Pages

Tuesday, April 16, 2013

Sal-guurka Ku Dhacay Nolosha Soomaalida iyo Walbahaarka Nololleed ee Dhallinyarada


 Mararka qaar markaan isku keliyeysto, waxaan sawirtaa noloshii hore ee dadka Soomaaliyeed ku noolaayeen, waxaana maskaxdayda ku kulma dhawr fikir oo midba midka kale kasoo horjeedo. Runtii fursad umaan helin inaan ka soo waayo arko nolosha dadkeena Soomaaliyeed ee miyinimo sida reer guraanimada ama xoolo raacatinimada. Hase-yeeshee, dhadhankeedu igama madhna oo waxaan kamid ahay inta la kulantay nolol aan miyi iyo magaalo midna raacsanayn - burburkii dawladnimo ayaan la kowsaday, qaxoontinimo na waan ku koray. Meel dadweyne fara-badan degan yahay oo xero qaxoonti ah, aan magaalo lagu sheegi karina waan ku noolaa oo xoolo ayaan ka soofshay. Taasi waxay ahayd nolol aan reer magaalna ku noqon waayey, miyi noloshiina aan ku seegay. 

Markaan garaadsaday ee aan waxbarashada bilaabay ayey maskaxdayduna biloowday inay is weydiiso su’aalo aanay degdeg uga jawaabi karin. Garaadkayga kordhay wuxuu sidoo kale igu soo kordhiyey in maskaxda ay ku kulmaan afkaar aan is qaadanayn, markaasay mararka qaar igu adkaataa mid aan ku go’aan qaato. Markasta oo aan xaaladani ku suganahayna waxaan xasuustaa tuduc kamid ah maanso uu tiriyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), wuxuu yidhi:

“Qofaf iyo qof baan ahay,           
Isku wada dhex qoofalan.”

Waayadan dambe na, xaalku halkii waabu kasii kordhay oo markii hore dhibtu afkaar is-diiddan iyo isku buuq maskaxeed ayey ahayde, imika waxaan gaadhay heer xaalada nololeed ee dadkeena aanan marna ba ku farxin (I hated status quo), han nololeed iyo habrasho ummadeed ayaan kulansaday. Hawlgal kasta (Mission) oo aan fuliyo iyo himilo kasta (Goal) oo aan gaadhaa ima farxad galiyaan, waayo waxaan ogahay in weli wax iga dhiman yihiin oo aanan weli hiraalkaygii ka dhabaynin. Waxaan ogahay in naftaydu mar kasta oo ay hankeeda hantido mid labaad hilaadinayso.

Nolosha reer magaalnimo ee bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan usoo taagnaa oo aan kaga quustey buuq, tacab aan faqri lagaga baxayn, ilbaxnimo diinta iyo dhaqanka suuban lagaga foogaado, dawladnimo ceebaysan iyo dadnimo dabiib u baahan. Waan ku garaadsaday, wax sii xumaanaya mooyaane, wax ka soo raynaya ma arko. Sidaas darteed baan had iyo jeer waxaan is weydiiyaa toloow ma ka biyo diidkan nololeed ayey awooweyaashayna nolosha ku dhameysteen? Markaan rog-rogay, waxay dhaafi wayday awooweyaasheen wixii ka horeeyey imaatinkii Saancadaalaha ama guumeysiga waxay ku noolaayeen nolol tooda ah oo aanay cid kale u yeedhin – qorshaheedaa ayey lahaayeen, aqoontooda ayey ku dhisnayd oo garaadkooda ayey ku maamulayeen. Hanka, himilada iyo hiraalku ba way koobnaayeen. Qofka xoolahiisa iyo beertiisa ayaa adduun u ahaa. Dadnimada iyo sharafta ayaa lagu dhiman jiray. Qof kastaa ba kartidiisa iyo caqligiisa ayuu ku xisaabtami jiray. Wixii adkaada Alle ayaa loo dayn jiray. Waxaabay nolosha oo dhan ku soo urrursheen in “Wixii rag u kaco, rabina aqbalo ay rumoobaan”. Noloshaasi isku filnaanshaha gaadhay ayey awooweyaasheen ku noolaayeen. Waxaad markaa qiyaastaa in kolay ay inaga farxad iyo badhaadhe badnaayeen oo guul-guulka naftu uu ku yaraa. Noloshaasi waxaan sawirkeeda arkaa markuu Axmed Mooge, Alle ha u naxariistee ku heesayo:

“Canabbeey sidaan rabo,
Cirkoo wada darruuriyo,
Daad caddaana keenoo,
Kugu baanin cad-ceedduba.                                
Dhulku uu cagaariyo,
Cosob raaga leeyahay.
Cuudkuna inoo dhalay.
Dhallinyaro ciyaartiyo,
Caddo-loolka fiidkii,
Ku caweyso sheekada,
Cimri haysku keen simo.

Ninka intaasi heesta ku xusan isla hela, adduunka kale waxba uma oga. Awooweyaasheen, iyagoo noloshooda iyo islaamnimadooda ku qanacsan ayuu macaamilkii islaamnimo ee inaga dhaxeeyey dunida muslimka ahi abuuray goobo cibaado iyo ganacsi. Kuwaasoo markii dambe noqday magaalooyin waa weyn. Dadka intii nolosha miyiga ka caydhoowday waxay nolol ka soo raadsadeen magaalooyinkii cusbaa. Iyadoo ninkii magaalo ku nooli uu ahaa nin nolol miyi ka soo dhacay.  Waxbarashadii diimeed ayaa bilaabantay. Waxaa sii xoogeystay macaamilkii nololeed ee dhinaca ganacsi ee aynu dunida kale la lahayn. Awooweyaasheen, waa raggii Ingiriis oo xiligaas adduunka u taliya oo dhulka uu xukumo aanay cadceedu ba ka dhicin ku yidhi doontaasi aad saaran tahay kama degi kartid, waxaad rabto sheeg? Ee weliba ka saxeexay dhulkayaga kuma dhali kartid. Bal qiyaas, isla waynida ku jirtay iyo siday noloshooda ugu kalsoonaayeen.

Halkaas ayey nolol cusubi uga bilaabantay soomaalida. Markaas ayaa ugu dambeysay soomaali noloshiisa ku kalsoon oo ilaahay mooyaane cid kale aanay taladiisa lahayn. Ingiriis saancadaale muxuu ina baday? Han dawladnimo ayuu ina gashay. Markii taladu baahday ee ay Ingiriis gacanta u gashay. Wuxuu bilaabay inuu tiirarkii nolosha maalin ba mid kala dhantaalo. Caddaadiskiisii nacayb ayuu dadka gashay. Waxaa dadkii ku abuurantay dan guud iyo dawladnimo. Dadku may helin fursad ay ku sahamiyaan nolosha dambe oo qiirada gobonimo ayaa shidaysay. Aqoonyahankuna wuxuu ahaa in uu isagu wax baray iyo in carabta wax ku soo baratay. Aqoonyahankunu muu daraasayn dawladnimada iyo dhaqanka ummaddu siday iskula jaan-qaadi karaan. Dadkana qiiro gobonimo iyo soomaali wada-jirkeed ayaa shidaysay, siyaasigana Madax-bannaani hela oo madax noqo ayey ka ahayd. Dhaqankii xoolo raacatada ee xafiiltanku reeraha ka dhaxeeyeyna wuu jiray laakiin waxaa suuxisay qiiradii lagu jiray. Wixii rag u kaco, rabbina aqbalaa way rumoobaane, Soomaali xoroowday oo madax-bannaani hantiday. Markii qiiradii dawladnimo laga midho dhaliyey ayuu dhaqankeenii raacatada ee xifaaltanka qabiil salka ku hayeyna suuxintii ka soo miyirsaday. Halkaas ayey nolosha soomaalidu haddana mar labaad ka sal-guurtay. Dawladnimadii iyo dhaqankii ummadda ayaa isku fasaqmay. Qiimahii qaranimo ayaa la garan waayey oo qolo qoladii ayaa dadka kala waynaatey. Taasi waxay sababtay in wixii dadka ka dhaxeeyey ay iskugu awood sheegtaan - Sidii ay isku dagaali jireen markay xoolaha kala dhacayaan ayey isku dagaaleen, taasi oo dhalisay in la kala tago oo dawladnimadii halkaa ku dhaawacanto. Sidaas darteed, Soomaalida ilaa maanta qiimahii dawladnimo weli uma dhaadhacsana, waxaanay weli dugsanaysaa duliga qabyaaladda iyo qudhunka qabiilka.

Aabbeyaasheen na, waxay noloshoodii ku dhamaysteen qalalaase iyo qaxar. Waxayna adduunka ka tageen iyagoon mahadin dawladnimada. Maanta, innagu haddaynu nahay dhallinyarada ma aragno dawladnimo yididiilo nololeed ina galisa. Waxaynu aragnaa qabyaaladii ay aabbeyaasheen dawladnimada ku seegeen oo weli ina dhex taal. Waxaynu aragnaa dantii guud oo dayacan. Waxaynu aragnaa dal aanay dadnimo jirin. Waxaynu aragnaa dal laga shaqaysto aan loo shaqaynin. Waxaynu aragnaa dal daadihi la yidhi been. Waxaynu aragnaa dulmi iyo caddaalad-darro baahsan. Waxaynu aragnaa dawladnimo aan dawgeed lahayn. Intaas iyo wax ka sii xunba waynu aragnaa.

Sidaas darteed, qaarkeen way tahriibeen oo saxaraha iyo badweynta ayaa ku leedeen oo maydadkoodii ku duugan yihiin, qaarkeen qurbaha ayey ku doorsoomeen oo diinta iyo dadnimada ku xooreen, qaarkeen darxumo darteed ayey la waasheen, qarkeen na niyad xumo ayay maan-dooriye u isticmaalaan, qaarkeen waxay ku dayacan yihiin magaalooyinka iyo miyigaba markii ay addeeg waxbarasho iyo caafimaad waayeen. Qoladeena wax baratayna waxaynu iskugu jirnaa qolo ku milantay nidaamka khariban oo laabtooda ay jiifto xumaanta qabyaaladdu iyo qolo ka murugaysan waddaniyada aan jirin, nidaam-darrada dawladdeed ee jirta iyo dhibaatooyinka lidiga ku ah dawlad wanaaga ee bulshadeena ka dhex dhacaya. Qolada dambe waa qolada ku sifoowday “Ninka ugu il-dheer baa dadka ugu ayaan-darran”.

Maxaa Maanta Inoo Daran?

Waa marka kowaade, waxaa maanta inoo daran dhallinyarooy in ugu horeynba qof kasta oo innaga mid ahi meel kasta oo uu joogo uu horta isagu isa saaro masuuliyad shakhsiyeed oo ay ugu horeyso in aanu kamid noqon ama ka qayb qaadanin nidaam-darrada dalka ka jirta iyo waxyaabaha kale ee dawlad wanaaga wax u dhimaya. Waa marka labaade, in qof kasta oo dhallinyaro ah oo ka murugaysan sal-guurka nololeed ee ummaddeena ku dhacay uu bilaabo dhaq-dhaqaaq uu wax kaga qabanayo arrimahaasi sida inuu wax ka qoro, inuu dhallinyarrada wanaaga ku abaabulo, inuu ka hadlo arrimahaasi isagoo isticmaalaya warbaahinta, inuu kamid noqdo ama aasaaso urruro mutadawaciin ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyo wax kasta oo uu u arko inay bulshadeena ka saari karaan xaaladani khariban. Walaalayaal haddaynaan maanta ka shaqeynin inaynu arrimahaasi xalino, ogoow sida aabbeyaasheen ayeynu nolosha ku dhamaysan doonaa dawladnimo xumo, ubbadkeenu na waxay la kulmi doonaan walbahaarka aynu maanta innagu ku jirno. Haba-yaraatee, waa innaynu arrimahani xalkooga ka shaqaynaa oo ubbadkeenu na berito meeshaasi kasii anbo qaadaan.

Waxa maanta ii daran
Inaan daaro ololkii
Ragga iga danbeeyaa
Ninba dogob kor dhigi laa. 
(Abwaan Gaarriye, IHUN)

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Gobolka Awdal
Kala xidhiidh www.goodlawyer4.blogspot.com ama E-mail: awmuxumed@yahoo.com


Sunday, April 14, 2013

What Does Bar Mean in Legal Terms?

Written by: Abdishakur Ali Mohumed (Good Lawyer)

The first time that I heard the word "bar" was exactly my fresh year of the University. Adam Haji Ali, an influential Academician and Social Activist was the first person who introduced me the meaning of this word. But, Mohamed Matan, a prominent Writer and Researcher of Law discussed with me about this word several times and illustrated it on many ways.

The word “bar” can refer to the legal profession or all the practicing members of said profession in a national or a certain region. It is also the name of the railing which separates the spectators in a courtroom from the lawyers, judge, jury, and other personnel.[1] 

you ask the question, “What does bar mean in legal terms?” you need to know that another definition of “bar” is the bar exam. “Passing the bar” sometimes means to pass the bar exam. It also has a symbolic meaning that you are passing from observer to participant in the courtroom, so you are passing the railing, or bar, as you make the transition.

A bar association is a group of lawyers. This association can regulate the legal profession in their area, or just be a professional group that serves its members.  The bar association can also perform both functions.

The mission of a bar association is frequently described in the words of Roscoe Pound, legal scholar and dean of Harvard Law School from 1916 to 1936: "[To] promote and maintain the Practice of Law as a profession, that is, as a learned art pursued in the spirit of a public service—in the spirit of a service of furthering the administration of justice through and according to law."[2]

In Somaliland, There is Somaliland Lawyers Association (SOLLA) which is non-political, non-profit making human right(s) and legal professional association, which unite 90% of the Somaliland lawyers (SOLLA's profile 2009)[3]. But, this is same times interchangeable called as Somaliland National Bar Association by same legal professionals. This is what I called "the blind nomination" because all licensed lawyers are not registered as members of SOLLA as it is stated in SOLLA's profile and neither the assembly of SOLLA is declared this nor it is enabled.

The Bar Association is the central regulating body by which we can be assured that the legal profession is living up to the highest of ethical and legal standards. "Passing the Bar" in the legal profession means something different from walking by a drinking establishment.[4]

SOLLA is a voluntary private association of a large group of Somaliland legal professionals. It is private association since it is not enabled as public. It is legal professional association not lawyers association because all members of SOLLA are not lawyers in accordance with Somaliland Lawyers Act, since the act defines "lawyer" as "Any legal professional who has the practicing license". Yeah, all members are not practicing lawyers.

Positively, It may be called as "legal professional group bar association" and it may serve for its members. It has the same status of Somaliland Women Lawyers Association (SWLA).

All in All, I am greatly expecting that there will be Somaliland National Bar Association which will regulate the legal profession by promoting and maintaining the practice in law. I am also hopeful that SOLLA may be reshaped as national bar association, if it is restructured and enabled. the new leadership of SOLLA should work for this and I am very proud of/for their competence and commitment to make true this blind nomination.

Truly yours,

Abdishakur Ali Mohumed (Good Lawyer)
Judge, Independent Social activist and Legal Researcher.
Borame, Somaliland.

You can reach him here www.goodlawyer4.blogspot.com or awmuxumed@yahoo.com.

___________________________________________________________________
Foot note
[1] freedictionary.com
[2] Pound, Roscoe. 1953. The Lawyer from Antiquity to Modern Times. St. Paul,
Minn.: West.
[3] see here http://www.somalilandlaw.com/somaliland_lawyers_association.html
[4] When a Bar Is not for Drinking by Sharon Elrod / Law community

Saturday, January 26, 2013

Ma Waalna!!!

W/Q. Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)[i]
Haa, ma waalna! Dadku waxay yidhaahdaan “waa nin waalan”, adigu ba haddaad aragto muuqiisa waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo “wuu waalan yahay”. Waa nin laf weyn, hilboon oo buuran, qarqarka sare u wayn. Waa nin madoow midab ahaan, had iyo jeer weji furan oo dhoolo-cadeynaya. Waxay ugu yeedhaan “Dhako”, waa naaneys aan is idhi waxay ugu baxday madaxiisa weyn iyo tunkiisa xoogan dartood.
Laba casho ayaanu magaalada joognay, taag taagnida iyo daymadayada faraha badan ee uu mid ba jiho u jeedo annagoo wada joogna ayaa lagu garanayaa qariibnimadayada. Magaalada qofkii na arkaa ba warkayaga wuu hayaa; in aanu habbeen saddexaadkii magaalada soo galnay. Waxaanu la yaabanahay sida warkayaga lagu helay – waar toloow ma iddaacadahaa inaga waramay? Ayaanu dhawr jeer isa su’aalnay. Hudheelkii aanu ku soo dagnay, qaybtiisa wax laga cuno ayaanu ka qadaynaynaa oo magaaladda iyo horumarkeeda ayaanu falan-qaynaynaa inta dalabkayagu noo imanayo. Mawduucaasi waxaa noo weheliya, magaalada iyo sidii aanu ula qabsan lahayn. Iyadoo sahaydu-na nagu yar tahay ayaanu haddana u baahanahay inaanu guri kireysano, qalabaysano dabadeedna shaqaale qabsano oo sidaasi ku degno. Kharashka aanu sidanaa naguma filna, waxaana intaasi noo dheer asxaabtii iyo dadkii aanu isku magaalada ahayn ee magaaladan nagaga soo horeeyey oo iyaguna noo soo shaxaad doontay. Waxaanu isku canaanaynaa sahaydii  la nagu soo ambo-baxshay oo aanu Hargeysa kusoo isticmaalnay.
Laba rayi ayaanu ku kala dooddaynaa; waar innagaa ba cusuboo marti sooris mudane, waa maxay dadkani wax ina waydiinayaa? iyo kol haddii reer Hargeysa oo ogaa meesha aynu u soo soconay ba inaga calaf qaadeen, maxaynu ula yaabaynaa ardayda iyo shaqaalahan gobolka ku go’doonsan? Annagoo labadaasi rayi isku hayna ayuu marag-fur cadi albaabka hoolkii aanu ku qadaynaynay soo istaagay. Waa nin calal dugoobay dushiisa ka laalaadaan, kabo kala gedisan oo kala midab ahna gashan, Kuye “Madaxda waar bal wax uun keena!!” intaanaan jawaabin laakiin uu qof kastaa ba fahmay inuu qof waalan yahay, ayuu intuu dib u hakaday la soo booday “alla waar waa marti VIP ah, haddaa waan idin dhaafinayaa. Soo dhowaada!!!” af-kala-qaad ayuu haddalkaasi nagu noqday. Intaanu mar qudha is wada eegnay ayaanu qosol tacajaba ku wada dhufanay. Saaxiibkay oo I garab fadhiyay ayaa yidhi “Magaaladan waalnideeda ayaa ba cilmiyeysan.” Annigu se waxaan hoos iskula shawray sida kelmadahani jawaab ugu noqdeen arrintii aanu hadal haynay. Dadka magaalada nooga soo horeeyey ee noo soo shaxaad yimid, ma waxay garan waayeen inta uu ninkani waalani gartey. Iyamaa waalan dadka iyo isaga?
Cambaar kadib, annagoo meel kale marayna ayaanu ku soo baxnay meel uu taagan yahay ninkii waalnaa. Intuu dhoolacadayn nagu qaabilay ayuu yidhi “Haa saaxiibayaal, maanta waan idin dhaafshay. Waad cusub tihiine magaalada degga waynu wada joognaa”. Waxaan la yaabay sida uu nagu aqoonsaday iyo kelmadahani na raali-galiyey ee afkiisa ka soo burqanaya. Dhawr qof oo garab taagnaa oo hadalkiisa iyo taagnidayada ujeeday ayaa noo wada ishaaray inuu ninku waalan yahay. Waxaanay ogayn sida aanu ula dhacsanahay hadalkiisa. Akhriste, kelmadahaasi waxay I dareen siiyeen in qof kasta oo calalka uu gashan yahay uskag yihiin isla markaana googo’an yihiin aanu waalnayn. Hadday cidi dhulkeena ku waalato, indheer-garadkeena ayaa waasha - ninka ugu il-dheer baa dadka ugu ayaan-darran, wax aan lala arkayn baa isaguun u muuqdoo.
Dad badan oo aynu waalni bidayno ayaa inaga akhlaaq wanaagsan, inaga asluub wacan oo inaga caqli wanaagsan. Qofku hadduu waalan yahay maaha inaynu tirsan wayno oo aynu dadnimada ka xoorno. Qofka waashay, innaguu innaga waashay, bulshadeena ayaa waashay oo waayaheena nololeed ayaa waalay.
Dhawr maalmood kadib ayaanu Dhako kulanay, isla hudheelkii iyo xiligii maalintii hore oo kale. Waa mar kale iyo yaabka yaabkiis, annagoo qaybta xisaabaadka ee hudheelka dul taagan ayuu  nagu soo baxay. Dhoola-cadeyn ayuu kugu soo dhowaynayaa, si ixtiraam leh ayuu kuula hadlayaa oo kelmadda ku raali-galiya ayuu kugula hadlayaa. Xaaji Janaale u eekaa oo uu garanayey ayuu ku yidhi “Xaaji innamadani way cusub yihiine, adigu qadada ii qaad” intaanu xaajigu ba jawaabin ayey inamadii hudheelka oo macmiisha raali-galinayaa kula soo boodeen “waar waxaagan waalani macmiisha ha naga eryine orodoo naga tag ama qado iibso”. Si ixtiraam leh ayuu u dib ugu laabtay. Haddana dantaa ha tegin ku tidhiyoo, dhinacayaga ayuu u soo jeestay “Saaxiibayaal haaf baasto ahi ma idinka go’aa? Mar qudha ayaanu afartayadu ba wada hadalnay “haa”.
Maanta ayaan ku idhi “waar ninyahow, maxaad magaaladda noogu soo dhowayn wayday” intuu aad u dhoola-cadeeyey ayuu yidhi “mar haddii aad magaaladda la qabsateen, waad iska casuuman tihiin, soo dhowayntuna ma yara.” Tudhaalahiisa ayaa soo dhoweyn noogu filan. Waxaad is odhanaysaa ereyga waalni si khaldan ayeynu u fahamnay. Waalnidu waa xanuun kamida xanuunada maskaxda ku dhaca, laakiin qof kasta oo maskaxda ka bukaa maaha qof waalan. Hadduu qofku isku buuqo ayeynu odhanaynaa wuu waashay. Mararka qaar qof kasta oo dantu hayso ayeynu nidhaahnaa wuu waashay. Iyadoo ay jiraan rag doora oo dantu ceeb u yeeshay, ceebtaasi yaynaan ka dhigin wuu waashay. Annigu Dhako iyo inta la midka ah waxaan leeyahay “ma waalna”.


Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Wednesday, October 31, 2012

Wacdaraha Awaal-tiris: Ugaasadu Meeday Heedheh?

 W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Ugaas boqran baad ahayde,
Irridaha noloshaad ahayde,
Ileyska dhulkaad ahayde,
Raggoow indho beelistaada,
Asaayo maxaa ka beermay?
Halkaad ku lahayd astaanta,
Maxaa ummal soo fadhiistay,
Maxaad qudcur soo af yeeshay?
Dantaada markaad illowday,
Bal soo tiri aafadaadda,
Wixii dhumay aynadkaaga,
Bal daawo inkaarahaaga!!!!!
 
                 -Awaal tiris, Hadraawi, 2010.
 
Intaynaan meel fog ba isla gaadhin, ugu horeyn ba aan ka afeefto in aanan qallinka u qaadan inaan soo gudbiyo maansada oo dhamaystiran. Uguma tallo-galin inaan qoro maqaal dheer, siddaad iiga barateen. Waa soo gudbin dareen aan ka qaatay maansadan iyo anigoo u arkay inay haboon tahay inaan qoraal ku muujiyo dareenkayga iyo fikirkayga ku wajahan maansadan cusub ee abwaan Hadraawi tiriyay.
 
Goobtu waa Imperial Hotel, Hargeysa. haddaanan khaldanayn waxay ahayd kowdii bisha Sagaalaad ee sannadkii 2010ka. Waa madal kulmisay hal-abbuur dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba ka caan ah. Madashani waxay kaloo kulmisay dhalinyarro xul iyo xarriir ah, oo aan iyagu badanaa ba ka maqnaan munaasibaddahan oo kale. Waa kulan loogu tallo-galey in hal-abbuurku fariin cusub u gudbiyaan dhalinyarrada.
 
Hal-abbuurka habeenkaas martida loo ahaa waxay kala ahayeen M. I. W. Hadraawi, Xasan X. Cabdillaahi (Ganey) iyo Axmed Aw Geeddi. Ma kala dhacaan oo saddexdu ba taariikh iyo kaalin wayn ayey ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda, taasina waxay sababtay inay il-yartu isku aragto goobtaasi.
 
Xiisihii habeenkaasi ayaa ila tagaye, aan ku soo noqdo dulucda qoraalkaygan oo ah Ugaasadu Meeday Heedheh?!!!! Waa beyd ka mid ah maanso cusub oo abwaan hadraawi tiriyay habeenkaasi, maansaddan oo la yidhaahdo Awaal tiris. Beyd qudha maahane, waa sheeko gogoldhig u ah maansaddan. Abwaanku isagoo ka faaloonaya maansaddan cusub wuxuu yidhi “Maansaddan Awaal tiris waxay ka hadlaysaa xaaladda maanta jirta…….maansaddani waxay mudduci ku tahay ragga. Been maahee, waa xaqiiqo jirta, dadku sidaa suu rag iyo dumar u lahaayoo, yar iyo wayn u ahaa. Qof waliba kaalin buu lahayoo, qof walba xilkii saa qofka kale ku jeclaa. Ooridu ninkeega waxay ku jeclayd ragganimada, gudashadda kaalintiisa iyo inuu yahay hogaamiyahii qoyska. Ninku marwadiisa wuu ku dhaadan jiray-haween baa rag is dhaafshay…… gabadhu xilka guriga iyadaa badanka haysay 75%, gurigay joogtayoo, ubadkay haysayoo, oo haddii ilaahay ka dhigo maamulkay haysay, iftiinka iyo nuurka noloshay ayey ahayd.
 
Raggii baa kaalintiisii ka baxay, aan afeefto layskuma jiree, mar walba inta badan ayaa xun’e. maansaddani cidda ay karbaashayso ee ay dacwaynaysaa ragga weeyi, maaha wax aan la jeclaadaye, waa xaqiiqada ka jirta maanta inna rag.”
 
Toloow, Hadraawi muxuu ragga u karbaashay? Raggu waa suldaanka nolosha adduunyo, duubka hoggaamintana iyagaa la saaray, noloshii hore ee awoowoyaasheen ku noolayeen, ee Hadraawi laftirkiisuba soo gaadhay, waxay ahayd nolol dhamaystirran oo qof kastaa ba doorkiisa ka soo dhalaalay. Nolol tacab iyo karti ku dhisan ayay ahayd. Waxay lahayd mabaadi’I (principles) nolosha saldhig u ahaa kuna saleysnaa dhaqanka suubban iyo dhaqaalaha ummadda. Hadraawi isagoo noloshaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan soo gaadhay, ummaddeena oo bulsho ahoo, nolosheeda ku filan. Dhaqaale lahoo, dhaqaalahii ay lahayd dhaqanka waafajisay. Saddex qodob nolosheedu cuskan tahay aqoon, anshax iyo tacab, saddexdaa shay waafajisay dhaqaalaheega. Waxaan soo gaadhay iyadoo dhaqaalahu ahaa xoolo, dhaqaalahooguna ka xoog wayn yahay baahidooda, caano ayay dhami jireen labada wakhti, wuxuu dhiman jiray isagoo ilkihiisu cad cad yihiin, oo wax uu ku calaliyay ba aanu jirin, noloshaasi waxay ku dhisnayd tacab……. Ummad isku filanoo, iyaduna xilkeegii ka soo baxdayoo, tidhaahda wixii la arki jirayna waxoogaa laga akhristaa, wixii aan la arki jirina min subxaanalaa laga akhristaa!!. Oo nolosheedda sidaa gacanta ugu qabsatayoo, wixii awoodeeda ka baxsana ilaahay u cuskata, ayaan anigu soo gaadhay”
 
Haddii ay nolosha bulshadeenu caynkaas ahayd, maxaa maanta isbeddelay? Waxaa isbeddelay, kaalinta uu raggu nolosha ku lahaa ayaa meesha ka sii baxaysa, ina-rag badankiisu kaalintiisii ayuu gabay. Geed cagaaran oo dhadhankiisu qadhaadh yahay, oo wahsi iyo caajis abuura, oo waliba dhaqaalaha qoyskana u daran ayuu raggii meherad ka dhigtay. Isaga la’aantii ma shaqayn karo, markuu cunana wax kastaa way u sakhriran yihiin, isagoon hawshii qabsan ayuu seexanayaa, markuu soo toosana waa kan leh dee qaad la’aantii yaa shaqayn kara? Raggii maanta xaalkaasi ayuu ku sugan yahay. Dumarkii ayey tallo ku caddaatey xilkooggii iyo kii raggu baylahsheen ayaa iskugu biiray, waxaa timid in ay gabadha reerku labaddii xilba dusha wada saarato, suuqa ayay galeysaa bal si ay caruurta quud uga soo hesho. Kolay jaad iyo maqaaxi oo ah halkay raggu ku lumeen, ayey iyaduna quudkii caruuurta ka raadinaysaa, markaasuu kaaga sii darane, isagii anfaacigii uu cunaayey iyo tamashleyntiisiiba ka sugayaa gabadhii. Mar uu ka helo iyo mar uu ka waayaba, iyaduna waxay u raacisaa odhaahdan maansadda ku jirta oo kale.
 
Ufiyo bacad baan fadiistay,
Anfaaciga aad cunayso,
Ilaaqda raggaan ku keenay,
Waxaan u adkeystay maagid,
Amaahiyo qaylo joogta…
 
Hadal iyo dhammaantii, aan soo qaato dhacdo ka tarjumaysa xaalada maanta ay qoysas badani ku sugan yihiin. Dhacdadani waxay daaha ka rogaysaa sida kaalintii ragga ee qoysku u baylahsan tahay. Waxay kaloo ka markhaati kacaysaa culayska iyo ciilka dumarku ay kulansadeen. Dhacdadan waxaa ka sheekeeyay abwaan Hadraawi, maaha mid aan anigu mala’awaalay ama hal-abuuray. Waxaanay ku xusan tahay Maansadda dhexdeeda.
 
Gabadh baa jirtay magaaladan, nin baa qaba, ninkaasi shaqada uu hayaa waa qaad cunista. Maalin oo dhan qaadkaasi (uu cunayo) iyo siyaasadaasi (uu hadal hayo) ayuu camal ka dhigtay. Dabadeeto, iyadana waxaa qasab ku noqotay inay labaddii xil keegii iyo kiisii ba wadda gudato. Marna suuqa ayey fadhidaa, dhuxusha, caanaha ama wax la mid ah ayey iibinaysaa, marna waa ta guriga joogtee ubadkii yar yaraa quudka siinaysa. Intay maqan tahayna ubadka yar yari, furad bay heleen inay kadinka boobaan, oo waxay doonayaan iyo siday doonayaan yeelaan…… guriga inan baa u weyn, Ugaaso ayaa la yidhaahdaa, waa currada reerka, ninku markuu yimaado ooridu lama hadashee, inantaasuu u yeedhaayoo, dabadeedna wuxuu yidhaa “Gogol ii keen” markay gogoshii u keentana wuxuu yidhaahdaa “Shaahii bigeyska ahaa ee qaadka, ii soo kari”.
 
Maalintii danbe isagoo toddobaad maqnaa ayuu gurigii soo galay, oo caruurtii yar-yarayd iyo qofkii dumar ahayd wada fadhiyaan, waa la fooraraa, hadal ma jiro, waa la murugaysan yahay. Dadkii buu u fiirsaday, kolkaasuu yidhi dee dadkan maxaa helay? Marna xasuusan maayo, waxa guriga ka jira inuu isagu masuuliyadeeda leeyahay, goor danbuu yidhi “ Ugaasooy…Ugaasooy” inantii buu u yeedhay, u jajabnayd ee u keeni jirtay gogosha iyo shaaha. Ways haysan kari wayday hooyadiiyoo intay istaagtay bay tidhi:-
 
Ugaasadu meeday heedheh?
Dorraato miyaan la aasin,
Miyaan kafan loo amaahan,
Miyaan axan loo yaboohin,
Markii arragaa la waayey,
Miyaan jinku qaylo oogsan,
Miyaan insigii gadoodin!!!!
 
Guntii iyo gebogabadii, waxaan filayaa inaad ila wadaagteen dareenka naxdinta leh ee dhacdadaasi, runtii intayadii meeshaasi joogtay waanu dareenay dareenkaasi, intiina maqaalkan akhridana waan filayaa inaad dareenteen naxdin iyo amakaag.
 
Abwaanku si farshaxnimo leh ayuu uga hadlay kaalinta ragga ee banaanaatay, allaylahe wuu karbaashay, haday wax ku qaadanayaan. Ma is tidhaahdeen cadowga jiritaanka qoysku waa qaadka? Dabcan, haa!! Mar hadduu dhacdadan oo kale sabaabayo.

Saturday, October 20, 2012

Hees Hawleed Ka Curatay Qoraalka Mujaahid Boobe


Bismilaahi

Markii aan akhriyey taxanihii Cabdiraxmaan Aw Yuusuf Ducaale (Boobe) ee cinwaankiisu ahaa: Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii, ayaa waxa ii soo baxday shakhsiyada Boobe oo aan markii horaba wax ka malaynayey.
Kadibna waxa igu soo dhacday hees-hawleedan yar oo ka dhalatay dareenkayga oo godladey- hiilna u ah dadka xariirta ee dalka iyo dibadaba ku nool ee ka xaragooda kana xishooda; in ay xilka loo dhiibo xoolo ku doontaan!

Waxay heestan yar oo ka mid ah hees-hawleedda tibta iyo mooyaha ee ay haweenku isku maaweeliyaan marka ay hadhuudhka laba tiboodinayaan, dhexmartay laba hooyo oo la kala yidhaahdo; Xaliimo iyo Xaadsan. Waxayna soo baxday, 19kii Oktoobar 2012; waxayna leedahay oo ay ku bilaabantay:
 
Fiiro gaar ah: Heestu waxay u dhacaysaa si darandoorri ah, waxana hooris u ah ereyga: Hiyee oo ah tib-la-dhaca lagu yaqaanno heeshawleeda noocan ah- mar kasta oo aad sadar akhridana ku darso ereygan, Hiyee- lana soco fadlan sida ay talantaalli ahaan u kala qaadanayaan haweenku
 
Xaadsanee xalay waxa la yidhi

Hiyee
 
Xantiyo xuuraanka jira
 
Hiyee

Eddooy Boobaa xil nacay

Hiyee
 
 
Xabiibtaydii rumaad
Hiyee
 
Xaliimooy ii wadoow
Hiyee
 
Xaggee laga raacay bay
 
Hiyee
 
Xisaab ku raaciyeen?
 
.................
Xariir buu huwanyahoo
Hiyee

Xajiintuu diidayaa
 ......................
Eddooy muu xoogsadoo
xatooyo bilaaba oo
xilkiisa ilooba oo
xafiiska waxaasi yaal
xaraash ugu jiida oo
xaaskiisa masruufta oo
xiniin iska daayo dee
 .........................
Eddooy xil ninkii sidee
xaaraanta ku raamsadee
xisaabta dambaysa iyo
xabaasha iloobayaa
 xadiiska miyaanu dhigan?
 .................................
Eddooy nin xishooday iyo
ninkii xumo diidayaba
Miyaan xil u dhiibanaa?
 ..............................
Eddooy ninka xaabsadee
dadweynaha qalin xada
xisaabtii aakhiriyo
xaqoo laga gooyo iyo
Xabsaa lagu tuurayaa
 ..............................
Eddooy kuwii hore u xaday
agoonta xaqoodii cunay
Miyaan xil ku aaminnaa?
 ..................................
Eddooy taa waxan idhi
Ma xuunshadii waxad tihiin
Halkii laga xooray iyo
xisaabta mooganayd?
 .....................................
Eddooy xaj ninkii tagee
xumaanta ka dhawrsadiyo
xalaal ninka raamsadaa
siday xaaska u korshaan?
 ....................................
Eddooy adigoo xabuu
Ilaahay kuu xumay
waxaad ifka xaabilayd
adoo xuurtoomay iyo
Adduun xoog laguma helo
ee xaq baa lagu raadsadaa
 ..................................
Eddooy taa waxan ka idhi
ninkaan reerkii xurmayn
xisaab odayaasha siin
Xil muu sii haynayaa?
 .........................................
Eddooy kii xaasidee
xumaanta ku dhiiraniyo
xisaabba mid aan aqoon
haddaad xoodaamisaan
xogtiina u dhiibataan
xagguu idin geenayaa?
 ..............................
Eddooy taa waxan idhi
Ninkaan xilligiisa garan
xariifnimo aan ku darin
tab iyo xeel aan aqoon
xilkaa laga tuurayaa!
 ................................
Eddooy taa waxan idhi
Xariir waa loo dhashaa
Xumaha waa laga durkaa
xalaashaa lagu dhintaa
oo dhabbaa loo xoogsadaa
 .......................................
Eddooy Boobaa xil nacay
sidii ina Xaashi buu
Qabiil lagu xoogsadiyo
xumaan ka sareegtayoo
xagxashuu neceb yahoo
xilkiisa waxaan ahayn
iyo Xajiintuu diidayaa
 ..............................


Eddooy Boobaa nacay
dirkii ina Xaashi iyo
Xariir baa la unkoo
Xumaantuu diidayaa!!!
 
Mahadsanidin dhammaantiin
 
Cabdullaahi Maxamed Cumar
 

Thursday, October 18, 2012

MAANSO: DHUUXII - SHAHIIDKA

Abwaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi (Oday)
Maansadan waxa la yidhaa (Dhuuxii – Shahiidka) waxay soo baxaday 18/May/2012
Waxaanay ka hadalaysaa Sooyaalkii Taariikheed ee loo soo Maray J.S.L. iyo Dhibaatadii Naf hurisata ahayd eee Mujaahidiintii Xaq-Udirika S.N.M u sooo galeen Dib u Xorayntii qaranka Dalaka, Hlakay maanta Joogto.

Dhuuxii shahiidkiyo
Dhaxalkii SNMeey
Dhiigii jihaadkiyo 
Dhalintii idlaatiyo
Intii hooyo dhimatiyo
Dhaawacii dadkaygaay
Sida dhamasta geedaha
Ama laamo dhaadheer
Dhosoq iyo madheedhiyo
Dhabigii ka beermaay
Haddii aan dhadhaarada 
Dhinicooda lagu xidhan
Oon dogobyo dhumuc wayn
Dhahar guusha hoorsaday 
Aanu dhoosha kaga qaban
Gool maynu dhalineen
Guusha maynu dhicineen
Abwaanadu ma dhidhiyeen
Dadkuna may dhagaysteen
Moorgan dhagarihiisiyo
Dhaqankii siyaadiyo
Faqash lama dhirbaaxeen 
Cadow lama dhaqaajeen
Marna lama dhufaaneen

*****************
Dhuuxii shahiidkiyo 
Dhaxalkii SNMeey
Dhudhunkii jihaadkiyo
Dhacdadii adkaydiyo
Dhasaloolkii baahaay
Muddo waxaan dhiniinixa
Sidii aar la dhaawacay
Miciyaha is dhaafshoon
Dhoolaha sifaystaba
Maalintay dhanaankiyo
Dhakafaarka joogtee
Madaafiicda dhuugga le’
Dharaar laysku soo baxay 
Geed aad ku dhabbartiyo 
Meel aan dhufays jirin
Waxyeelada dhacaysiyo
Cadowgaagu dhoomaha 
Afartaada dhinac jiro
Ee dhaawacaagana
Meel aad ku dhaxastiyo
Aanay jirin dhanbaaloow
Dhanka Eebe mooyee
Meel aad ku dhababtaa

*****************
Fule wuu dhiqleeyaa 
Nafta wuu la dhoolaa
Wuu dhababaceeyaa
Dhaqashada adduunkiyo
Dhuuniguu jeclaadaa
Dhimashadu xaqweeyee
Naxdintuu dhadhamiyaa
Toban saniyo dheeraad
Dhaxantiyo habaaskiyo
Dhidarada wax qaatiyo
Maska dhumucda wayn iyo
Inta dhimasho keentiyo
Inta dhaawac sababtiyo
Inta noole dhawashiyo
Inta halista dhididiyo
Inta layska dhawriyo
Kol ay tahay dhibiijada 
Dhaaxaad la noolayd

*****************
Intii guusha dhalisiyo 
Intii calanka dhidibtaay
Wayne haydin dhawree
Waa dharaaro duniduye 
Dharabyaalka naartiyo
Dhohandhoha qiyaamaha
Rabi yaanu idin dhigin
Intii dhimatay mawloow
Jannadaada dheeha leh
Dhexfadhiisi Eeboow

*****************
Calanyahow dhamayskii
Dheeldheel kumaad iman
Maxaa dhiig laguu qubay
Maxaa dhagar laguu galay
Maxaa dhaadad kugu maqan
Dhallinyariyo waayeel
Iyo geesi dhilan baad 
Dhamaysoow ku joogtaa
Maxaa maal la dhiibiyo 
Kugu maqan dhamaysoow
Hanti aan la dhaadayn
Waligaa ha dhicinoo
Calanyahow dhisnoowoo
Ha dhantaalmin abidkaa

*****************
Waa tii dhammaantood
Beelaha dhulkaygani 
Burco dhoomaheeda
Lagu dhaabadeeyee
Dhismaheeda lagu shiray
Heshiis waxay ku dhaafeen
Mar haddii dhibaatiyo
Dhag-xumooyin iyo ceeb
Uu dhalay israacii
Dheehadii halawdiyo
Maandeeqdii dhacantay 
Dib u soo dhawoowiyo
Dhawaaq mida ku sheegeen
Somaliland dhaha
Dhugatiyo xannuun iyo
Gofaniyo dhunkaashaba
Waa inaad ka dhawrtaan

*****************
Booramana dhexdeediyo 
Waatii dhabcaaloow
Awdal lagu dhameeyee
Nabad seeska loo dhigay
Dabadeed waxa dhacay
Doorashooyin dhawroo
Aan kala dhacaynoo 
Mid waliba dhamaystay
Intaasoo dhigaygiyo 
Afrikaan is dhinacyaal
Marna aan ka dhicin baan
Dhibyaraan ku helayoo
Rabi ii dhameeyoon
Kaligay dhitaystee
Yurub iyo Ameerika
Kaftan aynu dheelee
Runta maad dhadhamisaan
Wixii shuruud la ii dhigay
Waan ka soo dhalaalee
Maad dhaanis wacan iyo
Dhaanto ii garaacdaan

*****************

Iyadoon dhugtaaliyo
Aanay laba is dhaawicin
Xilkuu dhigay Rayaaluu
Siilaanyo dhaarsaday
Waxan aan dhagtagiyo
Dhawaaqiisa sugayaa 
Ictiraaf dhamaystiran.