Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi |
Tibaaxda “Xorriyatul qawl” oo ah mid
aynu kasoo amaahanay afka carabiga,balse noqotay eray-bixin sideeda ku
soomaaliyowday,isla markaana macnaheeda iyo nuxurkeedaba badanaaba aynu si
isula wada aragno. Waxaynu alaaba maqalnaa tibaaxdan marka ay saxaafada iyo
xukuumadu isku dhacaan,la iskuna qabto qoraalo iyo warbixino kusoo baxay
wargeysyada ama laga baahiyay telefiishinada. “Xorriyatul qawl”haddii eray
ahaan loo fassiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “ Xorriyada loo haysto odhaah
afeedka”,Balse Somali ahaan waxaynu u adeegsanaa si ka ballaadhan “odhaah
afeed” oo waxaynu u isticmaalna siyaabaha kale duwan ee qofku aragtidiisa ku
muujiyo; hadday tahay qoraal,sawir,cod iyo tilmaamo kaleba.
Waxay se u arkaa inaanay “xorriyatul
qawl” ahayn eraybixinta saxda ah,ee koobsanaya nuxurka mugaas leh. “Xorriyada
uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa” ayaa noqon lahayd
tan adeegsi ahaan ku haboon halkeeda, una dhigmi karta ujeedada guud ee laga
leeyahay waxa afka qalaad loogu yeedho “Freedom of Expression”
Haddaba, maxay koobsataa sharci
ahaan iyo ujeeddo ahaan “Xorriyada uu qofku uleeyahay inuu muujiyo aragtidiisa
iyo dareenkiisu”?
Marka xorriyad la leeyahay, waxa
alaaba loo jeedaa faro-galin la’aan ka timaada xukuumada. Taasi oo laga reebayo
inay a) Is-hortaagto ama mamnuucdo xaqa uu qofku u leeyahay inuu muujiyo
aragtidiisa iyo dareenkiisa: b) ku qasabto inuu qaato ama muujiyo aragti kale;
c) Abuurin hab dadka ogalaysiinayo aragti mabda’eedyo gaar oo ay wadato; d) Ku
qasbin qof kale inuu dhiirigaliyo ama is-daadraaciyo aragti kale oo u
diidanyahay.
Sidee baa lagu Sugi karaa
Sohdimaha aragtida Xorta ah ee shaqsigu leeyahay?
Ma jirto xuquuq ama
Xorriyad uu qofku bani’aadamka leeyahay oon lahayni meel ay ku dhammaato.
Waajib ayaana qofkasta ka saran inuu xaq-dhowro xuquuqda iyo xorriyaadka kale
ee ay qayrkiisu leeyihiin.Maadamo uu dastuurku ka reebayo xukuumada inay so
saarto tallaabooyin iyo xeerar lagu cabudhinayo aragtida xorta ah ee shaqsigu
leeyahay.[i] Sidoo kalana waxa uu dastuurku kuma eka xorriyada shakhsiyeed ee
la xidhiidha fikir-muujinta, waxa uu ku ladhay saxaafada iyo
warbaahinta,maadaamo oo ay tahay qalabka uu qofku u adeegsanayo faafinta iyo
tabintaaragtidiisa.Walaw, ay jiraan siyaabo oo kale oo ka baxsan
qalabka warbaahinta lagu tabin karo aragtida shakhsiyeed,sida buug, qoraal ku
xardhan garankiisa,ama boodh uu sitoba.
Hadaba marka la leeyahay lama
cabudhin karo xorriyada dareen iyo aragti muujineed ee qofku leeyahay, yaan loo
fahmin xorriyadaasi looma dhigi karo xad aanay ka gudbi karin. Waxaana jira
darbi sharci ahaan la isla aqoonsanyahay oo aanay xorriyadan aragti-muujintu ka
gudbi karin.Waxaana qofkastaba ka reeban inuu tabiyo waxyaabo aragtidiisa ama
xaqiiqo ah oo ay kamid yihiin:
- Waxyaabo dheg-xumo usoo jiidaya
ama farogalinayaba nolosha gaarka ah ee qofka iyo qoyskiisaba.
- Dhaqan-xumada, kuwaasi oo
noqon kara tibaaxo ka baxsan dhaqanka caadiga ah ee bulshada, qof kasta oo
caadi ahna ka biyo-diidayo;[ii]
- Sawirada ka baxsan anshaxa
,ee muujinaya cawrada-jidheed ee bani’aadamka[iii];
- Aflagaadaynta ama ku
dheel-dheelista shacaa’irta diiniga ah[iv];
- Tabinta xogaha ama
adeegsashada weedho iyo erayo colaad hurin kara,ama isku dhac bulsheed oo
baahsan abuuri kara;
- Faafinta xogo iyo muuqaalo
sireed oo rasmi ah , kuwaasi oo saamayn ku yeelan kara xasiloonida guud ee
qaranka, isla markaana cadawgu ka faa’idaysan karo sida xogaha la
xidhiidha ciidamada;
Marka la isla
yimaado darbigaasi sharci ee lagama gudbaanka ah, waxa jira tallaabooyin kale
oo ay xukuumadu qaadan karto, kuwaasi oo ay ku xakamayn karto muujinta
tibaaxo-aragtiyeed oo la xidhiidha arrimo gaar ah (Content-based restrictions),
tibaaxahan oo aan sidooda caadiga ah xaaraan ahayn, sharci ahaana wadan
eraybixin loo fasiran karo xaaladahaan sare ku sheegnay. Balse waa tibaaxo sita
farrimo loo arko inayna munaasib ku ahayn waqtiga iyo goobta la joogo markaasi.
Taasina waxa lagu go’aamin karaa fasiraad dastuuriyeed oo ay samayso maxkamada
ku shaqadoleh.Mana aha xukuumada iyo sharci-dajintu kuwan sharci
ahaan go’aaminkara waxa la odhanayo iyo waxaan la odhan karin[v].
Waxaanay xukuumadu u baahataa
xeer-nidaamiyayaal si gaar ah u maanacaya tabinta tibaax-aragtiyeedka nuxur
ahaan loo arko inay carqalad ku yihiin hirgalinta dano lagu qasbanyahay
(compelling interest). Xakamaynta aragti-muujintan waa in aanay noqon mid
jabinaysa dastuurka,waana in aanay noqon mid si guud uga reeban muwaadiniinta,
balse ku kooban waqti gaar ah ama meelo mucayin ah. Tusaale ahaan, in goobaha
cibaadada iyo waxbarashada, Garoomada laga reebo tabinta aragtiyo xambaarsan
nuxur gaar ah sida kuwa siyaasadeed,qabyaaladeed iwm, ama in la cayimo habka
ugu macquulsan uguna saamaynta yar nuxuradaasi lagu gudbin karo. Ama wakhti ay
jiraan xaalado xog-tabintani, ka hor imanayso dano muhiim ah . Maxkamada
Dastuuriga ah ayaana miisaamaysa danaha-xukuumadeed ee ku ladhan xakamaynta
tibaaxahan-ku-salaysan nuxur gaar ah iyo saamaynta ay ku yeelan karaan
xannibaadaasi, xorriyadii uu qofku u lahaa inuu dareenkiisa iyo fikirkiisa
muujiyo isagoon la cabudhinaynin. Sidoo kale marka la doonayo in xakamaynta la
hirgaliyo,waa in la helo hab-kale oo u furan qofka oo u wareegi karo, kuna
muujin karo aragtidiisa xorta ah.
Sharaf-dillida Qofka
Haddii si fudud aan u qeexno,sharaf
dilidu waa adigoo qof ka faafiya warbixino waxyeelo ku ah shaqasiyadiisa gaar
ahaaneed,shaqadiisa ama xirfadiisa aqooneed. Wararkaasi oo marka ay bulshadu
maqasho,damiir ahaan, iyo xidhiidh ahaanba ay u takoorayso qofkaasi,kana
noqonayo dhexdeeda “tuke baalcad”.
Sharaf-dilistu ma
ah oo qudha marka aad tahay kan sameeyay waxyaabo been ah oo dheg-xumo usoo
jiidayaqofka.Balse sidoo kale waxaad dhaawacday
sumcadiisii,haddii aad ku cel-celiso ama aad ka jawaabto weedhahaasi, xataa
haddii aand ahayn qofkii sameeyay. Difaacna kuuma noqon karto , haddii aad
tibaaxdaasi sharaf-dilka aad galiso kootayshan “_______” ama aad ku ladho “waa
siduu hadalka u dhigay,sida la isla-dhexmarayay,iwm” adiga oo soo guurinaya
tibaaxdii sharaf-dilista ahayd ee qof kale sameeyay,si aad iskaga fogayso wixii
hadhaw ka soo noqan kara.
Marka laga hadlayo
sharci ahaana, qofka waxaad kula kacday sharaf-dil markaa aad ka faafiso xogo
dhaleecayn oo been ah,isaga ama xubin qoyskiisa, oo nool ama dhimatayba.Taasi oo wax u dhimaysa a)haybadiisa
shaqsiyeed ee uu bulshada kula noolaa, b)xirfaddiisa aqooneed iyo ganacsigiisa,
c) kana dhigaysa mid ay bulshadu iska ururiso, xaqirto amaba ku xamato
waxyaabahaasi laga fidiyay.
Siyaabaha kale duwan ee qofka
sharaftiisa loo dilo waxa kamid ah, a) odhaah afeed, ama cod la maqli karo
ama,b) erayo qoraal ah oo loogu talo galay in la akhriyo ama taabasho lagu
gartoba,ama c) calaamad afgarasho ah oo la isku sameeyo.
Way adagtahay in la
caddeeyo ama la qiimeeyo illaa heer intee leega ayaa waxyeelo loo geystay
sharaftii qofeed.Sidaawgeed Sharcigu culays kuma saarayo, inuu qofka
dacwoonayaa caddeeyo jiritaanka waxyeladaasi. Balse wax mihiim in macnaha ama
fasiraada erayada la adeegsaday ay yihiin qaar sharafta wax u dhimaya, sidoo
kalana aanay noqon kuwo aan xaqiiqo ahaan u jirin oo been-abuur ah. Waa inay erayadani
noqdaan qaar qofka cabanaya ee dhibanaha isku arka loola jeeday shaqsi
ahaan,sida iyadoo magiciisa la xusay.Haddii aan magiciisa la sheegina,waa inay
tibaaxdu tahay mid qofkasta oo macquul ahi garan karo in qofka loo jeedaa isaga
yahay.
Sidoo kalena waa in sawiradaasi ama
erayadaasi( lagu andoocanayo inay yihiin qaar sumcad-dilis ah) la gaadhsiiyay
dhinac saddexaad, oo aan ahayn qofka wax laga sheegay iyo kan qofka
wax-sheegaytoona.Sharaf-dilisna ma aha waxyaabaha ay labada qofi si toos iskug
yidhahdeen , iyagoo isku kali ah,haddii aan lagu faafin bulshada inteeda kale.
Waxyaabo Difaaca u noqon kara
qofka loo haysto dacwdaha la xidhiidha sharaf-dilista.
Waxa la isla ogyahay inay saxaafadu
tahay tan khaatiga ka taagan dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka.Kuwaasi oo
haddii aanu jirin garsoor madaxbanaan oo ka fayow saamayn dibada kaga
timaada,isla markaana leh aqoon-sharciyeed oo xeel-dheer, keensan karta,in
muwaadinka iyo saxaafaduba ku dhiiran waayo tabinta aragtida xorta ah iyo
xaqiiqada hadba jirta. Saxaafaduna geyaysiisa inay noqota mid in-gaar ah u
shaqaysa oo aan bulshada u shaqayn,isla markaana aan daah-furi karin
xaqiiqooyan dadka ka daahnaa oo ay xaq u lahaayeen inay ogaadaan.
Haddaba si aanay saxaafadda iyo
qofkasta oo aragtidiisa xorta ahi muujiya uga fogaado dacwad sharaf-dilis oo
lagu eeddeeyo waxa muhiim u ah inuu ogaado waxyaabaha u isku difaaci doono.
Waxyaabaha difaac u noqon kara war ama aragti-tabinta waxa ka mida:
Runta ama xaqiiqada
Waa in waxyaabaha la faafiyay hadday
wartahay ama aragti shaqsiyeedba noqotaa mid ku salaysan xaqiiqo jirta oo run
ah. Isla markaana runkasta oo la sheegaaba, ha u qaadan inay ku difaac aad ka
hoos gasho eedhaha sharaf-dilista ah, balse waa inay noqotaa faafinta runtaasi
mid aad ku sababayan karto inay muhiim u ahayd danta guud (public
interest).Adigoo ka taxadaraya inay noqoto wax loo nisbayn karo inaad u
adeegsanaysay dano-shaqsiyeed, iyo ku-xumayn idinka dhexaysay qofkaasi.
Aragti-caafimaad qabta (Honest
Opinion)
Marka aad isku dafaacayso, in waxyaabahaad
tabisay ahaayeen aragti daacad ah,uma baahnid inaad sababayso inay run ahayd
iyo in kale. Waxa qudh ah ee aad u baahantahay waa inaad Garsooraha ama
xeer-beegtida garsoor ku qancisid inuu waxaad faafisay yahay:
- Aragti oo aanu ahayn war ama
xog xaqiiqo ah.
- Ka hadlayo una faafisay
muhimad uu u leeyahay danta-guud (public interest).
- Mid xogtiisu ku salaysan
ilo-sax ah oo looga qaateen ama kuwa lagu soo xigtay meelo dhawrsan
(privileged material)[vi].
Dood siyaasadeed
Si ay dimuqraadiyadu u noqoto mid shaqaysa,isla
markaana abuurto jawi ay aragtida xorta ah ee muwaadiniintu ka hanaqaadi karo,
waxa ay Maxkamadaha dastuuriga ahi ee dalalku horumaray wax ka badaleen
fasiraada dastuuriga ah ee xorriyada muujinta dareenka iyo rayiga ee shaqsigu
leeyahay, khaasatan markay nuxurkeedu la xidhiidho dadka ku dhexjira arrimaha
siyaasadeed ee qaranka, ama aan ahayn shaqsiyaad caadi oo khaas iskaga
nool[vii].
Haddaba marka laga
hadlayo dood ama lafa-gur siyaasadeed, qofka arrimaheeda ku lug lihina kama
baxsan karo,haddii uu xil-qaran oo siyaasadeed hayana iska daa hadalkiisaba.Waana tay Somaalidu hore u tidhi “nin xil qaaday,eedqaad”.Waxyaabaha faallooyinka
siyaasadeed xambaarsanyihiina maaha waajib inay noqdaan qaar xaqiiqo ah,
beentoodana dacwada lagama furan karo, balse siyaasiga dhibsada waxa uu u furan
in uu isla asluubtaa lagu fidiyay kaga jawaabo, iskagana daadafeeyo. Haddii
aanay tabinta arrimahaasi ahayn mid si naxli ama nacayb-shaqsiyeed ku jiro
looga fidiyay, oo aan dadka loogu danaynayn,balse lagu socday uun sharaftiisa
gaar-ahaaneed.
Qofka faafiyayna waxa u mihiim,inaanu
u ku sababeeyo:
- Inay tabinta xogtani muhiim
u tahay dadka xilka loo hayo ama siyaasigani taageerada ka damacsanyahay.
- Inay jirto sababo macquul oo
aad rumaysan karto in xogahaad faafisay noqon karaan kuwa xaqiiqo ah.
- Inay faafintaadu daba socon
dano-qaas oo aad ka weyday ama colaado shaqsiyeed oo idiin horreeyay.
- In aad samaysay dadaal kasta
oo suurtogal ah oo aad qofkan kula xidhiidhi karto si uga jawaabo
waxyaabaha dhaleecaynta ku ah ee aad ka fidinayso.
Faafin niyad-sami ah( innocent
dissemination)
Waxa jirta marar
nadir ah oo ay suxufiyiintu tabiyaan warar waxyeelayn
kara sharafta qofka,iyagoon sidaas u la jeedin (unintentional defamation).Si
taas looga hor-tagana waxa la gudboon war-baahiyayaasha ama faafiyaashu inay
dib-u-sixid ku sameeyaan,isla markaana raaligalin qofkii dhibanaha ka siiyaan,
iyaga maraya habkay u baahiyeen hablamida. Saxaafada qoraalka ahina, waa inay
dhigtaa halkay xogtii sharafti dilkiisa dhigtay, halkeedii markay daabaycayso
dib-u-sixida iyo raaligalinta. Oo aanay meel qarsoon ama hoose dhigin oo aan
sidii tii hore loo arkayn.
Raali-ahaanshaha dacwoodaha
Qofna kama dacwoon karo fal uu raali
ka ahaa markii lagu samaynayay.Haddii uu dacwooduhu ogalaa waxyaabaha laga
faafiyay iyo sida looga faafiyayn xaq hadhowto u yeelan maayo uu kaga cabto
faafintaasi. Ogolaanshuhu wuxuu noqon karaa,adigu qofka weydiiya “ma u adeegsan
karaa faafintayda weedhahaas ama erayadaas ?” dabadeedna uu ku jawaabao
“haa,waad adeegsan kartaa”.
Haddiise aad ku sii cel-celiso
adeegsiga weedhihii,marka uu ka dacwooday ka dib, ogow inay noqon karto dacwad
kale oo aanad iskaga difaaci karin raalidiisii hore.
Dacwoode dhintay
Arrimaha ama
dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka waa qaar shaqsi ah.Qof dhintayna ku dacwoon karo sharaf-dhicid. Sidaa
darteed haddii uu dhinto dacwooduhu iyadoo dacwadu socoto, ehelkiisa iyo
caraartiisu ma dhaxli karaan dacwidiisa amaba maba sii wadi karaan[viii].
Haddiise weedhaha sharaf-dilka ee
laga fidiyay marxuum dhintay ay saamayn ku yeelan karto sumcada tafiirtiisa iyo
ehelkiisa way ka furan karaan dacwad ciddi faafisay.
Raaligalin rasmi ah
Raali-galintu waa hab lagaga baxsan
karo dacwadaha madaniga ah ee la xidhiidha sharaf-dilista.Raaligalintaaso oo
lagu faafiyo warbaahinta si rasmi ahna loogu soo qoro qofku waxay noqon kartaa
hab fududeeya arrinta, lagagana bad-baado muran sharciyeed oo maxkamadaha la
iskula galo. Balse waa war-tabiyaha waa inuu ka feejignaado arrimaha qaar raali-galintooda,
sababtoo waxay ku noqon karaan qiraal, haddiiba uu ku qanci waayo dhinacii
kale.
By Garyaqaan Maxamad Axmed
Cabdi Bacaluul
2522-63 4488011.
[i] Qodobka 32aad Dastuurka Somaliland.
[ii] Xeerka
saxaafada Somaliland ayaa ka hadlaya qaabka loo tabinayo wararka la xidhiidha
faldabiyeedyada galmada,kuwaasi oo laga raba in la qariyo magaca dhibanaayashan
fal-dambiyeedyadani,soda caruurta la fara-xumeeyay, Kufsiga. Iwm.eeg qodobka 24aad.
[iii] Qodobka 10aad
(4) ee Xeerka Saxaafada law no 17aad Qodobka 23aad ee isla xeerkaas.
[iv] Qodobka
10(5)aad ee Xeerka Saxaafada law no 17
[v]
Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815
[vi] “Privilege
material” waa qoraalada dhawrsan, sida kuwa Maxkamadaha,doodaha
baarlamanka,warbixinaha gudiyada baadhitaan ee si rasmi ah u daabacan. Kuwaas
oo haddi ay run yihiin amaba been yihiin aan sharci ahaan loo raaci karin
faafiyaha iyo ciddii uu kasoo baxayba.
[vii]
Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815