Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa muranka sharci ee ka dhex
qarxay Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo gaadhay heer ay Maxkamadda Sare
ee Jamhuuriyadda Somaliland go’aan ka soo saartay murankaasi sharci oo ku
saabsanaa guddi-hosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu golahu ku
ansaxiyey fadhigoodii qabsoomay maalintii sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 21
Sebtember 2013, haseyeeshee, waxaa ansaxintaasi deedafeeyey oo ka soo horjeestay
labada guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada oo iyagu arrinka gaadhsiiyey
Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare waxay soo saartey laba go’an oo midna go'aankii golaha fadhigiisa lagu xayirayo midna lagu laaley ansaxinta guddi-hoosaadyadaasi
Gollaha Wakiilada.
Guddoomiyaha SOLLA - Foosi Sh. Yoonis |
Iyadoo uu arrinku halkaasi marayo ayey maalintii shalay xukumadu
caddeysay in ay ka noqdeen mawqifkoogii hore oo ay arrinka Golaha Wakiillada
faraha kala baxayaan. Waxaan lays weydiin oo iska cad waxa laga yeelayo go’aankii
Maxkamadda Sare oo haddii uu sidiisa u fuli waayo lagu tirin doono go’aan
markiisii hore ba ka yimid Madaxtooyada. Waxaana ceeb ah go’aankii Maxkamadda
Sare oo taagan inay xukumaddu ku dhawaaqdo inay ka noqdeen mawqifkoogii hore oo
ay wax walba sidoodii ahaanayaan.
Weli lama hayo hadal kasoo baxay Maxkamadda Sare oo ay ku
caddeysay go’aankeedii hore inay ku taagan tahay iyo inay ka noqotay. Haseyeeshee,
waxaa arrinkani iyo arrimo kaleba ka gilgishay oo iyagu mawqifkooga caddeeyey
Urrurka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo maanta shir jaraa’id kaga hadlay
arrimo dhawr ah.
Guddoomiyaha Urrurka Qareennada Somaliland, Foosi Sheekh Yoonis
Xasan ayaa ugu horeyn cambaareeyey tacadiyada ay Xukuumadda Somaliland kula
kacdo saxaafadda madaxa-banaan, isagoo sheegay in madax-bannaanida saxaafaddu
ay xuquuq sharci ah tahay, waxaanu saxaafadda u soo jeediyey inay dhawrto
sharciga iyo anshaxa suuban ee warbaahinta wanaagsan lagu yaqaan. Guddoomiyahu
isagoo ka hadlaya muranka sharci ee Golaha Wakiilada wuxuu yidhi: “Khilaafka Baarlamaanka waxaad moodaa in siyaasad
laga dhigay, waana mid sharci iyo qawaaniin salka ku haya. Waxa la gaadhay xilligii ay kala adkaanayeen
siyaasadda iyo sharcigu, waxaanu [dadweynaha iyo dhinacyadda is hayaba] u soo
jeedinaynaa in saraynta sharciga la taageero waayo hadii sharcigu sareeyo macnaheedu waxa weeyi qofkastaaba Caddaalad
ayuu halkiisa ku helayaa.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu si cad u iftiimiyey in guud
ahaan ba aanay jirin madax-bannaanidii garsoorku ama haddii si kale loo yidhaa
in saddexdii waaxood ee qaranka aanay waax kamid ahi ka madax-bannaanayn
labadii waxood ee kale, waxaanu yidhi: “Waxaan
idiin sheegayaa inaanu Garsoorka Somaliland madax-banaanayn oo awooddihiisii ay
kala qaybsadeen Xukuumadda iyo Xeer-dejintu, waxaan Golaha wakiillada
Somaliland ka codsanayaa inay ansixiyaan Xeerka nidaamka Garsoorka oo Golaha
Wakiillada horyaalla.”
Ugu dambeyn, wuxuu Guddoomiyahu ku soo gunnaanaday “Waxaanu Cambaaraynaynaa tacadiyada lagula kaco
saxaafadda, waxaanu leenahay saxaafada iyo garsoorku waa inay madax-bannaani
buuxda helaan, haddii kale ictiraafka aynu raadinayno aynu iska dayno, waayo
adduunku labadaas ayuun buu eegaa.”