1.
Waxa dhici karta in aad jaamacad
dhiganeyso oo aad ka fikireyso in marka aad dhameyso aad shaqo doonato. Waxa
kaloo dhici karta in aad jaamacaddii dhameysatey oo aad shaqo doon tahay. Waxa
kaloo dhici karta in aad iminka shaqo ku jirto oo aad rabto in aad shaqadaa horumar
ka sameyso.
2. Haddaad tahay mid ka mida 3 dan qof een sheegey, hadda ogow
khasab maaha inaad cid kale uun u shaqeysaa, waxa aad abuuri kartaa shaqo aad
adigu xor u tahay oo aad naftaada ku kafeyso, dad kalena shaqo ku siiso.
Fikirkan ah in qofkasta oo wax bartaa cid kale u shaqeeyaa waa
fikir aad u qaldan.
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile |
3.
Dadku hawlaha wey u kala sameynsan
yihiin. Dad baan u sameysneyn iney iyagu shaqo abuuraan oo aan rabin iney
khatar qaataan, oo jecel iney meel kale u shaqeeyaan. Balse, dad ayaa ku fiican
iney shaqo abuuraan. Waa muhiim in aad is tijaabiso oo aad wax kuu gaar ah isku
deydid. Qofka iskii u shaqeysta ee shaqo abuura wuu ka farxad badan yahay qofka
cid kale uun u shaqeeya. Waxa keli ah ee ay u baahan tahay shaqo badan, samir
iyo geesinimo aad wax ku bilowdo.
4.
Waxa dhici karta inaad leedahay
wax kasta oo la qaban lahaa waa la sameeyey wax danbe mey hadhin. Run ahaantii,
waxa la sameeyey dhibicna kama ahaa marka la barbar dhigo waxa dhiman ee u
baahan in cidi hindisto. Ha ku indho beelin intan yare ee kuu muuqata ee hoos
wax u eeg, wax ka ogow sida caalamka kale shaqo iyo adeeg loo abuuro, ka bacdi
isku dey inaad adna abuurto.
5.
Marka ad shaqo abuureyso
waxyaabaha aad eegeyso waxa ka mid ah shaqo ama adeeg baahidiisu jirto balse
aan ilaa hadda cidi qaban. Marka hore haka fikirin shaqada la qabanayo balse ka
fikir baahida iyo sidii baahida loo dabooli lahaa. Tusaale ahaan haddaad caruur
dhashay oo aad rabto in aad dabbaasha barto, ma Berbera uun baa la tegeyaa
miyaan la sameyn karin meel Hargeysa ama Burco ama Boorama ku taala oo
dabbaasha lagu barto. Wax aan loo bahneyni ma jiro, balse geesinimo iyo samir
ayay u baahantahay.
6.
Waxa kaloo jira adeeg iminkaba
jira balse wax ka dhiman yihiin, oo haddii la casriyeeyo dadku xiiseynayaan - Wax
aad isleedahay malaha haddii wax lagu kordhiyo xiisahaa badan. 5 sanadood ka
hor makhaayad waxaad u taqaaney meel inta la galo qado ama casho laga cuno, oo
inta la faraxasho la iska tago. Dad baa iminka furey makhaayad macno kale leh
oo aan loo tegin uun in wax laga cuno balse loo tago in lagu kulmo, wax laga
cuno, lagu sheekeysto, internetka laga galo. Dad uun baa inta ay sida u eegeen
yidhi waar malaha dadku meel ay ku kulmaan ayay u baahan yihiin oo ay wax ku
cunaan kuna haasaawaan. Miyaad ka fikirtey iskuul ajinabiga loogu dhigo Af Soomaaliga
iyo ciyaar Soomaalida?
W/Q. Aqoonyahan
Maxamed Cali Bile