Abdishakur is a Judge at Togdheer Regional Court, he prepared this paper on the Principle of Judicial Independence and Somaliland Courts for his 2nd anniversary of the judiciary service. He worked at Awdal Regional Court for the first year after his appointment on 21st December 2012. He earned his Bachelor Degree of Laws (LL.B) From Faculty of Law, University of Hargeisa. you can read the paper by clicking on the link below.
Click here for the paper Research Paper: the Principle of Judicial Independence and Somaliland Courts
Wallee “qaaf” ujeeddo leh, Qiimahayga kuma rido; Magac waa qasaanade, Wallee qado ma dhaafsado., - Abwaan Gaarriye (AHUN)
Thursday, January 8, 2015
Wednesday, January 7, 2015
Tallooyin lagu Toosinayo Garsoorka Dalka. W/Q. Aadan Dhoolayare
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda JSL |
Waxaan jeclaystay maqaalkan inaan kaga
hadlo dhinaca cadaaladda dalkeenna kuna iftiimiyo xogo iyo waayo aragnimo
aan ka dhaxlay wakhtigii aan ahaa Wasiirka wasaarada cadaalada,taas oo aan ku
ogaaday meelaha iyo sababta ay ku timaado cadaalad darrada ay shacabku ka
cawdaan had iyo jeer.
Aniga oo ku iftiiminaya intaan aan ka
ogahay meelaha khaladaadku ku jiro oo ku saabsangarsoorka dalkeenna.Marka hore
waxaan ka cudur-daaranayaa in aanan u jeedin khaladaad aan ku cambaaraynayo
garsoorayaasha maxakamadaha laakiin ay tahay inaan sheego haddii wax laga
bedalo nidaamka ay u shaqeeyaan gudida cadaalada ee dalku.Waxaa laga yaaba
inaanay dad badani ogayn guddida cadaaladda iyo waxay ay qabato iyo waajibaadka
dastuuriga ah ee ay leeyihiin iyo siday ku noqdaan guddida cadaalada ee dalka.
Haddii aan in yar dadka u iftiimiyo
shacabka guddida cadaaladu waxay tahay
Guddida caddaaladdu waa guddida u
saraysa garsoorka dalka una xil-saaran dabagalka iyo habsami u socodka
caddaaladda dalka lana xisaabtami karta garsoorayaasha maxakamaddaha dalka
islamarkaana awood buuxda u leh inay u digto,eryi karto, dalacsiin karto,
abaal-marin karta garsoore kasta xumaan iyo wanaag wixii uu garsooray.
Waa guddida loo caban karo ama ay
dacwad ka gudbinayso garsoore ay ka tirsanayaan cadaalad darro qofka lagu
sameeyay,si ay gudidaasi u dabagasho waxna ka ogaan lahayd waxa uu qofkaasi ka
cabanayo haddii ay jirto ka dibna tallaabo sharciga waafaqsan ay gudida
cadaaladu uga qaadi lahayd garsooraha laga cabanayo waa haddii lagu khalad lagu
helo.
Gudidaasi waa guddi madaxbanaan oo leh
awood dastuuri ah oo uu dastuurku siiyay loona baahan yahay inay waajibaadka
gutaan.
Haddaba, sidee bay ku yimaadaan
guddidaasi kuraasta ay ku fadhiyaan.?
waxaan jeclahay inaan iyadana sharaxaad
kooban ka bixiyo habka ay ku yimaadaan.
Gudidaasi waxay ka kooban tahay
Guddoomiyaha Maxakamada Sare oo ah Guddoomiyaha gudida waxaanu ku yimaada
dastuurka oo uu ku magacaaban yahay waxa kale oo ka mid ah laba garsoore oo leh
waayo aragnimo sare oo ka tirsan maxakamada sare waxaana magacaaba madaxweynaha
laakiin waxa tilmaanta ka bixinaya dastuurka cida ay noqonayaan.
Waxaa kale oo ka mid ah Guddoomiyaha
Hayada Shaqaalaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaaladda.
Waxa kale oo ka mid ah laba xubnood oo
uu soo magacaabo Guddoomiyaha Caarlamaanku iyo laba xubnood oo uu soo magacaabo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu. Dhammaan xubnahaas waxa tilmaan cad ka bixinaya
dastuurka dalka oo aan sheegaynin hebel laakiin sheegaya kursiga noocaas ah
cidda loo magacaabo ee ku fadhida inta aan ka ahayn afarta xubnood ee
golayaashu soo magacaabaan kuwaas oo ay gudoomiyayaasha labada gole soo
magacabaan ciddi ay doonaan laakiin dastuurku tilmaamayo heerkooda waxbarasho
iyo waaya aragnimadooda.
Waxaan filaya inay innagu filan tahay
cidda ay yihiin guddida cadaaladu iyo sida ay ku yimaadaan iyo
waajibaadkoodaba.
Haddaba, haddi aan u soo dego
dulucda iyo ujeedada ee aan u qoray maqaalkan iyo tallooyinka aan u soo
jeedinayo in wax laga bedelo sida uu dastuurku ku magacaabayo ka mid
noqaashaha guddida cadaalada dalka u saraysa taas oo aan qabo sababaha
ragaadiyay cadaalad la’aanta iyo dib u dhaca kiisaska ama gal dacwadeedka la
qaado oo qaata wakhti dheer oo ay dhib badan kala kulmaan shacabku qaarkoodna
ay ku jiraan maxakamadaha in ka badan labaatan sanadood.
Haddaba taladaydu waxay tahay aniga oo
aaan waxba ka sheegayn xubnahaas in wax laga bedelo nidaamka ay ku yimaadaan
sababta oo ah tusaale ahaan xubnaha ay ka midka yihiin gudoomiyaha
hayada shaqaalaha,xeer ilaaliyaha guud,agaasimaha guud eewasaarada cadaalada
waxay hayaan hawl maalimaadkoodii iyo xilkii loo magacaabay oo aanay wakhti
dheeeraad ah u helayn inay noqdaan guddida cadaalada u saraysa ee dalka.
Halkaasna looga baahan yahay cid
firaaqo u haysa oo ka shaqayn karta waajibaadka qaranku u magacaabay. Waxa kale
oo la mid ah afarta xubnood ee labada gudoomiye soo xulaan oo aan la soo marin
shuruudaha dastuurku tilmaamayo laakiin lagu soo xulo qof jeclaysi iyo garasho
loona eegin aqoonta iyo waaya aragnimada looga baahan yahay,raali ha iga
ahaadaan labada gudoomiye oo iyaga laftoodu la saaro culays kaga yimaada cida
doonaysa oo soo adeegsada waji garad.
Sidaasi darteed, waxaan madaxweynaha u
soo jeedinayaa inuu codsado in la furo dastuurka dalka waxna laga bedelo
nidaamka ay ku yimaadaan xubnaha guddida cadaalada laguna bedelo cid aan shaqo
kale hayn oo fursad u hesha inay si joogta ah u gutaan shaqadooda si ay dabagal
ugu sameeyaan garsoorka dalka kormeerna ku tagaan gobolada dalka iyaga oo
kormeeraya xaalada garsoorka isla marka abaal mariya garsoorayaasha qabsada
waajibaadkooda.
Inta aan ka ogahay gudidda cadaaladu ma
fadhiistaan shirarkooda mana daba galaan cadaalada dalka taasina waxay keentay
in garsoore kasta uu ka yeelo kiiska mudeeyana wakhtiga uu doono iyada oo loo
baahna inay la xisaabtamaan gudoomiyayaasha maxkamadaha si ay iyaguna u
ogaadaan kiisaska ay garsoorayaashu qaadayaan iyada oo aan lagu fara gelinahayn
awooda garsooraha oo madax banana laakiin uu ogaado garsooruhu in lala
xisaabtamayo lana abaal mariyo.
Waxaan ka cudur daaranaya inaanan
eedaynayn guddidaas laakiin ay hayaan shaqooyin kale oo aan wakhti ku filan
haysan taasina waa sababta aan taladan u soo jeedinyo islamarka waxaan
Madaxweynaha kula talinaya in gudidda dambe waaa haddi dastuurka wax laga
bedelee in loo qoro mushahar ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda kuwaas oo
laga dhex helayo bulshada dad leh aqoon waayo aragnimo oo qaban karo xilkaas
kuwaas oo aan camal kale hayn.isla markaan laftooda la ogaado sida ay u
shaqeeyaan,loona dhiso xafiis iyo miisaaniyad ay ku hawl galaan.
Waxaan ogahay inaanay xukuumaddu ka war
hayn gudidaas oo aan lahayn dhisme xafiis .iyo miisaaniyad u gaar toona nasiib
darase la tabayo cadaalada dalka iyada oo aan la siin daryeel ay ku gutaan
waajibaadkooda.
Waxaan rajaynaya inuu Madaxweynuhu ka
fakiro sidii loo hagaajin laha cadalada dalka oo ay kow ka tahay in wax
laga bedelo nidaamka ay ku yimaad guddidaasi.
W/Q. Aadan Dhoolayare
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda JSL
Subscribe to:
Posts (Atom)