‘To be or not to be
that is the question’
‘Ahow iyo ha ahaan
arrinku weeyaane’
William Shakespeare
(Hamlet)
Macno maleh
aduunyadu
Haddaan magac ka
reebayn eh
Maxamuud Ismaaciil
Qasim
Prof. Maxamed Siciid Gees |
Shakespeare oo
noolaa sannadihii (1564 – 1616), waxa uu ahaa gabayaa Ingiriis ah oo
Riwaayadaha alifa. Tuducan ayaan ka soo qaatay Riwaayaddiisa caanka ah ee la
dheho Hamlet. Waxa riwaayadihiisa loo tarjumay 80 af oo dunida lagaga hadlo,
balse weli af Soomali looma beddelin ilaa hadda waxa laga dhigaa Riwaayadahaas
Adduunyada cidhifyadeeda oo dhan iyaga oo lagu masilayo afaf kala duwan oo dad
midabo kala duwan ay jilayaan.
Cidina si sahlan u garanmayso madaxdii xukuumaysay Dalka England markii
Shakespeare noolaa! Waar bal day akhristaw!! Guushu madaxnimo ma aha ee meelo
kale ayey ku jirtaa. Boqol sanno ka dib cidina ma xasuusan doontu
Madaxweyneyaashi soo maray Somaliland. Haseyeeshee, waxa la aqoon doonaa oo la
akhrisan doonaa oo la dhegaysan doonaa Heesaha iyo Riwaayadaha ay curiyeeen
Abwaanndu sida Axmed Saleebaan Bidde ee ay ka mid ahayd Ruwaayaddiila
odhan jirayWejiyaal
is-xasuustaa; ee ay Heestani ee ay qaadaan Kinsi Xaaji Aadan
iyo Cabdillaahi Cumar Xarago beydkeeda hore iyo kiisa u dembeeya oo ay ka mid
ka ahayd;
Wejiyaal
is-xasuustaa
Indho aan kala
waaban
Laba aan isba waayin
Laba aan kala weecan
Wadnayaal
is-jeclaada
Wadku daayo ayaamo
Aan wadeeco astaynin
Ma wadaagno xannaano
Innagaa isku
wacnaynee
Maxaad iiga
wareegtay?
——————————
Wiyishaa ubadkeeda
Waxa jooga adduunka
Iyadaa ula wanaagsan
Kolka waayuhu
liicshee
Dani ay ka wadaaye
haddii aynu is-wayno
Walaac waa ku
dilaaye
Waa wareegto
adduunkiyo
haddii uu waqti
keenay
Nin wax saarleh
miyaan ahay? Kuwaas iyo qaar kale
oobadan.
Dabayaaqadii
sannadkii 2001 ayaa Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u gudbiyey
Golaha Wakiillada magacyada toddoba muwaadin oo uu ugu talagay inay noqdaan
Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka (NEC), si Goluhu u ansixiyo. Shirguddoonkii
Golaha iyo Golihii ayaa wax-ka-beddel ku sameeyey soo-jeedintii Madaxweynaha,
oo dhawr qodob oo ka hadlaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka ku daray Xeerkii
Doorashada ee Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka oo ay ka doodayeen,
gacantana ku hayeen waqtigaas.
Awooddii Magcaabidda
Guddiga Doorashooyinka ayey u kala qaybsheen sidan: Madaxweynaha (3 xubnood),
Guurtida (2 Xubnood) iyo xisbiyada mucaaridka ah (2 xubnood), sidaasna ayey ku
ansixiyeen. Marxuun Cigaal oo waqtigaa xannuun la daalaadhacay waa aqbalay.
Guddigaas Qaranka ee Doorashooyinka waxa la ansixiyey horantii sannadkii 2002.
Guddigaasi waxay ku
guulaystay inay qabto saddex doorasho oo xor ah oo si nabadgelyo ah uga dhacay
wadanka, kuwaas oo kala ahaa Doorashadii Golayaasha Degaanka (December 2002),
Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa (April 2003),
Doorashadii Golaha Wakiilada (September 2005).
Waxa muddadii
xilkoodu dhammaaday horraantii 2007, waxa labadii Xisbi ee mucaardka ahaa (UCID
iyo KULMIYE) iyo Madaxweyne Daahir Rayaale oo UDUB ahaa ay isla qaateen in Guddiga
Qaranka ee Doorashooyinka la kala diro oo mid cusub la soo magcaabo.
Markii hawshii
fulinteedii la galay waxa soo baxay muran iyo iska horimaad gilgilay Dalkii oo
dhan oo soconayey sannadkii 2007 oo dhan, ayaa Maxkamadda Sare la isla galay,
arrintii waxbay kala fudaamisay; haddana halkii ayaa mar kale la iska hor yimi.
Madaxtooyada oo dhan ah iyo Golaha Wakiillada oo xisbiyada Mucaaradka ihi ku
xoog leeyihiin oo dhan. Golihii Guurtida oo isna daraf ka noqday murankii.
Waxa markaas soo
dhexgalay arrintii Guddi Bulshada Rayidka ah oo ka kooban Abwaannu,
borofasoorro, Wadaaddo can ah iyo xubno Waxgaradka Bulshada ka mid ah.
Guddigaas oo Guddoomiye u doortay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Waxa guddiga gacan
siinayey oo taageero u fidiyey Akaademiyada Nabadda iyo Horumarka oo aan
markaasi madax ka ahaa. Bishii Sebtamber ayaa guddigu ku guulaystay in labadii
qolo afgarad dhexmaro oo dalku uu yeesho Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.
Guddigii waxa u ahaa
mid khilaaf ku dhashay sidii uu khilaafkii ugu jiray ayuu burburay isaga oo
laba sanno jiray markii xubnihiisii intiisii badnayd ay istiqaalad keeneen.
Sannadkii 2009 aakhirkiisii ayaa mar labaad guddi kale la mgcaabay oo la
ansixiyey. Guddigaas ayaa qabtay doorashadii Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenkiisa bishii (Jun 2010). Doorashadaas oo si qurux badan u
dhacday.
Indhaha Dalalka
xiiseeya siyaasadda Geeska Afrikana soo jiidatay markii ay si nabadgelya u
dhacday oo laba Madaxweyne ay xilkii isu tiriyeeyn oo mucaardkii ku guulaystay
doorashadii, taas oo ahayd arrin dhif ku ah Waddamada dunida saddexaad iyo kuwa
Muslinka ah.
Waxa kale oo uu
Guddigaasi qabtay doorashadii Golayaasha Degaanka oo dhacday Biishii (December
2012), taas oo buuq iyo dhimasho sababtay iyo muraan waqti dheer qaatay. Waxa
dhacdadaas loo aaneeyaa diiwaangelintii sida caadifadda ah Baarlamaanku u laalay
iyada oo aan laga fekerin, oo Xisbiyadu dabada ka riixayaan, Xukuumadduna ay ka
aamustay.
Markii ololaha
laalistu socotay ayaan Wasiir xukuumadda ku jira oo waayo-aragnimo badan u
lahaa Doorashooyinka ka warsaday waxa ay u joojin waayeen laalista Diiwaangelinta
Codbixiyayaasha. Waxa uu iigu jawaabay si fudud oo ahayd marmarsiinyo lagaga
horyimaado Doorashada inay dhacdo ayaannu diidaynaa, sidaas darted ma
faragelinayno.
Sharci-yaqaaanno
badan ayaa waxay ku doodaan in qaybintii ay qaybsheen awoodda magcaabidda
Guddiga Qaranka ee Doorashu ay isku dhex daadisay awoodihii waaxaha Fulinta iyo
Sharci-dejinta. Badanaa wixiii magcaabid ah waxa iska leh Madaxweynaha,
ansixinta (Ogaalansho ama diidid) waxa iska leh Baarlamaanka.
Hore waxa Mucaaridku
uga qaylinay jireen labada xubnood ee Guurtidu magcaawdo, bal hadda fiiri
labadii mucaaradku magcaabi jiray waxa ka taagan; ‘Fari tog-dheer ayey kula
xushaa.’ Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waa Guddoomiyaha Xisbiga
WADANI isaga ayaa xeerku siiyey inuu soo magcaabo xubin ka mid ah Guddiga
Doorashooyinka, isla markaan waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ansixinayaa
xubintii uu soo magcaabay. Haye Maxaa kuu baxay boowee!!.
Waxa
Sharci-yaaqaanno badani qabaan in Xeer gaar ah oo tafatiran loo curiyo Guddigga
Qaranka ee Doorashooyinka. Waayo, guuddigu waxa uu gacanta ku hayaa xasiloonida
iyo nabadda dalkan Somaliland, sidaas darteed waa in dib loo eegaa xeerka hadda
jira oo ah dhawr qodob oo ku dhex milan Xeerka Doorashada Madaxweynaha iyo
Golayaasha Deegaanka.