W/Q Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Waxaa
badanaa lays weydiiyaa su’aasha ah dad noocee ah ayaa tahriiba? Waxaynu wada
ogsoonahay in dadka dalkeena ka tahriibayaa ay yihiin muwaadiniin dhallinyaro u
badan oo inay dalkooga ku noolaadaan ka door-biday inay ka suudalaan, dhimasho
iyo nolol mid ay la kulmaan ba, si ay dal shisheeye qaxooti uga noqdaan oo ay
ugu noolaadaan. Waxaynu sidoo kale fahamsanahay oo haddii aan su’aashani kaga
jawaabo dooddi ka dhalanaysaa inay tahriibaan dad waddaniyadda ka aradan ama
aan weligood waxba looga sheegin. Waxaynu markasta tilmaanaa oo aynu meel kasta
oo xanuunkani tahriibka lagaga hadlayo ka sheegnaa in taajirka iyo saboolkuba
tahriibaan; in wiil, oday, islaan, gabadh, iyo carruur ba ay tahriibaan iyo in
jaahil iyo mutacalim ba uu tahriibo. Haddana, intaas oo arrimood ba jawaab
qancisa uma noqonayaan dadka su’aashani ay maskaxdooda kusoo dhacdo.
Waxaan
dareemaa inay dadku la dawakhsan yihiin arrimaha tahriibka; dadka tahriiba iyo
sababta loo tahriibo? Tusaale ahaan, qofka maanta aaminsan in uu tahriibo qofka
saboolka ahi oo sababta loo tahriibaa ay tahay saboolnimo aan dalkeena loogu
noolaan karayn. Wuxuu beri arkayaa qof ladan oo nolol fiican ku noolaa oo
haddana tahriibaya, markaa ayuu odhanayaa “Taajir iyo saboolba way tahriibaan”.
Nin aqoonyahanka dalka kamid ah oo aanu asxaab nahay ayaa maalin igu yidhi “Cabdishakuuroow, saaxiib dadka tahriiba waad
iska dhaleecaysaa mooyaane, ma fahmi karaysid dadka tahriibaa nooca ay yihiin
iyo sababta ay u tahriibaan, waayo adigu waxaad tahay inan yar oo nolol fiican
kusoo koray isla markaana wax bartay imikana mustaqbal fiican leh” Waxaan
ogaa in ninkaa saxiibkay ahi aanu noloshayda waxba ka ogayn. Sidaas darteed
hadalkaasi kamaan jawaabin maalintaasi. Haddaba, isla ninkii ayaa maalin
dhawayd ila soo hadlay. Wuxuu ii sheegay in aanu arrinku ahayn siduu
maalintaasi u malaynayey, wuxuu yidhi “Saaxiib,
horta maalintaasi si fiican kuumaan aqoonin, laakiin imika wax badan ayaan
noloshaada ka ogaaday. Laba shayba waan ku khaldanaa, in qofka saboolka ah oo
keliyi uu tahriibo oo aan aaminsanaa iyo noloshaada oo aan sawir khaldan ka
aaminsanaa. Waxaan ogaaday in aanu bini-aadmigu isku qaab fikir ahayn oo
labadii ay hooyo wada dhashay kala aragti duwan yihiin” Waa sidaasi uu
saaxiibkay sheegay tahriibku kuma xidhna xaalad nololeed. Tahriibku wuxuu ku
xidhan yahay qaab fikirka qofka. Qayb gaar ah oo bulshadeena kamid ahi ma
tahriibtee, qayb kasta oo bulshadeena kamid ah ayaa tahriibta. Daraasadse
laguma sameynin weli dabeecadaha gaarka ah ee ay dadka tahriibaa wadaagaan? Way
fiicnaan lahayd haddii cilmi baadhis aqooneed lagu sameyn lahaa (Scientific
study), wax badan ayaa lagu ogaan lahaa.
Qurbaha
waynu wada jecelnahay. Jacaylka qurbaha loo qabo uunbay ku talax tageen
tahriibayaashu. Fikir khaldan oo qofka aragtida dheer aad u damqaya ayeynu
aamminsanahay “In qurbuhu uu janno yahay oo ka nolol wanaagsan yahay
dhulkeena.” Waddaniyad iyo dadkeenu na ismaba yaqaanaan. Waxaan hubaa haddii
dalalka reer galbeedku ay odhan lahaayeen waxaanu u baahanahay dad aanu
dhalasho siino oo aan dhalashada Soomaaliyeed dib u sheeganayn, inta tahriibtay
iska daaye inta magaalooyinka ku hadhay wax yar baa ka hadhi lahaa waayo
dhulkeena cid leh oo ku faanaysa ayaan jirin (no man’s land). Bal waxaad
sawirataa dhulkaagii oo abbaar ah, haddii ay dhir ka bixi lahayd aanay marnaba
diyaar u ahayn inay dhulkani ka beermaan oo cimilada iyo bay’adda Yurub ama
Ameerika uun ka baxayso. Saw waxaad sugtaa ba maaha inuu dhulkaagu noqdo
lama-degaan. Sidaas oo kale inta dhallinyaradeenu tahriibayso ha malaysan in
jiritaankeenu waarayo ama aynu faqri ka baxayno oo aynu horumar gaadhi doono.
Tahriibku
imika nolol raadsi wuu ka tagey oo wuxuu marayaa “Ma anniga sannadka kale
halkani iigu soo geli doonaa!” Tahriibku wuxuu ka dhashay nolosha Soomaalida ee
sal-guurtay. Wuxuu ka abuurmaa wal-bahaarka nololeed ee dhallinyarada. Ilaa
inta nolosha soomaalidu ay salka dhigayso oo ay noqonayso mid ay dadku ku
qanacsan yihiin, tahriibna waa jirayaa. Ninkii raba tahriibka inuu joojiyoow,
nolol soomaaliyeed oo lagu qanacsan yahay ayaa lagaa rabaa. Qaab-fikirka dadka
kartidii badeli lahayd ayaa lagaa rabaa. Qorshe ay dadku tahriibka kaga
baaqsadaan baa lagaa rabaa. Waxaa la inaga rabaa inaynu abbuurno nolol. Haa,
nolol dhaanta tani laga tahriibay baa la rabaa.
Sannadkani
wuxuu noqday sannadkii loogu tahriibka badnaa abidkeen! Magaaladda Boorame oo
aan imika ku noolahay, guri kasta hooyo ayaa wer-wer seexan la’ ama ka
barooranaysa. Hooyadaasi ayuu qalbigaygu la jiraa, iyadaa noloshani ku
goblantay. Wuxuu dareenkaygu la jiraa hooyadii agoonta korisay. Noloshooda bacadka
u fadhiisanaysay, waxbarashadoodii ku dadaashay ilaa heerka Jaamacaddeed. Kii
ay Jaamacadda ka saartay sannad markuu shaqo la’aa, isna u adkaysan waayey bacadka
ay hooyadii fadhido dabadeedna isagoon meelna wax ku ogayn habbeenka madoow
tahriibay. Markii Liibiya la gaadhsiiyey ayaa reerkii lagu yidhi 3000 oo dollar
soo dira. Wax hantiya guriga ay ku jiraan bay leeyihiin. Gurigii ayey rahmeen,
markaasay hooyadii ku tidhi inankii kale oo isna dugsiga sarre dhiganayey,
orodoo lacagta u dir walaalkaa. Deedna, muxuu sameeyey bay kula tahay? Laba
habbeen markii war laga waayey ayaa lasoo sheegay inuu Addis sii marayo.
Lacagtii walaalkaa u dir lagu yidhi ayaa ku baxay? Aax! Hooyadani ayuu
qalbigaygu la jiraa! Waa maxay habaarkani?
Wuxuu
qalbigaygu la jiraa hooyoo kasta oo sida anniga hooyaday tahriibka ilmaheedu uu
farxaddeedii nololeed la tagey. Haddii isagu uu seexdo iyadu aanay seexanayn.
Hadday isaga noloshiisu tahay Yurub, iyada nolosheedu ay isaga badbaadadiisa
tahay. Saw maaha nimmaad dhashay kuma dhalin!
Nin saaxiibkay ah oo walaalkii tahriibay ayaan tahriibta kala
sheekaystay, Wuxuu igu yidhi “Annigu si kastoon nolosha dalkeena aan uga
deyriyo, waxaan markasta u baqaa hooyaday. Haddaad wax kale u tari weyday ma
farxaddeeda ayaad wer-wer ugu badeli baan is idhaa. Walaahi, intey hooyaday
nooshahay iyada darteed baanan u tahriibeen.” Labadaasi ba hooyo qudha ayaa
wada dhashay!
Raggoow,
xil baa guudkeena saaran. Xil ah inaynu ummaddeena tahriib ka baajino. Waxani
looma adkeysan karo. Dhallintii oo socota, dawladdii oo aan talaabo wax lagaga
qabanayo la imanin, dadkii oo aan u aabbaabulnayn inay dhallinyaradani socota
baajiyaan, urrada bulshada rayidka ah oo aan ilaa iyo imika ka hadlayn
masiibadan. Yaa la sugayaa inay
tahriibta wax ka qabato? Guri aan laga tahriibini wuu yar yahay, qoys aan
dhibaato ka haysani wuu yar yahay, xaafad aanay arrintani saameynin na majirto.
Haddana, cid ka hadlaysa maleh? Sawta qayladeena la yaabo markaynu siyaasadda
isku hayno. Sawtii aynu qaranka ku dumin gaadhnay mudaharaadadii siyaasaddeed.
Ma waxaynaan kala garaneyn sidday arrimahu u kala muhiimsan yihiin? Dhallintoo
tahriibta iyo doorasho qabsoomi wayda, ma doorashaa inala waynaatey oo aynu
qarankaba u dumin gaadhnay shalay? Waa marka qudha ee aan is idhaa malaha waaba
lagu saxan yahay dalka ay dadkiisu noocan u fikirayaan in laga suudalo! Meeye
odayaashii qabyaalada nagu dawakhiyey ee Salaadiinta iyo Cuqaasha sheegan jiray.
Ma dalqadooda uunbay u hadlaan waa kuwa marka siyaasi reerkooda ah kursi laga
qaado warbaahinta naga dawakhiyee. Hadday reerrahooga wax u tarayaan, reer
walba kumaanaan dhallinyarro ah ayaa ka baxayee miyey wax ka qabtaan. Bal ka
warama haddii reer weliba intuu is abbaabulo ku tashado ilaa kooga Itoobiya
deggan in la xidho inankii ama inantii la arko iyadoo tahriibaysa. Haba iska
yaraatee, waxaan hubaa inuu tahriibku yaraan lahaa. Waa dal iyo dad uu
ninkastaa ba hagraday. Waxaan maqli jirey dal ba’aw yaa ku leh? Cidna.
Waxaynu
u baahanahay in qof kastaaba uu xil isa saaro oo arrintani wax ka qabashadeeda
wax iskaga tiriyo oo aan xukumadda uun lagu eeddaynin. Ugu horeyn ba waxaynu u
baahanahay in qof kastaa kaalinta uu bulshada kaga jiro iyo wacyi-gelinta
tahriibka isku xidho. Macalinku iskuulka wacyi-gelin haka bilaabo, Askarigu
saldhiga wacyi-gelin haka bilaabo, Sheekhu waa inuu masjidka kaga hadlo
tahriibka iyo dhibtiisa, waalidku ubbadkiisa ha wacyi-geliyo, urrarada bulshado
ha la yimaadeen qorshe tahriibka lagu joojinaayo, Xukumaddo ha diyaarsato oo ha
fuliso qorsheyaal cad oo la hubo inay abbuurayaan noloshii tahriibka lagaga
joogsan lahaa. Waan ogahay in nolol cusub la abbuuraa wakhti ayey u baahan
tahay. Wakhtigay doonto hadday qaadanayso, waa in hawsheeda la galaa. Waa in
aynu aamminaa in aynu abbuuri karno nolol aan laga tahriibin ee loo soo
tahriibo.
Waxaa
maanta ii daran,
In
aan daaro oolkii,
Ragga
iga dambeeyaa,
Ninba
dudub uu
kor
dhigi lahaa. (Abwaan Gaarriye, IHUN)
Qalinkii: Cabdishakuur Cali
Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Gobolka Awdal
Mobile:
4460167.