyey.
Garyaqaan
Prof. Mubarik Ibraahim Aar oo ah macalinkaygii ayaa kamid ah Garyaqaannada ku
doodday in Xeer-nidaamiyahu uu ka hor imanayo Xeerka Nidaamka Xukumadda isagoo
ku sababeeyey “in Xeer-nidaamiyahu uu wax
ka badeley tirada Wasaaraddaha iyo shaqooyinkooda oo uu Xeerka Nidaamka
Xukumaddu qoondeeyey.” Annigu se, waxaan qabaa markay noqoto awoodda
xadaynta tirada iyo shaqada xukumadda, in xeerku uu awood u siiyey
Madaxweynaha. Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukumadda ayaa Madaxweynaha
awood u siiyey qoondeynta xukumadda iyo laamaheeda shaqooyinkooda, waxaanu dhigaya
in Madaxweynahu isagoo adeegsanaya awooddahiisa xeereed u hawshan fulinayo,
isla markaana ay haggayaan arrimaha ay kamid yihiin: “muhiimada shaqadu u leedahay xukumadda, sida layskugu xidhayo iyada oo
la tixgelinayo nooceeda, ka hortagga habacsanaan iyo kala daadsanaan ku timaada
shaqada iyo hay’addaha xukumada, ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo
waajibaadka Haya’ddaha xukuumada, iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab
la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha.”
Sidoo
kale, waxaa su’aal layska weydiin karaa tirada Wasaaraddaha xeerka ku magacaaban
oo ah 26 iyo tirada Wasaaraddaha uu Madaxweynahu soo dhisay oo ah 23. Xeerku
inkastoo uu Wasaaraddaha dhammaantood xusay shaqadooda, waxaa Qod. 26 ku cad in
aan lagu khasbanayn in dhammaantood ay jiraan oo wuxuu qodobku leeyahay “Xukumaddu waxay yeelanaysaa Wasaaraddaha
lagama maarmaanka u ah xil gudashadeeda” macnaha intii loo baahdo uun bay
yeelan kartaa. Faqradda 2aad ee Qodobkuna waxay dhigaysaa qaabka Wasaaraddaha
loo mideyn karo ama loo qaabeyn karo, waxaanay odhanaysaa “Wasaaraddaha waxaa loo qaabaynayaa isla markaana loo hagayaa si ay u
qorsheyn karaan, una fulin karaan xilkooda iyadoo laga duulayo siyaasadda guud
ee Xukumadda.” Sidaas darteed, Xeer-nidaamiyaha ma khilaafsana kama na hor
imanayo xeerka sababtoo Madaxweynaha laftiisa ayaa bu awood u siiyey inuu
xaddido tirada Wasaaraddaha isla markaana qaabeeyo ama qoondeeyo
shaqooyinkooda.
Ugu
dambeyn, sida ay ku wanaagsanayd ayaa ah in mar haddii xeerku uu Wasaaraddo
magac dhabay, qaabka qudha ee wax lagaga badeli karo tiradooda iyo shaqadoodu
uu noqdo wax ka badel xeerka lagu sameeyo, laakiin mar haddii uu xeerku
awooddaas bixiyey waxay ka dhigan tahay oo sharci ah in baarlamaanku uu
hawshaas u igmaday Madaxweynaha. Sidaas darteed, ayuu Madaxweynahu isagoo
gudanaya awooddahaas uu xeerku siiyey isla markaana ku dhaqmaya Qod. 106 ee
Xeerka Nidaamka Xukumadda uu u soo saaray Xeer-nidaamiyahan Dhismaha
Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018).
FG: Qoraalkaygu wuxuu khuseeyaa oo keliya kaalinta
sharci ee uu Xeer-nidaamiyahu kaga jiro nidaamka sharci ee dalka iyo
sharcinimada soo saarista Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Xukumadda, balse ma
khuseeyo qodobbada uu ka kooban yahay Xeer-nidaamiyahu, waanay dhici kartaa
haddii aad loo derso in qodobbada qaarkood ay xeer-dhaaf ku noqdeen awooddaha
uu xeerku siiyey Madaxweynaha.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed
(Good-Lawyer)
Burco,
Somaliland
E-mail:
goodlawyer2014@gmail.com